Skip to main content

Tuesday 10 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Xuseen Tansaaniya: Mutacallin Waxqabad Dhaxalgal ah ka tegay

13 July, 2025
Image
Xuseen Tansaaniya: Mutacallin Waxqabad Dhaxalgal ah ka tegay
Share

Xuseen Maxamed Aadan "Tansaaniya" waxa uu dabshidkii 1943 ku dhashay magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya, halkaas oo uu tacliinta asaasiga ah ka bilaabay. Waxa uu shahaadada koowaad ka qaatay jaamacadda Princeton ee dalka Maraykanka isaga oo diyaariyey maaddada Xidhiidhka Caalamiga (International Relations), oo ah laan ka mid ah cilmiga siyaasadda. Dabadeed waxa uu ku soo noqday Afrika si uu u sii dhammaystirto geeddiga tacliinta. Waxa uu shahaadada labaad ka qaatay jaamacadda Makerere ee dalka Yugaandha, oo waayadaas lagu naanaysi jiray, Haadhfaadha Afrika (Harvard of Africa), ama Okosfoodha Bariga Afrika (the Oxford of East Africa). Tiisadiisii jaamacadda ee sannaddii 1968, waxay daarannayd caqabadaha ka jira hirgelinta iyo horumarinta far Soomaaliga, iyada oo loogu wanqalay: "A Nation in Search the Script: the Problem of Establishing a National Orthography for Somali." Kolkii uu shahaadada labaad dhammeeyey, waxa uu dib ugu laabtay carriga Maraykanka isaga oo jaaamacadda macruufka ah ee Harvard ka diyaariyey shahaadada sare ee PhD (waxa uu noqday Soomaaligii ugu horreeyey ee PhD ka qaata Harvard). Kolkan waxa uu si gaar ah ugu takhasusay farac ka mid ah cilmiga siyaasadda oo la dhaho, is barbardhigga siyaasadda (comparative politics). Tiisadiisii ditooraada waxa uu ku qaatay Fraantz Faanon oo ahaa aqoonyahan nafeed iyo mintid imbiriyaaliyaddiid ah. Ciwaanka tiisadu waxay ahayd: "The Social and Political Thought of Frantz Fanon." Waxa ay dersaysay fekerkii bulsheed iyo siyaasadeed ee Faanon. Jaamac Muuse Jaamac oo ah tafaftiraha buugga lagu sharfay Xuseen Tansaaniya ee la dhaho, "Hussein Mohamed Adam 'Tanzania' in Honour of an Extraordinary Scholarship", ayaa waxa uu wayddiiyey Xuseen Tansaaniya su’aal ah haddii uu jiro buug qaabeeyey socdaalkiisii waxbarasho iyo qofeed. Si aan ka leexleexad lahayn waxa uu ugu warceliyey in buugga noloshiisa qaabeeyey uu yahay buugga uu qoray Faanon ee la yidhaahdo: "The Wretched of the Earth/Looma'ooyaan." Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ay muddo dheer jaal ahaayeen, sida uu tilmaamay Xuseen Tansaaniya waxa uu ahaa nin horusocod ah oo ka tirsan dugsiga Faanoon (Fanonian School of Thought), oo ah dugsi seeskiisu yahay in la fahmo eelkii gumeystaha iyo saameyntii nafsadeed iyo bulsheed ee uu inagaga tagay, iyada oo ujeedku yahay in la xorroobo, oo heeryada gumeysiga jaad walba oo ay tahay la iska tuuro. 

Xuseen Tansaaniya waxa uu ahaa nin mabda' ahaan aaaminsan in aqoonta loogu adeego ummadda, oo horukac dhan kasta ah lagu gaadhsiiyo. Mabda'aas isaga oo ka duulaya, waxa uu Soomaaliya yimi gu'gii 1974, isaga oo qayb lixaad leh ka geystay dedaalladii casriyeynta ee dalka ka socday. Intii uu Soomaaliya joogay waxa uu macallin ka noqday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna seeska u dhigay Waaxda Culuumta Bulshada (Social Science Department), oo uu madax ka ahaa sannadihii 1974-1987, isaga oo gacanqabtay waxna baray facyaal Soomaali ah. Dalku maadaama uu ahaa 'horusocod', waxa uu isku dayey in uu Soomaaliya ku xidho Dunida Koonfureed iyo indheergaradkii fekerka horusocodka calanka u siday. Cali Jimcaale Axmed (2021), waxa uu sheegay in Xuseen Tansaaniya uu Soomaaliya keenay aqoonyahan horusocod ah oo Afrika si weyn macruuf uga ah. Ragga uu keenay waxa ka mid ahaa: Walter Rodney, oo ahaa taariikhyahan Gayaaniis ah, waa ninka qoray buugga Dunida Koonfureed caanka ka noqday ee la dhaho: "Sida Yurub u Dib Dhigtay Afrika/How Europe Underdeveloped Africa." Waxa kale oo ka mid ah Mahmood Mamdani oo si weyn wax uga qora, sida uu gumaystuhu Afrika u xukumay. Waa aqoonyahanka qoray buugga hirgalay ee la magacbaxay; "Citizen and Subject: Contemporary Africa and the Legacy of Late Colonialism." Sida oo kale waxa uu keenay Issa G. Shivji oo ah qoraa iyo khabiir ku xeeldheer sharciga.

Dadaallada iyo waxqabadyada geed-ka-go'anka ah, Xuseen Tansaaniya isaga oo sii ambaqaadaya, waxa uu dabshidkii 1979, magaalada Muqdisho ku qabtay shirkii saddexaad ee Machadka Cilmibaadhista iyo Horumarinta ee Fraantz Faanon. Machadka fadhigiisu waxa uu ahaa magaalada Los Angeles, carriga Maraykanka. Waxa shirka ka soo qaybgalay marti ka kala socota; Maraykanka, Kiribiyaanka, Banama, Kiiniya iyo Tansaaniya. Shirku waxa uu taabanayey guulihii lagu xaqiijiyey dhaqangelinta nidaamka hantiwadaagga, waxana lagu lafaguray kaalinta dhaqanka, fekerka iyo luuqaddu ku leeyihiin isbeddelka bulshada. Shirkani waxa uu Soomaaliya ku xidhay dalalkii bidixda ee waagaas jiray, waxa uuna sumcad weyn ka helay indheergarad badan oo qaaradeed, waxana Soomaaliya loo aqoonsaday dal ay ka go'an tahay horusocodnimadu. Xuseen Cabdillaahi Bulxan isaga oo Xuseen Tansaaniya ka warramaya waxa uu yidhi: "Xuseen nin shaqo ayuu ahaa. Indheergarad ay u raacdo shaqo, oo isbeddeldoon ah, oo ay dhab ka tahay in dalka la horumariyo ayuu ahaa. Wuxuu ahaa nin bidix ah oo afkaarta bidixda waagii ay qiimaha lahayd aad danayn xooggan u siin jiray."   

"Xuseen nin shaqo ayuu ahaa. Indheergarad ay u raacdo shaqo, oo isbeddeldoon ah, oo ay dhab ka tahay in dalka la horumariyo ayuu ahaa. Wuxuu ahaa nin bidix ah oo afkaarta bidixda waagii ay qiimaha lahayd aad danayn xooggan u siin jiray."   

Afku waa tiirxoogga dhaqanka bulshada, si kale waa jiritaanka ummadda. Dr. Maxamed Daahir Afrax na (1952-2021), waxa uu ku qeexay: "Afkeenna Hooyo waa jiritaankeenna. Waa aayaha ubadkeenna." Haddaba, Xuseen Tansaaniya waxa uu aaminsanaa in afku yahay udubdhexaadka ummadnimada, sidaa awgeed waxa uu lixdannadii soo bilaabay dadaalladiisa ku aaddan in Soomaalidu hesho far-qoraal rasmi ah. Cilmibaadhistiisa, "A Nation in Search the Script: The Problem of Establishing a National Orthography for Somali" (1968), waxay noqotay tixraaca ugu muhiimsan ee deraasaadka Soomaalida, si gaar ah kolka la joogo walaaca daran ee luuqadda ku saabsan. Waxa uu sannaddii 1980 daabacay deraasad uu u bixiyey: "The Revolutionary Development of the Somali Language", oo faaqidaysay kacdoonka horumarinneed ee ay luuqadda Soomaaligu ku tallaabsatay. Xuseen Tansaaniya waxa uu qabay in waxqabadka ugu weyn ee ay dawladdii militarigu samaysay ay tahay qorista farta Soomaaliga. Buuggiisa "From Tyranny to Anarchy" (2004), wuxuu ku qoray: "waxqabadka ugu muhiimsan ee kelitalisnimada waxay ahayd wareegtadii lagu soosaaray in farta Soomaaliga lagu dhigo Laatiin, iyada oo ay xigtay ololihii tamarta badnaa ee akhris-qoraalka ee magaalooyinka iyo miyiga." 

Kolkii Soomaaliya sida foosha xun loogu soo jabiyey dagaalkii Itoobbiya (1977-78), Xuseen Tansaaniya waxa uu sannaddii 1980 sameeyey dhukumantari nuxur ballaadhan xanbaarsanaa oo la odhan jiray, "The Limit of Submission." Waxa uu lafagurayey silicii ka dhashay guuldarradii dagaalkii Itoobbiya, qaxii Soomaalida ku dhacay oo lagu qiyaasay wax ku dhow hal milyan oo ruux oo ka soo barakacay colaadda. Dhukumantarigu waxa uu siday farriin ah: in Soomaaliya aanay ahayn carradii 'abaarta', iyo 'qaxa.' Waxa uu adduunka barayey habnololeedka Soomaalida, isirka, dhaqanka, karaanka iyo mintidnimada ruuxdooda ku lammaan ee ah in aanay aqbali karin jaad kasta oo gumaysi ah. Dhukumantarigani wax badan ayuu ku biiriyey si-aragga Soomaalida laga haysto, waxa uuna helay soo dhoweyn weyn oo caalami ah. Xuseen Tansaaniya shaqooyinkiisa aan dhicin ee uu qabtay waxa ugu weyn, sees u dhigiddiisii Ururka Caalamiga ah ee Cilmibaadhista Soomaalida (Somali Studies International Association), oo uu dhagaxdhigay dabshidkii 1978. Ururkani waxa uu noqday mid dhiirrigeliya aqoonta, fekerka, niqaashaadka cilmiga iyo aragticurinta. Waxa uu noqday minbar ay Soomaalidu aqoonteeda dunida kale ku gaadhsiiso iyo agab sahlay in lagu curiyo doodo wax badan ku biiriyey deraasaadka Soomaalida. Lee V. Cassanelli oo ay Xuseen Tansaaniya muddo 40 sanno ah jaal ahaayeen, waxa uu carrabka ku adkeeyey in Tansaaniya uu doonayey in caalamka Soomaalida la baro. Waxa uu sheegay in uu ahaa nin jecel in ummadda la maalgasho, lodka danbe wax la baro, fursad la siiyo, oo tartanka nolosha laga qaybgeliyo. Mudane Cassanelli waxa uu si weyn ugu nuuxnuuxsaday in Xuseen Tansaaniya ay ka go'nayd horukac dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu ahaa nin ku qancay in tacliintu tahay sallaanka laga koro ilbaxnimada iyo horumarka uumiyaha. Sidaa awgeed waxa uu noloshiisa u jaray aqoondhalin iyo hawsheed.

Xuseen Tansaaniya wuxuu ahaa nin shaqo oo hawlkar ah, nin damiir damqada, oo samaddoon ah oo jecel in uu ummaddiisa ku daro tartanka uumiyuhu ku jiro. Waxa la xusaa in uu ahaa nin fiiradheer, oo si dabiici ah ugu dhashay maskax furnaan ay u weheliso waayo'aragnimo aqooneed iyo thaqaafo ballaadhan. Waaxaha danbe ee qoraalkeenna waxa aynu ku lafaguri doonnaa waxsoosaarka qoran ee Tansaaniya ee ku saabsan qaranjabkii Jamhuuriyaddii Soomaalida, iyo sida uu u arkayey halka salka u ah hoobadka. Waxa aynu si dulmar ah u taaban doonnaa halmuceedda dooddiisa ku aadday 'ambadkii dawladeed', ee Soomaalidu gashay sannaddii 1991, taas oo soo afjartay riyo iyo yididdiilo walba oo hore loo qabay, wax walbana ku xukuntay in lagu fiiriyo il shaki iyo quus miidhani ka buuxdo. 

Aragtidiisa Burburkii Soomaaliya

Xuseen Tansaaniya buuggiisa la yidhaahdo, "From Tyranny to Anarchy: The Somali Experience", waxa uu si hagaagsan ugu tiiqtiiqsaday kelitalisnimadii xukunkii askarta, shakhsiyadayntii iyo reerayntii dawladnimada, arxandarradii militariga, colaaddii sokeeye ee qarxday, kala'irdhowgii Soomaalida, dadaalladii nabadraadinta, soo ifbixii Islaamiyiinta mintidka ah, iyo go'itaankii Soomaaliland ee lagu dhawaaqay sannaddii 1991. Mudane Tansaaniya waxa uu qabaa in burburkii Soomaaliya uu sabab u ahaa maamulkii askarta ee taladii ummadda afduubtay gu'gii 1969. Waxa uu xusay dawladnimadii in la qabiileeyey, oo uu Siyaad Barre awooddii xukunka urursaday. Waxa uu qoray: "burburkii qaranka ma aysan sababin jabhado iyo afgenbi, waxa se keenay cawaaqibxumadii siyaasadihii iyo ficilladii Maxamed Siyaad Barre iyo nukhbadii xukunka la haysay." Buugga waxa uu ku faaqidayaa 'hantiwadaaggii cilmiga ku dhisnaa', ee lagu hor kufay. Waxa uu xusayaa in curashadii kacaanka dadweynuhu si weyn ula dhaceen. Maxaa wacay, waxa uu ku ololeeyey in uu qabyaaladdiid yahay, oo cudurkan Soomaali waalay inta uu xabaal u qodo uu aas qaran u samayn doono. Filashadii dadku kacaanka ka qabeen way ku hugoobeen, waxana dhacday in Siyaad Barre uu qabiilka is xejiyo si uu talada u dherersado, taasi waxay kolkii ugu horreysay ka dhex qaraxday Fiilla Soomaaliya qudheeda, oo sida Maxamed Yuusuf Xayd buuggiisa "Kalahaadkii Muqdisho" (2018), ku xusay Fiillada gudaheeda waxa ka askumay loollan 'qaabiiltoocsi' oo daran. Dhanka kale intaa waxa dheer in buuggu si layaqaan u dhigdhigayo tacaddiyadii insaaniga ahaa ee kacaanku galay, kuwaas oo cadho miiggan ku kiciyey qabaa'ilka, taas oo dhashay in dharaar cad dalka lagu kala guuro, lana galo dagaal sokeeye oo saddex tobanguuro dhaafay.   

Tansaaniya waxa uu xusay in Siyaad Barre xukunkii qofeeyey, sida lagu yaqaan badanka hoggaanka Afrika. Waxa uu tilmaamay in Siyaad Barre uu isaga tallaabay jaadad hoggaamineed oo kala geddisan. Sannadihii 1970-1977, waxa uu isu arkayey hoggaamiye isbeddel togan xaqiijiyey, oo ay ka go'an tahay horumar lixaad leh, waa ammintii uu hirgeliyey hantiwadaagga cilmiga ku dhisan. Sidaa awgeed marxaladdan waxa uu ugu yeedhay wax afka qalaad lagu dhaho, "prophetic ruler." Marxaladda labaad, waa sannadihii u dhexeeyey 1978-1986, oo uu ahaa hoggaamiye si dhammaystiran isugu koobay dhammaan awoodihii dawladeed kuna keliyeystay. Marxaladdan waxa uu u bixiyey in uu ahaa: hoggaamiye kelitalis ah (autocrat ruler). Marxaladda saddexaad waa intii u dhexeysay 1987-1991, oo uu ahaa kelitaliye arxan daran oo si dhammaystiran u adeegsaday cayn kasta oo cunfi, cadaadin, iyo cabbudhinba leh. Marxaladdan ugu danbaysa waxa uu Siyaad Barre isugu biyashubtay wax uu u bixiyey: hoggaamiye qooqaa ah (tyrannical ruler).

Jaadkan hoggaamineed ee danbe waxa uu jidka u banneeyey in waddanku cagaha la galo colaad sokeeye oo buuxda. Waxana sidaas ku godgalay wax walba oo dareen iyo sifo dawladnimo tilmaamayey. Waxana la burburiyey wax kasta, waxana la qixiyey 45% shacabweynihii Soomaalida. Wixii harayna waxa curyaamisay baaruuddii qoriga, wixii ka kabtayna wax dishay macaluul daran oo geyiga qaybo badan oo ka mid ah ku baahday. Dawladnimadii iyo hay'adaheedii baa burburay, dalkuna waxa uu noqday mid bahalagaleen ah, waxana ka soo dhextoosay Islaamiyiin xagxunjir ah oo hanaqaadkii dawladnimada lafdhuungashay ku noqday. Sidaas waxa lagu galay xaalad hubanti la'aan dawladeed iyo mustaqbaleed ah, taas oo ilaa maanta la la daalaadhacayo, oo si looga kabto la garan kari la'yahay. Xuseen Tansaaniya xididka colaadda sokeeye waxa uu ku ururiyey: xukunkii dawladeed oo la qofeeyey, ku tagrifal awoodeed iyo hanti; qaraabakiil aan loo meel dayin iyo nintoocsi qaawan, kuwaas oo wiiqay dareenkii iyo lahaanshihii dawladnimada, dalkana ku qasbay in uu colaad sokeeye aado. Waxa xusid mudan oo uu tilmaamay raadad shisheeye oo jiray in ay qaadhaan ku darsadeen burburkii iyo colaaddii dalka.   

Xuseen Tansaaniya, waaxaha danbe ee buugga waxa uu kaga faallooday halwgalladii dibuheshiisiinta iyo nabadraadinta, kuwaas oo wax xal ah oo midho dhal ah aan laga gaadhin. Dawladdii federaalka ee kumeelgaadhka ahayd iyo loollankii Islaamiyiintii kala wejiyada duduwanaa ayuu ka hadlay. Waxa kale oo uu qaybaha danbe kaga hadlay go'itaankii Soomaalind sida uu uga duwan yahay kii Erateeriya kaga go'day Itoobbiyadii weynayd, qaybtan oo taariikhayn cajiib ahi ku jiro, waxaad iyada oo faahfaahsan ugu tagaysaa buugga. 

Gunaanad

Xuseen Tansaaniya waxa uu ka mid ahaa midhadhka mutacallimiinta ah ee ay ka go'anayd in ummaddu horukac iyo horumar gaadho. In uu gumaysiddiid iyo imbiriyaaliyaddiid ahaa noloshiisa aad baynu uga dhadhansanynaa. Sida Prof. Cali Jimcaale meelo kala duwan ku xusay waxa uu ahaa aqoonyahan thaqaafadiisu darka aqoonta ay ka cabtay meelo kala geddisan iyo rugcaddaa garoonka Cilmibaadhista Afrika aad looga yaqaanno. Waxsoosarkiisa qoraaleed way badan yihiin, waxa se la xusaa in uu qoray, sida oo kalena tafaftiray buuggag dhawr ah, oo la xidhiidha mawduucyo isugu jira: Deraasaadka Soomaalida, Deraasaadka Afrika iyo aragtida gumeysiga kaddib. Waxa uu bare sare ka soo noqday jaamacado caalami ah iyo kuwo maxalli ahba. Waxa hubanti ah in majaalka aqoondhalinta Soomaalida uu door lixaad leh ka ciyaaray. Magaalada Boston ee carriga Maraykanka ayuu ku xijaabtay 01. 14. 2017—iyada oo ay sidaas ugu soo idlaatay nolol isugu jirta mintidnimo iyo dadaal aan kala go' lahayn.

Qoraalkani wuxuun buu daarranaa in aynu si dulmar ah uga faalloonay goosan yar oo waxsoosaarkiisa iyo noloshiisa ka mid ah. Qofkii danayn xooggan u qaba waxa uu dib ugu laaban karaa buuggagiisa iyo qoraalladiisa badan ee uu leeyahay oo uu si waafi ah uga daalacan karo shakhsiyaddiisa, dadaalkiisa iyo noloshiisaba.

Qoraallada kale ee qoraaga