Skip to main content

Monday 11 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Xuseen-Tansaaniya: Haldoorkii Caqabadaha Ka Tallaabsaday

11 April, 2026
Image
Xuseen-Tansaaniya: Haldoorkii Caqabadaha Ka Tallaabsaday
Share

Laga soo bilaabo Kilimanjaaro ilaa Harvard, Diktoor Xuseen Aadam (Xuseen-Tansaaniya) waxa uu ka tallaabsaday qoqob kasta oo jiri kara, isagoo ugu dambayn noqday hormuudka diraasadaha Soomaalida iyo guud ahaan fikirka Afrika, hoggaankana u qabtay nolol fikireed oo jaadgoonni ah.

Galabnimo jimcaad, oo ku beegan 17-kii Ogos, 2007, oo cirka magaalada Kolombos ee gobolka Ohaayo daruuruhu ku dadanyihiin, onkodkuna is haysto, Ururka Caalamiga ah ee Diraasadaha Soomaalidu (SSIA) waxa uu sharfay Diktoor Xuseen Aadan, oo ahaa mid ka mid ah aqoonyahanka ugu caansan Soomaalida (kana mid ah tifatirayaashii ugu horreeyey ee majaladda ROAPE), iyadoo ururku bogaadiyey ka qaybqaadashada joogtada ah ee diktoorku ku leeyahay diraasadaha Soomaalida.

Siciid S. Samatar oo borofaysar ka ahaa jaamacadda Rutgers, ayaa si heersarraysa usoo qabanqaabiyey kulanka xafladda, oo uu ugu talagalay kulan casho oo dad gaar ah la casuumay; waxa la filayey in xafladda dad cayimani yimaaddaan, se judhiiba waxa xafladda soo buuxiyey dad aan la casuumin, arrinkan oo borofaysar Siciid Samatar ku khasbay inuu si adag martida aan loo yeedhin u canaanto, isagoo isku dayaya inuu ku khasbo bixinta kharashka tigidhada, se aanay cidina ka hoos qaadin. Sidii lagu yaqaannay dhaqanka Soomaalida ee martida, judhiiba dadka soo xaadiray waxa ay noqdeen marti aan la iska dhegomarin karin; si la mid ah ninkii reer miyi, ee markii koowaad ee uu magaalo yimi, dadkuna dhaafdhaafeen oo aanay cidi martigelinin, ku tiraabay: “Magaalooy weligaaba i dhaafdhaaf, haddee adiga uun baan marti kuu ahay”.

Soddon sanno oo uu jiray ururkani kolkaas, laga soo bilaabo markii la aasaasay ee 1978-kii, ururku ma sharfin mid ka mid ah aqoonyahankiisa iyo xubnaha aasaasayaashiisa ahaa, sida Diktoor Xuseen loo sharfay oo kale. Siciid Sheekh Samatar, oo ahaa madaxa iyo aasaasaha ururka, magaca ururkana bixiyey, ayaa erey qiimo badan jeediyey intii aanu ku gudo jirnay xafladdaas casho ee qiimaha badnayd. Waxa uu ahaa erey aannu wax badan kaga baranay Dr. Xuseen Aadan, qoraaga iyo mufakirka jaadgoonniga ah.

Intii uu socday kulankan lagu sharfayey Xuseen, ama sida lagu naanayso “Xuseen-Tansaaniya”, borofaysar Samatar waxa uu soo bandhigay soojeedin heersare ah oo aannu ku baranay Xuseenkii ilmaha yar ahaa, ninka kaalinqaadka ah noqday, ee habeenkaas xafladdana da’da gabawga haabhaabanayey. Khudbad dheer buu ku taxay noloshiisii, haayadihii waxbarasho ee uu u kala gudbay, iyo waxsoosaarka uu kaga qaybqaatay dhismaha bulsho. Se intan oo dhanba waxa ka muhiimsanayd, waxa aannu barannay say samir badan, oo jacayl badanna u haya xaaskiisa kolkaas xanuunsanaysay ee Faadumo Cabdisamad.

Aftahannimo aan wax loo dhigaa jirin, iyo tebin heersare ah oo uu si farshaxan leh ereyada u xulanayey, kana soo saarayey hadal iyo khudbad aan laga xiiso goyn, borofaysar Siciid waxa uu safarka tebinta nagu geeyey figta buurta Kilimanjaaro iyo deegaankii qaabaynta ku lahaa carruurnimadii Xuseen Aadan, oo ahaa wiil yar oo daltabyo u hayso ku laabashada dhulkii awoowyadii, ku laabashadaasna ka doorbidaya kusii noolaanshaha bulshada Bariga Afrika ee uu qariibka ku yahay. Xuseen waxa uu ku dhashay, kuna barbaaray, deegaan kaladuwanaan badani ka jirto; aabbe Soomaali ah, hooyo kasoo jeedda qabiilka Masaayda, iyo ayeeyo Hindiyad ah. Kolkaas baannu yaqiinsannay sida uu bulshada kale uga duwanaa, iskacaabbin weynna waxa uu ka galay qoqobka intii uu noolaa. Waxa uu u heellanaa duni bulsheed iyo siyaasadeed waxa hagaa yihiin qiyamka Soomaaliyeed, si uu qiyamkaas u qaato, isagana wax looga qaato.

Diktoor Xuseen waxa aan markii koowaad la kulmay sannadkii 1978, kolkaas oo aan arday sannadkii koowaad ku jira ka ahaa Kuliyaddii Lafoole, ee Jaamacadda Ummadda, waana kulan saamayntii Dr. Xuseen reebay aan la tirtiri karin. La ashqaraarkaygii u horreeyey ee aan u qaado cabqarannimadiisa fikir iyo ujanjeedhkiisa garabka bidix, waxa uu igu dhashay ka dib Shirkii Caalamiga iyo Sannadlaha ahaa ee Faraans Faanon, oo sannadkii 1979-kii lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulankan waxa isugu yimi haldoorkii Dhaqdhaqaaqa Afrikaaannimada (Amiru Baraka, Granga, aasaasihii xarunta dhaqan ee Kwanza, Claudia Mitchell-Kernon, madaxweyne kuxigeenkii jaamacadda UCLA, oo kaalin mug weyn ku lahayd in jaamacaddaasi i aqbasho sannadkii 1982-kii, jacaylka ay u qaadday Soomaalida shirkaas ka dib awgii, iyo Kariim Cabdijibbaar, haa waa laftiisii, Cabdikariim Jabbaar, iyo dad kale), haldoorkani waxa ay ku kulmeen Muqdisho, oo kolkan nabad iyo badhaadhe ku jirtay.

Waxa habboon inaan ku daro, in Diktoor Xuseen uu buuggiisa uu ku helay diktoorada Jaamacadda Harvard ee culuumta siyaasadda uu ka qoray “Fikradaha Bulsho iyo Siyaasadeed ee Faraans Faanon – iyadoo qabyoqoraal ah ayaan sannadkii 1978 ka helay maktabaddii Lafoole oo xilligaa calankeedu daarnaa, buugaagta yaallay dhexdhexaadba ha iska ahaadeen e. Kolkaas oo aan ahaa dhallinyaro Maarkisi ah, ama sidaas iska aaminsan, kana soo baxsaday duruuftii cabudhinta ahaa ee Itoobiya, qoraalka Xuseen oo si dhammaystiran Maarkisiyada ugu gorfaynaya manhajka Faanon, waxa uu igaga tagay saamayno abadi ah.