Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Xukuumadda Somaliland oo Siyaasiyiin u Xidhxidhay Isu Soobaxyo la Faliyo

25 September, 2025
Image
Xukuumadda Somaliland oo Siyaasiyiin u Xidhxidhay Isu Soobaxyo la Faliyo
Share

Xukuumadda Somaliland ayaa xidhxidhay xubno siyaasiyiin ah oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, iyada oo ka hortagaysa isu soobax ay maanta u ballansanaayeen qaybo ka mid ah bulshada Hargeysa oo ay ku baaqeen madax dhaqameed mucaarad ahi.

Xubnaha la isku dayay in la qabqabto waxa ka mid ah Dr. Maxamed Faarax oo ah siyaasi sheegay in uu isu soo taagay jagada Guddoomiyeha Xisbiga Kulmiye, waxa sidoo kale la xidhay Jamaal Cismaan oo xubin ka ah Goleha Deegaanka Hargeysa. Waxana xadhigiisa lala xidhiidhiyay abaabulka isu soobaxa.

Dhanka kale, Booliska Somaliland ayaa si adag uga soo horjeedsaday wax isu soobax ah oo lagu qaban karo garoonka Xawaadle oo ay ku ballameen qolada ku baaqday, waxana uu Taliyeha Boolisku ku gooddiyay in ay tallaabo ka qaadayaan ciddii halkaas u timaadda ujeeddada lagu baaqay.

Isu soobaxan lagu baaqay ayaa ka dhashay, ka dib markii ay Xukuumaddu is hortaagtay kulan ay qaar ka mid ah madax dhaqameedku ku qabsan lahaayeen Hoteelka Maansoor ee Hargeysa, horraantii toddobaadkan. Xubnaha abaabulkan wada ayaa la sheegayaa in ay mucaarid ku yihiin Xukuumadda iyo hoggaanka hadda ee Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, waxana ay ku daaban yihiin, sida ay wararku sheegayaan, aragtida Madaxweynihii hore ee Somaliland ee ku saabsan qabashada shir-weyneha Kulmiye oo dib loo dhigay iyo mustaqbalka hoggaanka Xisbiga Kulmiye, waana sababta keentay in Xukuumadda iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye iska kaashanayaan in ay muquuniyaan garabkan. Guddoomiye Xigeenka 1aad ee Kulmiye, Cabdicasiis Samaale, ayaa shalay dhaliilo xooggan u jeediyay dad uu ku sheegay in aanay xisbiga ka tirsanayn, beelna metalin oo uu ula jeeday xubnaha abaabulkan wada.

Dhanka kale, waxa illaa shalay hadallo kala duwan jeediyay madax dhaqameed iyo xubno ka mid ah qaybaha bulshada oo ka soo horjeedsaday isu soobaxan kuna tilmaamay mid aan loo dhammeyn. Si kasteba ha ahaato, tallaabada Xukuumadda ayaa u muuqata mid xooggan oo ay dadka qaar ku tilmaameen in ay tahay jawaabcelin ka badan mugga arrinta taagan oo ay dad badani u arkaan in aanay ka badnayn ismuujin aragtiyeed.