Wednesday 12 August 2026
Marka la joogo DDS, gacanta weyn ee ay dawladdu dhaqaalaha ku leedahay ka sokow saamayntiisa dhaqaale, waxa uu leeyahay saamayn nafsi ah iyo mid bulsheedba. Waxa uu soo saaray shakhsiyad tilmaamo gooni ah leh: dawladda ku tiirsan, aan hadli karin, wax walba muxaafid ka ah, marar badanna aan aragtiba lahayn. Qandaraasluhu marka uu mashruuc rabo waa inuu yahay qof la yaqaan ama cid la yaqaan ka socda oo waxtar lagu qabi karo. Shaqaalaha dawladdu waa inuu yahay qof cabiidsan oo meel adag ku xidhan. Ganacsaduhuna ma noolaan karo kelidiis haddaan dawladdu macmiil u noqon adeeggiisa. Intaba dhufsanayaraha ka dhexeeya waa ku-tiirsanaanta adag ee dawladda.
Xukunka habkan u shaqeeya waxa cilmiga siyaasadda dhexdiisa looga yaqaannaa Neo-patrimonialism (danwadaag). Biyadhaca nidaamka danwadaagnimadu waa in masuuliyiinta dawladdu shakhsiyaad dano ka dhexeeyaan ku abaalmariyaan xilalka dawladda sida madax xafiiseed, ku-xigeen, agaasime iwm, ama adeegyada dadweynaha sida liisanno, qandaraasyo iyo mashaariic. Taas beddelkeeda, macaamiishu (clients) waxay abbaanka (patron) ugu abaalgudayaan inay taageero siyaasadeed u abaabulaan, sidoo kalena dhammaan go'aannada isaga u dallacaan si ay u muujiyaan inuu sayidkooda yahay.
Tobias Hagmann qoraal uu ka qoray xasillooni-darrada siyaasadda Deegaanka waxa uu ku doodayaa in siyaasadda DDS ku dhisantay nidaam masaalixeed oo haldoorka u qaybinaya: abbaan, macmiil iyo dillaaliin isku xidha. Abbaanka ugu weyn ee siyaasadda DDS ka jiray waxa uu sheegayaa inay ahaayeen xisbiga EPRDF xubno ka tirsan iyo saraakiisha militariga oo mararka qaar wax ayna madaxda dalku oggolayn marinayay. Kooxahaas abbaanada ah loollan baa dhex marayay, macaamiishana sidoo kale.
Waxa uu Hagmann sheegayaa in nidaamka 'neo-patrimonialism-ka' ee maslaxaddu uu leeyahay saddex sifo. Kow, isdhexgalka xidhiidhka qofeed iyo midka dawliga ah ee sharci. Korka waxa uu nidaamku uga muuqdaa mid rasmi ah, balse gudaha marka loo galo waa mid aan rasmi ahayn, oo qofnimo ku dhisan. Waxa laga dheehan karaa siyaasadda labada nidaam ka wada jiraan ee DDS oo dhaqankii iyo dawligii ay isbarbar socdaan. Suldaannada iyo garaadadu waxay ka shaqeeyaan sidii ay nidaamka siyaasiga ah u dhex marin lahaayeen danta reerkooda, waxayna goor iyo ayaan ku fooggan yihiin ilaalinta dheellitirka qabiillada.
Laba, xasilloonidarrada hay’adaha dawliga ah ayaa iyana ka mid ah tilmaamaha xukunka neo-patrimonialka ah. Si aan qofna booskiisa ugu awoodaysannin waxa intaa la kala beddelaa masuuliyiinta. Waxa qodobkaasna laga dheehan karaa tirada madaxweynayaal soo martay Deegaanka, muddo yar gudaheed. Qof walba marka masaalixdu is qaban waydo ama laga baqo inuu awoodaysto ayaa 'karti-xumo ama musuq' lagu eedeeyaa, sidaasna lagu caydhiyaa. Beddelkan faraha badani waxa uu sababay in wasiirrada iyo cidda ka hoosaysaba ay faraqabsi adduunyo ay si degdeg ah uga qoondaystaan booska ay hayaan, sababtoo ah ma aha wax la isku hallayn karo xilka danwadaagtu.
Saddex, xukunka neo-patrimonail-ku waxa uu ku dhisan yahay 'abbaanimo' labada dhinacba wax isku daba marsanayaan. In kasta oo uu mar walba xidhiidhka abbaanka iyo macmiilku isbeddeli karo, haddana macmiilku waxa uu u tirsan yahay abbaanka ee reerka uu metelaaddooda sheegto si dhab ah uguma tirsana. Abbaanka iyo macmiilkana waxa jira dillaallo ka dhex shaqeeya oo kooxaha iyo hay’ad danuhu ka dhexeeyaan isku xidha. Waxa si wacan looga dheehan karaa siyaasaddan 'abbaanimada' nidaamka DDS ee qof waliba siyaasi culus oo Deegaanka ah ama abbaan heer Federaal ah ku xidhan yahay.
Waxan aan tilmaannay ma aha kaliya aragti mutuxan; waa hannaanka ganacsiga, shaqaalaysiinta iyo nolosha maalinlaha ah ee DDS ay u shaqayso. Nidaamka noocan ahi waxa uu abuuray ku-tiirsanaan weyn oo lagu tiirsan yahay dawladda, cidda ku-tiirsanaan kartana ay tahay qudha cid dano ka dhexeeyaan. Tani waxay caqabad ku noqotay in dadka badankiisu dhaqaalaha si furan uga qaybqaadan karaan iyo in ra'yigooda ay si xor ah u dhiibtaanba. Marka xukunku hal qof gacantiisa ku jiro, xilalka iyo fursaduhuna sida qofkaa daacadda loogu yahay ku xidhmaan waxa hoos u dhacaya codkii bulshada ee rabitaankooda ay ku muujin lahaayeen.
Daraasad ay ku samaysay mucaaradka dalka Zimbabwe waxay qoraa Young ku ogaatay in cabsida dawladdu abuurto ay saddex siyaabood u saamayso dadweynaha. Kow, waxay hoos u dhigtaa mucaaradada iyo in tallaabooyinka xukuumaddu qaadayso laga hor yimaaddo. Saami 14% ilaa 23% u dhexeeya ayay sheegtay daraasaddu in hoos u dhac ku yimid ka qaybqaadashada falalka lagu mucaarado dawladda. Labo, cabsidu waxa ay beddeshaa habfikirka qofka oo waxa ay u buunbuunisaa saamaynta kaga iman karta falkan uu samaynayo sidaas ayuuna labaclabaclayn ku galaa ama kaga hadhaa baadidoonkiisii xukun ama caddaaladeed, halka ay sidoo kalena abuurto jawi rejo-xumo ah oo qoto dheer. Saddex, waxa ay cabsidu furfurtaa iskaashigii bulshada. Maadaama oo niyad-jab dhacay waxa dadku ka rejo dhigaan in shakhsiyaad kale ku soo biiri doonaan oo ay codka la xoojin doonaan. Taasina waxay meesha ka saaraysaa isu-soo-bax dadweyne oo shardi u ah muujinta tabashada bulshadu qabto.
Marka aad daraasaddan ku akhrido xaaladda DDS waxa kuu muuqanaya dhammaan natiijooyinka cabsida kutiirsanaantu sababtay ka dhasha iyo sida xaalka Zimbabwe ee daraasaddu khusayso u shabbaho midka Deegaanka. La yaabna ma leh oo ummadaha ayaanka darani waa isu egyihiin. Kutiirsanaanta bulshada laameheedu ku haystaan maamulka ayaa keenaysa in qof waliba aamusnaan miciin bido oo nolol-maalmeedkiisa dhowrto. Aamuska qudhiisu waa istaraatijiyad ay dadku dantoodana ku dhowranayaan, duruufahana kula qabatimayaan.
Waxa se aamuskaas ka dhashay cawaaqib-xumooyin badan oo bulshada guudi cidhibtiisa eersatay, eedina doonto. Waxa soo baxday shakhsiyad bilaa mabda' ah, aragti aan sidin, hadbana cidda xilka timaadda waxa uu aaminsan yahay la qabta. Haddii uu yidhaahdo 'Xabashi baynu nahay', waxa isagu ugu jawaabayaa: 'waa xaqiiq oo canjeero jacaylkayga ayaan ka gartay. Waligayba waan ogaa inaynu nahay laandheere xabashiya oo Menelik ka tafiirmay'. Haddii qofka xiga ee xilka yimaaddaa yidhaahdo: 'ONLF baynu nahayna', inuu run sheegay buu ugu marxabbaynayaa.
Geed beri lugta ka jeexay inta uu marada ka qaado ayaa laga yaabaa inuu yidhaahdo 'waa halgankii dhaawac iga soo gaadhay'. Jimcaha waa Itixaad, sabtida waa Suufi, axadda waa Heego, isniinta waa ONLF, talaadadana waa PP. Shakhsiyadda caynkan ahi waxaa isdiiddo uma aragto. Haddii caqligeeda lagu fikiro lala yaabi maayo oo xeerka ay ka duulaysaa waa 'hadba meesha ay dantu ku jirto'. Duruufihii kharribnaa ee uu u soo joogay iyo waayaha oo aan sallaanka qaybtiisa hoose weligiiba dhaafinnin ayaa baray kol walba in abbaanka ama abbaanyaraha marxabbayntiisa ay dan waliba ugu qumayso. Shakhsiyadda noocan ah iskama samaysmin; waa natiijo toos ah oo uu nidaamka danwadaagtu (neo-patrimonialku) soo saaray markii aamuska iyo ku-tiirsanaantu ay noqdeen jidka ugu fudud ee sallaanka dhaqaalaha iyo siyaasadda lagu korayo.
Cawaaqibta nidaamkan ka dhasha waxaa ka mid ah in waxa qofku u leeyahay ama uu rabo iyo danta guud ayna kala soocnayn, iyo sidoo kale in qofka iyo xafiisku ayna kala duwanayn oo hay’ad waliba halka qof ee danwadaagnimada loogu dhiibay ay dhafoorkiisa yeelanayso. Tani waxay carqaladaynaysaa in hay’ado dawli ah oo dadka ka dhexeeya ay dhismaan, dadweynahana u wada adeegi karayaan. Waxa kale oo nidaamkani abuuraa bulsho habacsan, kala daadsan oo tabar daran.
Waxa taas sababaya in nidaamkani uusan oggolayn awood madax bannaan oo si uun uga hor iman karta, dabeeto waxa uu la diriraa awood walba oo aan gacantiisa ku jirin. Tani waxay caqabad ku tahay in bulshadu mashaakilka gudaha ka jira iyo kuwa dibadda ka yimaaddaba ay si habboon xalkooda uga qaybqaadato, waxana hoos u dhaca waddaniyadda iyo is-xilqaankii muwaadinnimo. Maadaama oo la hubo in aan maamulku keligiis wax walba gooni u xallin karin, waxa baylah ku soo dhaca danaha ummadeed ee haddii jawi bulsheed oo fayow lagu jiri lahaa furdaamintooda iskaashi lagu wajihi lahaa.
Marka abbaanimadu noqoto jidka kaliya ee lagu helo xilka, dhaqaalaha iyo amniga, waxay bulshadu miciinbidda aamuska oo afka ayaa juuqda gaba. Xidhiidhka ka dhexeeya ku-tiirsanaanta dhaqaale, cabsiyada siyaasadeed iyo hoos-u-dhaca ka qaybqaadashada madaniga ahi, sida aynu ka soo xigannay Bratton & Van de Walle, Hagmann, iyo Young waa mid xooggan. Waxana ay soo saaraan bulsho wax walba oo ay qabanayso ka idan qaadata abbaan ka sarreeya.
Tusaalaha DDS waxa uu astaan u yahay sida nidaamka danwadaaggu u baabi’iyo kartida bulshadu u leedahay inay is abaabusho, danta guud difaacdo, mustaqbalkana qorshayso. Haddii aan la yagleelin hay’ado dawladeed oo muwaadiniinta si siman oo hufan ugu adeega waxa hoos u dhacaysa waddaniyadda, kalsoonida iyo guud ahaan iskaashiga bulsheed. Xalku waxa uu ku jiraa in dhidibada loo aaso hay'ado dawladeed oo xooggan misana madaxbannaan iyo nidaam aan qofaf dano ka dhexeeyaan isku celcelinin. Inta ayna taasi dhicin se taariikhdu way soo noqnoqonaysaa.