Skip to main content

Monday 24 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Sheeko

Xorriyo

28 January, 2025
Image
Getty Images
Share
Sheekadan gaaban Ikhyaar Axmed Ibraahin waxay ku soo gudbinaysaa gabadh halgankii ay wax walba ku weyday ee ahaa rejada sii noolaanshaheeda oo ay qunyar siyaasiyiin ka heshiinayaan.

Dhabannadu way goteen. Maqaar jilcay oo waayuhu rifeen ayaa lafaha wajiga daboolay. Jidhka oo dhan waxaa qariyay madowga iyo haaraha aan u dhalashada ahayn balse dharbaaxooyinka maalmuhu isu daba mareen. Laba lugood oo aad u dhuudhuuban, boogo badanna leh ayay jidhka intiisa kale dhulka ugu haysaa. Muuqaalkooda kore ayuu qof walba ka dheehan karaa inta waddo ee ay soo mareen iyo inta qarri ee ay jeexeen. Gacmuhu waa jidhif aan laga garanaynin kuwa nin kuuli ah oo labada galinba sibidh qooya ama nin kale oo xabaal-qode ah oo aan dan ka galin adayga iyo silica ay gacmihiisu mutaan. 

Waxay beenisay filashada uu qof walbaa ka qabo qof dumar ah oo ahayd inay noqoto qof dub jilicsan oo raaxo iyo lebbis mooyee aan waxkale maankeeda ku soo dhicin. Iyada iyo xarragadu waa sida ilmo yar oo dhulka yaalla, hooyo la’aan ah oo qofka kor taagan gacmaha u taaganaya si uu u qaado, qofkaasina yahay midka hooyadii dilay! War iskama hayaan ama way kala warla’ yihiiin!

Jidkan dheer ee aan inta badan dhaxanta ciddi u ga wehelin ayay subax walba soo martaa, dhawr qof oo Dhabuub iyo Axmaaro u badan ayay jidka kula sii kulantaa oo iyagu (Itoobiyaanku) waxay ka siman yihiin inay u jarmaadaan xammaal, qaarkoodna saf u galaan cusbitaalka Karamara hortiisa iyagoo xagaafyo waawayn garbaha ku sita. Waxa yawmiyahooda qumiyaa waa dhimashada qof bukaan ah ama mid lagu soo booday oo hortooda ku naf baxa si ay iyagu qudhoodu bariiska oo meel darran ka galay uga la soo baxaan qodista xabaashiisa. Waxaa jewigooda qasaa waa inaan ciddi dhiman, in bukaannada oo dhami ay ka bedbaadaan wedka iyo in qof dhakhtarka galay uu caafimaad ku soo baxo! Waxay ku farxaan dhawaaqa Ambalaasta iyo qulqulka dhiigga dhaawaca ay rajaynayaan inuu naf baxo! 

Funaanad midab dilan leh oo ay dhaxanta Jigjiga ka hoos gasho ayay xidhan tahay, kama qasna cidna uma jixinjixdo. Subaxdeeda waxay ku billaabataa inay soo nadiifiso maqaaxida oo ay ka xaadho wixii garaabo ee ay xalay kaga tageen iyo qashinka oo dhan. Si wacan markay u soo hagaajiso waxay dib ugu gogoshaa caw ay si siman barkimaha ugu taxdo, biyo yarna horteeda ayay ku rushaysaa si ay boodhka uga nabto, laakiin waa biyo ay qudheedu ka qatanta tahay oo lafteeda ayaa ah oomane u baahan wax rusheeya oo xaaladdan omoska ah uga gargaara. Halkani mar waa maqaaxi shaah, marna waa kolay jaad, marna waa meel nolosheeda oo dhan qabta. Labadaas oo la isku daray iyo waayo aragnimadeeda qofeed oo is biirsaday ayaa goobteeda ka dhigay tan ugu saxmadda badan ee ay raggu door bidaan fadhiisigeeda. 

Waxaa run ah in hadda muuqaal badan oo loogu soo xisho aanay lahayn haddana agteeda laguma caajiso. Waa qof kaftanta, maskax furanna leh oo cid walba la jaanqaadi karta. Marar badan aftahannimada ayaa ka awood badata muuqaalka kore. Duruufuhu haddii aanay jiri lahaynna naag baarka sare ah oo aan safka quruxda marna ka bixin ayay noqon lahayd. Hadda da’ ahaan ma weyna, waxay ku dhex jirtaa billowga soddomeeyada. Maqaaxideedu waa ay ka bilic iyo shax-shax badan tahay kuwa ku xeeran. Habeenka xilligiisa danbe ayaa lagu gaadhaa mirqaan iyo dhegaysiga heeso qaraam iyo qaaciba leh oo mid walbaa ta ka horraysa ama ka danbaysa ka wacan tahay. Waxa ku xidhan oo qaarkood guryahooda loogu geeyaa jaadka masuuliyiin dawladeed iyo madax kala duwan oo macmiil u ah. Taa beddalkeedana waa isha ugu muhiimsan ee ay jabhadda ONLF xogta ka hesho sidoo kalena looga adeego afka dhallinta danbe, soo duuboo waa “Dhagta” keliya ee jabhaddu wax ka maqasho! 

In magaceedu Basra yahay wax dhaafsan ciddi kama taqaanno, ciddiba wax iska ma waydiiso qoftan aragga darrani cidda ay noqon karto, oo sidii la sheegay “indha-ku-garaadlayaal” baynu nahay. Haddii la sii waydiiyana gabadh shaqaysata oo walaalaheed u xoogsata wax aan ahayn kuma sii darto. Waligeed ma aysan guursannin, ka dib markii aabbaheed Xabashidu dishay waxay go’aansatay inay si uun wax ugu darsato halganka aabbaheed iyo malyuumaad kaleba ay ku naf waayeen.

Jigjiga ayay soo gashay iyadoo labaatan sanno jirta, waxay la soo gashay maskax xorriyaddoon ah iyo tamar halgan oo cusub. Markiiba waxay billawday in ay kala barato jidadka isku xidha magaalada iyo buuraha ay jabhaddu ku jirto. Marar badan ayay iyada oo jid cidlo ah socota oo wixii ay magaalada ka soo qaadday ee sonkor, sigaar, dhar iyo jaad ba leh xambaarsan ayay afka uga gali gaadhay xero ay deggan yihiin ciidanka Axmaaradu! Miciin kale ma leh. Geesinnimo iyada gaar ku ahayd iyo “Rabbi yasir” wax aan ahayn oo ay ku meel mari jirtay ma jirto. Markii ay dhawr mar oo kala duwan haliso noocaas ah u dhowaatay ayay saldhigatay Jigjiga. Halkaas oo ay ku soo dhowayn jirtay qof walba oo fikirka xornimodoonka ah xambaarsan. Jigjiga marka la joogo magaceedu waa Basra, laakiin marka ay dhex tagto dadka ay isku jihada yihiin magaceeda af garashadu wuxuu ahaa Xorriyo! Halkaas ayay iyada iyo halganku iskala jaanqaadeen ama iyada iyo raadinta xornimadu ku mataanoobeen. 

Dibinteeda hoose dhaawac baa ku yaalla, dhaawac ka soo gaadhay qaniinyooyinkeeda. Marwalba oo ay maqasho dagaal dhacay bishimaha ayay qaniini jirtay oo booskii oohinta ugu jiray! Gudaheeda meel aan ahayn oo ay illinteedu boos ku lahayd majirto. Ruuxdii geesiyadda ahayd gudaheeda ayay ku dhex dhimatay! 

Dibinteeda hoose dhaawac baa ku yaalla, dhaawac ka soo gaadhay qaniinyooyinkeeda. Marwalba oo ay maqasho dagaal dhacay bishimaha ayay qaniini jirtay oo booskii oohinta ugu jiray!

Saaka wax walbaa sidii hore waa ay ka duwan yihiin. Basra waxay soo shaqo gashay iyada oo ay quus badani ka muuqato. Waxaa wararka iyo Telefishinnada laga sii daynayaa heshiis dhex maraya ciddii ugu dambaysay ee rajada xornimada dadkan iyo dalkiisaba laga sugayay iyo guumaystihii madoobaa! Dadkii waa ay kala qayb sameen, qaar leh xabbad-joojin ayaa lagu heshiiyay iyo qaar kale oo qaba fikirka ah in la daalay oo ayna jirin wax danbe oo loo dhintaa! Basra, waxay ku jirtaa kuwa hore oo marna ma aysan sawiran karin in dedaalkii dheeraa uu noqday hal bacaad lagu lisay, iyada oo keliyana maaha ee dad badani haddii ay ogaan lahayeen in arrinku heshiis ku danbaynayo kolley naftooda malaha way lexjeclayn lahayeen. 

Markii ay xoogaa Raadiyaha ag fadhiday ee ay hadba dhegta ugu dhawaynaysay fahanka erayada ka soo baxaya ayay aragtay dabkii ay shaaha saaraysay oo dambas noqday. Intay cabbaar maqaaxidii oo dhan indhaha marisay ayay halkii kaga soo dhaqaaqday waxwalba iyadoo albaabka u sii xidhaysana ku sii heestay:

“Waa guuldarriyo ciil

Guumaystahan madow ee

Inuu guudka kaa raro

Ku gadh qaado uun raba…”

Meel aan isla agaagarkeeda ka fogeyn ayay ka sii maqashay, hees taa u nooc eeg oo ay Hibo-nuura gumeystaha iyo gumeyste-kalkaalka, beri xaalka sidan ka rejo badnaa ku gooddisay:

“U gabraarata gumeysigu ku dhuuntee 

galabsadaa xumaantaa Geedkood ha ba’o!”

Waxa ay isu sheegtay in dad badani maanta sideeda oo kale dhinteen oo ay meelahan lugaynayaan iyagoo bilaa ruux ah. Waa se iska xaal adduun!