Wednesday 9 July 2025
Waxii ka dambeeyay dagaal-weynihii labaad ee dunida oo uu Maraykanku ku noqday awoodda ugu sarraysa, waxa hirgashay siyaasad cusub oo caalami ah oo ku qotonta hirgelinta nidaam caalami ah oo ay hoggaan u yihiin dalalkii Xulafada ahaa ee ku guulaystay dagaalka, kuna biireen dhammaan dalalkii jiray iyo kuwa la haystay ee helay madaxbannaani ka imanaysa doonistooda. Waxa gumeysiga iyo dhul-qabsiga loo arkay sababta tooska ah ee dagaalladii waaweynaa ee 1aad iyo 2aad. Aragtidan waxa si weyn u riixayay Maraykanka oo laftiisu, mar hore, ka xorroobay gumeysigii reer Yurub. Siyaasaddaas dunida ka socotay ayaa ahayd sababta tooska ah ee ay Boqortooyadii Ingiriisku kaga guurtay Soomaalilaan 26-kii Juun, 1960-kii.
Haddaba, waxa soo noqnoqota oo wayddiin ka dhalataa oo lagu murmaa in berigaa Soomaalilaan loo aqoonsaday dal madaxbannaan iyo in kale. Dadka qaar waxa ay ku doodaan in 35 dal oo waagaas madaxbannaanaa ay aqoonsadeen Soomaalilaan, halka ay kuwo kalena, gebi ahaanba, deedafeeyaan in Soomaalilaan ay heshay wax aqoonsi ah.
Wayddiinta dooddani waxa ay ku qotontaa fahandarro ku saabsan sidii ay dawladuhu ku abuurmayeen qarnigii tagay kuna helayeen aqoonsi caalami ah. Dhaqanka siyaasadeed ee dunida ka jiray qarnigii tagay, iyo kan socdaba, waxa uu ahaa; in dalalka soo biirayaa u qaybsanaayeen dalal ka xorroobaya gumeysi la aqoonsan yahay iyo dalal ka go’aya dal ay ka tirsanaayeen. Dalalka ka go’aya dal ay si sharci ah uga tirsanaayeen ayaa ay dalalka kale ku kala qaybsami karaan ‘aqoonsigiisa’ iyaga oo qaar cuskanaya sharciyadda ‘midnimada dhuleed’ ee dalka hore, halka dalal kalena laga yaabo in ay aqoonsadaan iyaga oo cuskanaya sharciyadda ‘xaqa aaya-ka-tashiga’ oo labaduba ah mabaadi’ lagu aqoonsaday xeerarka caalamiga ah. Ha se ahaato e, dalalkii gumeysiga ka xorroobayay waxa ay ahaayeen dalal jiritaankooda hore loo aqoonsaday oo keliya ay ka maqan tahay ‘u madaxbannaanida taladooda – sovereignty’. Wayddiinta ku saabsan ‘inta dal ee aqoonsaday Soomaalilaan 26-kii Juun, 1960’ waxa ay la mid tahay inta dal ee aqoonsaday Soomaaliya, 1-dii Juulaay, 1960’. Warcelinteeda ku saabsan Soomaaliyana kama duwana midda Soomaaliya laga bixiyo oo tirada dalalka la soo xidhiidhay Soomaalilaan iyo kuwa la soo xidhiidhay Soomaaliya waa tiro kooban.
Dhab ahaan, Soomaalilaan iyo Soomaaliya uma baahnayn dalal aqoonsada, ama ay is aqoonsadaan (bilateral recognition) sababta oo ah nidaamkii caalamiga noqday ee ay dunidu ku dhisantay, kaddib gumeysigii Reer Yurub iyo dagaalladii waaweynaa ee dunida, waxa uu aqoonsanaa Somaliland iyo Somalia, iyo dalalkii kale ee waqtigaa jiray, qaab ay u jireenba. Dalalkii ku jiray gacanta gumeysigu waxa ay ahaayeen kuwo loo aqoonsan yahay dalal aan xor ahayn oo aan u madaxbannaaneyn taladooda, laakiin leh jiritaan, marka ay xorroobaanna waxa, keliya, la gudboonaa in ay faylkooda geystaan Qaramada Midoobay si ay xubin u noqdaan. Aqoonsi ma ay dalbanayn ee waxa ay dalbanayeen 'xubinnimo'. Dalalkii ay haysteen gumeysteyaasha Reer Yurub, haddii ay ahaayeen haysasho gumeysi iyo mid ilaalineedba, waxa loo aqoonsanaa dalal jira oo madaxbannaanidii kaga maqan tahay dalka shisheeye ee maamula.
Jiritaanka dhuleed ee Soomaalilaan waxa uu ka sameysmay heshiisyadii xuduudeed ee uu Ingiriisku la galay dalalka haystay ama damacsanaa dhulka ku xeeran; tusaale ahaan, xadka Soomaalilaan iyo Jabuuti waxa ay Ingiriiska iyo Faransiisku ka heshiiyeen sannadkii 1888-kii waxana ay calaamadiyeen 1936-kii. Xadka Soomaalilaan iyo Itoobbiya, waxa ay ka heshiiyeen 1887-kii waxana ay calaamadiyeen sannadkii 1954-kii, midka Soomaalilaan iyo Soomaaliyana waxa ay Ingiriiska iyo Talyaanigu ka heshiiyeen 1894-kii, waxana ay calaamadiyeen sannadkii 1929-kii. Haddaba, waxii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee dunida, Soomaalilaan waxa ay lahayd jiritaan buuxa oo sohdimaysan oo keliya sugaya in uu madaxbannaani ka helo Boqortooyadii Ingiriiska, taas oo ah in talada Soomaalilaan ka wareegto Ingiriiska oo u wareegto dadka Soomaalilaan.
Saxeexa wareejinta talada ee ay kala qaateen Boqortooyada Ingiriiska oo xukumeysay iyo xukuumaddii Soomaalilaan waxa uu ugu filnaa aqoonsi madaxbannaani. Sidaa awgeed, 26-kii Juun, 1960-kii, waxa dhacay in British Somaliland Protectrate oo sidaa loo aqoonsanaa ay isu beddeshay Somaliland State, kaddib markii uu Ingiriisku taladii ku wareejiyay dadkeeda. Waqtigaas, Soomaalilaan uma ay baahnayn aqoonsi e, waxa ay u baahnayd oo keliya in ay codsiga xubinnimada geysato Qaramada Midboobay (QM). Qaadashada xubinnimada QM ma ahayn aqoonsi, in aan lagu biirinna laguma waayeyn aqoonsi e, ku biirista QM waxa ay ahayd doorasho. Sidaa si la mid ah, ma jiraan dalal si gaar ah u aqoonsaday Soomaaliya mana ay dalban in la aqoonsado. Markii ay xorriyaddii ka qaadatay Talyaaniga sidaas ayaa ay ku noqotay dal madaxbannaan oo la aqoonsan yahay. Aqoonsiga Soomaaliya waa isla kii ay haysatay ka hor xornimadii 1960-kii oo ay ku darsatay in ay markan la wareegtay taladeeda. Waa aqoonsiga ay ku qotomaan khariidadaha dalalkii la gumeystay waana midka, markii uu Talyaanigu jabay, lagu sii ilaaliyay xuduudihii Soomaaliya oo laga qabsaday, isla markaana lagu sii kala soocay xuduudda Soomaalilaan, Soomaaliya iyo Itoobbiya oo Ingiriiska iyo Talyaanigu midba mar wada haystay haddana sohdin kala qaybisa ay lahaayeen. Ingiriisku ma uu awoodin in uu qaybo ka mid ahaa Soomaaliya iska go'aansado in uu ku soo darsado Soomaalilaan, sababta oo ah nidaamkii jiray ayaa diidayay oo aqoonsanaa xuduudaha.
Haddaba, halkee ayaa ay ka timid doodda ay dad badani soo celceliyaan ee ku saabsan tirada dalalkii aqoonsaday Soomaalilaan, markii ay madaxbannaanida ka qaadatay Ingiriiska?
Dhab ahaan, tirada dalalka la sheego in ay Somaliland aqoonsadeen oo lagu tilmaamo 35 dal waxa ay u qaybsamaan dalal u soo diray xukuumaddii Soomaalilaan dhambaallo hambalyo oo ku saabsan madaxannaanida iyo kuwo dhanbaalladooda ku lifaaqay in ay ‘aqoonsadeen Soomaalilaan’. Tusaale ahaan, Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinuhu waxa ay xukuumadda Soomaalilaan u soo dirtay hambalyo ku saabsan madaxbannaanida iyo go’aan aa; in ay aqoonsatay Soomaalilaan, laakiin Maraykanku waxa uu soo diray dhambaal ku kooban hambalyo iyo bogaadin ku saabsan madaxbannaanida Soomaalilaan. Waxa ay u badan tahay in dalalka qaar, sida Shiinaha Shacbiga ah, ay si gaar ah ugu dhawaaqayeen aqoonsiga maaddaama oo ay dano gaar ahi kaga xidhnaayeen. Metalan, Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinuhu waxa ay waqtigaas raadinaysay cid iyada qudheeda aqoonsata maaddaama oo nidaamka caalamiga ahi uu berigaas aqoonsanaa Taywaan oo ahayd Jamhuuriyadda Shiinaha.
Dalalkan la sheegaa, hadda, waa kuwii hambalyada u soo diray Soomaalilaan, mana jirin aqoonsi gaar ah oo ay Soomaalilaan uga baahnayd dalalkii jiray. Waxa ay u baahnayd keliya in ay madaxbannaanideeda sii haysato iyo in ay xubinnimadeeda QM dalbato. In Soomaalilaan ay waraaqaheeda u gudbiso QM, si ay ugu biirto, ma shardi ayaa ay u ahayd aqoonsi? Jawaabtu waa maya. Sababta oo ah xubinnimada QM shardi uma aha madaxbannaani daleed, sida aanay xubinnimada Midowga Afrika shardi ugu ahayn in la noqdo dal madaxbannaan oo Afrika ka mid ah. Metalan, Switzerlaan oo ah dal jiray ku dhawaad 800 oo sannadood waxa ay QM ku biirtay sannadkii 2002 oo weliba ay dadkeedu cod u qaadeen.
35-ka dal ee Soomaalilaan soo hambalyeeyay oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Ingiriiskii talada wareejiyay waxa ay ku hambalyeynayeen 'madaxbannaanida ay gaadhay. Waa madaxbannaani ay aqoonsanaayeen dalalkii hambalyada soo diray iyo kuwii aan soo dirinba. Sababta oo ah 'madaxbannaanidu' waxa ay ahayd arrin u dhexeysa Soomaalilaan iyo Boqortooyada Ingiriiska oo keli ah, dunida kale oo dhanna uma oollin wax aan ahayn in ay aqoonsanaato.
Maxaa dhacay, markaa? Waxa dhacay in Soomaalilaan ay ka tanaasushay madaxbannaanidii, kaddib 5 cisho markii ay Ingiriiska kala wareegtay taladeeda, si loo xaqiijiyo midow Soomaaliyeed. Dalal badan ayaa sidaa yeelay markii ay taladooda u madaxbannaanaadeen. Haddana, waa ay kala noqdeen mana ay saameynnin xaaladdoodii daleed umana ay baahan aqoonsi gaar ah in ay dib u raadsadaan. Soomaalilaan maxaa ku dhacay? Waxa ku dhacay in heshiiskii midowga la musuqay, dunida la tusay heshiis been ah, midowgiina lagu beddelay qabsasho (occupation). Waxa jirta, iyana, in taloxumadii lixdankii ay weli si u socoto oo Soomaalilaan aanay weli dadaalkii ku habboonaa galin wejiga sharci ee qaddiyaddeeda. Waxa kale oo intaa dheer, dunida oo Soomaalida, oo ay Soomaalilaan ku jirto, u aragtay dad aan qaddiyado dawladeed lahaan karin oo aanay waxba ka go'nayn.-