Skip to main content

Sunday 20 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Xorraynta Khartuum iyo Dareennada is Huwan ee Guusha Ciidanka

14 April, 2025
Image
Geeska Cover
People wave flags and chant slogans as they celebrate on the streets of Port Sudan on March 21, 2025. (Photo by EBRAHIM HAMID/AFP via Getty Images)
Share

Ciidamada Suudaan waxa ay soo gabagabeeyeen jabinta xoogagga RSF ee ku sugnaa caasimadda Khartuum, se guushani waa mid kulmisanaysa jab iyo farxad. “Khartuum waa xor” ayaa uu ku dhawaaqay Cabdifataax al-Burhaan oo ku sugan guriga madaxtooyada Suudaan, saacado kaddib markii ciidamadu madaarka magaalada ka qabsadeen kooxda Janjawiid (RSF). Muuqaal kooban oo baraha bulshada la wareejiyey, waxa ka muuqda Jeneraal al-Burhaan oo dhex tamashlaynaya madaxtooyada, ciidamadiisuna la socdaan, kuna dhawaaqaya: “Hawgalku waa uu soo afjarmay, Khartuum waa xor, waa xor, waa xor”. Xorraynta Khartuum waxa ay timi kaddib toddobaad hawlgal adag laga waday caasimadda Suudaan. Maalinkii isniinta ee taariikhdu ahayd 27/03, ciidamada Suudaan ayaa qabsaday madaxtooyada, waana dhacdo muhiimad weyn oo siyaasadeed iyo milatariba u leh dagaalka ay kula jireen kooxda RSF muddo laba sanno ku dhow.

Maalmihii u horreeyey dagaalka, bishii Abril 2023, xoogagga RSF ayaa qabsaday madaxtooyada iyo aagag ku hareeraysan oo ay ku jiraan xarumo wasaaradeed iyo qaybo ka mid ah magaalada oo ahaa goobo ganacsi. In labada dhinac ee dagaallamayaa kala qaybsadeen magaalada, waxa uu xoogagga RSF u sahlay muujinta in ay dhinac firfircoon Suudaan ka jira yihiin, oo shaki galiyey sharcinnamadii xukuumadda. Guushaasi waxa kale oo ay Maxamed Xamdaan Dagloo, oo loo yaqaan Xamiidti, u sahashay in uu isku muujiyo in uu yahay shakhsiyad leh saamayn siyaasadeed.

Koox suxufiyiin ah oo ka socday wargayska New York Times, oo booqday madaxtooyada markii ciidamadu la wareegeen, waxa ay madaxtooyada ku tilmaameen “kharaabad jaranjarooyinkaada dhiig ku dhammuuqanyahay”. Burburka madaxtooyada loo gaystay waxa uu gaadhay dhirtii ku hortaallay oo la xagaafay, masaajiddadii ku hareeraysnaana madaafiic lagu holciyey. Waxa la burburiyey oo la boobay Jaamacadda Khartuum (mid ka mid ah jaamacadaha ugu qadiimsan Afrika). Waxa gebi ahaanba la gubay wasaarado. Falalkan burburinta ahi waxa ay noqdeen cambaar ku taalla xoogagga RSF oo falalkan looga bartay tan iyo markii uu abuuray nidaamkii Cumar al-Bashiir bilawgii labadii kun. Qoraal ay qoraayad reer Suudaan ah oo dhalashada Ingiriiska haysata, Nasriin Maalik, ku baahisay barta X, waxa ay ku sheegtay in xoogagga RSF ka tageen “burburkii ugu darnaa ee caasimad Afrikaan loo gaysto taariikhda cusub”. Waxa lagu wiirsaday muuqaal dusha sare laga duubay oo muujinaya dagaalyahannada RSF oo si habqan ah uga baxsanaya caasimadda Khartuum.

Madaxii xafiiska Afrika ee New York Times, Declan Walsh, oo booqday madaxtooyada Suudaan, ayaa waraysi la yeeshay mid ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Suudaan, isagoo wayddiiyey heerka burburka madaxtooyada, waxaanu bixiyey jawaab murugo leh. “Marnaba dalkayaga uma oggolaan doonno, ugama na tegi doonno fallaagada” ayaanu tawaawacay.

Inta badan intii colaaddu socotay, ciidamada Suudaan waxa ay u muuqdeen in ay difaac ku jireen, xoogagga RSF, oo awoodda weerarka lahaana, waxa ay qabsadeen inta badan Daarfuur, dabadeed waxa ay isku ballaadhiyeen koonfur-bari. Bishii Diisambar ee 2023, waxa ay gacanta ku dhigeen Waad Madani, oo ah magaalada labaad ee dalka ugu muhiimsan, magaalo madaxna u ah gobolka Jasiira, oo ay ku qaxeen boqollaal kun oo ah qaxoontigii kasoo cararay caasimadda Khartuum. Xamiidti, hoggaamiyaha janjawiid waxa uu xilligaas si joogto ah socdaallo ugu kala gooshay dalalka jaarka ah, waxaana loo qaabilayey sida in uu yahay madaxweyne dal. Dalalku waxa ay u muuqdeen in ay dhexdhexaadnimo ka muujinayeen hawlaha socda, kana dhursugayeen dhinaca guushu raacdo. Sebtambar sannadkii hore, xilli al-Burhaan ku sugnaa New York, isagoo ka qaybgalayey shirkii Qaramada Midoobay, ciidamada Suudaan waxa ay weerar ba’an oo dhiirran ku qaadeen magaalada Ummu Darmaan oo ah magaalo ku lammaan Khartuum. Siddeed bilood  kaddib weerarkaasna waxa laga sheekaynayaa xorraynta Khartuum, dad badanina waxa ay saadaalinayaan in la jabiyo awoodda xoogagga RSF.

In badan jabka soo gaadhay RSF waxa ay u arkaan dharbaaxo kulul oo ku dhacday istiraatiijiyadda baabi’inta ah ee Imaaraadku ka wado Badda Cas iyo Waqooyiga Afrika. Imaaraadku waxa uu garabsiinayaa kooxo isugu jira xukuumado iyo jabhado oo ka hawlgalayey dhulka dherersan laga soo bilaabo Bariga Liibiya, Geeska Afrika ilaa Yaman, aadna ugu xoogganaa deegaannadaas, waxaanay Imaaraadka u ahaayeen wakiillo uu dhexmarsado awood-ballaadhsigiisa. Weriyaha Bariga Dhexe ee the Economist, Gregg Carlstrom, ayaa bartiisa X kusoo qoray: “[Jabka RSF] waa fashil kale oo ku yimi qorshihii siyaasadda arrimah dibadda ee Imaaraadka Carabta, si la mid ah fashilkii ku yimi taageeradiisii Khaliifa Xaftar oo uu Imaaraadku rabay in uu gacanta ku dhigo Daraabulus, iyo fashilka ku yimi dedaalladii Imaaraadku ugu jiray in la caadiyeeyo xidhiidhada lala yeelanayo Bashaar al-Asad”. Ilaa hadda ma cadda waxa ay tahay ujeeddada kama damabysta ah ee Imaaraadku ka leeyahay Suudaan; ujeeddadiisu ma waxa ay ahayd uun  in ay cagadhigtaan dalkan aan degganayn ee laga adkaaday dhinacyadii aydhiyoolajiyadeed (Islaamiyiintii Suudaan), oo waxa ay rabeen in ay daldashaan dahabka Suudaan, mise waxa ay si dhab ah u aaminsanaayeen in Xamiidti noqon karo hoggaamiyaha Suudaan. Anas al-Qumaadi, oo ah madaxa Xarunta Cilmibaadhista Liibiya ee Machadka al-Saadiq, isaga oo bedka keenaya sawir ka xeeldheer intan, waxa uu  waraysi siiyey Geeska, waxa uu hawlgallada Imaaraadka ee Liibiya iyo Suudaan ku tilmaamay “shax halis badan iyo jiyoo-siyaasadeed  uu ciyaarayo”, “dhinac kastaana – ha ahaado dhinac ka hawlgalaya Khartuum, Bangaasi ama Abuu Dubay e – waxa uu dhinacyada kale u yahay garab, una diyaarsan jab kasta oo soo gaadha”. Awoodda Xamiidti waxa ay kobocday markii calooshood u shaqaystayaal uu ka qaybgaliyey dagaalkii uu Imaaraadku ka waday Yaman, waxii intaas ka dambeeyeyna kaalintiisa gobolka ayaa ballaadhatay. Dabadeed waxa uu xidhiidh wanaagsan oo labadoodaba muhiim ah la sameeyey Xaftar oo Bariga Liibiya ka dagaallamayey, si la mid ah RSF-na dagaal ba’an kusoo qaaday caasimadda Liibiya. Isballaadhintaas Xamiidti hadda waxa burburiyey in ciidamada Suudaan dib gacanta ugu dhigeen Khartuum, dibna usoo ceshadeen madaxtooyadii.

Sida uu xusay Khaliil Jaarlees, oo ah weriye Ingiriis ah oo rugcaddaa ku ah arrimaha Suudaan, madaxtooyadu waa summaddii dalka, oo dhinacyadii sooyaalka kusoo hirdamayay talada dalku markasta isku dayayeen in ay gacan ku haynteeda yeeshaan. Guriga madaxtooyada waxa bilawgii dhisay boqortooyadii Cusmaaniyiinta, kaddib markii ay awooddeeda ku ballaadhisay laga soo bilaabo Masar ilaa wabiga Niilka jiinkiisa. Kolkii dawladdii Mahdigu dhacday siddeetanaadkii qarnigii 19aad, gumaysigii Ingiriiska ayaa madaxtooyada qabsaday, waxaanu haystay ilaa intii uu dalka madaxbannaani siinayey, xukunkana uga tanaasulay Ismaaciil al-As’hari, oo madaxbannaanida dalka ku dhawaaqay sannadkii 1956. Weriyahani waxa uu xusayaa in “madaxtooyadu keliya noqon meel madaxbannaanidii lagu saldhigay, se waxii intaas ka dambeeyeyna garoon u noqday afgambiyo iyo dhacdooyin dhiig ku daatay oo raad kaga tagtay sooyaalka Suudaan”.

Muddadii koobnayd ee Suudaan madaxbannaanida haysatay, oo toddobaatan sanno ku siman, dalkani waxa uu kaalmaha hore kaga jiraa dalalka Afrika ugu afgambiga badan, afgambiyada guulaystayna ku badanyihiin, waxaana ka dhacay 18 afgambi iyo isku day afgambi. Arrinkani waxa uu ka dhiganyahay in celcelis ahaan saddexdii sannaba afgambi ama isku day afgambi dhacayey. Afgambigii ugu dambeeyey waa markii ciidamada Suudaan oo garabsanaya RSF ay meesha ka saareen xukuumaddii Cabdalla Xamduuk oo fadhiid ahayd. Afgambigaas u dambeeyey waxa uu gogolxaadh u noqday xaaladdan hadda Suudaan ku jirto muddo laba sanno ah. Bilawgii shacabka ayaa bannaanbaxay, oo codsanayey in xukuumadda Xamduuk oo la qiyaasayey in ay dalka ka saarto marxaladdii ku meelgaadhka ahayd in ay xukunka bannayso. Boqol qof baa lagu dilay bannaanbaxyadaas dhacay Aktoobar 2021, se ugu dambayn xukuumaddii ayaa la riday. Dhacdadaas dabadeed waxa fursad helay Cabdifataax al-Burhaan, oo ahaa taliyaha ciidamada Suudaan, oo noqday hoggaamiyaha dalka, loollanna la galay Xamiidti oo hoggaaminayey ciidamada RSF. Khilaafku waxa uu kasoo bilaabmay kolkii la isku qabtay jadwalka qaramaynta xoogagga RSF, oo loo arkayey koox hubaysan oo ka hawlgasha dhul ka baxsan Suudaan, hantideeduna kusii badanayso xidhiidhada ay la leedahay Imaaraadka iyo hantida badan ee ay ka samayso dahabka. May guulaysan qaramayntii RSF, waxaanay kalsooni darro dhex timi labada dhinac oo ugu dambayn isu rogay dagaalkii qarxay bishii Afraad 2023. Khaluud Khayr, oo faallaysa arrimaha Suudaan, ayaa bilawgii dagaalka, iyada oo u warramaysa wargeyska the Guardian, saadaalisay burburka dalka soo gaadhi doona iyo in aan colaaddan labada dhinac midina ka badbaadi doonin.

Aad bay u adagtahay in la qiyaaso baaxadda burburka, waana mid argagax leh sida laga dheehanayo xogaha la baahiyey. Ergayga Qaramada Midoobay ee Qaxoontiga Suudaan ayaa burburka ku tilmaantay “dhibaatadii qaxoonti ee ugu weyneyd, iyo burburkii dunida ugu ballaadhnaa”. Waxa gudaha dalka ku barakacay dad ka badan toban milyan, oo afar milyan oo carruur ahi ka mid yihiin. Waxa la aaminsanyahay in laba milyan oo qof u qaxeen dalalka jaarka ah. Dhibaatada barakaca iyo suququlka cunto ayaa isla falgalay oo laba jibbaarmay, wakaalado kala duwan ayaana shaaciyey in qaybo ka mid ah dalka macaluul ka jirto, xerada qaxoontiga ee Samsam oo Daarfuur ku taallana waxa bishii Feebarweri la sheegay in labadii saacadoodba ilmo gaajo ugu dhinto.

Qiimaynta haayadaha iyo wakaaladuhu ku sameeyeen burburka iyo waxyeellada lafteedu waa mid aan dhinacyada kale xaqiijin karin, la iskuna hallayn karin. Tusaale ahaan, Qaramada Midoobay waxa ay adeegsatay qiimaynta lagu sameeyey labaatan kun oo qof, se warbixin ay soo saartay Kulliyadda Caafimaadka Landhan ee caafimaadka dhulbadhaha, waxa ku xusan in gobolka Khartuum oo keliya lagu dilay dad ka badan lixdan kun. Kooxda warbixinta qortay ayaa intaa ku dartay: “Waxa aannu aaminsannahay in warbixintayada aad looga fiirsaday”. Bishii Jeenaweri ee sannadkii 2024, warbixin ay khubarada Qaramada Midoobay ka soo saareen magaalada Junaynah ee Daarfuur ku taalla, waxa lagu sheegay in shan iyo toban kun oo qof kooxda RSF dishay. Maamulkii Biden ayaa dhaleeceeyey dhaqamada iyo hawlgallada RSF ka wadaan Daarfuur ee ka dhanka ah bulshada Masaaliit, iyada oo lagu tilmaamay xasuuq, waxaana la arkay muuqaallo ay ka muuqdaan dagaalyahannada oo dad shacab ah laynaya, tuulooyinna gubaya, muuqaallana iska duubaya. Ergayga Maraykanka u qaabbilsan Suudaan, Tom Perriello, waxa uu Koongarayska hortiisa ka caddeeyey in waxyeelladu inta la xuso ka badantahay, oo dadka la dilay  kor u dhaafayaan 150 kun oo qof.

Nasriin Maalik waxa ay xustay sida ay uga xuntahay in dadka Suudaan ku magacaaba “dagaal la illaaway”, aanay sharrixi karin sababta ay sidaas ugu tilmaamaan. Waxa ay qirtay in badanka warbaahinta dunidu hadda ku jeeddo dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ka waddo Qasa, sidaas darteed weriyayaal caalami ah oo tiro ahaan koobani ay Suudaan ku suganyihiin, dadkana u soo tebiyaan xaaladaha halkaa ka jira. Waxa ay hadalkeeda ku dartay, “waxa aan aaminsanahay in sababta la isaga indhotirayaa tahay in dadka badankoodu waxa Suudaan ka socda xaalad caadi ah u tahay, oo ay ka dhaadhacsantahay waa dal Afrikaan oo isaguna dagaalladii qaaradda cagaha la galay”.

Dadka soo farageliyey dagaalku, qodobkaas iska indhotiridda ah waxa ay ku muujiyeen qaab maad ah. Tusaale ahaan, Wasiirka Arrimaha DIbadda Ingiriiska, David Lammy, ayaa bookhasho warbaahin badani tabinaysay ku tagay xuduudda Chad iyo Suudaan bilawgii Feebarweri, si uu dunida ugu soo jeediyo caqadabadaha bani’aadamnimo ee halkaas ka jira. Tallaabadiisan waxa dadka qaar ku fasireen in dawladdiisu iskaga khafiifinaysay cadaadiska ka haysta in ay xaaladda Qasa ka gaabiyeen, waana sida Khuluud Khayr ku tilmaantay “marinhabaabin bani’aadamnimo”. Waxa ay ku tilmaantay istiraatiijiyad indhaha dadweynaha lagu jeedinayey “in doodda Suudaan lagu dado ta Qasa”, iyada oo aan labada dhinac midna aan waxba loo qabanayn. Sahra Suldaanah, oo ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee uu ka tirsanaa Lammy laftiisu, ayaa wayddiisay haddii uu ilaa heerkan danaynayo Suudaan, waxa ay dawladda Ingiriisku ku samayn karto Imaaraadka saaxiibka la ah Ingiriiska ee haddana hubka ku daabulaya Suudaan, ee garab taagan RSF. Mar kale, Lammy oo dood ka keenay kaalinta Ruushku ku leeyahay dagaalka Suudaan mar la joogay Golaha Ammaanka, haddana wax xal ah ma keenin, ka sokow in uu ku baaqay in dhinacyada dagaallamayaa isu yimaaddaan.

Marka laga yimaaddo siyaasiyiinta keliya raba in ay isu muujiyaan in ay yihiin geesiyaal bani’aadamnimo waddo, waxa kale oo jira siyaasiyiin aan warba ka hayn waxa ka socda Suudaan, xitaa iyada oo beesha caalamku dhaleecaysay xoogagga RSF oo xukuumad kale kaga dhawaaqay Suudaan. Ilaa wakhtigan oo ciidamada Suudaan jabiyeen kooxaha xasuuqa waday ee RSF, haddana weli Midawga Yurub iyo Maraykanku waxa ay ku baaqayaan xabbad joojin iyo in wadahadal la yeesho. Al-Burhaan waxa uu la kulmay xannibaadaha Maraykanku kusoo rogay, oo lagu sababeeyey in uu wadahadallada diiday. Baaqa ah xabbad joojin iyo in sidaas lagaga hadho RSF, oo sida muuqata weli difaac ku jirtaa, waa baaq kusoo beegmaya xilli aan munaasib ahayn. kameroon Hudson, oo ahaa falanqeeye hore oo CIA ka tirsan , aadna ugu dhuun daloola waxa ka socda Suudaan, ayaa yidhi: “Baaqa xabbad joojinta ah ee xilligan, waxa aan u arkaa in si dadban garab loo siinayo RSF oo baxsad ah, difaacna ku jirta, waana baaq si dadban dhabarka uga jabinaya weerrarada dardarta leh ee ciidamada Suudaan”.

Hudson waxa uu aaminsanyahay in qabsashada madaxtooyada iyo xorraynta Khartuum ay tilmaamayaan in Suudaan gashay marxalad cusub oo dagaalka ah, muranna aanu ku jirin in ciidanku gacanta sare leeyahay. Hadda ciidamadu waxa ay ku hubaysanyihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ka heleen Turkiga iyo Iiraan, iyo diyaarado kale oo dagaal oo ay ka heleen Ruushka iyo Shiinaha. Is wayddiintu waxa ay tahay: ciidamadu ma u oggolaan doonaan RSF in ay Daarfuur sii joogto, mise waa ay kaga daba tegi doonaan Daarfuur oo ah goob halis ah oo aan la saadaalin karin dagaalkeeda, lana aaminsanyahay in RSF si firfircoon uga hawlgasho. Hudson waxa uu leeyahay, dagaalkaasi waxa uu u baahanyahay duullaan dhulka ah oo ballaadhan, oo dabcan waxyeello nafeed oo ballaadhan gobolka ka gaysan doona, isla gobol marka horeba dagaallada kusii baaba’ay. Hudson waxa uu bartiisa X ku baahiyey: “Dagaalkaas waxa ka dhalan doona burbur hor leh iyo in la kordhiyo xasuuqii shacabka. Niyadwanaagga hadda dadka loo muujinayaana meesha waa uu ka baxayaa, waxaanay ciidamadu hadhaw u eekaanayaan uun ciidamadii hore ee duqaymaha cirka gaysanayey si ay gobollo nabad ugu soo dabbaalaan”.

Halkan bay kasoo baxaysaa dareennada is huwan ee ku dhex qasan guusha muhiimka ah ee ciidamadu gaadheen. Dad badan oo reer Suudaan ahi waxa ay ciidamada ku taageersanyihiin dano gaar ah, ee ma aha taageero ka dhalatay xammaasad aydhiyoolajiyadeed. Dadka reer Suudaan waxa ay kala dooranayaan: ciidan kharriban oo aan markiisa cidna u tudhin, se ugu yaraan dawladdii rasmiga ahayd ah, iyo jabhad la necebyahay, aargoosi wadda, lagu tuhunsanyahay xasuuq, oo Imaaraadku kaalmaynayo. Markaas way fududdahay labadan in la kala doortaa, se haddana ma aha doorashadii ugu wanaagsanayd, oo qof kastaa ku farxi karayey. Isla maalin kaddib markii Khartuum lagu soo celiyey gacanta ciidamada, waxa fajaciso noqotay in ciidamadu duqayn cirka ah ka gaysteen magaalada al-Fasher ee gobolka Daarfuur oo la aaminsanyahay in boqollaal qof lagu dilay, Kooxda Garyaqaannada Degdegga ahina ku tilmaameen “xasuuq argagax leh”. Waxa kale oo ciidamadu eed ku leeyihiin in ay gargaarka dadka la gaadhsiinayo gabbaad ka dhigtaan, oo ay shuruudahooda dagaalka ku xidhaan.

Dagaalkan labada sanno socday waa xaalad kale oo kusoo biirtay dhibaatooyin hore dalka u ragaadiyey. Muuqaallada Khartuum waxa ay muujinayaan dhismayaal dumay, xaafado la baabi’iyey, iyo dad weyne macaluul u dhimanaya oo si habqan ah u qaxaya. In dhismihii iyo deggenaanshihii la soo celiyo, iyada oo la ogyahay xannibaadaha maaliyadeed ee Suudaan lagu soo rogay, waxa ay qaadanaysaa tobonnaan sanno. Waxa is wayddiin mudan yaa kaalmo siin kara Suudaan? Cumar al-Bashiir waxa uu dalka ka tagay iyada oo cunaqabatayn la saaray, oo ay aad u koobanyihiin saaxiibbada dalka ku kalsooni. Hadda Yurub waxa ay rabtaa in ay iyadu dib isu hubayso si ay uga hortagto dagaalka ka suurooba Ruushka, ama xitaa Shiinaha, Sacuudigu waxa uu rabaa in uu magaalo mustaqbalka ah dhisto, Turkiguna waxa uu ku mashquulsanyahay u saldhigidda Suuriya oo dhawaan xorrowday, oo Israa’iil ku siqayso dhulkeeda. Shaki baa ku hareeraysan in al-Burhaan Imaaraadka la xidhan karo, oo uu wici karo Muxammad binu Saayid, Ruushka iyo Shiinuhuna xilligan uma diyaarsana in ay mashaariic dib u dhisa ka sameeyaan dal sida Suudaan ah.

Mushkiladda u dambaysa uguna halista badani waa qabsashada Khartuum, oo aan ka dhignayn in dagaalkii Suudaan soo dhammaaday. Hibah Marjaan, oo ah weriyaha al-Jasiira ee Suudaan, waxa ay warbixin ay Khartuum kasoo diyaarisay ku tidhi: “Hadda oo aynnu aragno in dagaalkii Khartuum soo dhammaaday, waxa ay u badantahay in dagaal kasii adagi ka dhaco gobolka Daarfuur iyo koonfur-galbeed ee Suudaan”.

Suudaan waa dal ballaadhan. Gobollada webiga Niilka ku teedsanina waa kuwo nabada ah oo si guud horumar uga socdo. Se Daarfuur waxa ay tan iyo bilawgii qarnigan cagaha kula jirtay colaado. Xitaa haddii xaaladuhu degaan lama rejaynayo in dadku si fudud kusoo kabtaan. Ciidamada Suudaan iyo kooxda RSF oo berigaas loo yaqaannay Janjawiid, oo isku dhinac ka dagaallamaya ayaa dagaal iyo barakicin u gaystay dadkii deegaanka ee aan Carabta ahayn. Xadgudubyadan xukuumaddu ku kacday muddadii u dhaxaysay 2003 ilaa 2005, waxa ay keentay in lagu eedeeyo xasuuq. Qiimaynuhu waa ay kala duwanyihiin, se markii dagaalkii xaaladdii ugu darnayd ku jiray, waxa la dilay 400 oo kun oo qof, boqollaal kun oo kalena waa la barakiciyey, ilaa maantana dadkii badh baa qaxoonti ah. Xaaladdu waxa ay gaadhay in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyadu  Cumar al-Bashiir ku eedayso xasuuq. Ka sokow Eedaynta Antony Blinken ee ah in Janjawiid ay xasuuq ka gaysatay Daarfuur waa markii labaad ee RSF lagu eedooyo xasuuq, iyada oo xasuuqa hore dhacay 20 sanno ka hor.

Saansaanta taagani waxa ay muujinaysaa in dagaalku halkaas ka sii socon doono haddii ciidamadu ka daba tagaan RSF, dad badanina dhib mudan doonaan. Toddobaad gudihii 15 kun oo qof ayaa xeryaha barakacayaasha ee Daarfuur ku biiray, iyaga oo ka qaxay magaalada al-Malha oo dhinaca waqooyi uga dhow magaalo madaxda gobolka Daarfuur ee al-Fasher, magaaladaas oo ay qabsadeen RSF. Si guud, Qaramada Midoobay waxa ay tebiyeen in lix boqol oo kun oo dad cusub ahi barakaceen laga soo bilaabo bishii Afraad, 2024, dad milyan ku dhawina ay gabbaad ka raadsanayaan al-Fasher.

Dadka Suudaan waa ay ku saxanyihiin in ay u dabbaaldegaan guushan muhiimka ah, oo dad badani rejaynayaan ay ififaalo u noqoto soo afjaranka dagaalka. Waxa suurogal ah in gargaarka bani’aadamnimo ee aadka loogu baahanyahay soo gaadho magaalada, halkaasna deggenaan iyo soo kabasho ka hanqaaddo, se haddii nefiskaas yari meesha ka baxo, waxa ina sugaya caqabado cusub oo halis badan. Al-Burhaan markii uu qasriga madaxtooyada soo galayey waxa uu yidhi: “arrinku wuu dhammaaday”, se uma muuqdo mid dhammaad u dhow. 

Qoraallada kale ee qoraaga