Sunday 8 March 2026
Xoogagga RSF ee Suudaan ayaa si weyn loogu cambaareeyay weerarro geystay gaboodfallo baahsan oo ay la beegsadeen dadka rayidka ah ee gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta Kurdufaan ee dhaca dhanka koonfureed ee Suudaan. RSF waxa, sidoo kale, lagu eedeeyay in ay beegsadeen hawlgallo gargaar oo loogu talagalay dadka shacabka ah ee ay saameeyeen dagaalladu iyo xarumo caafimaad oo deegaankaas ku yaalla.
Waxa la sheegay in dhawaan xoogagga RSF ay weerareen kolanyo gaadiid ah oo sidday gargaar uu leeyahay Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), waxa ay sidoo kale weerareen gaadiid siday dad shacab ah oo ka qaxayay colaadda, iyo cusbitaal lagu magacaaabo al-Kuweyk oo intuba bartilmaameed u noqday xoogagga RSF. Tobannaan qof oo shacab ah ayaa weerarradan ku dhintay in kalena waa ay ku dhaawacmeen waxana ay tusaaale cad u noqdeen xadgudubyada baahsan ee ay dhinacyada dagaalka Suudaan u geysanayaan shacabka iyo hawlgallada gargaarka, arrintaas oo ka dhan ah qaanuunka caalamiga ah iyo xeerarka badani-aadannimo ee xilliyada dagaalka.
Ugu yaraan 24 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 8 qof oo isugu jira dumar iyo carruur ayaa ku dhintay weerar ay RSF ku qaadday gaadhi bas ah oo gudbinayay dad u qaxayay dhanka magaalada Rahad ee Waqooyiga Kurdufaan. Dadkani ayaa marka horeba ka qaxayay dagaalka u dhexeeya RSF iyo Milatariga Suudaan ee gobolka Koonfurta Kurdufaan.
Agaasimeha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanon, ayaa ka hadlay weerarka lagu qaaday xarumaha caafimaadka iyo adeegbixiyeyaasha caafimaad, waxana uu tilmaamay in ay arrintaas khatar sii galinayso nidaamka caafimaad ee horeba u liicsanaa. Midowga Yurub ayaa, isaguna si adag u cambaareeyay weerarradan RSF waxana uu ku tilmaamay in ay yihiin dambiyo halis ah oo ka dhan ah xeerka caalamiga ah.
Xoogagga RSF waxa hore loogu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani-aadannimada oo ka dhacay magaalooyinka Jineynah iyo al-Faashiir oo labaduba dhaca gobollada Daarfuur ee galbeedka Suudaan, waxana uu Maraykanku cunaqabateyn ku soo rogay xubno sare oo ka tirsan ciidamada RSF.
Dagaalka u dhexeeya ciidanka Milatariga Suudaan iyo Xoogagga RSF ayaa galaya sannadkii afraad oo xidhiidh ah waxana uu keenay khasaare baahsan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac, cudurro dillaacay iyo macaluul saameysay deegaannada qaar, iyada oo aanu weli jirin hannaan siyaasadeed oo lagu soo afjarayo colaadda ama lagu gaadhayo xabbadjoojin.