Skip to main content

Thursday 12 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Xisbiyada Mucaaradka ee Benin oo Guuldarro Weyn kala Kulmay Doorashooyinkii Baarlamaanka

20 January, 2026
Image
المعارضة في بنين تخسر جميع مقاعدها
Share

Doorashooyinkii Baarlamaanka ee ka qabsoomay Benin 11-kii Jeenawari 2026 ayaa dhaliyey jug ballaadhan ka dib markii Isbahaysiga Mucaaradka ee dalkaasi si weyn ugu guul darraystay in ay wax kuraasi ah ku yeeshaan Golaha Xeerdajinta, sida ay ku dhawaaqday Guddida Doorashooyinka Qaranku.

Natiijooyinka la shaaciyey ayaa muujiyey in Isbahaysiga Madaxweyne Patrice Talon oo ah labo garab ay heleen dhammaan kuraasida Golaha Qaranka oo ka kooban 109 kursi. Garabka koowaad oo la baxay Midawga bidixda ee dib u cusboonaysiinta ayaa ku guulaystay 60 kursi(42.15 codadka guud), halka garabka labaad ee Jamhuurigu uu helay 49 kursi oo u dhiganta 36.64% codadka la dhiibtay. Dhanka kale, Xisbiga Dimuqraadiga oo ahaa mucaaradka ugu weyn ee la loolamayey isbahaysigan ayaa helay 16% codadka guud taas oo sababtay in ayna wax kursi ah ka helin golaha.

Shariga doorashooyinka ee hirgalay doorashada ka hor ayaa dhalliyey muran ballaadhan oo la xidhiidha habka iyo hannaanka doorashada. Sharcigan ayaa jiddaynaya in ay xisbiyadu kasbadaan 20% codadka degmooyinka (24 degmo) si ay uga mid noqdaan xubnaha golaha sharci dajinta. Shuruudahan ayey mucaaradku dhankooda u arkeen kuwo lagu dabrayo awoodooda isla markaasna u xaglinaya Isbahaysiga taageersan Madaxweynaha. Xisbiga “Dimuqraadiyiinta” ayaa si adag uga soo horjeedsaday xeerkan isaga oo ku tilmaay mid talada laga ga fogaynayo mucaaradka lagu na takoorayo si ayna uga qayb noqon matalaadda bulshada.

Doorashooyinka iyo natiijada ka dhalatay ayaa ku soo beegmay xilli xaaladda siyaasadeed ee Benin ay tahay mid aan fadhiyin, ka dib isku day afganbi oo guul darraystay bishii Diisember 2025, kaas oo socday saacado kooban ka hor intii ayna xukuumaddu xakamayn. Afganbigan ayaa dhaliyey walaac la xidhiidha xasilloonida iyo guud ahaan nidaamka siyaasadeed ee Benin.

Walow ay Benin muddo ku jirtay xasillooni siyaasadeed, kolka la barbar dhigo dalalka la dariska ah ee Galbeedka Afrika, haddana Afganbiga dhicisoobay iyo maqnaanshaha Mucaaradka ee golayaha xeerdajintu waxa ay sii xoojinayaan walaaca laga qabo xasiloonnida, xuquuqda aadamaha iyo mustaqbalka dimuqraaddiyadda Benin.