Wednesday 14 January 2026
Dhalinyarta somaalida inta u badani waa bilaa camal, inta soo hadhay ee shaqaysana waxay ku shaqeeyaan shaqo aan damaanad lahayn, waxana dhab ah in inyar oo ka mid ahi leeyhin xirfado gaar ah oo aan looga maarmayn in ay shaqeeyaan. Haddaba, maxaa u diidday in ay noqdaan dad weyneeya, isla markaana barta xirfado gaar ah oo ay suuqa shaqada ku soo galaan kuna joogaan?
Soomaalida in badan oo ka mid ahi aad ayay u dhayalsadaan in ay bartaan xirfado waxsoosaar leh oo weliba ay meel fiican ka gaadhaan. Iskadaa in ay bartaan e, waxa suuragal ah in ay isku yasaan xirfadaha qaarkood oo, weliba, wax-soo-saarkoodu badan yahay.
Xirfad (skill) waa cilmiga iyo awoodda farsameed ee uu qofku wax ugu qaban karo si ujeeddeysan oo sax ah kuna qotonta barasho iyo tababar. Xirfad gaar ah oo wax-soo-saar leh (productive skill) waxay u baahan tahay dadaal badan, u dhabar adayg iyo joogtayn (persistence), waxana ay leedahay caqabado badan oo qofka soo wajihi kara, oo ay tahay in uu ka guulaysto. Dadaalkaas in la galiyaa weli waa uu maqan yahay, waxa se ka sii muhiimsan oo maqan in lagu baraarugo. Sidaa darteed, su’aasha muhiimka ahi waxa weeye ma shaqo la’aan ayaa jirta mise xirfad la’aan?
In badan oo ka mid ah dhalinyarta ka baxday jaamicadaha waxa soo foodsaarta arrin ay ka siman yihiin oo aalaa sabab u ah shaqo la’aanta. Arrintaasi waa in aanay waxii ay barteen ku qaban karin shaqo toos ah, taas oo hoos u ridda kalsoonida ay ku qabaan waxbarashada iyo jaamicdaha. Dhab ahaan, dhalinyartaas waxa ka maqani ma aha waxbarasho e waa ‘xirfad’, haddii jaamicadaha lagu eedeyn lahaa shaqo la’aantana waxa la xusi lahaa in aanay xirfad barin ardayda.
Xirfaddu waxa ay iskeed u tahay shaqo abuur, waxa ay qofka xirfadda leh u suuragalisaa isku filnaansho iyo madaxbannaani uu ku shaqeysan karo kuna abuuri karo dhaqaale, sidaas oo ah astaamaha shaqada iyo dhaqaale abuurka ee uu qof kaste raadiyo, haddii uu si dhab ah uga fikiro waxtaransiga. Runtii, shaqooyinkii u baahnaa xirfado waa ay buuxaan dalka waxa se in badan maqan xirfadihii ama xirfadihii oo aqooneysan isla markaana leh usluub shaqeed (discipline).
Bulsho ay dadkeedu xirfad leeyihiin waa bulsho wax-soo-saar leh, bulsho wax-soo-saar lehna waa bulsho horumarsan. Dhaqaalaha dalka ayaa ku kordha in qaybaha bulshadu sameynayaan wax-soo-saar, nafsadda iyo niyadda dadka ayaa wanaagsanaata maaddaama oo aanay in badan oo bulshada ka mid ahi ka warwarsanayn wax ay ku noolaadaan iyo qaab ay u nooladan. Xirfadu waa waxa qudha ee qofka ka xorayn kara shaqo la’aan iyo baagamuuddada, bulshadana isku-tiirsanaanta badan iyo culeyska shaqo la’aanta.
Si loo helo bulsho wax-soo-saar leh, waa in la dhiirrigaliyo in dhalinyartu ay bartaan xirfado dhisan oo ku habboon suuqeenna iyo jihada mustaqbal ee loo socdo. Qaababka loo dhiirrigalin karo loona abuuri karo fursado xirfad barasho waxa ka mid ah;
In la furo dugsiyo iyo goobo si gaar ah u bixiya tababarro xirfadeed oo qofka lagu carbinayo shaqooyin gacanta laga qabto; qaab xirfadeysan, casriyeysan isla markaana leh in la baro qofka anshaxa shaqo iyo dad la dhaqan.
In la furo barnaamijyo shaqo abuur oo waafaqsan xirfadaha la baray dhalinyarada ama ay bixiyaan dugsiyada farsamo ee la furay. Arrintani waxa ay noqon doontaa dhiirrigalin indhafur u noqota dhalinyarada, isla markaana waxa ay takoorka ka saari kartaa xirfado badan oo hadda la yaso oo u baahan in la caadiyeeyo lana bogaadiyo.
In dawladda, bangiyada, iyo shirkadaha ganacsi iska kaashadaaan maalgalinta dhalinyarada xirfadleyda ah si loo dhiirrigaliyo loona kordhiyo wax-soo-saarka xirfadaha.
In la abuuro lana dhiirrigaliyo dhaqanka shaqaaleysiinta xirfad-barasho oo ah in qof laga shaqaaleysiin karo xarun wax-soo-saar, iyada oo ujeeddadu tahay in qofka la siiyo muddo uu xirfad ku yeesho.
In la horumariyo lana dhiirrigaliyo barashada iyo jeclaanta tiknoolojiga iyo farsamooyinka cusub iyo garaadka macmalka ah (ICT and AI), halkaas oo ah jihada mustaqbalka ee dunida oo dhani u socoto, noqonna doona udub dhexaadka xirfadaha ee waqtiga soo socda.
Dalalka sida fiican uga shaqaysiiyay istiraatiijiyadda xirfad abuurkan korna u qaaday xirfadaha dadkooda waxaa kamid ah Shiinaha, Jarmalka, Singabuur iyo Iswidhan. Tusaale ahaan Shiinaha, laga soo bilaabo 1980eeyadii, waxa uu iskugu geeyay awooddiisa barasahda xirfadaha wax-soo-saarka leh, waxa uu furay dugsiyo farsamo, waana kuwa uu maanta ku hogaaminayo dunida badankeeda kuna soo gaadhay dalal badan oo uu farsamo ahaan iyo aqoon ahaanba in badan ka dambeeyay.
Nidaamka waxbarsho ee Jarmalka waxa ka mid ah nidaam loo yaqaano nidaamka labada qaybood ah (dual system), kaas oo dugsiga ka dib loo diro ardayga warshad uu ku qaato waxbarasho xirfadeed oo aqoontii dugsiga ku kabta xirfad barasho iyo farsamo uu gacanta wax kaga qaban karo.
Singabuur, dhankeeda, waxa ay dhaqaale badan ku bixisaa kor u qaadista iyo barashada xirfadaha casriga ah sida tiknoolojiga macluumaadka (IT), ganacsiga iyo tiknoolojiga casriga ah. Waxaa jira barnaamujyo qof walba fursad u siinayaa in uu barto xirfad cusub ama mid uu leeyhay sii hormariyo, kaas oo loo yaqaano ‘SkillsFuture'. Sidoo kale, Iswidhan ayaa ka mid ah dalalka siiya muwaadiniintooda tababarro bilaash ah, si kor loogu qaado aqoontooda xirfadeed, dhamaantoodna waa ay shaqeeyeen.
Ugu danbayn, waxa aan ku boorrinaynaa dhalinyarada iyo, guud ahaan, bulshada in ay u jeedsadaan dhanka xirfadaha. Aqoonta akaademigu waa ay wanaagsan tahay, laakiin ma aha waxbarashada qudha ee jirta ama sharafta leh, sida ay dad badani moodayaan. Waa in aan ku dadaalno barashada xirfadaha kala duwan, bulshaduna waa in ay yeelataa dhaqanka xushmeynta xirfadaha iyo farsamoyaqaannimada. Waxa aan sidaa ku noqonaynaa bulsho gunta ka dhisan oo jirrid adag leh, bulshooyinka kale ii inoo yimaada ee xirfadaha gaar ah leh waa in aynu ka reebanna xirfadda iyo dhaqankaba oo aynu ilaalinaa kala duwanaanshaha iyo dad la dhaqanka bulshada kala-jaadka ah (diversity), si aan uga baran karno xirfadaha ay wataan ee xadaaradoodu bartay una hodminno ilbaxnimadeenna ummadeed oo ay xirfadaha iyo dhaqaaluhu u yihiin horseedka.