Skip to main content

Wednesday 12 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo Dagaal Qarka u Saaran

15 June, 2026
Image
Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo Dagaal Qarka u Saaran
Share

Waxa laga digay iska hor imaadyo ka dhex dhici kara Suudaan iyo Itoobiya oo ka kaca xadgudubyo Itoobiya ka gaysatay deegaanno iyo gobollo badhtamaha Suudaan ah, oo uu ku jiro madaarka Kharduum ee Caalamiga ahi.

Suudaan, oo uu u hadlay Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda, Muxuyiddiin Saalim oo shir saxaafadeed qabtay 5-tii May 2026, waxa ay sheegtay inay u yeedhay safiirkeedii u fadhiyey Itoobiya si ay wadatashi u yeeshaan; Suudaan oo Addis Ababa ku tuhmaysa inay ku lug lahayd weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayni ay fuliyeen, oo lagu bartilmaameedsaday Madaarka Kharduum ee Caalamiga ah, maalin isniin ah, 4-tii May ee sannadkan.

Wasiirka Suudaan waxa uu sheegay in Madaarka Kharduum ee Caalamiga ahi yahay xarun madani oo soo hoos galaya ilaalada xeerka caalamiga ah, bartilmaameedsigiisuna yahay xadgudub badheedh ah oo lagula kacay qaanuunkaas caalamiga ah. Waxa uu xusay in Suudaan hayso caddaymo sugan oo xaqiijinaya in weerarka madaarka loo gaystay laga soo qaaday gudaha Itoobiya, isagoo tallaabadan ku tilmaamay “habdhaqan colaadeed oo ka yimi dal ay ahayd in hiil walaal laga helo”.

Isla xaaladdan, Ciidanka Suudaan waxa ay shaaciyeen inay hayaan caddaymo hubaal ah, oo tilmaamaya in Suudaan ku lug leedahay weerarka, afhayeenka rasmiga ah ee ciidamaduna waxa uu sheegay in diyaarado aan duuliye lahayn oo kasoo kacay madaarka Baxardaar, ee Itoobiya, ay fuliyeen duqaymaha hawada Suudaan laga dhex gaystay. Waxa uu xusay in diyaaradahaasi ay beegsadeen goobo millatari iyo kuwo madani, oo uu ku jiro Madaarka Kharduum ee Caalamiga ah, isagoo qiray in weerarkaasi muujinayo colaadin iyo xadgudub cad oo loo gaystay madaxbannaanida Suudaan, sidaasna aan lagaga hadhi doonin.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxa ay soo saartay bayaan maalinnimadii salaasada ee 5-tii May, iyadoo iska fogaynaysa tuhunka Suudaan, kuna tilmaantay sheegasho aan caddayn lahayn, waxna ka jirin. Deeddifaynta tuhunka waa ay dhaaftay, oo waxa ay Suudaan ku tuhuntay inay hub iyo taageeraba la garab joogto TPLF, oo nidaamka Itoobiya ku kacsan, iyadoo sidoo kalena tilmaantay in Suudaan ay xuddun u noqotay xoogagga Itoobiya kasoo horjeeda.

Xiisaddan cusubi waxa ay kusoo beegmaysaa xilli Ciidanka Suudaan iyo xoogagga taabacsani ay horumar ka sameeyeen faranta dagaalka ay kula jiraan Jabhadda RSF, oo iyadu la kulmaysa hoobad iyo burbur gudeed, dhexdeedana ay kasoo baxayaan khilaafyo u dhexeeya hoggaankeeda millatari, arrimahan oo si laxaad leh u wiiqay awooddeedii dagaal.

Xiisaddani waxa kale oo ay kusoo beegmaysaa xilli caasimadda Suudaan ee Kharduum ay xasillooni gashay, noloshii caadiga ahaydna dib usoo laabanayso, oo raadadkii dagaal baaba’ayaan, sidoo kalena ay kordhayaan muwaaddiniinta Suudaaniyiinta ah ee kusoo laabanaya caasimadda; kuwo barakacii gudaha kasoo noqonaya iyo kuwo dibadda ka imanayaba, oo ah xilli Madaarkii Kharduum loo furay duulimaadyada caalamiga ah.

Diyaarad ka tirsan Shirkadda Duulimaadyada Kuwayd, ayaa kusoo degtay Madaarka Kharduum, 28-kii Abril, iyadoo sidda 300 oo muwaaddin, oo kusoo laabtay Suudaan, duulimaadkanina waxa uu ahaa duulimaad caalami ah kii ugu horreeyey laga soo bilaabo kolkii dagaalku bilaabmay.

Xidhiidhada Suudaan iyo Itoobiya waa mid soo maray marxalado kala duwan oo dhawr ah, oo leh xiisado iyo iska hor imaadyo millatariba, laga soo bilaabo markii uu xilka raysalwasaaranimo uu qabtay Abiy Axmed, labadii Abril, 2018-kii. Muddadan uu Abiy Axmed joogay, ismaandhaafyadu waxa ay ku salaysnaayeen saddex qaddiyadood oo muhiim ah, midi waa qaddiyadda la xidhiidha khilaafka xuduudeed ee labada dal u dhexeeya, siiba gobolka Fashaga, ee Suudaan. Midda labaad waa qaddiyadda la xidhiidha biyoxidheenka Itoobiya iyo mawqifka Suudaan ka qaadatay, halka midda saddexaadina tahay mawqifka Itoobiya ee u janjeedha Jabhadda RSF ee dagaalka ka wada Suudaan. Muddo dheer ayaa ay Suudaan ku eedaynaysay Itoobiya soo faragashiga arrimaheeda gudeed iyo kaalmaynta RSF, iyadoo dhulkeeda u furta hoggaamiyayaasha RSF, kuwa millatari iyo kuwa siyaasadeedba, sidoo kalena waxa ay ku eedaysay in ciidanka Itoobiya soo galay gudaha Suudaan.

Laga soo bilaabo markii dagaalka Suudaan qarxay badhtamihii Abril 2023, markasta Itoobiya waxa ay deeddifaynaysay dhaliilaha Suudaan usoo jeediso ee ah kaalmaynta iyo garabsiinta RSF, walow caddaymaha sugan ay xoojinayaan tuhunnada Suudaan. Ha yeeshee, Itoobiya waxa ay inta badan gabbaad ka dhigan jirtay ereyada diblumaasiyadeed ee debecsan, sida in la yahay laba dal oo xidhiidh fog leh, in iskuxidhada sooyaal iyo dhaqan ee labada bulsho u dhexeeyaa adagyihiin, iyo weedhaha la midka ah ee diyaarsan, sidoo kalena lagu dedi karo eedaha loo soo jeediyo.

Marar badan Suudaan waa ay aqbalaysay cudurdaarrada Itoobiya, si looga baaqdo xiisad cusub, loona ilaaliyo nabadgalyada gobolka oo halis ugu jira iska hor imaadyo Geeska oo dhan halis gelin kara, dagaal goboleedna noqda.

Booqashadii uu Abiy Axmed ku yimi Suudaan sannadkii 2024, waxa uu kusoo beegmay xilli xiisaddani taagantahay, safarkaasna waxa uu cusboonaysiiyey ballanqaadyadii hore ee Itoobiya ee ahaa: in Itoobiya si dhab ah u fiirinayso xidhiidhka wanaagsan ee ay Suudaan la leedahay, siina dardargelinayo dhisidda xidhiidho iskaashi oo labada dal dhex mara, dhinacyada oo dhanna la iska kaashado.

Maalinkaas Suudaani badan iyo jaaliyadda Itoobiyaanka ah ee Suudaan ku sugan waxa ay u riyaaqeen bookhashadaas iyo hadallada Abiy Axmed, waxaanay ku farxeen ballanqaadkiisa inaanu dhinaca kale ku garabsiin dagaalka, arrinkan oo loo arkay bar laga ambaqaado xidhiidho cusub oo xakameeya xiisadda kordhaysa ee labada dal ka dhex taagan.

Se, ma jiro wax ka fulay ballanqaadyadaas, wax isbeddel ahina kuma dhicin mawqifkii Itoobiya ee u janjeedhay dhinaca RSF, waana waxa judhiiba soo celiyey xiisaddii labada dal u dhaxaysay.

Bishii Feebarweri ee sannadkan, Wakaaladda Rooyjaris waxa ay soo bandhigtay warbixino sirdoon iyo sawirro lagu qaaday dayax gacmeedyo, oo muujinaya saldhig millatari oo qarsoodi ah, kana dhisan gobolka Banishanguul ee Itoobiya, kuna teedsan xuduudka Suudaan (32 kiiloomitir), oo lagu tababbaro tiro ku siman 4300 oo dagaalyahan, oo ka tirsan RSF.

Sida ku sugan warbixinahaas Rooyjaris baahisay, shaqooyinka samaynta iyo dhisidda saldhiggaasi waxa ay bilaabmeen bishii Aktoobar ee 2025, waxaana gudihiisa ku taalla xarun laga hago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka duulaya madaarka Asoosa, oo u dhow saldhigga.

Warbixinta waxa lagu sheegay in saldhiggu ku filanyahay tababaridda toban kun oo dagaalyahan, waxaana jooga dad farsamo oo ajaanib ah, kuwaas oo daara nidaamyada diridda iyo hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Sida Rooyjaris sheegtay, saldhiggu waxa uu kaalmo millatari oo hawada ah iyo kaalmo loojastig oo joogto ah u yahay RSF. RSF waxa ay xidhiidho iskaashi iyo isbahaysi kula jirtaa jabhadda “Dhaqdhaqaaqa Bulsho ee Xoraynta Suudaan – Waqooyi”, oo ah jabhad ku kacsan dawladda Suudaan, kana soo farcantay jabhaddii koonfurta ee uu hoggaaminayey John Grang.

Ka sokow in caddaymaha iyo sawirrada dayax gacmeed ee Rooyjaris soo bandhigtay ay cad yihiin, haddana xukummadda Itoobiya waa ay deeddifaysay eedahaas, waxaanay ku sheegtay warbixino ka madhan caddaymo sugan. Ha yeeshee, arrimaha xukuumadda iyo Ciidanka Suudaan shaaciyeen dhawaan waa arrimo aad u waafaqaya nuxurka warbixinta Rooyjaris, halka Ciidamada Suudaan sheegeen in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu weeraray Madaarka Kharduum iyo goobo kale oo ka tirsan caasimaddu ay kasoo kaceen gudaha Itoobiya, siiba gobolka Banishanguul, oo ah gobolka warbixinta Rooyjaris lagu sheegay inuu saldhiggu ku yaallo.

Dhacdadan dambe waa xiisaddii ugu darnayd ee labada dal waajahaan, soona foodsaara xidhiidhkooda. Waxaa la filayaa in xiisaddu jiho kale qaaddo oo aan hore usoo marin xidhiidhka labada dal, waxaana laga digayaa in xiisaddu ballaadhato oo ay xiisad gobol isku beddesho, waana haddii ay dhacdo mid ka mid ah saddexda sinnaariyo, oo kala ah:

Sinnaariyada koowaad: waa saadaasha ah in labada dal dagaal dhex maro. Walow xaaladdan imika taagan la fogaysan karo, haddana gorfayn ahaan lama fogaysan karo sababo dhawr ah awgood:

Marka koowaad, weerarka Suudaan ka dhacay waxa si toos ah looga soo qaaday Itoobiya gudaheeda, laguna bartilmaameedsaday Madaarka Kharduum iyo meelo ka mid ah caasimadda, tan oo ka dhigan in weerarka ka hor bartilmaameedyada la sii xaddiday. Sida uu sheegay afhayeenka rasmiga ah ee Ciidanka Suudaan, difaaca cirka ee Ciidanku waxa ay soo rideen mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kolka xogteeda la baadhayna waxa u caddaaday in gudaha Itoobiya laga soo ganay, arrinkan oo xadgudub cad u muuqanaya.

Marka labaad, waa shaacinta afhayeenka Ciidanka Suudaan ee ahayd “inaan xadgudubka Itoobiya jawaab la’aan lagaga tagayn”, walow aanu sheegin qaabka loogu jawaabayo, haddana waa mid u badan inay jawaab millatari noqoto, oo ah jawaab qaanuunka caalamiga ah u oggol yahay xaaladdan oo kale.

Marka saddexaad, Suudaan waxa ay wadday hawlgallo millatari oo xooggan, joogtana ah, oo lagaga soo horjeedo RSF, iyadoo ay suurogal tahay in hawlgalladaasi gebi ahaan soo afjaraan jabhaddaas. Tallaabada tan xigtaa waa in xukuumadda Suuaan aanay oggolaanaynin in faran cusub oo xuduudda bari ahi aanay furmin, oo sidoo kale garab u noqda RSF.

Sinnaariyada labaad: waa in xukuumadda Suudaan ay doorbiddo inay dhacdooyinkaas ku xalliso jidadka diblumaasiyadeed, waana saadaal aan hadda muuqan. Arrimaha Dibadda Suudaan waxa ay shaacisay inay safiirkeedii Itoobiya ugu yeedhay wadatashi, waana tallaabo diblumaasiyadeed oo cabbiraysa heerka kala xumaasho ee labada dhinac isla gaadheen, waana tallaabo muujinaysa in tallaabooyinka xigaa kasii darnaan karaan.

Sinnaariyada saddexaad, waa mid u dhow sinnaariyada koowaad xaga suurogalnimad, waana in xukuumadda Suudaan doorbiddo inay marto jidka qaanuunka, iyadoo adeegsanaysa haayadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, siiba xilli ay Suudaan sheegayso inay hayso caddaymo lagu kalsoonyahay oo ku filan inay Itoobiya eedo kusoo oogto.

Sinnaariyadan dambe, waa ta ugu suurogalsan, waaqacana ugu dhow sidaan aaminsanahay, siiba marka la eego habdhaqanka xukuumadda Suudaan ka qaadatay faylal hore oo siiyey khibradda maaraynta dhibaatooyinka iyadoo la adeegsanayo jidadka sharci.

Ka sokow guulaha ay Suudaan ka gaadhay faylal kale iyadoo jidkan u martay, haddana waxa dhab ah in caddaaladdii caalamiga ahayd adkaatay, xeerar badan oo qaanuunka caalamiga ahaana lagu tuntay, xilliyadan dambena arrinkaa jiraa yahay kala aargudasho iyo xeerkii kaynta, oo cidda xooggani badbaadayso.

Haddii ay Itoobiya joojiso caddaymaha jira, oo ay meesha ka baxaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dhulkeeda kasoo kaca, waa qodob keenaya xasillooni iyo ku socoshada qaanuunkii caalamiga ahaa, waana jid furaya diblumaasiyad iyo ka fogaanshaha dagaal.