Skip to main content

Monday 20 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Xidhiidhkii Dahsoonaa ee Taliskii Siyaad Barre la Lahaa Israa’iil

15 April, 2025
Image
Barre
Hogaamiyihii taliskii askarta ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. (Xuquuqda sawirka: LEHTIKUVA/AFP via Getty Images)
Share
Markii uu dagaalkii Itoobbiya ku soo jabay ee ay jabhaduhu ku kaceen, taliskii Siyaad Barre waxa uu xooray qiyamkii uu ku andacoon jiray oo dhan, tamartiisana waxa uu isugu geeyay in uu xukunka sii haysto, oo ciddii ka caawin karta garabka saaro, shaydaankana alla ha ka yeelee. Hadday taasi dhici weydana in uu dalka la daadego ayaa uu goostay, oo ka dhabeeyay.

Dawladnimada Soomaalidu waxay la kowsatay xilli ay xiisad ba’ani ka dhex taagnayd Israa’iil iyo dalalka Carbeed, oo Masar hormuud u ahayd, sidaa awgeed Soomaalidu kama aysan labalabayn taageerada Falastiin, iyo guud ahaan Gaashaanbuurtii Carabtaba. Marka laga yimaaddo qodobka diinta oo mar walba udub-dhexaad u ahaa taageerada Soomaalida, haddana waxa aan iyadana la illaawi karin saamaynta siyaasadeed ee ay xilliyadaas Masar ku lahayd Soomaalida dhexdeeda.

Sida ay Soomaalidu ula falgaleen qaddiyaddaas waxa si wacan looga dhex akhrisan karaa dhacdo xiise leh oo uu  Maxamed Ciise Turunji ku xusay buuggiisa Somalia: The Untold History. Afar maalmood kaddib iyada oo Soomaalidu u ballansantahay doorashada madaxweynaha, ayuu dagaalkii Lixda Beri ka dhex qarxay Masar, Suuriya iyo Urdun oo isku dhan ah iyo Israa’iil oo dhanka kale ah. Guddoomiyihii Golaha Shacabka iyo Raysalwasaarihii talada hayay ayaa dabadeed soo jeediyay in doorashada dib loo dhigo illaa labaatanka bisha Juun, si loo la socdo xaaladda ka soo cusboonaatay Bariga Dhexe. Hase ahaatee, Aadan-Cadde oo ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku gacansaydhay soojeedintaas isagoo tilmaamay in aanay waxba iskaga xidhnayn doorashada madaxweynaha iyo xiisadda ka socota Bariga Dhexe. 

Intaas uun laguma hakane, in ciidan ahaan uu dalku uga qaybqaadato dagaalka Israa’iil ka dhanka ah ayay xukuumaddu soo jeedisay, iyadoo taageero mug leh ka helaysay Golaha Shacabka, iyo bulshadaba. Hadda ogow, toddoba sano oo qudha ayuu dalkani xor yahay, cudud ahaan iyo cuud ahaanna isaga ayaan isku filnayn, iskaba dhaaf wax uu quwado kale ku biiriyee.

Hasa yeeshee, xukuumadda oo qardajeexeedii ku sii socota ayaa farriin dheer u qortay Itoobbiya, si ay oggolaansho uga hesho in hawadeeda ay isticmaalaan diyaaradaha ciidanka Soomaalida daabulayaa. Iska daa diyaarado ciidan ahe, duulimaadyada madaniga ah ee Hargeysa iyo Muqdisho u kala goosha ayaan wakhtigaa hawada Itoobbiya isticmaali jirin, sida uu Turunji sheegayo.

Hogseeg ama hubsiimo la’aan midkii doonaaba ha ka dambeeyee, waxa aynu dhacdadaas si qayaxan uga dhex arki karnaa halka ay dawlad ahaan Soomaalidu ka taagnayd colaadinta Israa’iil.

Giraanta sooyaalku waxay wareegtaba waxa la soo gaadhay bishii Oktoobbar ee 1969-kii; kolkaas oo Maxamed Siyaad Barre afgambi milatari uu talada kula wareegay. Dastuurkii, iyo nidaamkii uu dalku ku socday oo dhan baa la laalay, laakiin taageeridda gobonnimada Falastiin iyo colaadinta Israa’iil waxba iskamay beddelin. Xaashidii koowaad ee axdiga Kacaanka, gaar ahaan qaybta siyaasadda arrimaha dibadda, waxa udub-dhexaad u ahaa in la taageero ummadaha gobonnimo-u-dirirka ah, isla markaana laga hor yimaaddo imbaraaliyadda caalamiga ah iyo noocyada gumaysiga cusub, sida Sahyuuniyadda iyo midabtakoorka. Sannadihii hore, Kacaanku waxa uu u muuqday mid si dhab ah uga run sheegaya axdigaas. Waxa uu garab istaagay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimodoonka ahaa ee Afrika, sidoo kale waxa uu af iyo abaabulba kala hor yimi taliska sahyuuniga ah ee Israa’iil iyo nidaamkii midabtakoorka ahaa ee Koonfur Afrika haystay.

Iyada oo uu sidaas xaal yahay ayey Soomaaliya ku jabtay dagaalkii ay la gashay Itoobbiya 1977-kii isla jeerkaasna ay meesha ka baxday taageeradii Soofiyeedku. Haddaba, Taliskii Maxamed Siyaad, si uu duufaannadan uga samatabaxo, waxa uu jantay Israa’iil, si ay ugu noqoto beerkii uu qadada Maraykan ku gaadhi lahaa.  Si aynu arrintaas wax uga ogaanno, waxaynu soo qaadan doonnaa labadan dhacdo ee hoos ku xusan:

Kulankii Muqdisho ku dhex maray sarkaalkii Mossad ka socday iyo Siyaad Barre

Yossi Alpher oo ah sarkaal hore oo sirdoonka Israa’iil ka tirsanaa ayaa buuggiisa Periphery kaga sheekeeyay casuumad uu u fidiyay Siyaad Barre sannadkii 1980-kii. Dhaqaale burbur iyo kacdoon gudeed oo ka dhashay dagaalkii Itoobbiya ayaa maamulkii kalitaliska ahaa dhabaandhabiyay; sidaa awgeed, Siyaad Barre waxa uu tamartiisa oo dhan isugu geeyay in uu Maraykanka xidhiidh la yeesho, si uu uga helo kaalmo uu ku bakhti-afuufo taliskiisa liicay.

Haddaba, si uu yoolkaas u xaqiijiyo waxay la noqotay in uu kolka hore Israa’iil isu dhiibo, isla markaana uu u noqdo adeege daacad u ah. Sidaas awgeed, waxa uu qaaradda Yurub u kala diray ergooyin uu u xilsaaray in ay Israa’iil soo dabaan. Dedaalladii kala geddisnaa ee uu arrintaa ugu jiray talisku ayuu safarka Yossi Alpher-na qayb ka ahaa. Dekedda Berbera iyo magaalada Baladweyne ayaa ka mid ahaa meelihii uu indho-indhaynta u tegay Alfeer intii uu Soomaaliya ku sugnaa. Wiil uu madaxweynuhu soddog u yahay ayaa si gaar ah loogu xilsaaray inuu ammaankiisa sugo, si aanay bulshada isu dhexgalin.

Kolka laga yimaaddo muuqaalkii anfariirka lahaa ee uu ku qaabbilay sarkaalka, iyo ciyaartii Ping-Pong-ta ee ay miiska ku dul dheeleen, Siyaad Barre wuxu u soo gondodagay nuxurkii kulanka. Waxa uu Alfeer ka codsaday in uu ka talobixiyo xaaladda ay Soomaaliya hadda ku sugan tahay iyo cidda ay ku xidhan karto waqtigan. Israa’iil in uu yidhaahdo ayuu rajaynayay, laakiin sidaas ma yeelin Alfeer; maxaa yeelay, Itoobbiya ayaa danaha dalkiisa muhiimad weyn u lahayd markaas, sabab ay uga cadhaysiiyaanna may jirin. Sidoo kale, waxa uu ka feejignaa lataliyayaasha Siyaad oo Alfeer u badinayay in aanay si dhab ah haybtiisa u garanayn. Sidaas awgeed, waxa uu hadal ugu soo koobay Siyaad Barre in uu arrintaas la kaashado Anwar Saadaat, madaxweynihii hore ee Masar, sababtoo ah isaga ayaa Israa’iil xidhiidh la sameeyay, isla jeerkaasna Maraykanka ay isku wacan yihiin. Alfeer waxa uu tilmaamay in uu Siyaad taladaas sideeda u qaatay, in kastoo muddo yar kaddib uu taliskiisii burburay.

Wadaxaajoodkii Qudus iyo barbilawgii iskaashiga

Barafasoorka reer Israa’iil ee Benjamin Beit-Hallahmi ayaa buuggiisa “The Israeli Connection”  kaga warramay xogtan uu ku tilmaamay mid aanay dad badani ka war haynin. Siyaad Barre ayaa bishii Diisember ee sannadkii 1984-kii la kulmay wasiirkii arrimaha dibedda ee rajiimkii midabtakoorka ahaa ee Koonfur Afrika R. F. Botha. In diyaaradaha Koonfur Afrika ay ka degi karaan Soomaaliya, iyo in hub ay ka iibiyaan Soomaaliya ayaa la isla qaatay. Muddo yar kaddib, bishii Febraayo ee 1985-kii, Siyaad Barre waxa uu safar qarsoodi ah magaalada Quddus ugu diray Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen, oo uu soddog u ahaa, kaas oo muddo laba toddobaad ah halkaas ku soo qaatay, si uu Israa’iil uga la xaajoodo iskaashi ciidan oo ay Soomaaliya la yeelato. Ugu dambayntii waxa la isla meeldhigay hirgalinta mashruuc ciidamada Soomaaliya loogu carbinayo sidii ay ula dagaallami lahaayeen fallaagada taliska ka soo hor jeedda, iyo in dalka Koonfur Afrika uu noqdo cidda u dhexaynaysa labadooda.

Si uu talada ugu sii negaado, Maxamed Siyaad waxa uu mid mid u xooray mabaadi’dii uu inta badan ku baaqayay taliskiisu. Ololayaashii Kacaanka ee ka dhanka ahaa talisyada midabtakoorka ah (Koonfur Afrika) iyo Sahyuuniyaddu (Israa’iil), ugu dambayntii waxay ku soo dhammaadeen in uu Siyaad iyaga laftooda isku dhiibo, isla markaana uu gacmaha hoos dhigto. Si kastaba, taasi waxba kamay tarin kacdoonnadii hubaysnaa ee taliskiisa dagaalka kula jiray, kuwaasoo iilka ku duway maamulkiisii muddada badan sariiryaalka ahaa. 

Qoraallada kale ee qoraaga

Fan

Fan Jirraday

Feker

Hadyaddii Dawadhaqameedda Shiinaha