Skip to main content

Saturday 13 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Xidhiidhka Qotodadheer ee Soomaaliya iyo Turkigu ma Leeyahay Weji Qarsoon?

14 May, 2026
Image
Xidhiidhka Qotodadheer ee Soomaaliya iyo Turkigu ma Leeyahay Weji Qarsoon?
Share

Reer Galbeedku waxa ay si kibir leh ugu doodaan in ururka Alshabaab uu sababay macaluushii 2011, se xaqiiqadu waa in sababta macaluushaasi ay ahayd siyaasaddii Maraykan ee muddoxileeddii Obaama, maamulkaas oo diiday in taageerada iyo mucaawinada la gaadhsiiyo dadka u baahan, iyagoo uga dan lahaa in Alshabaab lagu ciqaabo. Xilligaas, dunida Islaamka iyo Carabtu kamay werwerin cawaaqibta ka dhalan kara tallaabadaas, iyagoo haya khayraadkii iyo awooddii ay ku hor istaagi lahaayeen geerida ku dhawaad 250 kun oo qof, oo carruur, dumar iyo dad waaweyn u badan. Turkiga oo keliya ayaa si dhab ah uga jawaabay, kolkaas oo Madaxweyne Rejeb Dayib Ordagaan ayaa dabarkaas jabiyey.

Ordagaan, xaaskiisa iyo koox ururrada bani’aadamnimo ee aan xukuumiga ahayn oo Turki ah, ayaa u socdaalay Muqdisho, waxaanay bookhdeen teendhooyinkii barakacayaasha oo masaafo dheer usoo socday inay cunto iyo biyo helaan, waxaanay indhaha saareen burburka iyo silica ka jiray dalka. Amakaagga ay kala kulmeen xaaladday arkeen waa ay ka muuqatay, oo judhiiba waxa ay dalka keeneen taageero bani’aadamnimo oo deeqsinnimo ka muuqato. Se toban sanno ka dib shaqadan bani’aadamnimo, waxa muuqata in Turkigu ka faa’idaysi wado.

Berigaas, maraakiibta gargaarka bani’aadamnimo waday ee Turkiga ayaa kusoo biiray maraakiib kale, waxaanay yimaaddeen Soomaaliya. Kolkii la xakameeyey dhibaatadii, Turkigu ma bixin sida dalal badani sameeyaan dhibaatada ka dib, se waa uu sii joogay dalka, waxaanu bilaabay dib-u-dhiska cisbitaallada, dugsiyada, jidadka, dekedaha muhiimka ah iyo madaarro, si dhaqaaluhu dardar cusub u galo. Isla judhii la dhammeeyey madaarka Muqdisho, shirkadda duulimaadyada Turkigu waxay bilawday inay duulimaadyo joogto ah samayso, iyadoo noqotay shirkad duulimaad oo caalami ah tii ugu horraysay laga soo bilaabo 1991-kii. Laga soo bilaabo kolkaas ay safarrada bilawday, duulimaadka Muqdisho-Jabbuuti-Istanbuul, waxa uu noqday mid ka mid ah duulimaadyada shirkadda ee ugu macaashka badan.

Waxa xigay in shirkado Turki ahi ay heshiisyo la galaan xukuumaddii Soomaaliya oo aan ku filnayn maamulidda madaarka iyo dekedda, oo ah labada xarumood ee ugu muhiimsan dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dalka. Waxa intan dheer, Turkigu waxa uu deeqo waxbarasho siiyey arday badan oo Soomaali ah si ay wax uga bartaan jaamacadihiisa, turkigana waxa ku qulqulay ganacsato badan oo Soomaali ah.

Si loo xaqiijiyo muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay Soomaaliya kaga jirto ajandayaasha Turkigu ka leeyahay Afrika, waxa uu safaaradda ugu weyn Afrika ka dhistay Muqdisho. Wakhti yar ka dib kolkan, Turkigu waxa uu saldhig millatari oo weyn ka dhisay meel caasimadda u dhow, halkan oo loogu talagalay inay noqoto xarun lagu tababbaro ciidanka Soomaaliya. Muddooyinkii dambena, dhallinyaro badan baa loo diray Turkiga, si ay tababarro dheeraad ah ugu soo qaataan, dufcaddii koowaadna waa ay soo laabatay.

Ka dib kolkii Muqdisho lagu burburiyey hawlgallo millatari oo isugu jira dagaallo sokeeye iyo duullaan dalal kale ka gaysteen Soomaaliya, markii dambe waxa bilaabmay kacdoon dhisme. Shirkadaha dhismaha ee Turkiga ayaa inta badan fuliyey mashaariicdaas dhisme, kaalinta Soomaaliduna waxa ay kusoo ururtay shaqaalaha xoogga ah ee dhismaha. Waa ay kooban yihiin Soomaalida leh xirfadda iyo agabka looga baahanyahay fulinta mashaariicdaas, waxaana muuqata in hantiilayaasha Soomaalida ee mashaariicdaas dhisme dalka ka wadaa ku qanacsanyihiin tayada shaqada shirkadahaas dhisme ee Turkiga.

Si guud waxa u muuqata in Soomaalida dalka ku sugani ay ku faraxsanyihiin joogista Turkiga ee Soomaaliya. Aragti ururin aan rasmi ahayn oo aan ka ururiyey Muqdisho saddexdii bilood ee lasoo dhaafay waxa ay tibaaxaysaa in dadku ku niyadsanyihiin joogista Turkiga. Se niyadsamaantan ka sokow, waxa aan arkaa tilmaamo ah in xidhiidhkaas saaxiibtinnimo uu leeyahay dhinac qarsoon.

Waxa aan dhawaan la kulmay safiirka Turkiga iyo ergeyga Midawga Afrika ee ku sugan Muqdisho, waxaanay la fikir ahaayeen aragtiyaha diblumaasiga Maraykan ee madaxda ka ah Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya: waxa ay aaminsanyihiin in wax ka qabashada siyaasadda madaniga ahi shaqadooda ka baxsantahay, shaqadoodaasina ku kooban tahay nabadgalyada iyo dib-u-dhiska dhaqaalaha dalka. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in “Soomaalidu ku jiraan xaalad qasan”, oo ay u baahanyihiin hagaajinta xaaladahooda siyaasadeed.

Hadalladani waa kuwo ka tarjumaya fahan la yaab leh oo siyaasaddda ku saabsan. In la aamino in siyaasadda madaniga ahi ay sideeda isaga samaysmayso waa arrin khaldan, waxaana muuqata in aan si wacan loo fahmin in siyaasiyiinta danaha kooxdooda ilaashada ay masuul ka yihiin dhibaatada dalka ka jirta. Xukuumadda Turkigu hadda waxa ay kasoo qaadaysaa in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ah ee danaha kooban ka duulayaa ay caqliyeysan doonaan, oo ay ka hadhi doonaan siyaasadahooda rajciga ah, sidaasna ku noqon doonaan siyaasiyiin masuul ah oo waxa bulshadu rabto ka haqabtira.

Ka sokow in sannado badani ka soo wareegaan marka uu Turkigu yimi, saddex xukuumadoodna la kala wareegeen xilalka, haddana wax hindise isbeddel ahi ma muuqdo. Iska dhegomarinta Turkiga ee arrintan xaqiiqada ahina waa wax ku sal leh ilaalinta danaheeda dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed.

Turkigu waxa uu Soomaaliya u arkaa albaabka istiraatiijiyadeed ee uu ka galayo Geeska Afrika iyo wixii kasii dambeeya ee Afrikada kale, se si arrinkani u dhaboobmo, waxa lagama maarmaan ah in xasilloonidii siyaasadeed ee dalka lasoo celiyo. Jiritaanka saldhig millatari iyo tababbarka ciidamo Soomaaliyeed se aan qayb ka ahayn habraac siyaasadeed oo dhamaystiran, waa arrin keenaya saddex suurogalnimo midkood: midda koowaad, in ciidanku dalka qabado, oo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed awooddoodu hoos u dhacdo. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu dhawaan ciidamo Turkiga lagu soo tababbaray u adeegsaday inuu ku cabudhiyo dibadbax nabadeed oo mucaaradka siyaasadeed ka dhigayey Muqdisho. Waa tallaabo muujinaysa in ciidanka loo adeegsanayo dano siyaasadeed, halkii loo adeegsan lahaa danaha nabadgalyada iyo difaaca qaran.

Marka labaad, ciidamada qaran ee lagu soo tababbaray Turkigu waxa ay ku kici karaan afgambi. Suurogalnimada saddexaadna, waa in nidaamka siyaasadeed ee xumi uu ciidamada u kala qaybiyo garabyo isdiiddan, arrinkan oo holcin kara dagaal sokeeye. Dhammaan saddexdan sinnaariyo midna kama muuqan bookhashadii Erdogaan dalka ku yimi, waana arrimo wiiqi doona taageerada bulshada Soomaaliyeed u hayaan joogitaanka Turkiga.

Dhammaan caddaymuhu waxa ay muujinayaan in miisaaniyadda ganacsi ee Turkiga iyo Soomaaliya gebi ahaan ay u janjeedho dhinaca Turkiga. Shirkadaha Turkiga ah ee maamula madaarka iyo dekeddu uma heellana tababaridda maamulayaal dadka deegaanka ah amaba hay’adaha dawladda, si ay ula wareegaan shaqooyinka mashaariicdan. Si la mid ah, shirkadaha dhismaha ee Turkiga ee ka shaqaynaya kaabayaasha dalku uma heellana tababaridda xirfadlayaal Soomaali ah oo ka shaqeeya shaqooyinka dawladda iyo kuwa gaarka lo leeyahayba, si ugu dambayn shaqooyinkaas loogu aamini karo xirfadlayaashaas.

Waxa kale oo walaac leh in aanay dhinaca xukuumadda Soomaaliya ka jirin hindisayaal lagu bilaabayo in bulshada lagu tababbaro xirfadahan. In Soomaalida laga hor istaago yeelashada xirfadahan wax-ku-oolk ahi waxa ay ka hor istaagaysaa inay si macno leh uga faa’idaystaan dib-u-dhiska dalka, arrinkan oo ku kicin doona colaad ay u qaadaan Turkiga, oo wiiqi doona kalsoonida Soomaalidu ku qabaan.

Isku day kasta oo dib-u-dhis ciidamo qaran oo Soomaaliya yeelato, iyada oo aan habraac siyaasadeed oo qaran lagu socon, waa sidii in lagu socdo jid aan laga haysan khariidad. Qaabkii xukuumaddu dhawaan u adeegsatay ciidamada Turkiga lagu tababbaray si ay ugu cabudhiso mucaaradku waa in uu digniin u noqdaa Turkida, oo u muuqda kuwo iska indhotiraya waaqaca. Waxa kale oo muhiim ah in la fahmo, in Soomaalida laga mamnuuco ka qaybqaadashada dib-u-dhiska dalku ay keenayso cadho iyo colaad xididdaysata. Nidaam millitariyooba iyo bulshadii rayidka ahayd oo dhaqdhaqaaqa dhaqaale laga fogeeyaa waa arrin dil ah oo wiiqaya macno kaste oo iskaashi lahaa.

Jidka beddelka noqon kara oo Turkiga u furani waa in uu awooddiisa ballaadhan u adeegsado saddex midkood: marka koowaad, waa inuu nidaamka iyo beesha caalamka ku dhiirrigeliyo in dhaqdhaqaaqa madaniga ah la xoojiyo, marka labaad, waxa habboon inuu dammaanad qaado in xoogagga uu tababbaray aanay isu beddelayn agab loo adeegsado cabudhin, ugu dambaynna, waxa habboon inuu xad u yeelo galaangalkiisa ganacsi ee suuqa Soomaalida, si ganacsatada Soomaaliyeed usoo ceshadaan awooddoodii tartan.

  • Waxa laga soo turjumay halkan.