Skip to main content

Sunday 8 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Xidhiidhka Dawladaha iyo Budhcadda Internedka

1 September, 2025
Image
Xidhiidhka Dawladaha iyo Budhcadda Internedka
Share

Muddo-xileedkiisii, sannadkii 2015, madaxweynihii hore ee Maraykanku, Baraak Obaama, waxa uu fakaagga dijitaalka ku tilmaamay “bahalogaleen cusub”, isaga oo farta ku fiiqaya sida dunidani u sii ballaadhanayso, xeerarna uga jirin, oo aan cid sharciga dabbaqdaa u joogin. Sii horumarka tiknoolajiyadda iyo isbeddelka ay ku samaysay dhinacyada siyaasadda iyo nabadgalyada ka sokow, waxa soo baxaya caqabado cusub oo tiknoolajiyaddu wadato.

Walow ay kordheen dhinacyada xukuumiga iyo kuwo aan xukuumiga ahayn ee arrimahan ka shaqaynayaa, haddana adduunweynuhu waxa uu ku guuldarraystay in uu isku waafaqo aragtiyaha ku saabsan xeerarka dhaqdhaqaaqyada elektarooniga qaarkood. Budhcadda Internedka waxa lagu qeexaa qof ama koox abaabulan oo loo kiraysto fulinta hawlgallo weerar ama difaac ah oo dhinaca internedka ah, oo u jeedkoodu yahay weeraridda shabakado elektaroonig oo cayiman.

Buugga cusub ee Tim Maurer, cinwaankiisuna yahay “Qawlaysatada Saybarka: Dawladda, Budhcadda iyo Maamulka”, waxa uu ku soo bandhigayaa sida ay isula falgaleen dunida dhijitaalka iyo siyaasaddu. Waxa uu kaga hadlayaa arrimaha dhawaan soo ifbaxay ee ah dhaqdhaqaaqyo internedka ah oo dawladuhu ilaashadaan. Maurer waxa uu tilmaamayaa qaabka xukuumadaha qaar u dhiirrigeliyaan budhcadda internedka, u ilaaliyaan, ugana faa’idaystaan in ay ku cabbiraan awooddooda dunida. Xidhiidhka dhexmara dalalka iyo budhcadda internedku waxa uu albaab cusub u furay masalooyin sharci oo la xidhiidha awoodda weerarrada saybarka. Marka uu ku gudajiro diraasadaha cusub ee arrinkan ku saabsan, Maurer waxa uu si cad u qeexayaa dhinacyada togan iyo kuwa taban ee uu leeyahay in saybarka loo adeegsado siyaasadda.

Tim Maurer waxa uu darsayaa xidhiidhka qarsoon ee dhexmara dalalka iyo budhcadda, waxaanu ku doodayaa in internedka iyo dunida dhijitaalku noqdeen xuduudaha cusub ee siyaasadda, dalalkuna ay bilaabeen in ay budhcadda internedka u adeegsadaan in ay uga wakiil noqdaan fulinta awooddooda. Waxa kordhaya dalalka adeegsada budhcadda internedka oo wakiillo uga ah gudaha iyo dibadda dalalkaba, sida xogaha qaar laga tixraaci karana, dawlado soddon ka badan ayaa hadda adeegsada weerarrada saybarka.

Inta badan, in la ogaado cidda gaysatay weerarka internedka waa qaybta ugu adag ee soo waajaha kooxaha ilaalada saybarka. Budhcadda internedku ka sokow in ay raadkooda si wacan u qarin karaan, waxa kale oo ay caddayn ku reebi karaan dhinac kale oo sirmaqabe ah, weerarkana aan gaysan. Caqabaddani waa mid aad u adkaynaysa ka hortaggooda ama aqoonsigooda, dawladuhuna waa sababta ay uga faa’idaysanayaan budhcaddaas. Hase ahaatee, ka sokow in arrinkan halis weyn ku yahay nabadgalyada dunida, iyo badqabka masuuliyiinta, hoggaanka ciidamada iyo shirkadahaba, haddana weli dedaal ku filan laguma bixin ka hortagiddooda.

Dhibta u weyni waa in kooxahan budhcadda internedka ahi gaysan karaan dhibaato baaxad leh, oo wiiqi karta nabadgalyada, deggenaanshaha iyo xuquuqda aadamaha ee caalamiga ah. Kooxahan budhcadda ahi waxa ay sii jiri karaan muddo dheer, xitaa haddii dawladaha kaalmeeyaa ka joojiyaan garabsiinta, waxaanay u kala gudbi karaan dalal, iyaga oo ka baxsanaya in la dabagalo. Haddaba, qoraagu waxa uu soo bandhigayaa hababka kala duwan ee dawladuhu kooxahaas budhcadda xidhiidhka ula yeeshaan, dawladaha oo dhammina waxa ay wadaagaan caqabad ah: isu dheellitirka faa’iidooyinka ay ka helayaan iyo halista ay u soo jiidi karaan kooxahaasi.

Buugga Maurer waxa uu u qaybsanyahay saddex qaybood, waxaanu ku qaadaadhigayaa diraasadaha cusub ee laga qoray Maraykanka, Iiraan, Suuriya, Ruushka iyo Shiinaha. Waxa uu qeexayaa raadka iyo halista budhcadda internedku ku leeyihiin siyaasadda caalamiga ah. Qaybta koowaad ee buugga, qoraagu waxa uu ku nuuxnuuxsanayaa dhibta wakiilladaas budhcadda ahi sababi karaan ama gaysan karaan, awooddooda iyo ujeeddooyinka dawladuhu ula bahoobaan, una adeegsadaan.

Maurer waxa uu si guud u dulmarayaa awoodda saybarka ee siyaasadeed iyo aragtiyaha kala duwan ee ay ka haystaan dalalka Ruushka, Shiinaha, Iiraan iyo Maraykanku. Dalalkan ayaa uu udub-dhexaad uga dhigayaa diraasayntiisa sida kala dhigdhigan u sifaynaysa noocyada xidhiidhada lala leeyahay wakiilladaas. Waxa kale oo uu qaybtan ku soo qaadanayaa qodobka labaad ee buugga, oo sharraxaya in qaabka dalalkani danahooda u dhexmarsadaan budhcaddaas internedku aanay wax badan ka duwanayn qaababkii soo jireenka ahaa ee dalalku xidhiidhka ula yeelan jireen qawlaysato wakiillo uga noqota danahooda. Waa arrin innaga caawinaya in aynnu fahanno sababta dalal xidhiidh ula yeelan karaan budhcadda internedka. Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan arrinkan kama eegaan xagasha ilaalada saybarka, ee waxa ay ka eegaan xagasha ilaalinta xogta, oo ka hore ka macno ballaadhan, keensanayana xogta la baahin karo iyo xakamaynteeda.

Qodobka saddexaad ee buuggu sharraxayaa waa sida weerarradani u ballaadhanayaan, hababkuna u sii fududaanayaan, arrimahan oo kooxaha weerarrada gaysta u sahlaya in ay meelo aad uga fog weerarradooda ka fuliyaan. Waxa uu qoraagu ku soo gabagabaynayaa saamaynta budhcaddan iyo habka loo maarayn karo. Dammaanad qaadka in aan budhcadda la oggolaan, lagana hortago weerarradooda halista badani waa caqabado siyaasadeed oo hadda taagan. Maurer waxa uu soo bandhigayaa sida sharciga caalamiga ahi meel adag uga taaganyahay dambiyada internedka iyo falalka budhcaddan, waxaanu ka doodayaa hababka lagu maarayn karo dhibaatadan.

Dhacdooyin ay ka mid yihiin Dagaalka Ruushka iyo Yukray, dhibaatadii Karoonaha iyo dagaalka ganacsi ee Maraykanka iyo Shiinuhu, waxa ay muujiyeen tabaryarida nidaamka dunidan aynnu ku noolnahay. Dagaalka Yurub ka socdaa, waxa uu khalkhal galiyey silsiladdii wax isku dhoofinta ee saamaynta weyn ku lahayd ganacsiga adduunka. Walow tiknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta horumar laga gaadhay, jidadka isku socodka ganacsiga adduunkana la badiyey, haddana khalkhalka dagaalkaasi abuuray waxa uu dunida ku baraarujiyey lagama maarmaannimada in la maareeyo tabaryaridan jirta.

Dambiyada internedku, sida adeegsiga CaaS, sida ay muujinayaan diraasada dabagalka weerarradu, aad bay kor ugu kaceen. Tobankii sanno ee u dambeeyey, tusaale ahaan, waxa batay shirkadaha budhcadda ah ee la kiraysto, xarumahooduna yihiin dalalka NATO ,Imaaraadka Carabta, Israa’iil, Shiinaha iyo Hindiya.

Shirkadahan dhinacyo caalami ah, oo xukuumado ama shirkado gaar loo leeyahay ah, ayaa adeegsada, oo ay wakiillo u yihiin, waxaana loo adeegsadaa beegsiga meelo cayiman sida shirkado ama dad. Is adeegsigani ma aha wax cusub, kan budhcadda Internedka la isku adeegsadaana waa mid soo jiray ilaa bilawgii qarniganba, se arrinka cusubi waa in adeegsiga qawlaysataasi aad kor ugu kacayo. Budhcaddan waxa adeegsada dhinacyo kala duwan oo dawlado iyo shirkado gaar loo leeyahayba leh, sida warbixinta Ururka Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ku xusanna, internedku waxa uu noqday goob istiraatiiji ah oo la isku foodsaaro, lagana gaysto weerarro dhib ku ah xuquuqda aadamaha. Go’aanka Qaramada Midoobay waxa si gaar ah loogu soo qaatay dalalka Hindiya, Jabbaan, Ustaraaliya iyo Maraykanka. Waa dalalka weerarrada u badan la kulmay, lana bartilmaameedsaday xukuumadaha, warshadaha iyo goobaha cilmibaadhista. Dalalkan afarta ah oo ilaalinta saybarka ka heshiiyey, waxa ay mudnaanta siiyeen ka hortagidda budhcaddaas u shaqaynaya dalal raba in ay naafeeyaan kaabaayaasha dalalkan.

Ustaraaliya, Hindiya iyo Jabaan waxa ay la kulmeen weerarro kala duwan oo budhcad aan la aqoon gaysteen. Weerarradan badankooda waxa lagu weeraray kaabaayaasha guud, adeegga internedka, adeegga caafimaadka iyo adeegyada maaliyadda, waxaana kordhay weerarrada lagu hayo haayadaha waxbarasho iyo kuwa cilmibaadhiseed. Sannadkii 2020, ka dib markii la jabsaday SolarWinds, wakaalado badan oo xukuumadeed oo Maraykan ahi waxa ay sameeyeen silsilado xogta lagu ilaalinayo. Sannadkii 2021, haayadda qaran ee Hindiya uga masuulka ah aqoonsiga baayomitriga, ayaa la kulantay weerarka budhcad-interneed lagu tuhmay in Shiinuhu adeegsaday. 2022, waxa weerar la kulmay labaatan wabsayd oo dawladda Jabaan leedahay, laguna tuhmay budhcad-interneed Ruushku xidhiidh la leeyahay.

Waa tusaalayaal si cad u muujinaya weerarrada batay ee internedka, inta badanna waa weerarro sal ku leh khilaafyada siyaasadeed ee taagan. Si kasta oo heer looga gaadho ilaalinta nidaamyada xogaha, haddana waxa weli jira galdaloollooyin amni oo mid keliya oo ka mid ah weerarrada budhcaddaas sahli karo. Waa halis weyn, marka la eego sida ururrada iyo xukuumaduhu ugu tiirsanyihiin nidaamyada elektarooniga ah, sida mushahar bixinta iyo adeegyada caafimaad.

Adeegsiga budhcadda iyo qawlaysatadu waa wax weligiiba soo taxnaa. Qarniyadii dhexe ee Yurub, dawladuhu waxa ay kiraysan jireen qawlaysato dagaallada u gala, nabadda suga amaba cashuuraha soo ururiya. Dagaallada casriga ah, kooxo amniga ka shaqeeya oo gaar ah, sida Blackwater, Unity Resources ee Ustaraaliya iyo Wagner ee Ruushka, waxa ay weerarro ka fuliyaan goobaha dagaalka, sida dagaallo toos ah, ilaalinta saldhigyo cayiman iyo ilaalinta qof. Wagner waxa ay fulisay weerarro hordhac u ahaa Dagaalka Yukrayn.