Sunday 9 August 2026
Waa saddexdii habeenimo. Waxaa jira qof saacado badan hor yuurura shaashadda taleefankiisa, isagoo ku qoor xidhan labalaynta rabitaanka iyo baxsadka, waxa uu falanqaynayaa farriin ka kooban saddex erey ka hor inta uusan go’aan ka gaadhin micnaheeda iyo sida uu uga jawaabi doono. Sidaas ayuu yahay xidhiidhka caadka leh ee aan si cad loo qeexin. Ma aha jacayl, mana aha saaxiibtinnimo, mana aha wax hal weedh lagu magacaabi karo. Waa uun “xaalad” (situation) macneheedu noqon karo wax kasta, wax walba, ama waxba.
Isla goortaas, boqollaal kun oo dhallinyaro ah oo dunida dacalladeeda ku kala nool ayaa wadaagaya isla “xaaladdan”. Waxay la nool yihiin qof ay si maalinle ah u wada hadlaan, ama toddobaadle, ama mararka qaar sabab la’aan. Waxay la qaataan habeenno, waxay wadaagaan cunto, qosol iyo aamusnaan, hase yeeshee waxay isla wakhtigaas diidaan inay ka jawaabaan hal su’aal oo fudud: Waa maxay nooca xidhiidhkani?
Laakiin maxaa khasab ka dhigaya in xidhiidhku yeesho “magac” ama “qeexitaan”? Maxaa nagu khasbaya inaan qaab gaar ah u xaddidno? Maxayse “xaaladdani” ugu muuqataa wax ku cusub xidhiidhada bani’aadamka, ama inaynu gadhnay dhammaadkii Jiilka Millennial-ka iyo kacdoonkii Jiilka Z ee dhanka isgaadhsiinta iyo xidhiidhada?
Maxaase u dhexeeya waxa uu qofkani maanta ku nool yahay iyo wixii ay ku noolaayeen Simone de Beauvoir iyo Jean-Paul Sartre siddeetan sano ka hor, iyagoo lahaa xidhiidh aan la mid ahayn nooc kasta oo xidhiidh ah oo dadku caadaysteen kuna soo koobeen qaab gaar ah?
Ma jiro wax khasab ka dhigaya qaabka xidhiidhka. Hase yeeshee, waxaa jira dhinac qarsoon oo la xidhiidha sababaha, qiimaha iyo macquulnimada, kaas oo u baahan in la fahmo ka hor inta aynaan dooran qaabka — ama xitaa “qaab la’aanta” — xidhiidhadeenna. Taasi waa halka laga bilaabayo fahamka isbeddelkan halkii laga diidi lahaa, lagu degdegi lahaa xukunkiisa, ama lagu eedayn lahaa jiil dhan iyadoo si dusha sare ah loo eegayo arrinta loona qaadanayo inay tahay dhibaatada lafteeda.
“Situationship”-ka (xidhiidhka aan la qeexin) ma aha dhacdo si kedis ah uga soo baxday baraha X ama Discord. Waa xaalad ay si qoto dheer u daraaseeyeen cilmi-nafsiyaqaannada bulshadu. Sida uu sheegay Eli Finkel, oo ah bare cilmi-nafsi ka dhigta Jaamacadda Northwestern, buuggiisa The All-or-Nothing Marriage, filashooyinka aynu ka qabno lammaanaha xidhiidhka jacaylka ayaa kor u kacay si ay uga gudbaan jacayl iyo wehel, waxa ay gaadheen heer uu lammaanuhu noqdo il micne, aqoonsi iyo xaqiijinta nafta.
Sida uu Finkel qabo, marka heerka filashooyinku kor u kaco, gelitaanka ballanqaad dhab ahi wuxuu noqdaa mid cabsi badan; sababtoo ah khasaaraha suuragalka ahi wuu ka weyn yahay sidii hore. Sidaas darteed, ku milanka xidhiidho xambaarsan dareenno mugdi ah oo ka fogaanaya dhammaan mas’uuliyadaha sharciyeed, nafsadeed iyo bulsheed, waxay noqotay doorasho ku jirta goob ammaan ah oo raaxo leh oo ay maanta malaayiin qofi ku nool yihiin. Waxay door bidaan inay halkaas sii joogaan halkii ay kala dooran lahaayeen laba waddo: Ballanqaad ama kelinimo. Iyagoo labadooduba u muuqda cabsi.
Sannadkii 1929-kii, nin dhallinyaro ah oo Faransiiska ka soo jeeda ayaa hor istaagay gabadh leh indho fiiqan iyo maskax aan tanaasulka aqoonin. Wuxuu u soo jeediyay wax aan cidina hore u soo jeedin: Jacayl furan, guur la’aan, gaar-ahaanshiyo la’aan, iyo in ay ka reebantahay “beenta nidaamsan” ee dadku ku magacaabaan amaanka. Ninkaasi waxa uu ahaa Jean-Paul Sartre. Simone de Beauvoir waxay erayadiisa ku eegaysay dhugasho qoto dheer muddo konton sano ah oo ay wada qaateen xidhiidh aan ka badbaadin kakanaansho, damacyo, xitaa waxa loo yaqaanno “khiyaamooyin”, iyo iska horimaadyo ay si geesinimo leh u qirteen ugana wada hadleen.
Laakiin waxa dad badani iska indhatiraan ayaa ah in “situation”-kaas uu aad uga duwan yahay waxa maanta caanka ah. Xidhiidhkoodu wuxuu ahaa doorasho ku dhisan mowqif falsafadeed oo cad, kaas oo aaminsanaa in ballanqaadka dhaqameed uu yahay nooc ka mid ah dhalanteed dejinaya cabsida laga qabo xorriyadda. Sartre fekraddan wuxuu ku soo bandhigay buuggiisa Being and Nothingness, markii uu jacaylka ku faaqiday dhibaato jiritaan (existential problem) halkii uu uga arki lahaa sheeko jacayl. Wuxuu yidhi: “Qofka kale wuxuu khatar ku yahay xorriyaddayda, sababtoo ah wuu i eegaa, wuxuuna iga dhigaa walax la eegayo, xdhiidh jacayl oo kastaana waa halgan u dhexeeya laba xorriyadood oo aan midkoodna si dhab ah u nasan karin.”
Iyadoo la jaanqaadaysa aragtidan jiritaanka (existentialism), lammaanihiisa Simone de Beauvoir ayaa buuggeeda Jinsiga Labaad (The Second Sex) ku dartay aragti kale oo naqdin muhiim ah xambaarsan: “Guur dhaqameedku ma aha oo keliya heshiis bulsheed, se waa hannaan lagu amar ku taagleeyo haweenka laguna xakameeyo rabitaankooda madax-bannaanida.”
Halkan waxaynu ku haynaa laba mufakir oo lahaa falanqayntooda jiritaan ee ku saabsan xidhiidhada, kuwaas oo doortay waddo aan khasab ahaan dhamays tirnayn. Hazel Rowley, oo qortay taariikh nololeedkooda wadajirka ah, waxay xustay in xidhiidhkoodu aanu ahayn mid fudud, balse uu ahaa mashruuc miyir leh oo ay maalin kasta qiimihiisa bixinayeen, iyagoo si buuxda u og in ay xorriyadda ka dooranayaan hubsiimo la’aanta. Waana farqiga saxda ah ee u dhexeeya xidhiidhada situationship-ka ee tobankii sano ee u dambeeyay iyo xidhiidhka Sartre iyo Beauvoir, midda hore waa laba qof oo diiday ballanqaadka iyaga oo ka duulaya mowqif falsafadeed oo miyir leh, iyagoo isku dayaya inay xalliyaan mushkilad bani’aadamnimo. Ta kalena waa qaab looga cararayo cabsi daraadeed laba daran mid dooro, laguna dahaadhay magac casri ah oo qurux badan oo la dhaho situationship.
Inta u dhexeysa kelinimada oo dhinac ah iyo ballanqaad hoos yaalla saqaf filashooyin cabsi leh oo dhinaca kale ah, ayay xidhiidhadan cabsidu ku dhisan tahay ku koraan. Kelinimada lafteeda ayaa tan sii xoojinaysa. Sannadkii 2023-kii, waxaa si rasmi ah loogu aqoonsaday Maraykanka inay tahay dhibaato caafimaad oo guud. Vivek Murthy, oo ahaa Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Dadweynaha ee Maraykanka, ayaa warbixintiisa Our Epidemic of Loneliness and Isolation ku diiwaangeliyay in Jiilka Z — oo haysta qalabka isgaadhsiineed ee ugu baaxadda badan taariikhda aadanaha — uu yahay jiilka leh heerarka ugu sarreeya ee kelinimada iyo go’doonka.
Dhanka kale, cilmi-nafsiyahan Jean Twenge, oo ah qoraaga buugga iGen, waxay daba-gashay hoos u dhaca tirada saaxiibtinnimada iyo wakhtiga firaaqada ee dhallinyarada tan iyo bartamihii tobankii sano ee ugu horreeyay qarnigan. Waxay sidoo kale ogaatay in dhexgalkooda bulsho ee ka baxsan guryaha uu si weyn u yaraaday, heer aan lagu arag jiilal hore. Natiijadan waxaa xaqiijisay Sherry Turkle, oo bare ka ah Machadka Teknolojiyadda Massachusetts (MIT), buuggeeda Alone Together (keligeen idil ahaanteen). Waxay tilmaantay in isgaadhsiinta dijitaalka ahi ay ina siiso: “Dhalanteed joogitaan bulsho” iyadoo aan laga bixin qiimihii dhabta ahaa ee xidhiidhka. Qoraal ayeynu ku wada sheekaysannaa halkii aynu ka wada hadli lahayn. Waxaynu reebnaa calaamadda “like” halkii aynu laabta is gelin lahayn. Waxaynu la soconnaa nolosha dadka kale halkii aynu qayb ka noqon lahayn. Kadibna waxaynu ku noqonnaa sariiraheenna annagoo keli ah, inkasta oo aynu haysanno tobannaan kun oo inagu xidhan (followers) oo aan midkoodna dhab ahaan garanayn welwelka ina haya. Jawigani gaar ahaan, xidhiidhada situationship-ka waxay noqdaan astaanta ugu daacadsan ee kelinimada.
Cilmi-nafsiyahan Barry Schwartz, qoraaga buugga The Paradox of Choice (Isburinta Doorashada), wuxuu sharraxayaa waxa nagu dhacaya marka aynu haysanno doorashooyin tiro badan oo baraha bulshada iyo barnaamijyada shukaansiga ku diyaar ah. Waxa uu ku tilmaamaa xaaladda “curyaan doorasho”. Mar kasta oo ay doorashooyinku bataan, waxaa kordha welwelka ku saabsan waxa aynaan dooran, sidoo kale waxa yaraada ku qanacsanaanta waxa aynu doorannay. Sidaas darteed maskaxdeenna cabirka ayaa ka habaaba oo xasillooniduna noqotaa wax aan suuragal ahayn.
Tani waxay ka dhigaysaa waayo-aragnimada gelitaanka xidhiidh adag oo aan si cad loo qeexin — iyadoo si buuxda loo fahamsan yahay qiimaha, sababta iyo cawaaqibta xidhiidhkaas, sida waayo-aragnimadii Beauvoir iyo Sartre — mid gebi ahaanba ka duwan xidhiidhada aynu maanta falanqaynayno. Kuwa maanta jira badankood waxa qaabeeya sababo ka baxsan doorashada xorta ah ee qofka, iyagoo saameyn ku yeesha miyir-la’aantiisa.
Mashruuc cilmi-baadhiseed ballaadhan oo uu sameeyay Eric Klinenberg, oo ah cilmibaadhe bulsheed oo ka tirsan Jaamacadda New York, waxa uu qaaday boqollaal wareysiyo iyo doodo oo laga ururiyay magaalooyin kala duwan oo dunida ah, waxa ay muujiyeen sida barnaamijyada shukaansigu u beddeleen raadinta lammaane una rogeen suuq aan dhammaad lahayn. Cilmi-baadhisyadu waxay caddeeyeen in in ka badan kala badh dadka isticmaala barnaamijyada shukaansiga ee Maraykanka ay ku tilmaamaan waayo-aragnimada xidhiidhadan mid niyad-jab leh, inkastoo ay weli ku sii jiraan. Tani waxay keentay in dhaqanka adeegsiga iyo macaamilku gaadho xudunta jacaylka iyo xidhiidhada caadifiga ah. Lammaanku mar dambe ma aha qof dhab ah oo xulan, balse wuxuu noqday doorasho la beddeli karo oo ku jirta liis aan dhammaad lahayn oo xulashooyin ah, iyadoo lagu qiimeynayo waxqabad, waxtar iyo “kharashka” xidhiidhka.
Marka qofka kale loo arko wax la adeegsan karo, xidhiidhka lala leeyahayna wuxuu noqdaa mid isaguna ku dhisan isticmaal iyo ku-meelgaadh. Waxa uu noqdaa wax si fudud loo joojin karo iyadoo aysan jirin sabab cad, mushkilad muuqata ama cillad aasaasi ah. Aragtidan, situationship-ku waa deegaanka macaamilka ee ay ku noolyihiin “badeecadahaan caadifadeed”.
Waxaa laga yaabaa in jiilashii hore aanay waligood lahayn qaamuuskan ballaadhan ee ereyada lagu sharraxo xidhiidhada bani’aadamka iyo kuwa jacaylka: xidhiidh ammaan ah (secure attachment). Doog nafsadeed (trauma). Xidhiidh ku-tiirsanaan xad-dhaaf ah. Shakhsiyad ka fogaata xidhiidhada (avoidant personality). Xidhnaan caadifadeed. Xuduudo dareen (emotional boundaries). iyo ereyo kale oo badan oo maanta la socda xidhiidh kasta oo bani’aadamnimo, laguna kala saaro qaabab kala duwan iyadoo mararka qaar loogu marmarsiyoodo in laga fogaado qeexidda iyo ballanqaadka.
Cilmibaadhaha Maraykanka Brené Brown, buuggeeda Daring Greatly (Geesinimada Weyn), waxay arrinta ka eegtay dhinac mugdi badan. Waxay sheegaysaa in nuglaanshaha shucuureed uu noqday shardi lagama maarmaan u ah xidhiidh dhab ah, isla markaana aynaan jeclaan karin qof innaga oo aan siin awood uu nagu dhaawici karo. Gunaanadkani aad ugama foga xaqiiqada, gaar ahaan marka aynu ku darno halka ay ka istaagtay daaweysada nafsadeed ee Ingiriiska Sue Johnson, oo hormuud ka ah aragtida ku-tiirsanaanta caadifadeed (attachment theory), waxay sharraxday in hab-dhaqanka (ka fogaanshaha xidhiidhka sababo la xidhiidha cabsida khasaaraha) aanu yarayn xanuunka ama cabsida, balse uu sii seeto dheereeyo.
Dhanka kale ee isla isle’egta situationship-ka — taas oo la xidhiidha diidmada ballanqaadka iyo qeexidda xidhiidhka sida waayo-aragnimadii Sartre iyo Beauvoir — cilmi-baadhisyada nafsaaniga ah waxay muujinayaan in dhibaatada jiilka maanta ay isugu jirto diidmo iyo baxsad. Farqi weyn ayaa u dhexeeya diidmada, oo ah xuquuq sharci ah oo qofku leeyahay, iyo ka cararka qofka aad xidhiidh wadaagtaan. Tan dambe waxay noqon kartaa dhaawac shucuureed oo lagu dahaadhay magacyo qurux badan oo diidaya in xidhiidhka si cad loo qeexo.
Waxaa laga yaabaa inay tahay arrin wanaagsan in daraasado ay muujiyeen in “koboca shakhsiga” uu maanta ka hormaray “xasilloonida shucuureed”. Natiijadan waxaa muujiyay sahan ay sameeyeen Tinder iyo Xarunta Cilmi-baadhista Pew ee Washington.
Laakiin arrinta walaaca leh ayaa ah in sahannadani sidoo kale muujiyeen korodhka dareenka diidmada ee ku wajahan isu-dhowaanshaha shucuureed ee dhabta ah, iyadoo lagu marmarsiyoonayo horumarinta nafta, sidii in ay yihiin laba is diidaya.
Sidan ayuu wacyigu mararka qaarkood ugu xuub siibtaa gidaar halkii uu ka noqon lahaa daaqad. Sida lagu diiwaangeliyay daraasad ay daabacday The Conversation sannadkii 2021-kii oo ku saabsan hab-dhaqanka jacaylka ee Jiilka Z, dhallinyaradu si cad ayay u sheegaan inay ka fogaadaan ballanqaadka iyagoo ka baqaya dhaawac. se sidoo kale waxay ka fogaadaan inay qirtaan cabsidaas, sababtu waxay tahay in qirashada cabsidu ay ka dhigan tahay qirashada baahida loo qabo qof kale. Halka situationship-ku uu fududeeyo: “Kala-tag aan dhab ahaan kala-tag ahayn.” Taasi waa in qofku si tartiib tartiib ah uga dhex baaba’o xidhiidhka isaga oo aan wajihin xaaladda, aan gelin wada hadal adag, isla markaana aan u baahnayn inuu qof kale u sheego inuu mar uun si dhab ah ugu dhowaa.
Ka cararidda hay’ad ama nidaam bulsheed waxay noqon kartaa geesinimo, laakiin ka dhuumashada wada hadalka adag, ka baxsashada daqiiqadda nuglaanshaha, ama ka baxsashada qirashada inaad qof gaar ah rabto, taasi waa arrin gebi ahaanba ka duwan, mana jirto falsafad si dhab ah ugu magacaabi karta xorriyad. Dabcan, waa run in doogta nafsadeed ay dib u qaabayso awoodda jidhka iyo maskaxdu u leeyihiin kalsoonida iyo isu-dhowaanshaha, taas oo ka dhigaysa hab-dhaqanno badan oo ka fogaansho ku salaysan kuwo la fahmi karo, se in la fahmaa kama dhigna inay caafimaad qabaan, dhibtu kuma jirto wacyiga nafsaaniga ah qudhiisa, balse waxay taallaa sida loo adeegsado.
Marka qof dhaho: “Waxaan ahay qof ka fogaada xidhiidhada (avoidant), mana awoodo inaan ballanqaad sameeyo,” wuxuu cudur-ogaanshihii u beddelay aqoonsi, fahamkiina wuxuu u rogay cudurdaar. Farqiga u dhexeeya labadanna waa mid aad u weyn; wuxuu la mid yahay farqiga u dhexeeya qof og inuu cabsi qabo iyo qof aaminsan in cabsidiisu mar walba sax tahay. Qoraalkani sinaba uguma baaqayo hal nooc oo keliya oo heshiis iyo ballanqaad ah, ama inuusan u arkin ballanqaadka inuu yahay wanaag akhlaaqeed oo khasab ah, sidoo kale kama hadlayo hay’adda guurka lafteeda, taas oo leh taariikh dheer oo xakameyn iyo hoos-geyn ah, waxa uu isku dayayaa inuu soo bandhigo su’aal gebi ahaanba ka duwan: xidhiidada maanta u muuqda kuwo horumarsan, ka duwan dhaqanka caadiga ah, isla markaana sheeganaya inay xallinayaan mushkilad jiritaan, dhab ahaantii sidaas ma ku astaysan yihiin? Mise hoostooda waxa ku qarsoon waxyaabo badan oo aan laga hadlin? Mana habboona in gebi ahaanba lagu eego isla muraayaddii iyo duruufihii lagu eegayay xidhiidhadii miyir-qabka ahaa ee si dhab ah isugu dayay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaas bani’aadamnimo.
Sartre iyo Beauvoir waxay si miyir buuxa leh u doorteen xorriyad qaali ah, waxayna diyaar u ahaayeen inay maalin kasta la kulmaan xanuunka ka dhasha doorashadaas, qaacidada ay ku socdeenna waxay ahayd, mowqif si cad loo sheegto, ee ma ahayn ka fogaanshaha dareennada adag.
Dhanka kale, cilmi-baadhisyadii, daraasadihii iyo maqaaladii aynu ku soo xusnay qormadan ee ku saabsan nooca xidhiidhka, waxay ina geynayaan meel dhexdhexaad ah; meel waydiimo keenta balse aan xukun degdeg ah ridin, meel walaac qabta balse aan ku degdegin inay xaqiiqo kama dambays ah ku dhawaaqdo, meel kala furfuraysa xidhiidhka si loo ogaado: ma yahay doorasho miyir leh oo si buuxda loo fahmay? Mise waa dacal aan cadayn oo loo doortay si looga baxsado nuglaanshaha ka dhalanaya isu-dhowaanshaha dhabta ah? Shaki kuma jiro in ay jiraan waxyaabo ay wadaagaan, labadooduba waxay ka soo hor jeedaan guur dhaqameedka, qeexitaannada diyaarsan, iyo xidhiidhada lagu koobay qaab hore loo sii diyaariyey, se waxa ka sii xaqiiqo badan ayaa ah in farqigu yahay mid aasaasi ah: waxa jira kala duwanaansho weyn oo u dhexeeya qof wax diidaya isagoo ka duulaya awood iyo miyir, iyo qof wax ka cararaya isagoo ka duulaya cabsi. Farqigaas ayaa abuura masaafo aad u ballaadhan oo saameyn ku leh tayada waayo-aragnimada bani’aadamka lafteeda iyo heerka caafimaad qabkeeda, sababtoo ah xorriyadda dhabta ahi macnaheedu ma aha in laga baxsado xanuunka, waxay ka dhigan tahay in xanuunkaas lagu doorto indho furan iyo miyir ifaya.
Ugu dambayntii, xidhiidhada situationship-ku ma aha shar buuxa, mana aha khayr buuxa, waxa aynu isku dayayno inaynu sheegno ayaa ah inay xambaarsan yihiin calaamado muhiim ah oo tilmaamaya mushkilad bani’aadamnimo oo qoto dheer, calaamadahaasna laguma barto cambaarayn ama shaydaamayn, waxa lagu ogaadaa faham qoto dheer iyo isku day lagu dejinayo maskaxda dhex hawaarta duufaanta dijitaalka ah.
Arrintani uma baahna muxaadarooyin ku saabsan ballanqaadka ama khudbado ku saabsan jacaylka, waxay u baahan tahay hal su’aal oo keliya oo daacad ah oo aynu nafteenna waydiinno: Waxa aynu hadda ku nool nahay ma yahay doorasho aynu si xor ah u samaynay innaga oo og aqbalnayna qiimaheeda? Mise waa baxsad aan wax badan nagu kacayn?
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.