Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Xayle Gerima: Aabbaha shineemada Itoobiya

4 April, 2026
Image
Xayle Girma: Itoobiya oo Dib loogu soo Celiyo Shaashadda
Share

Filin-soosaaraha rugcaddaaga ah ee reer Itoobiya, Xayle Gerima, waxa uu kaqaybgal soojiidasho leh ku lahaa bandhigga Shaneemada Caalamiga ah ee Baarliin (16 ilaa 22-kii Feebarweri), iyadoo filinkiisii u dambeeyey ee “Libaaxyo Madow iyo Yeyda Roomaanka” lagu soo bandhigay. Girma waxa kale oo uu helay abaalmarinta Kamaradda Berlinale, guddiga garsoorkuna waxa ay sheegeen in filinkan sagaalka saacadood soconayaa la mid yahay waxsoosaarkiisii hore, oo uu ka markhaati kacayo “sooyaal ku suntan cabudhin iyo iskacaabbin, sidoo kalena yahay mashruuc xididdada u siibaya gumeysiga aan dhammaan—sheekooyin si qotodheer uga hadlaya wakhtiga taagan”.

Bogaadintan, abaalmarintan iyo u garaabiddani Baarliin loogu sameeyey waa mid sharfaysa sooyaalka qofka ugu caansan, uguna waxsoosaarka badan soosaarayaasha shaneemada Itoobiya, laga soo bilaabo markii uu ka qalin jabiyey Kuliyadda Masraxa, Shaneemada iyo Talafeeshanka ee Jaamacadda Kalifoorniya dhammaadkii lixdanaadkii. Waxsoosaarkiisa filin waxa ka mid ah: “Midhodhal: 3000 sanno” oo soo baxay sannadkii 1974-kii, Sankofa (1993) oo ah waxsoosaar uu kaga hadlayo ganacsigii addoomaha ee laga tallaabin jiray Badda Atlaantiga, isagoo si qotodheer sooyaal ahaan iyo dhaqan ahaanba ugu dhaadhacay. Kolkii uu filinkiisa Sankofa kusoo bandhigay Maraykanka, filinku waxa uu soodhaweyn ballaadhan ka helay dadweynaha, waxaanu helay gorfayn ballaadhan, isagoo ku guulaystay abaalmarinta Mahrajaanka Filinka Afrika ee Talyaaniga, waxa kale oo uu soodhaweyn ka helay Afrika gudaheeda, isagoo ku guulaystay filinkii ugu wanaagsanaa ee Mahrajaanka FESPACO ee dalka Burkiinafaaso.

Sannadkii 1993-kii, kolkaas oo guusha filinkiisa Sankofa ay maraysay figta, Girma waxa uu jawaab qotodheer ka bixiyey waraysi uu la yeeshay Pamela Woolfor, kaas oo wayddiiyey wax ku saabsan taxanaha talafeeshan ee “Xididdo”. Jawaabtiisu waxa ay daaha ka qaadday qanaacad qotodheer. Halka taxanahaas “Roots” uu isku dayay inuu iskusoodhawayn dhex dhigo Maraykanka madow iyo caddaanka, Girma waxa uu ku dooday in heshiisiinta dhabta ahi aanay ku dhaboobmayn wax aan ahayn in xaqiiqooyinka la waajaho, oo laga gudbo xididdaynta mala’awaallo lagu nafiso. Sida uu aaminsanyahay, taxanahani waxa uu addoonnsiga ka eegay xagal midnimo bani’aadamnimo oo mala’awaal ah oo u dhaxaysa hantiilayaashii beeraha ee caddaanka ahaa iyo Afrikaankii la gumeysanayey oo ah fekrad aanu sooyaalku u markhaati furayn. Girma waxa uu ku adkaystay in siyaasaddu inta badan tahay fanka beenta, kolka fanku siyaasad u noqdo qaabkanna, marin habaabin uu bilaabayo. Girma waxa uu ku dooday in aan xaqiiqo wax aan ahayn lagu bogsanayn, sababtoo ah xaqiiqadu waxa ay bulshooyinka awood u siinaysaa inay waaqaca dhiirranaan ku qaabbilaan.

Aragtidan cadi waa mid ka turjumaysa khibradihii Girma ee dhallaannimo iyo barbaartiisii. Ka dib markii uu dugsiga sare ku dhamaystay deegaankii uu ku dhashay, waxa uu u guuray Addis Ababa, si uu jilliinka u barto, ka dibna waxa uu u safray Shikaago sannadkii 1967, waxaanu ku biiray dugsiga Goodman ee Masraxiyadda. Se rejadiisii waxa ay la burburtay jawiga cunsuriyadeed ee jiray iyo dareenka kaduwanaantiisa kuwa kale. 1969 ayaa uu u wareegay Kalifoorniya, si uu Shaneemada u barto, halkaas oo uu ugu dambeyn ku negaaday. Xiisahiisa faneed waxa uu wakhti hore oo noloshiisa ah ka bilaabmay Gondar, isagoo kolkaas magaalada iyo miyiga u kala socdaali jiray.

Aabbihii waxa uu ahaa bare kaniisadeed iyo qoraa masraxiyadeed wax ku qora Amxaariga, waxaanu ka qayb galay halgankii iskacaabbinta ahaa ee Itoobiya iskaga xorraynaysay gumeysigii Talyaaniga, ka hor intaanu u jihaysan waxdhigista iyo qoraalka masraxiyadaha fudud ee uu kusoo bandhigo Kaniisadaha. Kaladuwanaantan ka dhex jirtay wadaadkan kaniisadeed iyo halgamaagan iskacaabbinta qaybta ka ahaa ee sida weyn u aaminsanaa la dirirka gumaysiga, ayaa shaambad qotodheer kaga tagtay maskaxda Girma.

Sida uu ku xusayo waraysi uu John L. Jackson Jr la yeeshay, Girma waxa uu marar dambe sheekada barbaartiisa ka dheegtay labadiisa filin ee Teza (2008) oo uu gebi ahaan ku duubay tuulada adeerradii oo u dhow magaalada taariikhiga ah ee Gondar, iyo filinkiisa Midhodhal 3000 oo Sanno, oo koobsaday heeso aabbihii qoray. U kala socdaalka miyiga iyo magaaladu waxa uu ku abuuray dareenkiisa gudeed ee ah baahida loo qabo isbeddel bulsheed iyo ka xidhiidhfurashada kelitalisnimada boqortooyo. Filinkiisa “Midhodhal” waxa uu si qotodheer ugu dhaliilay Boqor Xaylasalaase, halka isla filinka kale ee Teza laftiisu uu ka hadlay kelitalisnimadii Xaylasalaase, soona bandhigay nidaamkii Mingistu Xaylamaryam, isagoo ku metelaya shakhsiyadda filinka ee Anberber, aqoonyahan kasoo laabtay Jarmalka oo kuso noqday Itoobiya oo qoqoban, cabudhinna ku jirta. Anberber waxa uu la kulmayaa waaqac gebi ahaan ka duwan waxbarashadiisii Galbeedka iyo mabaadi’dii lasoo baray, kolkaas ayaa uu dareemayaa wareer iyo hungow, waxaanu ka labalabaynayaa inuu quusta isu dhiibo iyo in uu shaqada adag ee dib u dhiska galo – waana safarka filinka siiyey abaalmarinta Guddiga Garsoorka Gaarka ah ee Mahrajaanka Venice Film, iyo sidoo kale abaalmarinno kale.

Girma waxa uu filin samaynta u arkaa qaab lagu xakameeyo waxa la tebinayo iyo qaabka loo tebinayo, waxaana u arkaa agab xorriyadda qofeed lagu soo gelin karo waxtebinta. Filin samayntiisu waxa ay xoogga saartaa in ay si qotodheer u garwaaqsato awoodda filinka uu u leeyahay inuu kaalintii xaqiiqada waaqaca ka jirta buuxiyo, oo uu xitaa kaalintii aqoonta nololeed iyo dareenka buuxin karo. Isagoo aragtidan ka duulaya, dedaalkiisa joogtada ah waxa uu geliyey in filimada laga xoreeyo dabeecadda gumaysi ee ku ladhan. Halgankiisaas waxa laga dheehan karaa filinkiisa “Cadwa: Guul Afrikaan”, figta halgankaasna waxa ah filinkiisa “Libaaxyo Madaw iyo Yey Roomaan”, oo dib u eegis ku samaynaya duullaankii Talyaanigii Faashistaha ahaa iyo iskacaabbintii bulshada.

Inta badan Girma waxa uu fikradda gumaysiga dhaqan ku cabbiraa tusaale shakhsiyadeed oo maad iyo run qadhaadh isugu jira: waa sidii uu ugu falnaa uguna hanweynaa John Wayne, oo aragtiyihiisa cunsuriga ah ee muuqda ee uu u hayay Maraykankii asalka ahaa ka muuqdaan filimadiisa iyo noloshiisa guud. Sida uu Girma qabo, cadhada uu Wayne ka qaaday in Sacheen Littlefeather abaalmarinta Ooskarka u diiddo inuu ku metelo Marlo Brando sannadkii 1973 ay ka dhalatay kumilankiisa caddaanka. Xusuustaasi waxa ay dib ugu celisaa carruurnimadiisii iyo shaqadii ahayd inuu tigidhada filimada ku iibiyo shaneemo maxalli ah oo Gondar ku taalla, si joogto ahna loogu soo bandhigi jiray filimada Maraykanka ee ay jilaan Wayne, Tarzan, iyo sheeko-xariirooyinka Maraykan.

Waxa muuqata in dhaliisha iyo naqdinta xididdaysani weligoodba summad u ahaayeen Girma iyo sooyaalkiisa xirfadeed, laga bilaabo naqdintiisa maamulka imbiryaaliga ah laga soo gaadho maamulka aabbanimo ee qoyska, isagoo mar kasta daba ordayey cod tebineed oo cusub oo isaga iyo jiilkiisa u gaar ah. Diraasadiisii filin samaynta ee dunida saddexaad, Roy Armes waxa uu tebinayaa in Girma oo loo socda koox ka socota jaamacaddiisii UCLA uu si toos ah ugu laabtay Itoobiya, waxyar ka dib markii uu dhacay boqor Xaylasalaase, si uu u duubo filinkiisa “Midhodhal: 3000 Sanno”. Filinka waxa lagu duubay meel u dhow Gondar, waxaanu ku ladhay heeso Amxaari ah oo uu aabbihii qoray, si uu dhaleecayn iyo haaraamid ugu soo jeediyo saddex kun oo sanno oo cabudhin ah.

Michel Thomas ayaa sidoo kale mar dambe ku tilmaamay buuggiisa “Shaneemada Dadweynaha ee Itoobiya”, in nidaamkii Dergigu uu filinkan uga faa’idaystay inuu ku xayaysiisto ajandayaashiisa gaarka ah ee kasoo horjeeday nidaamka boqortooyo, isaga oo aan nidaamku oggolaansho ka haysan Girma. Sidaas oo ay tahay, qaangaadhnimada filinkan uu Girma 28 jirnimadiisii sameeyey waxa ay muuqatay kolkii loo aqoonsaday mid ka mid ah filinsameeyayaasha ugu caansan Maraykanka madow. Kolka la eego diraasayntiisa shaneemada Afrika, Nwachukwu Frank Ukadike waxa uu faahfaahinayaa sida ay Girma uga go’antahay dib u qiimaynta sooyaalka Itoobiya iyo Afrika, iyadoo indho Afrikaan lagu eegayo.

Muddadii uu Girma dhiganayey Jaamacada Howard, waxa uu dhex galay qoraalladii Frantz Fanon, W.E.B. Du Bois, Amilcar Cablar iyo Che Guevara, waxaanu si xiiso leh u darsay shaneemada dunida saddexaad ee Afrika iyo Laatiinka. Filimadiisii u horreeyey, sida Hour Glass (1971) iyo Ilmihii Iskacaabbinta (1972) waxa ay si muuqata u sideen dabci kacdoon oo Maarkisi ah.

U go’iddiisa filimada ee daran awgeed, Girma waxa uu maalgelin u dammaanad qaaday mashaariic riyooyinkiisa ahaa, sida filinka dhukumantariga ah ee “Jiilaalka Kadib: Sterling Brown”, oo taageerada jaamacadda Howard awgeed lagu soo saaray, loona hibeeyey gabyaagii Maraykan ee asal ahaan Afrikaanka ahaa, Sterling Brown. Muddooyinkii dambena, Girma isagaa la wada wareegay marxaladaha filinsamaynta, isagoo filimadiisa u sameeyey madaxbannaani dhif ah.

Kusoo laabashada Girma ee Baarliin waxa ay soo jiidatay danaynta warbaahinta iyo gorfaynta, soojiidashadiisanna waxa kaliya ee u dhigmayey waa dooddii siyaasadeed ee Mahrajaanka ka socotay, kuna saabsanayd isir-sifaynta ka socota Falasdiin. Waxaanu qaatay kaalintiisa ah inuu yahay dadka ugu muhiimsan dunida filinsamaynta, oo waxsoosaarkiisu ka hadlo waaqac Afrikaan, oo ballaadhinaysa dhaxalka shakhsiyaad sida Cusmaan Sembene ah.

Isagoo sagaashanka afka la galaya, haddana Girma waraysiga ay weriyad Laura Della Corte waxa uu muujinayaa firfircoonidiisa iyo sida uu usoo jeedo, isagoo filinkiisa “Libaaxyo Madow iyo Yey Roomaan” ku xidhaya barbaartiisii qofeed. Waxa uu ka sheekaynayaa aabbe masraxiyado qoray, oo gumaysigii Ingiriiska la dagaallamay, iyo hooyo kusoo barbaartay gurida agoonta oo ay Kaatooli Talyaani ah, abaalna u haysay shaqada diinfidin ee gumaysiga. Waxa uu filinka ku tilmaamayaa iskaashi uu muddo sugayey oo isaga iyo aabbihii dhex maray, isagoo sheekooyin afka ah ka tebiyey, heeso ka qoray, dhacdooyin xilligii gumaysiga ahaana ka weriyey. Girma waxa uu filinka ku sheegayaa farriin wacyigelin oo sooyaalka ah oo Itoobiyaanka ku socota, dibna u xasuusinaya tagto mar halgan ku kulmisay.

Waa markii saddexaad ee uu Girma kasoo muuqdo mahrajaanka Shaneemada ee Baarliin, ka dib marki uu 1976 kusoo bandhigay filinkiisa “Midhodhal” iyo “Dhuxul iyo Dambas” sannadkii 1983. Ka dib soddon sanno oo shaqo joogto ah, filinkiisan u dambeeyey waxa loo arkaa sii wadidda tebintii uu ku bilaabay filinkiisa “Cadwa: Guul Afrikaan”, iyo sii joogtaynta kaalintiisa hoggaamineed ee dhaqdhaqaaqa filinsameeyayaasha madawga ah ee Maraykan.

Qoraallada kale ee qoraaga

Dhaqan

Dib u curashada Itoobiya iyo Dhaxalka Sooyaalka

Dhaqan

Sahyuuniyadda Kiristaanka ee Dalalka Bariga Afrika

Dhaqan

Elayna Seleke iyo aqoonta xerudhallanka ah