Monday 9 March 2026
Sannaddii 1969-kii waxa Soomaaliya ka dhacay afgenbi milatari oo ay askartu talada dalka kula wareegtay. Afgenbiga dhacay si weyn ayey dadweynuhu u soo dhoweeyeen, maxaa wacay waxa si walba loo karhay maamulladii rayidka oo ku sifoobay nidaamxumo, musuqmaasuq qaawan iyo kartixumo hoggaamineed. Kacaanka dhashay waxa loo arkayey in uu dib u kabi karo kalsoonidii dadweynaha ee burburtay iyo in uu si dhab ah ugu adeegi doono bulshada, taas ayaa keentay in dhalashadii kacaanka kolkii ugu horraysayba caleemo qoyan lagu soo dhoweeyo.
Suugaanlayda oo ahaa fekeraagii dhabta ahaa ee waagaas ayaa si habboon uga qaybgalay dabbaaldegga curashada kacaanka. Axmed Ismaaciil Diirriye 'Qaasim', ayaa ku maansooday: cishadii gashaba waagu waa caynad gooniya e/ inay curato khayrlihii kacaan ciidan la arkaaye." Cabdi Muxumed Amiin ayaa isna allifay heeso xanbaarsan mashxarad iyo shugrinaq weyn oo u dhacayey dhanka kacaanka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; "Allaahu Akbar", iyo “Xaaraanquutayaashii.” Dhammaan dabbaaldeggaas oo idili waxa ay sideen shinsi weyn oo laga qabay taliska dhashay, taas oo kolkii danbe lagu hungoobay. Sababta oo ah kacaanku waxa uu la yimi faldhaqanno lid ku ah habnololeedkii bulshada, waxa uu soo rogay cabbudhis, xadhig, gacankahadal toos ah, hanjabaado, iyo dilal badheedh ah. Taas ayaa soo dedejisay in kacaanku lumiyo kalsoonidii la siiyey iyo in ay si cad isaga horyimaaddaan dadweynihii, si gaar ah indheergaradkii iyo waxgaradkii bulsho, kuwaas oo uu kula kacay cabbudhin, dayrin, iyo xidhid joogto ah.
Haddaba, maqaalkan waxaan kaga hadlaynaa sida taliskii kacaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre ula dagaallamay indheergaradka, u xannibay ra'yi dhiibashada, naqdinta iyo fekerka xorta ah. Taas oo natiijadeedii noqotay in dalku galo qalalaase fekradeed iyo maqnaanta mawqif wadareed maangal ah, sababo loo aanayn karo in kacaanku burburiyey fekerkii bulsheed, in uu la diriray aqoondhalintii iyo in uu dalka ku xukumay xaalad galoof ah oo aan ka soo waaqsi lahayn.
Kolkii ugu horraysayba ee kacaanku curtay waxa la tuuray dastuurkii dalka, waxa la banniday baarlamaankii iyo xisbiyadii siyaasadeed, waxana la gudaggalay in salka loo dhigo hay'ado dawladeed oo amni, kuwaas oo mamnuucay ra'yi dhiibashadii, saxaafaddii xorta ahayd iyo fekerkiiba. 1970nnadii kacaanku waxa uu dhisay hay'ado amni oo ay ka mid yihiin: Hay'adda Nabadsugidda Qaranka, Maxkamadda Badbaadada, Baadhista Xisbiga, Hangash iyo Dhabarjebinta. Hay'adahan waxay kaalin weyn ka qaateen cabbudhinta fekerkii bulsheed, waxana ugu gacan kululayd Hay'addii Nabadsugidda Qaranka (NSS), oo waxay lahayd xeer u gooni ah oo awood u siinayey in ay qaban karto qofkii ay doonto, heer kasta derejadiisu ha ahaatee, xidhto, jidhdil ku samayso, dalkummarka ka qaaddo (baasaboorka), shaqada ka saarto, dugsiyada irridaha isugu laabto, iskusocodka dalkana joojiso. Jeenawari 10, 1970-kii Maxamed Siyaad Barre waxa uu soo saaray sharciga xadhigga, oo dhigayey in qofka la xidhi karo, lana hayn karo intii la doono. Sida oo kale, Oktoobar 10, 1970, waxa uu soo saaray sharci tilmaamayey in la laalay mabda'ii xorriyadda (Habeas Corpus), ee dammaanadqaadayey xuquuqda iyo xorriyadda muwaaddinka. Hay'adahan iyo xeerarkani waxay ahaayeen kuwo loogu talagalay in xorriyadda lagu mamnuuco, sidaa awgeed waxa dhacday in cid walba oo kacaanka ka hor timaadda la xidho, la jidhdilo ama la dilo.
Taliskii askartu dadkii waxay u kala qaybiyeen 'kacaan iyo kacaandiid’ midba tiisa lagu abaal mariyo, waxana la sameeyey ciidamo farabbadan oo u qaybsan basaasidda iyo dhegadhegaynta bulshada, kuwaas oo dadweynihii ku riday argagax iyo cabsi hor leh. Waxa bilowday is ururin, wahan iyo in la waayo cid juuq tidhaahda. Sidaa awgeed, waxa soo shaacbaxay halhayska uu tumay Faarax Galloolay ee odhanayey; "afkaaga hayso, ama Afgooye tag, ama Afweyne u gal." Halhayskani waxa uu ka turjumayaa xaaladdii darnayd ee dalku galay, taas oo si gaar ah u saamaysay waxgaradkii, suugaanlaydii iyo fekeraagii Soomaalida. Waxa bilowday in talisku dagaal toos ah la galo indheergaradkii ka horyimi nidaamkiisa. Talisku si uu u kala guro indheergaradka waxa uu aslay weedho ay ka mid yihiin, "maxaad taqaan waan dhaafnay e, maxaad aaminsan tahay ayaan gaadhnay", iyo "aqoonyahan aan na raacsanayn, waxa ka fiican jaahil na raacsan." Weedhahani waxay ahaayeen beegsi ka dhan ah waxgaradka Soomaalida, taas oo ay ka dhalatay xadhig iyo masaafuris.
Axmed Qaasim curiskiisa la yidhaahdo, "The Predicament of the Somali Studies ", waxa uu si hagaagsan uga hadlay sida kacaanku dhuuxa uga dilay waxgaradkii Soomaalida (Somali intelligentsia). Waxgaradkii ka horyimi taliska waxa la saaray cadaadis daran, waxa loo diiday xarumihii waxbarashada iyo cilmibaadhista, waxana lagu shaanbadeeyey kacaandiidnimo. Kacaanku waxa uu beegsaday hal'abuurkii suugaanta waxa la xidhay rag ay ka mid ahaayeen; Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), iyo Cabdi Aadan Xaad (Cabdiqays). Sida oo kale, kacaanku waxa uu xabsi la tiigsaday indheergaradkii horusocodka ahaa, sida Warsame-Juguf, Maxamed Yuusuf Weyrax, Maxamed Aadan Sheekh iyo Yuusuf Cismaan Bardacad. Wadaaddada ayaa qaar la toogtay, qaarna la xidhay sida Sh. Maxamed Macallin Xasan oo ka mid ahaa tiirarkii baraarugga Islaamiga ee Soomaaliya.
Cadaadiskaas badani waxa uu keenay in dalka laga cararo. 1980nnadii waxa waddanka ka qaxay boqollaal indheergaradto Soomaaliyeed ah, waxana dalka ka dhacay wax loo bixiyey maskax-dareer (brain drain). Intii waxgaradka ahayd ee soo hartayna xaalkoodu waxa uu isugu biyashubtay wax uu qoraagu ugu yeedhay: sug oo fiirso. Dr. Bettis Hashim buuggeeda "The Fallen State", waxay ugu jidbixisay sida kacaanku u naafeeyey dabaqaddii dhexe ee waxgaradka ahayd. Waxa uu ka duway jidkii ay ku noqon lahaayeen quwad kobocda, is aqoonsata, oo yeelata jiritaan wadareed rasmi ah oo dareensiisa xilka ka saaran danaha qaranka. Maxamed Daahir Afrax, waxa uu ku tegay in anafadii iyo burburkii indheergaradka haleelay uu u gogolxaadhay qaranjabkii waddanku galay.
Maamulkii milatarigu waxa uu sannadkii 1971-kii soo rogay xeerka faafreebka, sida oo kalana waxa uu sameeyey wax uu u bixiyey Guddiga Faafreebka (The Censorship Committee). Waxay ahaayeen guddi u xilsaaran dabaggalka, baadhista iyo xakamaynta waxyaabaha la baahinayo ee taliska khuseeya. Waxay faafreeb ku samayn jireen riwaayadaha, heesaha, gabayada, filimmada, qoraallada iyo buugta. Waxa jira riwaayado faafreeb iyo wax-ka-beddel lagu sameeyey, riwaayadihii ugu caansanaa ee nidaamka wax-ka-beddelka maray wax ka mid ah, riwaayaddii Tawaawac. Hadraawi sida uu qabo waxa jira waxsoosaar aqooneed ama suugaaneed oo faafreebkii dalka ka jiray awgeed u godgalay. Nidaamka faafreebka ee kacaanku hirgeliyey waxay dib u dhigtay dalka waxana dhacay wax nin aqoonyahan ahi u bixiyey, "dhagaxow fekradeed." Cabdiqaadir Shire Faarax buuggiisa "Xeebtii Geerida", waxa uu si toobboon ugu jilibdhigay sida taliskii Maxamed Siyaad Barre u xayiray fekerkii iyo aqooncurintii.
Mudane Cabdiqaadir waxa uu dabayaaqadii siddeetameeyadii qoray tiisa cilmibaadhiseed oo la magacbaxday, "Problems of Books and Other Materials in Somalia 1988—1989." Waxay ahayd cilmibaadhis raadraacaysay burburka saqaafadeed ee Soomaaliya ku dhacay iyo dagaalka adag ee lagu qaaday aqoondhalinta. Qoraagu waxa uu qalinka ku adkeeyey in Maxamed Siyaad Barre uu nactooyo daran u qabay guud ahaan aqoonta iyo aqoonyahankaba. Cabdiraxmaan Al-kawaakibi oo shakhsiyadda kelitaliska wax ka qoray waxa uu sheegay in kelitalisku sidiisa bannaanba dirir xooggan la galo aqoonta. Waxa uu adeegsadaa jidad ay ka mid yihiin; hoosudhigga saqaafada, mamnuucidda fekerka naqdineed iyo in uu si uun uga takhalluso indheergaradka.
Buuggiisa "Fan-masraxeedka Soomaalida", Maxamed D. Afrax waxa uu ku xusay in dabshidkii 1973-kii ay ahayd xilliga uu sida dhabta ah u bilowday dibugurashada iyo dibudhaca fan masraxeedka Soomaalida. Afrax oo hal'abuurka si gaar ah u dul istaagay waxa uu xaqiijiyey in ay ku danbeeyeen wax dalka ka qaxa, wax dhulkii ay u dhasheen ku noqda, wax xabsi la la beegsado; iyo wax ganacsi iyo hawlo adduun isaga fayla. In xaalka hal'aabuurku sidan ku danbeeyo waa maxsuul ka soo baxay kolkii Siyaad Barre jidgooye u dhigtay fekercuntii bini’aadanka. Waxa keli ah ee uu oggolaa waa wixii u adeegayey nidaamkiisa ee ammaan iyo guulwadayn ah.
Mar haddii saxal weyni gaadhay waxgaradkii Soomaalida, waxa dhacday in intii gudaha joogtay ay tacabbiraan oo nolol dibadeed raadsadaan kuwii tacliin dibadeed ku maqnaana in aanay soo laaban. Halkaa waxa ka dhashay in la waayo mucaarad fekradeed oo dhab ah oo dalka ka furfura silsiladaha kelitaliska ee lagu xidhay. Aqoonyahankii qaxay ee dibadaha ku kala firdhay badankood ma aysan samaysan isutagyo iyo dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ku baaqaya in nidaamka dalka la furfuro, kelitaliska si silmi ah loo beddelo, sida oo kalana xumihiisa la la wadaago caalamka, sida ay sameeyeen aqoonyahankii deriska ee seelasha kelitaliska geyllanka u galay in la jabiyo, sida indheergaradkii Kiiniya oo kale. Ngũgĩ wa Thiong'o (1938—2025), waxa uu dhiganihiisa la dhaho, “Decolonizing Language and Other Revolutionary Ideas”, si faahfaahsan uga sheekeeyey sida indheergaradka Kiiniya kaalin weyn uga geysteen in dalka laga tallaabiyo kelitalisnimadii Daaniyeel arab Moy (Daniel arap Moi), loona gudbiyo nidaamka dimuqraaddiga ee furfuran. Indheergaradkaasi badankood waxay ahaayeen dibadmeer, waxay saldhigyo ka dhigteen dalalka Galbeedka, waxayna samaysteen ururro baadha tacaddiyada uu nidaamka Moy geysnayo si loo la wadaago hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka. Bilmetel, gu’gii 1987 waxay hay’adda xuquuqul insaanka caalamiga ah ee Amnesty International soo saartay warbixin indhaha caalamka ku soo jeedisay tacaddiyada Kiiniya ka dhaca ee talisku geysto. Warbixintani waxay ahayd dadaallo joogto ah oo ay aqoonyahankaasi ka hawlgaleen (Fiiri, bogga 64). Waxgaradkii Soomaalida ee qaxay sida Maxamed Aadan Sheekh tilmaamayo waxay noqdeen kuwo ku kala lumay afarta jiho ee dunida, waxay ku koobmeen noloshooda shakhsiga iyo ta qoyskooda, waxay la halgamayeen sidii ay ula qabsan lahaayeen waayaha qaxootiga, ugu danbayntiina waxay ku danbeeyeen raasamaal ummadeed oo hallaabay.
Kol haddii ay waxgaradkii hayaameen, oo la waayey mucaarad fekradeed, waxa dalkii looga tegay maamulkii askarta oo geystay tacaddiyo insaani ah. Waxa tacaddiyadaas ka dhiidhiyey mucaarad jabhadeed oo ujeedkoodu ahaa in qori caaradiis Siyaad Barre iyo taliskiisaba lagu rido. Sidaa awgeed, waxa dillaacay jabhado qabiil waxana sayidcalleeyey qoriga, gumuca iyo baaruudda qiiqa leh. Jabhadaha samaysmay ma aysan lahayn falsafad iyo aragti dawladeed, waxa keli ah ee u muuqday waxay ahayd in Siyaad Barre la rido, kolkii la ridayna dalku waxa uu galay madhnaan awoodeed, qaranjab iyo colaad sokeeye oo lagu riiqday, taas oo saddex tobanguuro dhaaftay. Waxa saaxaddii siyaasadeed iyo tii dawladeedba la wareegay qabqablayaal iyo dagaaloogayaal. Waxa la abaalmariyey qof kasta oo danbiile ah. Waxa unkamay falsafad ah in gobonnimadu tahay inta xooggaagu kuu gooyo, sidaa darteed, waxa la qaayibay deggenaansho la'aan siyaasadeed iyo salkacsanaan bulsho, dalkiina wax uu noqday mid bahalagaleen ah oo waxgaradka iyo aqoonyahankaba u daran, sidaas ayey Soomaaliya ku noqotay meel fawdo ah oo aan la tixgelinayn aqoon iyo kaladdanbayn.
Guntii iyo gunaanadkii, dagaalkii uu taliskii Maxamed Siyaad Barre ku qaaday aqoonta iyo indheergaradka Soomaalida, waxay jidka u furtay in saaxadda bulsheed laga waayo cid dheg u jalaqsiisa waxgaradka, oo aragti iyo aqoon ka dhegeysata. Waxa hoos loo dhigay oo la quursaday qiimaha aqoonta iyo aqoonyahanka. Waxa si qun ah loo aaminay in aan loo baahnayn kaalinta indheergaradka, waxana la abuuray jawi bulsheed, siyaasadeed iyo dhaqan oo waxgaradka u daran. Sidaas ayaa lagu waayey ama ay gaabis ku noqdeen waxgarad kaalingal ah oo xaaladda daran ee ummaddu gashay ka saara.