Skip to main content

Wednesday 12 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Xayiraadda Xuutiyiintu Saareen Dekedaha Sacuudiga iyo Saamaynteeda Dhaqaale

28 July, 2026
Image
Xayiraadda Xuutiyiintu Saareen Dekedaha Sacuudiga iyo Saamaynteeda Dhaqaale
Share

Kooxda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ayaa dhawaan shaaciyey inay xayiraad kusoo rogeen Sacuudiga, tallaabadan oo halis galinaysa halbawle firfircoon oo shidaalka Khaliijka iyo duniduba adeegsato. Shaacintani waxa ay timi ka dib toddobaaddo hadallo xanaf leh oo ay isweydaarsanayeen Sacuudiga iyo Xuutiyiintu, iyo isweydaarsiga gantaallo. Arrimahani waxa ay soo afjareen afar sanno oo xasillooni dhex taallay kooxda oo dhinac ah iyo isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo iyo xukuumadda Yaman oo dhinac ah.

Sacuudigu waxa uu hadda dekedda Yanbuc ka dhoofiyaa afar milyan oo foosto shidaal ah maalinkii, dekeddan oo Badda Cas ku taalla. Waa qaddar u dhigma korodh boqolkiiba afar boqol ah marka la barbardhigo qaddarkii laga dhoofin jiray dagaalka Iiraan ka hor. Sidoo kale, marinka Baab al-Mandab ayaa noqday marin muhiimad weyn leh oo beddel u noqda marinkii Hurmus. Bishii Juun waxa marinkan ka gudbayay maalinkiiba toddoba milyan oo foosto shidaal ah, waana korodh weyn marka la barbar dhigo afar milyan oo maalinkii ka gudbi jiray dagaalka ka hor.

Waxa jira saddex jaangooye oo xaddidaya heerka saamaynta tallaabadan cusub ee Xuutiyiintu ku yeelanayso suuqyada shidaalka caalamiga ah iyo xasilloonida dhaqaale ee Khaliijka:

  1. Xuutiyiintu ma awoodaan inay weeraraan dekedda Yanbuc lafteeda? Mise weerarkoodu waxa uu ku kooban yahay uun marinka Baab al-Mandab?

Xuutiyiintu waxa ay xaqiijiyeen inay awoodaan joojinta isku socodka badda ee ka gudba Baab al-Mandab, iyagoo adeegsanaya hub gudaha dalka lagu sameeyey ama ay ku heleen jidadka kala duwan ee ay hubka ka helaan. Walow aanay gacanta ku haysan xeebta ku dhereran Baab al-Mandab, haddana waxa ay adeegsadeen laashash kala duwan, diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ay ku weerareen in ka badan boqol markab ganacsi intii u dhaxaysay 2023 iyo 2025.

Marinkan ballaciisu yahay 20 mayl, waxa ay weerarradani ka dhigeen meel halis badan oo ay ka maagaan inta badan shirkadaha rarku, xitaa maraakiibta ay Xuutiyiintu sheegeen inaanay bartilmaameedsanayn. Hawlgallada Xuutiyiintu waxa kale oo ay xaqiijiyeen in ay adagtahay in la waajaho; sababtoo ah maamulka Trump ayaa si dhakhso ah xabbad-joojin ula gaadhay Xuutiyiinta ka dib hawlgallo duqaymo ah oo badan, hase ahaatee, Xuutiyiintu waxa ay sii wadeen inay maraakiibta badda quusiyaan.

Xuutiyiinta waxa soo gaadhay khasaare dhaqaale iyo millatari oo ballaadhan, duqaymaha Maraykanka iyo Israa’iil awgood ee la fuliyey sannadihii 2024 iyo 2025, ha yeeshee si degdeg ah ayaa ay dib ugu dhiseen kaydkooda millatari. Shaacintan Xuutiyiintu waxa ay halis weyn u bandhigaysaa shidaalka caalamiga ah ee ka gudba marinka Baab al-Mandab oo u dhigma boqolkiiba 7 shidaalka dunida.

Ilaa hadda Xuutiyiintu may caddayn maraakiibta ay beegsan doonaan, hase ahaatee, shaacintooda inay xayiraad saareen dekedaha Sacuudigu waa arrin ka dhigan in markab kasta oo taga dekedaha Sacuudiga oo shidaalkiisa qaada uu noqonayo bartilmaameed. Inta badan shidaalka marinka ka gudba hadda waxa uu ka tagaa dhinaca waqooyi, isagoo u socda suuqyada Eeshiya. Hawlgalkoodii hore ee Badda Cas, Xuutiyiintu waxa ay heshiisyo la galeen Ruushka iyo Shiinaha, oo u oggolaanaya inay maraan marinka, hase ahaatee, hadda waxa ay u muuqdaan inaanay sidaa hore u diyaarsanayn inay fududayntaas siiyaan maraakiibta Shiinaha ee shidaalka Sacuudiga qaadaya. Intan waxa dheer, sooyaalka Xuutiyiinta ee cayimidda bartilmaameeddooda waxa ka muuqda gaabis hubinta xogta ah, sababtoo ah waxa ay weerareen maraakiib xidhiidh aad u kooban la leh Israa’iil ama xidhiidh hore uun la lahaa.

Joojinta qulqulka shidaal ee ka gudba marinka Baab al-Mandab waxa ay dharbaaxo xooggan ku noqonaysaa isku socodka shidaalka caalamig ah, sababtoo ah waxa kooban jidadka kale ee hadhay. Ha yeeshee, Sacuudigu waxa uu weli fursad u haystaa inuu dekedda Yanbuc ee waqooyi uga dhoofiyo shidaalka isagoo marinaya Badda Cas, si uu u dhex mariyo dhuumaha SUMED ee Masar, sidaasna ku awoodo inuu maalinkii 2.5 milyan foosto gaadhsiiyo badda Medhitareeniyanka. Sidoo kale, maraakiibta shidaalka ayaa maalinkii hal milyan oo foosto shidaal ka gudbin kara Kanaalka Suways.

Khadadkani waa kuwo muhiimad weyn u leh suuqyada caalamiga ah, oo haddaba ku jira gaabis shidaal oo maalinkii dhan 4 milyan oo foosto, laga soo bilaabo markii Hurmus la xidhay, siiba xilli loo soo dhaawaynayo kaydadkii shidaal ee caalamig ahaa, oo ilaa hadda ah sababta ugu weyn ee hortaagan dhicidda jahawareer suuq. Waxa kale oo intan dheer, in xayiraaddani halis gelinayso dal il muhiima u ah cuntada adduunka iyo alaabaha kale ee la soo waarido, sababtoo ah dekedaha Sacuudiga ayaa xarumo udubdhexaad ah u noqday isku-socodka Khaliijka laga soo bilaabo markii dagaalka Iiraan sababay in marinka Hurmus xidhmo oo ganacsiga caalamiga ah cidhiidhi galo.

Haddii Xuutiyiintu beegsadaan dekedda Yanbuc lafteeda, kolkan waxa ay awoodayaan inay curyaamiyaan ishii tooska ahayd ee uu Sacuudigu shidaalka ka dhoofinayey. Ka hor intaan la gelin heshiiskii xabbad-joojin ee Abriil 2022, Xuutiyiintu waxa ay bar tilmaameedsadeen dhawr jeer dekedda Yanbuc, iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Weerar maalmo ka hor dhacay heshiiskaas xabbad-joojin waxa uu sababay in si ku meelgaadh ah loo dhimay wax-soo-saarkii warshadda sifaynta shidaalka ee Yanbuc.

Ilaa hadda ma cadda inay Xuutiyiintu haystaan kayd ku filan oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo horumarsan, waxyeellana ku gaadhsiin karaan Yanbuc, iyadoo magaaladu 800 oo mayl ka fog tahay deegaannada ay Xuutiyiintu maamulaan. Sannadkan gudihiisa, Xuutiyiintu waxa ay dhinaca Israa’iil u tureen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, arrinkan oo muujinaya inay weli haystaan hub awooda inuu dhaafo kun mayl. Hase ahaatee, Sacuudiga oo haysta difaacyo cir oo awood leh, sidoo kalena hore loo arkay bartilmaameedsiga Xuutiyiinta ee aan fadhiyin marka ay noqoto bartilmaameedyada fogfog, waxa ay u badan tahay in kooxdu u baahan tahay kaydad intan aad uga badan oo u suuragaliya curyaaminta difaacyada cireed ee Sacuudiga.

  1. Xayiraaddani ma taatiko waanwaan lagu raadinayaa mise waa u gogoldhigga dagaal toos loogu laabto?

Hawlgallada ay Xuutiyiintu bilaabeen, sida ay caddeeyeen, waa hawlgallo la jaanqaadaya wax ay ku tilmaameen xayiraad uu Sacuudigu kusoo rogay Yaman. Walow ay ku adkaysteen inay u diyaarsan yihiin ku laabashada dagaal ballaadhan, haddana yoolka hoggaankoodu leeyahay waxa uu noqon karaa mid sidaas ka duwan, oo ah inay tanaasul dheeraad ah ka helaan Riyaad.

Ka hor xabbad-joojintii 2022, inta badan hawlgallada millatari ee Xuutiyiintu waxa ay xoogga saaraysay inay si dhamaystiran u qabsadaan waqooyiga Yaman ee taariikhiga ah, kuna jiraan kaydadka ugu muhiimsan ee shidaalka iyo gaaska dalku. Hase ahaatee, hawlgalkaasi waa uu fashilmay, sababta u weynna waxa lahaa taageerada dhinaca cirka ee Sacuudigu fidinayey.

Laga soo bilaabo 2022, Xuutiyiintu waxa ay beddeleen istiraatiijiyaddooda, oo ay waxa ay bilaabeen inay raadiyaan helidda saami macaashka shidaalka iyo gaaska ah iyo inay qabsashada Yaman u dhex maraan waanwaan iyo wadahadal, oo ay ka mid yihiin wadahadallo qarsoon oo ay Sacuudiga la galeen. Hase ahaatee, gaadhidda heshiis dhamaystiran waxa joojiyey hawlgalkii Xuutiyiintu ka bilaabeen Badda Cas iyo jawaabtii Maraykanka ee ay ku jirtay in uu Xuutiyiinta ku daro liiska kooxaha argagixisada ah bishii Maaris ee 2025. Sidaas oo ay tahay, haddana Xuutiyiintu waa ay joojiyeen weerarradii ay gudaha Yaman ka wadeen.

Joojinta dagaalka gudaha waxa sabab u noqon kara in kooxdu isu aragtay inaanay weli diyaar u ahayn dagaal, ama inay yaqiinsan tahay inay Sacuudiga tanaasul kaga heli karto wadahadallo, ama labada arrinba. Haddii shaacintoodan cusub ujeedkeedu yahay inay tanaasul kaga helaan Sacuudiga, waxa ay u badan tahay inay codsan doonaan qaabab ay gebi ahaan gacanta ugu dhigi karaan waqooyiga Yaman, oo dhima dhibaatadooda dhaqaale. Waxa ka mid noqon kara in la oggolaado safarro diyaaradeed oo u kala duula Sanca iyo magaalooyinka saaxiibbada sida Dahraan ama Mascut. Se haddaanu arrinku la xidhiidhin debcinta waanwaanta, shaacintani waxa ay noqonaysaa in kooxdu isku dayayso qiil u samaynta ku laabashada dagaal guud oo laga dhex qarxiyo bulsho sannado badan dagaallada kusoo jiray.

Xaaladda hore, marmarsiiyo degdeg ah oo xayiraadda lagaga baxo ayaa la heli. Hase ahaatee, xaaladda labaad, xayiraaddani waa astaan hordhac u ah dagaal daba dheeraada oo xasillooni-darrada uga sii dara, siiba iyadoo Iiraan u muuqato inay hurinayso dagaalka si ay cadaadis ugu samayso Maraykanka iyo Khaliijka.

  1. Sacuudiga halkee ayaa khad cas u ah?

Sannado dhawr ahba, Sacuudigu waxa uu ku jiray mawqif debecsan oo Xuutiyiinta ah. Laga soo bilaabo xabbad-joojintii 2022, kooxdu waxa ay caadaysatay inay dib u bilowdo weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo ay Sacuudiga ku qaado, iyadoo weerarradaas u adeegsanaysay inay tanaasul kaga hesho Sacuudiga, kuna wiiqdo xukuumadda Sacuudigu taageero ee Yaman. Intii dagaalka Qasa socday, Xuutiyiintu waxa ay ku hanjabeen inay Sacuudiga raacinayaan dhinaca gardaran ee ku jira dagaalka Falasdiin.

Kolkii dagaalka Iiraan aadka u socdayna, Sacuudigu waxa uu ka cabsi qabay in weerarrada Xuutiyiintu ay difaacyadiisa cireed ku sababaan dhiigbax, difaacyadan oo kolkan xoogga saarayay iska caabbinta weerarrada ka imanaya Iiraan iyo Ciraaq.

Sababo dhawr ah ayaa Sacuudiga ka fogaynaya inuu dib ugu laabto dagaal, una doonayo waanwaan siyaasadeed oo Yaman ka hirgasha.

Marka koowaad, dalalka Khaliijku weli waxa ay la daalaadhacayaan weerarradii Iiraan iyo jahawareerkii ka dhacay marinka Hurmus. Waxa kale oo ka mid ah sababaha in uu hawlgalladii Sacuudiga iyo xulafadu ku qaadeen Yaman 2015 ilaa 2022 ay ku guuldarraysteen wiiqidda Xuutiyiinta, sidoo kalena ay noqdeen weerarro dhaliyey falcelinno iyo dhaliilo caalami ah oo Sacuudiga lagu eedeeyey.

Sidaas oo ay tahay, haddana Sacuudigu waxa uu muujiyey inuu diyaar u yahay adeegsiga awood marka baahidu keento. 13-kii Julaay, isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyaa waxa uu weerar ku qaaday madaarka Sanca si ay soo degidda uga hor istaagaan diyaarad Iiraan leedahay. Walow xukuumadda Yaman ay shaacisay inay lahayd masuuliyadda weerarka, haddana waxa ay aad ugu egtahay in taageero Sacuudi lagu fuliyey.

Haddii weerarrada Xuutiyiintu sii socdaan oo khalkhaliyaan dhoofka shidaalka Sacuudiga, waa weerarro Sacuudiga ku khasbaya inuu adeegsado awoodo millatari. Haddii weerarrada Xuutiyiintu ku guulaystaan kor u qaadista qiimaha shidaalka Maraykanka gudihiisa, Sacuudiguna waxa uu taageero ka heli doona Maraykanka, si uu hawlgal millatari oo cusub ugu qaado Xuutiyiinta. Waa tallaabo keenaysa in Yaman iyo Badda Cas mar kale cagaha la galaan dagaallo, oo aanu muuqan jid looga baxaa.

Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.