Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Xayiraadaha iyo Habdhaqanka Dhagarta ku Dhisan ee Nidaamka Caalamiga ah

28 June, 2026
Image
Xayiraadaha iyo Habdhaqanka Dhagarta ku Dhisan ee Nidaamka Caalamiga ah
Share

Maalmo dhawayd, Ingiriisku waxa uu shaaciyey inuu gacanta ku dhigay markab shidaal oo ka tirsanaa “maraakiibta qarsoon ee Ruushka”, xilli uu markabkani ka gudbayey Kanaalka Ingiriiska. Judhaba, arrinkani waxa uu u muuqanayaa tallaabo cusub oo ka mid noqonaysa taxanaha xayiraadihii reer Galbeedku kusoo rogeen Moosko laga soo bilaabo kolkii uu qarxay dagaalkii Yukrayn.

Se dhacdadani waa mid dhaafsiisan masiirka markabkan la qabsaday, oo waa dhacdo iftiiminaysa taxane ballaadhan oo tallaabooyin ka hortag oo dhinaca Galbeedka ah iyo iskudayo ah in laga gudbo xayiraadaha oo ay samaynayaan dalalka ku hoos jira cunoqabataynahaas.

Halkan maraakiibta qarsoon waxa ay keenayaan weydiin ballaadhan oo ku saabsan nooca loollan ee ka jira duni jidadkii ganacsi iyo isku dhoofinta alaabaha, iyo maraakiibtii rarku ay ka mid noqdeen loollanka siyaasadeed iyo dhaqaale oo dalalka ka dhex jira, oo aanay ku koobnayn qaabab ay dalalku ganacsiga isku weydaarsadaan.

Maraakiibta qarsoon ee Ruushka: shabakad badeed oo lagaga baxsanayo xayiraadaha

Bishan Juun, Ingiriisku waxa uu shaaciyey inuu qabtay markabka “Smyrtos” oo ka tirsan shabakad lagu magacaabo maraakiibta qarsoon ee Ruushka, xilli markabku ka gudbayey Kanaalka Ingiriiska. Waa hawlgalkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee uu Ingiriisku ku fuliyo maraakiibta xidhiidhka la leh shabakaddan, waxaana hawlgalka ka qaybgalay ciidamo ka tirsan Ciidamada Badda ee Boqortooyada, maraakiib dagaal iyo diyaarado millatari.

Ingiriisku waxa uu hawlgalkan u arkaa dharbaaxo toos ah oo ku dhacday iskudayada Ruushka ee uu kaga baxsanayo xayiraadaha Galbeedka, si uu usii joogteeyo maalgelinta dagaalka uu kula jiro Yukrayn, waana hawlgal qayb ka ah abaabul Yurubiyaan oo labadii sanno oo u dambeeyey qabtay ama dabagal ku sameeyey tiro maraakiib ah oo looga shakiyey inay ka tirsanyihiin shabakaddan.

Dhacdadani kuma cusba dunida xayiraadaha, oo horeba Iiraan iyo Fenesweella ayaa u adeegsaday qaabab u eg, si ay u ilaashadaan shidaalka ay dhoofiyaan. Ha yeeshee, xaaladda Ruushku waa mid la gaar ah baaxaddeeda ballaadhan. Sida laga xigan karo qiyaaso kala duwan, maraakiibtan qarsooni waxa ay dhammaadka sannadkii 2022 ahaayeen lix boqol oo markab, halka ay badhtamihii 2023 ay noqdeen 1100 ilaa 1400 oo markab, halka dhinaca Yukrayn tilmaamayo in sannadkan 2026 tiro ka badan 1300 oo markab lagu soo daray maraakiibta dabagalka lagu hayo.

Maraakiibtani waxa ay adeegsadaan qaabab ay ku qariyaan jidadkooda iyo aqoonsigooda, qaababkan oo ay ka mid yihiin inay si joogto ah u beddelaan magacyada iyo calamaanta, inay shixnadaha ku wareejiyaan maraakiib kale iyagoo badhtanka badda taagan, joojinta qalabyada dabagalka ama bixinta xogo marinhabaabin oo ku saabsan goobtay taaganyihiin.

Sidoo kale, maraakiibtani waxa ay ka faa’idaystaan shabakado caymis iyo maalgelin oo beddel u ah, kana baxsan nidaamka Galbeedka, iyagoo warbixino Yurubiyaan ahi xusayaan in inta badan maraakiibtani ay ku shaqeeyaan caymis aanay caddayn cidda siisay, arrinkan oo cabsi hor leh ku keenaya badqabka badda iyo deegaanka.

Kolka xaaladdan la eego, maraakiibta qarsoon ee Ruushku keliya maaha koox maraakiib shidaalka qaada ah, ee dhisme dhamaystiran oo ka abuurmay ka falcelinta xayiraadaha dhaqaale. Xilli dalalka Galbeedku ay ku dedaaleen dabridda awoodda Ruushku u leeyahay dhoofinta tamarta, Moosko iyo shabakado shirkado ahi waxa ay dhiseen jidada beddel u noqda una saamaxa joogtaynta qulqulkooda ganacsi. Markan, maraakiibtani keliya arrin bad la xidhiidha ma aha, ama shidaal ku kooban, ee waa hannaan lagu fahmi karo qaabka ganacsiga caalamiga ahi isula qaabeeyo dabarrada siyaasadeed ama dhaqaale ee lagu soo rogo.

Xayiraado dhaliyey dhaqaale isudhigma

Sidaynnu kor ku aragnay, xayiraadaha dhaqaale ee nidaamka caalamiga ah ee casriga ahi hadda ma aha agab xaqiijinaya in dalal gaar ah la awood tiro ama laga fogeeyo awoodda ay u leeyihiin dhoofinta, se sidaas si ka duwan, waxa ay isku beddeshay mid si tartiib ah u dhiirrigelisa dib u qaabaynta kaabayaasha ganacsi ee caalamiga ah, iyadoo la samaynayo shabakado u dhigma dhinaca kale oo ku shaqeeya habraacyo ka baxsan qaababkii soojireenka ahaa ee dabagalka maaliyadeed iyo badeed.

U kuurgalka xaaladaha Ruushka, Iiraan iyo Fenesweella waa mid muujinaya in cadaadiska dhaqaale, siiba dhinaca tamartu, aanay ka dhalanayn in qulqulka alaabtu istaago, se keliya uu dhalinayo dib u qaabayn lagu gudbinayo nidaamyo ka kakan sidii hore oo marinhabaabin sharci, badeed iyo maaliyadeed cuskanaya. Waa dib-isu-qaabayn abuuraysa dhaqaale isu dhigma oo ka dhex shaqeeya dalalka ku awoodda yar nidaamka caalamiga ah.

Kolkii dalalka toddobada ah iyo Ustaraaliya ay bishii Diisambar 2022 ay xaddidaad qiimaha ah kusoo rogeen shidaalka Ruushka, ujeedka ugu muhiimsani waxa uu ahaa hoos-u-dhigidda macaashka shidaal ee lagu maalgelinayo dagaalka Yukrayn, iyadoo la beegsanayo awoodda udubdhexaadka u ah dhaqaalaha Ruushka ee ah dhoofinta shidaalka. Siyaasaddani waxa ay ku salaysnayd in Galbeedku gacanta ku dhigaan adeegyada shixnadaha, caymiska iyo maalgelinta ganacsiga badda. Xilli shirkadaha la shaqaysta Ruushka lagu waajibiyey raacitaanka xayiraadda lagu soo rogay shidaalka Ruushka, haddana waxa caddaaday in dabagalkan iyo xayiraaddani si kasta oo ay u xoogganayd aanay sababin xidhitaanka suuqyadaas, ee ay sababtay uun inay dib isu qaabeeyaan iyagoo raacaya jidad beddel ah oo ka kakan sidii hore, daahfurnaantii horena aan lahayn.

Si uu u waajaho dabarradan lagu soo rogay, Ruushku waxa uu dhisay nidaam badeed iyo ganacsi, oo loo bixiyey “maraakiibta qarsoon”. Waa shabakad ballaadhan oo maraakiibta shidaalka qaada ah, oo ka shaqaysa meel ka baxsan hannaanka adeegyada galbeedka iyo qaababka u hoggaansanka nidaamkooda keenaya. Isbeddelkani kuma koobna soo iibsiga maraakiib ama dib u qaabayn fudud, ee waa dib u qaabaynta gebi ahaan jidadka wax la isugu dhoofiyo. Dib u qaabayntan waxa lagu suurogaliyey shirkado la dhex maro oo ka diwaangashan dawlado dhawr ah iyo tallaabooyin sharci iyo maaliyadeed oo fududaynaya qarinta mulkiyadda dhabta ah ee maraakiibta iyo jihada rarku ku socdo. Qaabkan marka lagu socdo, xayiraaduhu may noqon qaab lagu naafeeyo dhaqaalaha Ruushka, ee waxaabay noqdeen wax ka qayb qaata dib u qaabaynta kaabayaasha ganacsi oo soo saara nidaam u dhigma ka Galbeedka.

Si uu u xoojiyo awoodda shabakaddani ku shaqayso, Ruushku waxa uu sameeyey tallaabooyin iyo nidaamyo kakan, oo ay ka mid yihiin in maraakiibtu ay rarka shidaalka kula kala wareegaan badda dusheeda, in alaabta goobo kala duwan laga qaado, joojinta ama ku dheelidda nidaamyada dabagalka badda (AIS), iyo in soo joogto ah loo bedbeddelo calamaanta ama magacyada maraakiibta. Waxa kale oo la adeegsaday shirkado la iska soo horraysiiyo oo lagu qariyo mulkiyadda dhabta ah, waxa kale oo laga faa’idaystay maraakiib hore oo dib loo hawlgaliyey. Tallaabooyinkani waxa ay keeneen in uu adkaado dabagalka shidaalka Ruushka, waxaanay hoos u dhigeen awooddii dabagal ee Galbeedka.

Se, dhisidda shabakaddan maraakiib, bilaa kharash ma ahayn, oo waxa warbixino dhaqaale, oo ay ka mid tahay warbixinta Dugsiga Dhaqaalaha ee Kiyeef, ay xusayaan in Ruushku uu ku bixiyey adduun ku dhow toban bilyan oo doollar ballaadhinta shabakaddan maraakiib, laga soo bilaabo 2022. Ha yeeshee, maalgeintani waa mid ka caawisay inuu ilaashado qulqulkii macaashka shidaalka iyo ka hortagidda in macaashkaasi dumo.

Sidoo kale, nidaamkani waxa uu dhaliyey khataro dheeraad ah, sababtoo ah maraakiibtani waxa ay ku shaqeeyaan caymis xaddidan ama aan daahfurnayn, waxaanay adeegsadaan farsamooyin halbeeggoodu hooseeyo, arrimahan oo sababi kara dhicitaanka shilal ama in shidaal ku daato badda, oo markaa dhibta deegaanka soo gaadha ku dara dhibaatooyinka nidaamkan ka dhalanaya.

Arrimaha isdiidda ah waxa ka mid ah, in qayb ka mid ah dhaqaalahan cusubi aanu ku dhalan meel ka baxsan nidaamka Galbeedka, ee uu si toos ah uga faa’idaystayba. Waxa diraasado dabagal ku sameeyey mulkiyadda maraakiibtu xuseen in qayb ballaadhan oo ka mid ah maraakiibtan qarsoon hore ay u lahaayeen shirkado Yurubiyaan, oo weliba waxa si cad uga muuqda shirkado Giriig ah oo ka qayb qaatay iibabka dhacay. Waa arrin kale oo caddaynaya in xayiraaduhu keliya aanay dhinacyada u qaybin qof ciqaaban iyo mid ciqaabta soo rogay, ee ay abuuraan dabaqad dhexe oo dhaqaale doon ah, kana faa’idaysta dib u qaybinta alaabahaas xayiran, sidaasna dhaqaalaha dhinaca kale u dhigma ka dhigaya qayb ka tirsan dhaqaalaha caalamiga ah.

Fenesweella iyo Iiraan

Xaaladda Fenesweella waxa ay dhankeeda muujinaysaa hannaan kan Ruushka u eg oo la qabsiga xayiraadaha ah, haba kala duwanaadaan xaaladah jiquraafi ama siyaasadeed e. Laga soo bilaabo kolkii xayiraadaha Maraykan lagu soo rogay Shirkadda Qaran ee Shidaalka Fenesweella (PDVSA), sannadkii 2019, dhaqaalaha Fenesweella waxa uu waajahay hoos u dhac ballaadhan oo dhoofinta shidaalka ah, hayeeshee, waxa uu soo kabasho tartiib ah helay ka dib markii uu ku tiirsaday waxa loo yaqaan “maraakiibta qarsoon”. Dhacdooyinkaasi waxa ay sababeen in Maraykanku dhammaadkii 2025 uu kusoo rogo xayiraado dheeraad ah shirkado iyo maraakiib dhoofiya shidaalka Fenesweella, oo ahaa xayiraado isku dayaya inay dabraad jidkaas u dhigma kii rasmiga ahaa.

Maraakiibta Fenesweella waxa ay adeegsadaan qaabab u eg kuwa ay adeegsadaan Ruushku, oo ah beddelidda magacyada iyo calamaanta maraakiibta, adeegsiga shirkado ka diwaangashan meelo dabagalkoodu koobanyahay, adeegsiga waxa loo yaqaan “markab humaag ah”, oo ah markab adeegsanaya aqoonsiga maraakiib hore oo talaxgabay. Sidoo kale, qaababka ah in xammuulka maraakiibta lagu kala wareejiyo badda dusheedu waa qaab qarinaya halka rasmiga ah ee shidaalku ka yimi. Waxa soo raaca qaabab farsamo, sida deminta nidaamyada dabagal ama bixinta warbixino marinhabaabin ah, si looga baxsado dabagalka caalamiga ah ee iskusocodka shidaalka.

Xaaladda Iiraan lafteedu waa mid soo bandhigaysa hannaan sii horumarsan, iyadoo la isku dhafayo dhaqaalaha iyo kaabayaasha maaliyadeed ee aan rasmiga ahayn. Halkii lagu tiirsanaan lahaa maraakiibta badda oo keliya Iiraan waxa ay samaysay shabakado tahriibin oo dhamaystiran, oo isku xidha shidaalka, shixnadaha iyo maalgelinta, sida adeegsiga lacagaha Kiribtada, shabakado bangiyo aan rasmi ahayn iyo qaabab lacag bixin oo ka baxsan nidaamka maaliyadeed ee Galbeedka.

Xayiraadaha Maraykanku uu bishii Sibtambar saaray shabakad uu hoggaamiyo ganacsadaha reer Ciraaq, Waliid Saamarraa’i, waxa ay bannaanka keeneen sida la isugu dhafo shidaalka Iiraan iyo shidaalka Ciraaq, ka dibna dunida loogu iib geeyo isagoo shidaal Ciraaq ah, sidaasna lagu helo boqolaal milyan oo doollar sannadkiiba, iyadoo xayiraado lala kulmin.

Sidoo kale, dagaalkii ka dhex dhacay Maraykanka iyo Iiraan sannadkan 2026, waxa uu muujiyey awoodda shabakadahani u leeyihiin adkaysi, sababtoo ah socodka shidaalka Iiraan ma istaagin, si kastoo cadaadis millatari iyo xayiraado u jireen, Iiraanna waxaabay ka faa’idaysatay kor u kaca qiimaha shidaalka iyo istaagga shidaalladii kale.

Dagaalka Ruushka iyo Galbeedka u dhexeeyaa kuma koobna jiido millatari ama xayiraado dhaqaale oo soojireen ah, ee waxa uu gaadhay dhinacyo kakan oo xidhiidh la leh iskusocodka ganacsiga iyo tamarta. Si kasta oo loo adkeeyey xayiraadaha la saaray shidaalka Ruushku dhoofiyo laga soo bilaabo 2022, haddana ganacsiga Ruushku ma istaagin.

Isbeddelkani waxa uu dalal Yurubiyaan ah ku khasbay inay ballaadhiyaan qaabka dabagalka badda. Halwgalladii baadhitaan ee ay fulisay IRINI oo Yurubiyaan ahi, laguna sameeyey maraakiib dhawr ah oo xidhiidh la leh maraakiibta qarsoon, keliya ma ahayn hawlgal lagu qabanayo maraakiib ama rar, ee waa hawlgal si toos ah loogu abbaarayo shabakadaha maraakiibtan ka dambeeya.

Dagaalka socdaa kuma saabsana hal markab, ee waa mid la xidhiidha xogta la xidhiidha jidka uu marayo, mulkiyaddiisa, caymiskiisa iyo xidhiidhadiisa ganacsi, sidaas darteed, xogaha, dhukumantiyada iyo jidadka la marayaa waxa ay ka mid noqdeen dagaalka loogu jiro awoodda caalamiga ah, sidii maraakiibta dagaal iyo saldhigyada millatari horeba u ahaayeen.

Dedaalladani waxa kale oo ay muujinayaan awoodda nidaamka caalamiga ahi ku fulin karo xeerarkiisa. Qaanuunka baduhu waxa uu dalalka siiyaa qaabab xaddidan oo dabagal iyo baadhitaan ah, se marnaba ma siiyo awood dhamaystiran oo ay ku hantaan shabakadaha xuduudaha ka tallaaba.

Markasta oo xayiraado cusub lasoo rogo, waxa soo baxaya qaabab cusub oo lagaga baxsanayo, arrinkan oo muujinaya xaaladda kakan ee dhaqaalaha caalamiga ah. Caalaminnimadii loo samaystay fududaynta isku socodka ganacsiga iyo alaabuhu, waa isla caalaminnimada u fududaynaysa dalal inay samaystaan jidad beddel ah kolka kuwii rasmiga ahaa laga xidho. Sidaas darteed, xaaladaha Ruushka, Fenesweella iyo Iiraan ma aha xaalado keliya muujinaya dalal ka baxsanaya xayiraado la saaray, ee waa xaalado fahan qotodheer ka bixinaya isbeddelka nidaamkii dhaqaalaha caalamiga ahaa. Xayiraadihii laga filayey inay dalal curyaamiyaan, ayaa samaynaya shabakado u dhigma kuwii rasmiga ahaa oo la mariyo ganacsigii iy maalgelintii.