Skip to main content

Sunday 9 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Xasuusihii Muqdisho

16 September, 2025
Image
Xasuusihii Muqdisho
Share

Buugga Xasuusihii Muqdisho (Muqdisho Memoir) oo aan dhawaan akhriyey waa buug xasuuseed uu ku faro yaraystay Xasan Abukar oo ahaa qoraa qalin cuddoon iyo curisqore. Badi qoraallada Xasan waxa ay xoogga saaraan arrimaha bulshada, siyaasadda iyo kooxaha xagxunjirka ah. Buuggan oo uu soo saaray sannadkii 2015-kii waxa uu si ashqaraar leh ugaga sheekaynayaa Muqdishadii uu ku noolaa lixdannadii iyo toddobaatannadii qarnigii tegay. Xasan Abukar, bishii Jeenawari sannadkii 2021-kii ayuu ku xijaabtay magaalada Fiinigis ee dalka Maraykanka. 

Buuggu sida uu u dhanyahay waa xasuustebyo ku saabsan ilbaxnimadii bulsheed ee Muqdisho ka jirtay ka hor inta uu san qaadin daadkii qaranjabka iyo colaadda sokeeye. Xasan, oo Afgooye ku dhashay 1960-kii balse ku kacaamay waxna ku bartay Muqdisho waxa uu ka warramayaa noloshii bulsho ee Muqdisho ka jirtay waagaas. Magaalo qurux badan, deggan, nabad ah, dad kala duduwani ku noolaayeen (Carab, Soomaali, Afrikaan, Hindi iyo Bakistaani), ganacsigu figta sare joogo, hal'abuur faneed la leh, ayuu inoo sawirrayaa oo inna hor keenayaa iyada oo uu ku soo tebinayo ereyo ay lamahuraan tahay in la suuraysto Muqdishadii ay galaafteen dagaallada sokeeye. Waxa uu sheedda inaga daawadsiinayaa magaalo dareenka bulshannimo xooggan yahay, isdhexgalku sarreeyo, dadku is kaalmaysto oo si wadajir ah loo wadaqaybsado dareennada farxadeed iyo murugo ee noloshu wadato. Waxa uu ka sheekaynayaa xaafaddiisii ku taallay Ceelgaab/Iskuraran, sida ay derisnimadu ahayd, dadyowgii kala duduwanaa ee ku dhaqnaa, saaxiibbadiisii ciyaalnimo, iyo xasuustiisii qiimaha lahayd ee uu xaafaddaas ku soo qaatay. Waxa uu si ashqaraar leh inooga qisoonayaa xaafad ay adag tahay in qof burbur ka soo dhex toosay uu sawirto. Muqdisho oo colaad sokeeye aadday, dadkeediina noqdeen wax qaxay, wax baaruudda qorigu leeftay iyo wax gaajo u le'day ay ayuu ka faalloonayaa.

Dareenkii bulsho sida uu u godgalay, ilbaxnimadii kobcaysay sida adhaxda looga jabiyey ee loo mooradduugay iyo sida booskoodii u galeen dad argagaxsan, sabool ah, oo muuqaallada laga soo tebinayo ay uumiyaha qarracan ku rideen, ayuu qalin farshaxamaysan oo muraaraddilaac miidhani ka buuxo ku sawirayaa. Xaaladda uu qoraagu inoo sawirrayo amaba isagu mar kale ba sawiranayo waxay ina soo xasuusinaysaa, ereyo ku qoran buugga “Matxafka Cadaabta Soomaaliya". Waa erayada odhanaya "waxaa la dilay, la dhaawacay la agoomeeyey, la qaxiyey, gaajo iyo saboolnimo la mariyey khayraadkii dadeed iyo wixii caqliga aadanuhu sameeyey ee aqoon, ilbaxnimo, xasuus dokumenti, sharci iyo hay'ado.... waa khayraadyo quruumo soo dhismayey, oo maanta wax laga hayn." Sidaas oo kale, qoraa Xasan waxa uu qalinka ku adkaynayaa ilbaxnimo bulsheed oo maanta barkumataal ah.

Buugga Xasuusihii Muqdisho, waxa uu sheedda inaga daawadsiinayaa magaalo dareenka bulshannimo xooggan yahay, isdhexgalku sarreeyo oo dadku is kaalmayso, dabadeed duntay oo ay halakeeyeen baaruud iyo qumac

Xasan Abukar, waxa kale oo uu ka warramay noloshiisii barbaarinneed iyo xidhiidhkii ka dhexeeyey labadiisii waalid. Waxa uu xusay in waalidkii isaga oo yar ay kala tageen, sidaas na uu ku noqday hooyo koris. Waxa uu si hagaagsan uga faallooday dabeecadihii ay hooyadii lahayd, isaga oo qalinka ku ballaadhiyey in hooyadii ahayd: qof karti badan, shaqaysata, gacanfuran, tacliin jecel, oo ay ka go'nayd in ay ubadkeeda la dedaasho oo kaalingeliso. Waxay ahayd qof ka sheeggan aynigeed, dadkii ay ku dhex noolaydna ay aad u ixtiraami jireen. In hooyadii kala baxsatay dibudhac nololeed, oo ay kaalin maguuraan ah ka geysatay kaalingalkiisa qofeed, ayuu si faahfaahsan uga sheekeeyey, isaga oo u soo gudbiyey hab farxashannimo ku dheehan tahay oo ku cajab gelinaya.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay door la'aantii aabbihii ee ku aaddanayd korniinkiisa. Kolkii ugu horraysay ee uu aabbihii isha ka qaado in uu ahaa lix ama toddobo jir ayuu tilmaamay. Waxa uu sheegay in aabbihii uu dumarka aad u jeclaa oo xaasas iyo dhalmo badnaa. "Waxa uu dhalay toddobo iyo labaatan carruur ah", ayuu qoray. In hooyadii keligii oo qudha ay aabbihii u dhashay ayuu tibaaxay. "Guud ahaan, u malayn maayo in aan aabbahay arkay wax ka badan afar ama shan jeer", ayuu yidhi, isaga oo raaciyey in uu iska dhigi jiray sidii qof aan dan ka lahayn, uuna ismoogsiin jiray jiritaankiisa.

Waxa uu sheegay in nafsaddiisu tebi jirtay kalgacalkii iyo tixgelintii aabbannimo. Wuu se u cudurdaaray. Maxaa wacay, aabbihii carruur badan ayuu dhalay. Waqti iyo tamar ku filan oo uu dareen aabbannimo ku siiyo carruurtiisa na uma hayn. Waxa uu tilmaamay in uu aabbihii ahaa shaybaadh ka soo dhex baxay duruuftii bulsheed ee Soomaalida ee dhibka badnayd ee macruufka ku ahayd in ubadka la dhalo, laakiin aan mudnaan la siin. Waa sabab la xidhiidha waayaha qallafsan iyo is haleel la'aan jirtay. Qaybtan buugga ku jirta ee uu qoraagu kaga hadlayo door la'aantii aabbihii waa goosan cajiib ah oo si waafi ah u soo bandhigaya kaalin xumada aabbaha Soomaaliyeed ku leeyahay korniinka nafsadeed ee ubadka. Waa goosan xiisa badan oo qof waliba si gaar ah isaga dhex arkayo.

Qoraa Xasan, waxa uu si fiican ugu tiiqtiiqsaday waayihiisii waxbarasho, macallimiintii saamaynta ku yeelatay, maaddooyinka uu xiisayn jiray iyo sida uu u ahaa nin wax akhriska iyo luuqadda Carabiga jecel. Aqoonyahanno uu ka mid yahay Daaha Xuseen (1889-1973), oo ahaa naaqid suugaaneed oo macruuf ah ayuu buugaggiisa daalacan jiray. Xasuusqorkiisa la dhaho: "الأيام/The Days", ayuu xusay in ay isla akhrinsan jireen, oo ka wada-niqaashi jireen Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ay jaal iyo akhris-wadaag ahaayeen (Axmed, bishii Diiseembar, 2011-kii ayey kooxda al-Shabaab ku dishay magaalada Boosaaso).

Wargeyskii Xiddigta Oktoobar ayuu akhrisan jiray, iyada oo uu ku dhiirrigelin jiray, sida oo kalana lacagta ka bixin jiray nin la odhan jiray Faraj Daahir oo Yamani ahaa. Dhanka diinta waxa uu xusay in uu xaaddiri jiray tafsiirkii Sh. Maxamed Macallin Xasan oo uu ku sheegay in uu ahaa caalim diineed oo hab gudbin toolmoon. Intaas oo idil in ay wacyigiisii aqooneed bisleeyeen ayuu tibaaxay.

Doc kale buugga waxa uu kaga hadlay dimuqraaddiyaddii dawladdii rayidka ee uu soo gaadhay, xammaasaddii bulsheed ee jirtay iyo afgenbigii guulaystay ee milatarigii dalku ay talada ku qabsadeen. Waxa uu ka sheekeeyey waayo-aragnimadiisii maamulkii askarta. Kacaanku sida uu heeryadiisii u cunay ee u geeddigeliyey jaad walba oo xukun urursasho, juujuub iyo kalaqaybinba leh. Waxa uu ka qisooday in Siyaad Barre lagu wardin jiray, oo dharaar walba oo dhalata la xusi jiray, iyada oo lagu luuqaynayo heestii; "Guulwade Siyaad/Aabbihii garashada geyigow." Sida uu ku sheegayo bogagga 58-9, waxa hooyadii maalin uga soo dacwooday nin dawladda ka tirsanaa isaga oo leh: "wiilkaagu ma doonayo in uu ku luuqeeyo heesta kacaanka, ee Guulwadow Siyaad." Waxa uu sheegay sababta uu ugu luuqayn waayey in aanay kacaandiidnimo ka ahayn se uu ku caajisay heestan marar badan lagu celcelinayo. Aabbaha kacaanku waxa uu qasab ka dhigay in meel walba la suro sawirkiisa, ha ahaato xarumaha ganacsiga iyo xafiisyada dawladda. In milatarigii dalka qabsaday sidii loogu 'furay' in aanay bulshaweyntii ugu 'rarin' ayuu ku nuuxnuuxsaday, isaga oo ku lammaaniyey qalbixumada laga taransaday.

Waxa xiisaha goonida ah leh, ee buuggu ka hadlayo waxa ka mid ah habdhaqankii diineed ee Muqdisho ka jiray lixdannadii iyo horraantii toddobaatannadii ka hor inta aanay soo xooggaysan 'baraaruggii" cusbaa ee Islaamiyiinta. Muqdisho waxa ka jiray habdhaqan diineed oo dhexdhexaad ah. Sida uu ku qeexayo (bogga 61) "Dadka reer Muqdisho waxay ahaayeen ehlu diin illaa xad dhexdhexaad ah. Si guud dadku waxay xoogga saari jireen akhlaaqda wanaagsan, in ka badan inta ay xoogga saaraan shicaaraadka diineed. Misaajiddada ma soo buuxin jirin dad badan. Waxa si geed-ka-go'an ah loo odhan karaa: dadku waxay danayn jireen in ay noqdaan deris wanaagsan iyo muwaaddiniin ilaaliya sharciga." Muqdisho waayadaas waxa ka jiray tasaamux diineed, mana jirin wax gacankahadal, aragagixin iyo burbur akhlaaqeed ah. Magac diineed oo dadka inta lagu argagaxgeliyo lagu qasho, burbur akhlaaqeed, dadeed, iyo dhaqan oo wadciga ka sayidcalleeyey, intuba waxay soo shaacbaxeen ka dib burburkii Qarankii Soomaaliyeed. Abwaan Gaarriye (1997), ayaa maansadiisa "Dabataxan", si hagaagsan inooga faallooday burburka dhan walba ah ee aynu galay. Meeriska odhanaya, "dal waxaan ku noolahay/saddexdii dalaaqood/lagu furay dadnimadii", waa meeris soo koobaya uhda burburka Soomaalida ku habsaday halka uu salka ku hayo. Qoraagu waxa uu ka hadlay soo ifbixii ururradii Islaamiga ahaa, si gaar ah waxa uu uga warramay ururkii la odhan jiray al-Ahli.

Waxyaabaha xiisaha leh ee buuggu ka warramayo waxa ka mid ah habdhaqankii diineed ee Muqdisho ka jiray lixdannadii iyo horraantii toddobaatannadii ka hor inta aanay soo xooggaysan 'baraaruggii" cusbaa ee Islaamiyiinta, hab dhaqankaas oo ahaa mid dhexdhexaad ah.

Gugii 1976-kii ayuu ku biiray ururka isaga oo noqday xubin firfircoon. Kolkii danbe wuu isaga tegay, sabab la xidhiidha in ururka uu soo dhex galay fekerkii Takfiirka oo waayadaas dunida Muslimka calanwalaynayey. Waxa dhacday in kolkii danbe ururku gebi ahaanba uu burburo. Sida oo kale, fekerka Salafiga sida uu Soomaaliya ku soo cagadhigtay iyo sidii uu saaxaddii diineed ula wareegay ayuu ka sheekeeyey. Qoraagu siddeetannadii ayuu waxbarasho ugu baxayaa dalka Maraykanka. Qarankii Soomaaliyeed kolka lagu kala guurayo ee 'qamtu' dhacayso waxa uu joogaa qurbaha. Markii la soo qaxay waxa uu taageero xooggan ka geystay dibudejintii Soomaalidii qaxootiga iyo firxadka ahayd.

Gunaanad

Buuggan kor ku xusani waa mid macna leh, waxa uu ku kooban yahay xasuusaha Muqdishadii uu qoraagu ku soo barbaaray sidii ay u dhisnayd ka hor in aanay sagxadda noqon oo aanay bas beelin. Waa dhigane laga daalacan karo noloshii "barisamaadka" ee Xamar ka jirtay. Waxa xusid mudan in qoraagu xiisayn jiray wax ka qoridda qaxa iyo sida ay colaaddu u galaafatay noloshii bulsheed, si gaar ah magaalada Muqdisho oo xasuustiisa iyo caqligiisa aad ugu dhawayd. Inta aanu geeryoon ka hor, waxa uu sheegay in uu qoray buug daabacaad uun sugaya oo daarran qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool. Waxa kale oo uu sheegay in uu nabdiga ku hayey in uu qoro buug kale oo ku tacalluqa muuqaalka ay Muqdisho yeelatay saddexdii tobanguuro ee ugu danbeeyey. Nasiibxumo, labadan buug iyaga oo aan ifka iman ayey ajashu u timi. Eebbe ha u naxariisto. Waxa uu ahaa shakhsi tawaaduc miidhana, oo jecel in uu dadkiisa gacanqabto oo wax ku biiriyo. Xasan Abukar waxa uu ka tegay qoraallo dhaxalgal ah oo wadciga bulsheed, siyaasadeed, diineed iyo dhaqandhaqaale ee Soomaalida si dhow u taabanaya. Nasiib wanaag, inta badan maqaalladaasi waxay ku urursan yihiin mareegtiisii rasmiga ahayd oo maanta la heli karo. Waxa kale oo qoraalladiisa laga heli karaa mareegta WardheerNews oo uu wax ku daabici jiray.