Tuesday 10 March 2026
Buuggan xasuus qorka ahi waxa uu xambaarsan yahay xogo culus oo ku saabsan nin ka tirsanaa hoggaamiyayaaashii dunida ugu saameynta badnaa, waxana ka warramaysa mid ka mid ah adeegayaashiisii aadka ugu dhawaa ee ay suuro galka u ahayd in ay maalintiiba dhawr jeer arkaan, xafiiskiisana ugu adeegaan isla markaana halka uu seexdo uga shaqeeyaan. Kolkaas waxa aad qiyaasi kartaa qofka booskaas xasaasiga ah joogay, xogaha dadka kale ka daaahan ee xiisaha leh ee uu tebin karo. Si haddaba idinkuna aad buuggaas wax uga ogaataan, isla markaana ciddii u baahani ay u sii raadsato, waxa aynu ku samaynaynaa guud mar kooban.
Qoraagu, billawga buugga waxa ay kaga warramaysaa qaabkii ay mar qudha nolosheedii u qasantay, ee inta ay u wareegtay sida mawjadaha badda, ay mawjadahaasi ku maguujiyeen qasrigii laga bixin jiray amarro ay dawlado dhawr ahi ku burbureen, malaayiin nafood oo laga gardaran yahayna ku qudh baxeen. Waxa ay sheegaysaa qoraagu in billawgii horeba kolkii uu Hitler ku faraxsanaa libta uu gaadhay iyo xukunka uu gacanta ku dhigay, ay iyaduna dhankeeda ka faraxsanayd; maadaama oo ay caruusad ahayd ayna is guursadeen nin ay shirkad ka wada shaqayn jireen. Nasiib darro se bakhaanbakhoodaasi ma noqon mid sii waara maxaa yeelay arooskeeda laba cisho kaddib waxa soo gaadhay farriin ay hooyadeed ugu sheegaysay in la xidhay aabaheed oo uu Jestaabuugii (Ciidankii Sirdoonka ee Naasiyiinta) u gacan galay, maadaama oo uu ka mid ahaa dimuqraadiyiintii xukuumadda cusubi ay beegsanaysay.
Qoraagu waxa ay markiiba u ambabaxday magaaladii qoyskooda, iyada oo ayaan darradeedana ka soo dul dhacday gurigoodii oo waaqle ah, markii ay jaarka wayddiisay halka ay hooyadeed ka dhacdayna waxa ay u sheegeen in ay iyadiina Jestaabuugii xidheen. Dabadeedna hungo ayaa ay la soo laabatay maadaama oo cidda ay ciidankaas sirdoonka ahi gacanta ku dhigaan, ay ahayd kuwo xaaladdoodu u dhaxaysay geeri iyo xabsi dheer. Maadaama oo xisbiga Naasigu uu qacdii horeba bilaabay in uu dadka xidhxidho, waxa ay tani jaanis u noqotay ciil qabayaashii, oo iyaga oo danahooda uga faa’daysanaaya ka midho dhashaday xidhiidhadii ay la lahaayeen, waxana uu ninkii ku xigeenka u ahaa odaygeeda oo firfircoonida iyo shaqadiisa awelba ka hinaasisanaa uu u dhigay shirqool halis badan, kaddibna saqdhexe iyaga oo hurda ayaa ay Ciidamadii Sirdoonka ee Naasiyiintu u soo dhaceen oo ninkeedii jidh dileen dabadeed na kaxaysteen, habeenkaasina waxa uu ahaa markii ugu dambaysay ee ay ninkeeda Jarmalka ku aragto.
Saddex toddobaad arooskeedii kaddib, iyada oo hooyadeed, aabaheed iyo ninkeediiba weyday ayaa ay noloshii isku soo fara mudhuxsadeen, si ay u noolaatana waxa ay raadisay shaqo adeegta nimo ah, taas oo ay markiiba ku guulaysatay in ay u shaqayso qoys ka koobnaa macallin iyo xaaskiisiii.
Waxa ay qoraagu aad uga murugaysnayd ayaan darrada nolosheedii ku habsatay, iyada oo nasiibkeedaas xumaaday ka ooyaysana waxa aragtay gabadhii macallinka oo ahayd tu qalbi wanaagsan oo inta ay xaalkeeda ka naxday, weydiisay waxa helay, kadibna qoraagii waa ay ku nefistay oo dhibaatooyinka haysta ayaa ay uga warrantay, si baraad la’aan ahna waxa ay u dhaliishay Hitler iyada oo ku eedaynaysa in uu mas’uul ka yahay baaba’a qoyskeeda.
Habeen nimadii ayaa ay xaaskii, ninkeedii macallinka ahaa u sheegtay arrintii dhex martay iyada iyo adeegtada, kaddibna waxa uu isna judhiiba la xidhiidhay Jestaabuugii maadaama oo uu ka mid ahaa dadkii aadka ula dhacsanaa xisbigii Hitler, waxana uu eed uga dhigay in ay ku edeb darrootay Foohaarkii (Hitler), taas oo ahayd dembi weyn oo dil ama xabsi dheer midkood lagu mudanaayo.
Qoraaga oo markaas 23 jir ahayd isla habeenkiiba waa la taxaabay oo waxa la geeyay xabsi iska cadaab oo kale ah taas oo xataa gabadh nimadeedii meel lagaga dhacay, waxana ay la kulantay nolol jaxiima ah oo ay si faahfaahsan buugga ugaga warramayso. Nasiib wanaagse aakhirkii waa ay ka soo baxday. Isla kolkii ay xorriyaddeedii heshayna waxa ay mar kale billawday in ay raadsato shaqo adeegto nima ah oo ugu dambayntii uu nasiibku qoys ladan ku tuuray.
Isla kolkii ay rabtay in ay shaqada billawdana, waxa waraysi la yeelatay marwadii guriga, waxana ay qoraagu u sheegtay nolosheedii jeelka iyo eedihii loo haystay, waxase aanay ogayn in ninka gurigan lihi uu ka mid yahay madaxda sare oo Jestaaabuuga oo toddobaad kasta laba habeen gurigiisa lagu shiro ilaa waaberiga. Marwadii gurigu ‘Frau Kaster’ waxa ay ku war gelisay in ay odaygeeda talo ula noqonayso kaddibna ay ka war sugto inta go’aanka kama dambaysta ah ee shaqadeeda khuseeya laga gaadhayo. Odaygiina markiiba waraysi ayaa uu la yeeshay iyada oo u sheegtay xaaladdeeda khusaysa xabsiga iyo sababaha jeelka looga sii daayay oo ay ugu mudnayd sida ay sheegtayba in ay ahayd maxbuusad aad u akhlaaq wanaagsan, toddobaad kaddib kolkii warkeeda uu soo hubiyayna waxa ay marwadii qoysku ugu bushaaraysay in ay si rasmi ah shaqadeeda isaga sii wadan doonto.
Saddex sanno markii ay u shaqaynaysay ayaa ay marwadii qoysku ka shakiday in uu xidhiidh gogoleed ka dhaxeeyo ninkeeda iyo adeegtada, shakigaas oo uu wax weyni ka jiray, waxana ay go’aan adag ku gaadhay in ay erido oo shaqadeeda halkaas ku soo afmeerto. Odaygii ‘Hans Kaster’ oo ay adeegtada isku wanaagsanaayeen waxa uu aad uga fekeray arrinta inanta iyo sidii uu shaqo ugu heli lahaa, dabadeed mar ayaa uu u yeedhay oo su’aalay bal in ay jeclaan lahayd in ay Fooherka u shaqayso iyo inkale maadaama oo qasrigiisa ku yaalla Berchtesgaden looga baahan yahay inan shaqaale ah, iyaduna si halka haleel ah ayaa ay u yeeshay. Waxa ay u fahamtay sababta lagu doortay in ay tahay in aanay ehel iyo asxaab toona ku xidhnayn, balse gadaal ayaa ay ka ogaatay in aanu Hitler jeclayn dumarka foosha xun leh iyo weliba kuwa ay quruxdoodu dhexdhexaadka tahay, oo xataa shaqaalaha midda ugu mustawaha hoosaysay waxa ay ahayd cadrad qalanjo ah. Quruxdeedaasina ay tahay sirta ay shaqada ku heshay.
Waxa ay sheeko dheer kaddib qoraagu gaadhay qasrigii oo maalinteedii koowaadba lagu soo wareejiyay si loo kala baro. Waxa ay isla maalintaasba ogaatay beenta weyn ee joornaallada laga buuxiyay, dadkana laga dhaadhiciyay ee ahayd in aanu Hitler nin adduunyo ahayn, waxana ay aragtay sida qasrigan dhaqaalaha badan loogu burburiyay. Waxa ay qoraagu sifaynaysaa qasriga oo ay sheegayso in uu ka koobnaa 14 qol oo hurdo ah, kuwaas oo aanay qolalka shaqaaluhu ku jirin. Qolalka hurdada mid waliba waxa uu lahaa xamaam iska caadi ah oo Jarmalka lagu farsameeyay, marka laga reebo midka qolka Hitler ku yaallay oo isagu aad qaali u ahaa,Talyaanigana lagu sameeyay, waxana si gaar ah ugu soo hadyadeeyay Musaliinigii Talyaaniga haystay.
Waxa sida oo kale qasriga joogay shimbiro ay 78 ka tirisay kuwaas oo ay ku tilmaamtay in uu Hitler aad u jeclaa oo farxad iyo nafis ka heli jiray. Isaga ayaa wax siin jiray isla markaana kolka ay midkood bukooto aad ugu murugoon jiray, haddii ay dhimatana waa uu ooyi jiray. Qolalka uu qasrigu ka koobnaa ee uu ninka odayga ahi wakhtiga ku qaadan jiray waxa ka mid ahaa afar qol oo dusha ku yaallay, kuwaas oo la odhan jiray qolalka xidigaha, laba qof ayunbaana geli jiray oo kala ahaa Hitler iyo faaliyihiisa. Qolalkaas in la galo iyo in la sawiro toona mamnuuc ayaa ay ahaayeen, balse hal mar ayuunbay qoraaga u suurawday in ay gasho. Waxana ay goobahaasi ahaayeen meesha lagu faaliyo isla markaana xidigaha laga akhriyo iyada oo la isku hawlaayo sidii loo fahmi lahaa dhacdooyinka mustaqbalka soo aaddan.
Hitler, saacado badan ayaa uu qolkaas ku qaadan jiray si uu nasiibkiisa iyo qadarka ay u qarinayaan maalmaha, bilaha iyo sannadaha soo socda uu qish uga sii helo. Ninkan faaliyaha ah cid taqaana magiciisa ama taariikhdiisuna ma aysan jirin, inta taqaannaana aad ayaaa ay u yaraayeen, warkiisa in la soo hadal qaadaana mamnuuc ayuu guud ahaan dalka ka ahaa. Hitler, ninkan aad ayaa ay isugu dhawaayeen, si weynna waa uu u saameeyay oo saacado badan ayaa ay isla keli ahaan jireen, waxana mar dhacday saddex cisho oo isku xigta Hitler iyo faaliyuhu in ay qolalkaas ku wada qaateen oo aanu midkoodna ka soo bixin. Xidhiidhkan adag ee uu faaliyuhu Hitler la lahaa waxa uu ka dhaxlay in qasriga dadka jooga oo dhami ay nacaan, gaar ahaanna uu Gooringo (Ninkii labaad ee Naasiyiinta ugu awoodda weynaa) si aad ah ugu xaasido booska uu Hiter ugu jiro, arrintaasna ma uusan qarsan jirin oo kolka uu yimaaddo meel uu joogo isaga oo buuftaamaya ayuu Gooringo ka bixi jiray.
Buugaaagta sixirka iyo xiddigiska ka hadlaysay ee Jarmalka taallay oo dhan waa ay soo iibsadeen, hadba midka soo baxana waa ay la soo haadi jireen, dhammaan safaaradaha ay dalalka caalamka ku lahaayeenna waxa ay amar ku qabeen buug kasta oo mawaadiicdaa khuseeya in ay dhakhso faaliyaha iyo Hitler ugu soo diraan. Hitler midabka cas aad baa uu u jeclaa maxaa yeelay waxa uu akhriyay in Hindidii hore uu midabkaasi ugu suntanaa faalka wanaagsan, waana sababta uu calanka xisbigiisa uga dhigay mid uu midabkiisu cas yahay, waxase uu gef weyn galay markii uu mucatabka ku yaalla ka dhigay mid maroorsan, maxaa yeelay deraasado khuseeya sixirka iyo xidigiska ayaa sheegay in ay sumadaasi sharka iyo shaydaanka u taagan tahay. Hitler, faaliyaha si weyn ayaa uu u aaminsanaa, waxana uu ninkaasi u sheegay in uu talada hayn doono ilaa sannadka 1962, wakhtigaas oo ah isla xilliga uu dhimanaayo. Khamriga Hitler ma uusan cabbi jirin, balse maalin walba saddex quraaradood oo ah sharaab uu faaliyuhu u sameeyay ayaa uu laaci jiray. Cid aan faaliyahaas qolalka xidigiska ku sameeya ahayn ma ogayn dhadhanka sharaabkaas, saamayntiisa iyo waxa laga sameeyay toona. Waxana uu faaliyuhu wakhtigiisa oo dhan ku qaadan jiray qolalkaas, marka laga reebo saacadaha uu Hitler la joogo.
Waxa kale oo qolalka qasriga ka mid ahaa qolka khariidadaha oo ay ku dhegsanaayeen dhamaan khariidadaha caalamka. Sida oo kalena waxa iyaduna ku yaallay khariidado kooban oo meelo gaar ah yoolka saaraya, sida mid ah magaalada London, siibo dhismayaal gaar ah. Halkaas ayuu Hitler wakhtiyada qaar ku qaadan jiray gaar ahaanna mararka uu qamaamuurta xisbigiisa inta uu sidii macallinka isasoo hor istaago, khariidadaha u tilmaami jiray una khudbadayn jiray isaga oo ku leh, “dalkan xuduudiisu waa qasab in ay fiddo oo ay fiddo.”
Waxa iyaduna jirtay istuudyaw meesha ku yaallay iyo qol masrax ahaa oo qaadi jiray 25 qof kaas oo ay filimaanta ku daawan jireen. Dad badani waxa ay u maleeyaan in aanu Hitler ka war hayn tacadiyadii jeelasha ka dhacaayay balse warkaasi waa huuhaa, maxaa yeelay muuqaalada arxan darrada leh ee halkaas laga soo duubay ayaa uu daawan jiray. Guud ahaan qasrigu waxa uu ahaa mid ammaankiisa aad loo ilaaliyay, waxana ku rakibnaa madaafiic lidka diyaaradaha ahaa. Sida oo kalena albaabada qasrigu waxa ay ku shaqaynaayeen nidaam koronto oo aad u heer sarreeyay kaas oo si iskii ah isku qufili kara haddii laga baqo in ay cidi dhuumasho ku soo gasho. Xafiiska Hitler waxa uu ahaa halka ugu ammaanka badan leh, oo sixir iyo farsamaba la isugu daray. Albaabkiisa waxa ku rakibnaa qalab ku qaylinaaya haddiiba uu qofka u gelaya ee si walba loo sii baadhay isku dayo in uu wax bir ka samaysan la galo.
Mid ka mid ah koonayaasha xafiiskiisa waxa ku yaallay badhimo mid waliba marka la taabto uu amar goonni ah bixinaayo. Waxa badhimadaas ku jiray mid ka midab duwan oo loogu talo galay in xaaladaha degdega ah la adeegsado. Haddii uu Hitler dareemo khatar waxa uu gujinayaa badhinkaas oo hal mar amarro kala duwan bixinaaya. Waxa markiiba iswada qufulaaya albaabada qasriga. Waxa guud ahaan qasriga oo dhan; marka laga reebo qolka Hitler mooye ee inta kale ku soo burqanaaya sunta dadka kaga ilmaysiisa, waxa kale oo uu farriin u dirayaa xerada ciidanka ee qasriga 500 ee tallaabo u jirta, si shan daqiiqo gudahood ay ugu yimaaddaan 100 boqol askari oo Jestaabuu ah, kuwaas oo si heer sare ah ugu qalabaysan qoryo iyo banbooyinka gacanta. Isla bartaasna waxa ku yaallay god 100 cagood hoos loogu dhaadhacaayo oo ku geynaaya fiilo ka kooban lix qol iyo kijadoodii kuwaas oo ay ku kaydsan yihiin cunto 3 qof ku filan muddo bil ah, sida oo kalena biyo leh, hawadana u furan, waxana loogu talo galay in uu ku baxsado haddii hawada laga duqeeyo.
Aad ayaa ammaanka Hitler looga taxaderay, xataa haddii si kedis ah loo dilo codadkiisii in muddo ah idaacadaha laga sii deyn lahaa ayaa u diyaarsanaa, si muddaddaa arimaha la isku dubaridaayo dhimashadiisu sir u ahaato. Waxa iyaguna jiray dhawr nin oo ay gacanta ku hayeen Jestaabuugu, kuwaas oo ilaa xad xogtoodu sir ahayd. Raggaasi waxa ay aad ugu eekaayeen Hitler, waxana lagu kaabi jiray in lagu tababaro qaababka uu u socdo ama isku dhaqdhaqaajiyo, iyo weliba in loo mariyo waxyaabo wejigiisa aad ugu eekaysiiya, ilaa heer laga gaadhsiiyo in saaxiibadiisa u dhawi aanay kala garan jirin Hitlerka runta ah iyo midka beenta ah.
Inkasta oo raggaas loo diri jiray meelaha ammaankoodu uu cabsida yahay, se ay lagama maarmaanka tahay in uu Hitler tago, bandhigyada ciidamada iyo munaasibadaha kale ee aan hadalka badan u baahnayn, haddana waxa raggaa ku jiray mid aad ugu cod eekaa. Waxa ay raggani kala joogeen magaalooyinka waaweyn, nasiib wanaagse wax khatar ah lama aanay kulmin, marka laga reebo hal mar oo ay bandhig ciidan ka qayb gelayeen, kaddibna lagu liishaamay xabbad aan sanqadh lahayn iyaga oo gaadhiga saaran, balse arrintaas aad ayay Joobles (wasiirkiisii dacaayadda) iyo Gooringo ugu dedaaleen in ay sir noqoto oo xataa ciiidankii ammaankooda qaabilsanaa kamay war helin. Waxase iyaduna xiiso gaar ah lahayd in uu hal mar khalad aad u weyn ay Jestaabuugu galeen. Hiterkii runta ahaa isla markii uu booqashada ku tegay magaalo hoos tagta Bavaria ayuu Hitlerkii been abuurka ahaana frankfurt uu munaasibad kaga qayb galay, waxana ay wargeysyadu soo qoreen warka ah in Hitler laba meelood oo kala duwan isku hal mar lagu arkay, arrintaasna waxa loo ciqaabay saddex mas’uul oo Jestaabuuga ka tirsanaa.
Waxa kale oo iyaduna qasriga ku yaallay jeel dadka lagu ciqaabo, siiba shaqaalaha gefa ama daacad nimadooda laga shakiyo. Inkasta oo ay si faahfaahsan inantu uga hadashay nidaamka cunte ee Hitler, haddana waxa aynu ku koobaynaa in ay ku tilmaamtay in aanu Hitler ahayn nin cuntada rabitaan badan u haya, inta badana waxa uu ahaa midhoole marar kooban hilib ku dhex darsada jadwalkiisa, gaar ahaanna kalluunka. Hitler waxa uu aad ugu falnaa bunka, maalin kastana qiyaastii 16 koob oo waaweyn oo bun bigays ah ayaa uu cabi jiray.
Waxase uu aad u jeclaa macmacaanka siiba jukulaatada iyo xalwadda. Sida carruurta oo kale ayuu ugu dhareerin jiray, mar kastana in xalwad ah jeebabkiisa lagama waayi jirin, oo maro kasta oo cusub oo uu gashado waxa maalmo gudahood ku biin jirtay xalwaddaa uu jeebabka ku sito. Dhaqan ahaan Hitler muu ahayn mid labiska iyo xarragada daneeya, waxana uu arrintaas ku tilmaami jiray raganimo darro, waxana uu qodobkaas aad ugala doodi jiray Gooringo oo isagu cuntada, xarragada iyo baashaalka ku darnaa. In kasta oo uu dawaarlihiisa gaarka ahi cabirkiisa saxda ah ka qaadi jiray, haddana maro kasta oo loo tolaa kumay habboonayn. Hitler sigaarka ilaa xad waa uu necbaa, hortiisa na laguma cabbi jirin, sida oo kalena qolalka uu geli doono iyo meelaha uu mari doonaba waa laga ilaalin jiray. Hitler hurdadiisu may badnayn, oo aadbuu ula dhibanaa hurdo yaraantaas. Waxa uu soo toosi jiray ilaa tobannada, sida ay ubadnaydna hawl maalmeedkiisa ma bilaabi jirin xilli ka horraysa qadada. Marka uu qadeeyo waxa uu la sheekaysan jiray madaxda, taliyayaasha iyo martida kale, mana uu ahayn nin aad u qabta shaqooyinka adag. Haddii uu qadada kaddib caajis dareemo waxa uu u yeedhan jiray koox miyuusiga tunta.
Sida caadiga, waxa Hitler ay shaqadiisa rasmiga ahi bilaabmi jirtay 8:30 fiidnimo; cashada kadib. Waxa uu ka bilaabi jiray wargeysyada, isla markaana waxa uu aad u cadhoon jiray marka uu arko joornaallada dalalka ay colka yihiin ka soo baxa, siiba Ingiriiiska oo ay ku sawiran yihiin isaga oo filin kartoon ahi. Xilliyada qaar kolka uu warku aad uga xanaajiyo, waxa uu taaban jiray jeleska si uu judhiiba ugu soo galo xoghayihii oo ordaya. Sidii uu jamaahiirta la hadlaayo oo kale ayuu u qaylin jiray isaga oo xoghayuhu warkiisa qoraayo, kadibna uu sixi jiray khaladaadka badan ee naxweed ee odaygu uu sameeyay si wargeysyada loogu baahiyo. Saacad iyo badh kale ayuu ku qaadan jiray in uu amarro bixiyo, si inyar kadib shaqaalihii amarradaas fulinaayay tilifoono loogu diro. Marka uu hawshaas dhameeyo ayuu madaxdiisa, saraakiisha ciidanka iyo la taliyayaashiisa la shiri jiray isaga oo afeef uga dhigaaya in aan lala doodi karin, balse qofka kali ah ee aan mararka qaar dheg u dhigini waxa uu ahaa Gooringo, oo marka Hitler laga yimaaddo ahaa ninka labaad ee dawladda.
Hitler, waa sida ay u badnayd ee marka uu habeenkii gam’i waayo waxa uu u yeedhan jiray qof uu la sheekaysto. Kolka uu qasriga joogo Joobles isaga ayaa ahaa midka ugu ayaanka daran ee uu habeen kasta u yeedhi jiray si uu sariirta u ag fadhiiisto oo uu ilaa subaxdii ugu warramo. Kijaduna waxa ay ahayd mid mar walba heegan u ah in ay dalabaadka bunka iyo cuntooyinka fudud ah ka jawaabto.
Haddiise uu Hitler waayo cid uu la sheekaysto, darawalkiisa ayaa gaadhiga u kaxayn jiray oo habeenkii ayaa ay soo wareegi jireen, manuu jeclayn in baabuurta xawaare sare lagu kaxeeyo. Hitler, akhriska taariikhda aad ayuu u jeclaa siiba taariikhda Ingiriiska, waana uu qarsan jiray sida weyn ee uu nidaamka dalkaas iyo sooyaalkiisaba ula dhacsanyahay. Joobles oo ahaa nin aqoon yahan ah, isla markaana maktabad aad u weyn lahaa ayuu Hitler buugaagta ka soo ammaanaysan jiray, balse Joobles arrintaas wuu dhibsan jiray maxaa yeelay waxa uu buugga u soo celin jiray isaga oo Hitler wada calaamad iyo hoos ka xarriiq maydhan ka soo dhigay. Hitler, waxa uu lahaa dhaqamo yaab leh. Tusaale ahaanna waxa uu ahaa mid waxyaabo fudud aad uga xanaaqa heer uu ka gaadho in uu ooyo! Sida in shaqada uu rabo aan si wanaagsan loogu qaban ama in aan bun ku filan loo keenin. Waxa kale oo uu aad u necbaa cidda xanuusata, isaga oo aan booqan jirin, xataa qofkaasi haddii uu yahay mid ka mid ah dadka ugu dhaw, waxa kale oo degdeg qasriga looga saari jiray qofka bukooda.
Qasrigan Hitler waxa kolkasta iman jiray dad booqdayaal ah oo haldoor ahaa, Hitlerna waxa uu ahaa mid xiiseeya kolkasta in la agdhoobnaado. Booqashooyinkaasi waxa ay isugu jireen kuwo siyaasadeed iyo qaar iska caadi ah, waxana ay qoraagu si gaar ah uga warramaysaa laba booqasho oo kala duwan iyo sidii uu Hitler u qaabilay. Booqashada koowaadi waxa ay ahayd mid uu martiqaad ku yimi safiirkii dalka ay jaarka yihiin ee Austria, muddooyinkii uu maagganaa in uu ku duulo. Qasriga kolkii uu soo gaadhayba waxa safiirka la dejiyay qol ka soo horjeeda mid ka Hitler, waxana loo qaabilay si xurmo darro ay ka muuqato iyada oo inta si bahdilan loo sii baadhay loo gudbiyay qolka sugidda ee uu Hitler uga geli doono halkaas oo iyadana loogu diyaariyay maabka xuduudka labadaas dal oo ay ku yaallaan fallaadho dhiig ah oo cas, kuwaas oo muujinaaya jidka ay ciidamadu sii mari doonaan kolka ay weerarka yihiin waxana uu goobtaas ku sugaayay Hitler muddo Saacad ah, kadibna waxa loo ogolaaday in uu Hitler u galo isaga oo ay taliyayaashiisa qaar ka mid ahi la joogaan. “Oo waabad timiba! Bal hadda fadhiiso’ ayaa uu Hitler si quudhsi leh ugu yidhi safiirkii oo uu salaantiisii iska dhego tiraayay, dabadeed waxa uu bilaabay in uu waallidiisii siraato oo tabtii uu jamaahiir gadoodsan sii guubaabinaayo oo kale ayaa uu xanaaq la qayliyay isaga oo afka abur ka sii deynaaya, waxana uu intaasba u hanjabaayay safiirka iyo dawladdiisii, mar kasta oo uu safiirku isku dayo in uu hadlana waa uu afjigaayay oo qaylinaayay.
Saacado kaddib ayaa qadadii loo kacay waxana uu Hitler si debecsan oo dadnimo leh ula sheekaystay safiirkii, markii la dhergayna waxa dib loogu noqday shirkii, ama aan idhaahdo maxaadiradii Hitler, taas oo uu sidiiba u qaylinaayay isaga oo markasta oo safiirku damco in uu hadlaba afka kaga boodaayay si uu u aamuso, ugu dambayntiina kaw iyo toban saacadood kaddib ayaa uu kulankaasi soo dhammaaday iyada oo safiirkii laga dhaadhiciyay dalabaadkii uu Hilter ka rabay si uu dalkiisa ugu la laabto.
Booqashada labaadina waxa ay ahayd markii uu boqorkii Roomaniya ‘carol II’ ku yimi casuumaad uu Hitler ka helay. Qoraagu waxa ay tilmaamaysaa in ay jeclaadeen boqorkaas iyo joogidiisaba maxaa yeelay waxa uu u dhaqmaayay sidii boqorrada lagu yaqaannay ee qabka iyo isla weynida lahayd, waxana uu Hitler dareensiiyay in uu nin la qoodh ahi qasriga joogo. Hitler, bilawgii hore si la mid ah tabtii safiirka Usteri oo kale ayaa uu isugu dayay in uu ku qayliyo, hasoyeesho ee umay suurogelin waayo, boqorkii ayaa si raganimo leh iskaga celiyay oo isna si ka daran tabtii Hitler ugu qayliyay kaddibna saaxiga ayaa uu Hitler keenay oo waa uu iska aamusay. Waxa ay qoraaga iyo shaqaalihii kaleba aad ula dhacsanaayeen faxalnimada boqorka maxaa yeelay kolkii uu tegaayay mid walba waxa uu siiyay konton doollar.
Buugga oo ah mid kooban oo aad u xiiso badani waxa kale oo uu ka warramayaa dhacdooyin xiiso leh oo ay qayb ka yihiin xidhiidhadii yaabka lahaa ee uu Hitlar dumarka la yeelan jiray, waxana uu ku soo gebogeboobayaa qoraaga oo degaysa tab iyo xeelad ay qasriga kaga baxsato, markii ay u suuro gashayna dhakhso ayaa ay dalka uga qaxaysaa si ninkeedii ay jeclayd ula kulanto, isla markaana nolol deggan u abuurato.