Skip to main content

Thursday 5 December 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Xasaradaha Dahsoon ee Dawooyinka Somaliland

4 July, 2024
Image
Dawooyin
Dawo Somaliland mamnuucday oo ay ku tilmaantay in ay tahay mid been abuur ah oo tayadeedu liidato
Share
Dawooyinku waa laf dhabarta daryeelka caafimaadka casriga ah. Haseyeeshee kiimikooyinkan awoodda weyn lihi waa sidii seefo laba af leh oo wax bogsiin kara waxyeelo badanna keeni kara haddii aan si taxadar leh loo isticmaalin. Maxamed Cismaan oo dawayaqaan ahi wuxuu faaqidayaa halisahaas ku lammaan iyo jidka bulshada u furan.

Sannadkii 1897, Felix Hoffman oo ahaa kiimikist Jarmal ah ayaa ka soo saaray jirridda geedka willow maaddada firfircoon ee Salicin, taas oo uu ka sameeyay Aspirin (Acetylsalicylic acid). Sidoo kale, penicillin oo uu helay Sir Alexander Fleming sannadkii 1928 ayaa calaamad u ahayd kacaankii daawooyinka kiimikada ah, gaar ahaan benasaliinta oo si weyn u kordhisay cimriga aadanaha iyadoo la dagaallantay caabuqyo layn jiray malaayiin dad ah.

Dawooyinku waa laf dhabarta daryeelka caafimaadka casriga ah. Haseyeeshee kiimikooyinkan awoodda weyn lihi waa sidii seefo laba af leh oo wax bogsiin kara waxyeelo badanna keeni kara haddii aan si taxadar leh loo isticmaalin. Dawooyinka oo aan la maarayn lana xakameyni waxay keeni karaan khaladaad daawo, iska caabbinta antibiyootigga, iyo qeybinta dawooyin tayodoodu hooseyso. Qaybta caafimaadka ee dawooyinka ee Somaliland oo aad u hooseysa ayaa tusaale u ah khatarahan, kuwaas oo halis weyn ku ah caafimaadka bulshada.

Hargeysa oo ah caasimaada Somaliland waxaa farmasiiyo aad u badan, balse, badankooda kama hawlgalaan dad aqoon u leh daawooyinka  sida ay ku sheegtay Rooda Cilmi diraasad ay ku sahamisay qaybta dawooyinka ee waddanka 2012kii  in ka ganacsiga dawooyinka loo arko sida ganacsiyada kale ee caadiga ah, sida ka ganacsiga  dharka, balse aan loo arkin xirfad caafimaad, taasoo sababtay in dad badani ay iska furtaan farmasiiyo sida dukaanka bagaashka oo kale iyo weliba in dadka dawooyinka soo dajiyaa aanay ahayn dad dawooyinka aqoon u leh, balse ah ganacsadayaal alaabo iska la soo dega oo mar walba macaashkoodu uu uga horreeyo tayada dawooyinka ay waddanka keenayaan.

Siyaasadda caafimaadka qaranka ee 2022 waxay caddaynayaan in caqabad weyn ay ku tahay shacabka reer Somaliland inay helaan dawooyin tayo leh, iyo inay ku baahsan yiin waddanka laguna isticmaalo daawooyin tayadoodu ay aad u liidato iyo qaar dhacayba, kuwaas oo ay qaybiyaan ganacsato aan ruqsad iyo aqoon dawo toona lahayn oo ku hawlan suuqgeynta daawooyinkan. Waxaa kale oo ay ku dartay in xeerarka lagu maareeyo arrimahan la xidhiidha dawooyinku ay yihiin qaar liita isla markaana masuuliyadda fulinta xeerarkaasi ay ku kula daadsan tahay waaxyo kala duwan.

Cawaaqibta iyo Doorka Hawlwadeennada Aqoonta u leh Dawooyinka

Haddaba dhibatooyinkan aanu halka hore ku soo sheegnay maxay keeni karaan ama waa maxay cawaaqibta ka iman kartaa? Se waa maxay doorka dawayaqaannadu ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda iyo dhibaatooyinka ka iman kara ka maqnaanshaha dawayaqaannada bulshada?

Dawo waxaa lagu qeexi karaa inay tahay  maaddada firfircoon oo ah kiimikada wax dawaysa oo loo geeyay ama lagu lifaaqay macluumaadka muhiimka u ah isticmaalkeeda saxda ah. Tani waxay muujineysaa in labaduba (maaddada iyo macluumaadku) ay leeyihiin muhiimad isku mid ah.

Macluumaadkan ayaa muhiim u ah ka hortagga khaladaadka daawooyinka, isla markaana hagaajiya daryeelka bukaanka korna u qaada natiijooyinka bogsashada. Balse marka aan la helin dawayaqaan ku takhasusay bixinta macluumaadka muhiimka ah iyo maqnaanshaha xeerar lagu nidaamiyo dawooyinka, waxa ay arrimahani horseedaan ama ay dhiirrigaliyaan hab-isticmaalka aan habboonayn ee daawooyinka gudaha Somaliland.

Dawayaqaannadu waa mihnadlayaal caafimaad oo ku takhasusay daawooyinka kuwaas oo leh aqoon iyo khibrad caafimaad oo ballaadhan.  Dawayaqaannadu waxay u dhaxeeyaan dhakhaatiirta dawooyinka qora iyo bukaanka, waana kuwa ka hor taga in dawo khaldan la siiyo bukaanka haddii uu dhakhtarku khaldamo iyagoo raacaya  habka wanaagsan ee bixinta daawooyinka kaas oo ay ku hubiyaan in dawo sax ah loo qoray bukaanka saxda ah, qiyaas iyo xaddi sax ah. 

Dawayaqaannadu sidoo kale waxay siiyaan bukaannada Adeegyo ka caawinaya in ay si fiican u fahmaan daawooyinkooda  sida ugu habboon ee loo qaato iyo saameynaha taban ee daawooyinka kuwooda sahlan iyo kuwa khatarta ah, iyo sida looga hortagi karo ama loo yarayn karo iyo weliba tallaabooyinka ugu habboon ee la qaadayo kolka ay jiraan saameynahaa taban ee daawooyinku. Waxaanay dawayaqaannadu ka hortagaan inay dhacdo isdhexgalka (dawo + dawo) dawooyinka sahlan iyo kuwa khatarta ah ee sababi kara geeri iyo weliba isdhexgalka (cunto/sharaab + dawo). Fahamka ay sifiican u fahmaan bukaannadu dawooyinka ay qaadanayaa ayaa waxay ay siisaa kalsooni keenta in ay u hoggaansamaan habka daaweynta oo ay dhammaystaan daawooyinkooda. Arrintan ayaa aad muhiim ugu ah  natiijada bogshada bukaanka 

Dawayaqaannadu waa baraha bulshada ee dawooyinka, laakiin marka ay ka dhex maqan yihiin bulshada waxaa abuurma bulsho aan wax aqoon ah u lahayn khataraha, isticmaalka iyo weliba cawaaqibta ka iman karta hab-isticmaalka xun ee dawooyinka.  Taas oo horseedday in uu bulshada Somaliland ku dhex faafo dhaqanka Isdaaweyntakaas oo ay ka sii dhalatay in bulshada Somaliland ay u Isticmaalaan antibiyootikada si xad-dhaaf ah sida ku cad daraasaddan 2020, taasina oo sababtay iska caabbinta noolayaasha keena caabuqyada ay iska caabbiyaan lidnoolayaasha (antibiyootikada) taasoo u horseedda in dawooyinkani ay noqdaan kuwo wax matarayaal ah.

Waxa kale oo dhibaato wayn oo ka dhex jirta bulashada iibka aan sharciga ahayn ee dawooyinka maqaarka ee ay iibinayaan dukaano kosmaatigga ah sida betamethasone  ee ay haweenku u isticmaalaan  inay ku caddeeyaan maqaarkooda taas oo keeni karta dhibaatooyin halis ah sida dhiig karka iyo dhibaatooyin kale, sida ku cad daraasad 2019 laga sameeyay Boorama.

Isticmaalka dhallinyarta ee dawooyinka pregabalin iyo diazepam ay u isticmaalan iyagoo ka raadinaya sakhrad iyo fayaan iyagoo qaadanaya xaddi aad u badan ayaa ah arrin kale oo culus. Daawooyinkan waxaa si fudud ay uga helaan dadka ganacsadayaasha ah ee farmasiiyada haysta. Arintan ayaa sababaysa qabatinka dhallinyartu ay la qabsato oo ay dawooyinkani ku noqdaan balwada taas oo horseedda dhibaatooyin caafimaad iyo mid bulshaba. Dhibaatooyinkan ayaa ah kuwo aad ugu baahsan Muqdisho; inkastoo Somaliland aan laga samayn diraasad waxa aan shakhsiyan u garanayaa farmasiiyo daawooyinkan iibiyo iyo weliba dhallinyaro ay qaadashada dawooyinkani  ka noqotay balwad.

Dhibaatada kale ee bulashada ka dhex jirta ayaa ah xayaysiinta aan la xakameyn ee lagu xayaysiiyo dhirta dabiiciga ah, kuwaas oo aan la garanayn waxa ay yihiin daraasadna aan lagu samayn, isla markaana sheegta ina ay daweeyaan cudurro kala duwan sida dhiig karka, dhibaatooyinka dheefshiidka, iyo kansarrada, sida Formula 10

Iyada oo baahi wayn loo qabo xeerar adag iyo dawayaqaanno, haddana dad badan oo ku nool Somaliland uma aqoonsana dawayaqaannada inay yihiin xirfadlayaal muhiim u ah daryeelka caafimaadka. In kasta oo dawladda ay qirsan tahay yaraanta xirfadlayaasha dawayaqaannada ee waddanka  sida ku cad  Siyaasadda Caafimaadka Qaranka ee 2011  ayaa  waxa dhacda arday badan oo jaamacadaha waddanka ka soo baxay iyagoo bartay xirfadda dawayaqaannimadu ay u shaqeeyaan lana shaqaynayaan dad aan aqoon dawo lahayn sidoo kalena aan lagu ogeyn qiyamkii iyo akhlaaqiyaadkii laga filayay xirfadle caafimaad isla markaana ay qasab ku noqoto dawayaqaannadani in sidooda oo kale ay mar walba horreysiiyaan lacagta ee aanay muhiimadda siin daryeelka bukaannada. Arrintan ayaa qiimo tiraysa khibradda dawayaqaannada ee ay bulshadu ay aadka ugu baahan tahay taas oo ay sababtay iyadoo aan la fulin ama aan la hirgelin xeerarka u qoran Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC).

Guddiga Qaranka ee Kormeerka Tayada, oo masuul ka ah kormeerka tayada daawooyinka la soo dejiyo, waxaa ka maqan mashiinnada ama qalabka shaybaadhka iyo xirfadlayaasha dawayaqaanada  lagamamaarmaanka u ah. Si ay u fuliyaan baadhitaan dhammaystiran oo ay ku hubinayaan tayooyinka daawooyinka la soo dejiyo iyagoo ka hortagaya in bulshada lagu dhex faafiyo dawooyinka been-abuurka ah.

Haddaba mushkiladahan ayaa ah qaar joogto ah  oo goor walba haysta bulshada,  hubaashiina ay dad badani ku waxyeeloobaan iyagoo og ama iyagoon ogaynba, balse, mararka qaar ayey arimahani  soo if baxaan sida gabadh yar oo MMTV waraystay  oo labadeeda indhood ku waydey iyadoo nin meel iska furtay uu siiyay dawo khaldan. Waxa inantan ku dhacay ayaa ah mid muuqanaya oo dadku wada arkayaan waxyeelada soo gaadhay. Haddaba su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah: imisa qof ayaa u dhinta dawo lagu muday ama la siiyay darteed? Miyaa la is weydiiyaa waxa ay u dhinteen dadkaasi? Miyaa la baadhaa? Imisa qof ayaa la iska aasay?

Balse dhawaan waraysi MMTV  lagu waraystay dawoyaqaan  ah lataliyaha Guddiga Qaranka ee Kormeerka Tayada ayaa sheegay in 50% dawooyinka waddanka yaalaa ay yihiin kuwa been abuur ah isaga oo soo bandhigay dhawr dawo  oo ay ka mid yihiin nooc ka mid ah dawooyinka dhiikarka loo qaato, waxa uu kula taliyay bulshada in aannay qaaddan dawooyinkaas, balse haddana ma uu sheegin, guddiga uu ka tirsan yahayna ma ay keenin beddalka dawooyinkaas  iyo weliba xal wax ku ool ah oo arrintan lagu maaraynayo. Waxa  uu ka sheekeeyay uun in ay dadku iska eegaan dawooyinka qoraalka ku qoran ( intee baa bulshada Somaliland wax akhrida?), urta iyo waxyaa la mid ah. Iyadoo  haddana dawooyinka uu xusay ay yihiin qaar weli waddanka la keeno, sida uu lataliyuhu cadeeyay kiimikaalada shaybaadhku (reagents) dalka waa kuwo ka maqan, taas oo meesha ka saaraysa nidaamka lagu hubiyo tayada dawooyinka.

Shaacinta arrintan waa mid aan wax faa’ido ah soo kordhin, balse, kaliya waa mid shacabka ku abuuri karta shaki iyo baqdin, oo waxaa laga yaabaa in ay daawooyinka dhakhtaradu u qoreen ka tagaan, taas oo keeni karta khataro caafimaad oo dawooyinka uu xusay waxa ka mid ah nooc dawooyinka dhiigkarka ah, kuwaas oo joojintoodu keento khataro caafimaad. waxaa jira wax la yidhaah saamaynta balaasiibo iyo noosiibo (placebo and nocebo effect) taas oo ah dawooyinka marka ay qaadanayaan bukaanadu iyaga oo aaminsan in ay dawaynayso iyo marka ay qaataan iyagoo sas ka qaba isku si uma wada saamaynayso ama daweynayso. iyadoo haddana dawooyinka waddanka yaallaa ay yihiin qaar tayadooddu aad u liidato, haddana xalku ma ahayn in dawooyin aan shaybaadh dhamaystiran la soomarin oo kaliya  google ka lagasoo baadhay in la shaaciyo khatartooda ee waxay ahayd in komishanku si waafi ah baadhitaan dhab ah u sameeyo, haddii khatartoodu cadaatana, in si hoose looga soo uruurriyo dawooyinkan waddanka isla markaana uu gubo una sameeyo xeerar iyo sharciyo adag oo xarimaya soo dhoofinta dawooyinka caafimaadka u darran.

Intaa waxaa dheer, ma jiro tilmaamo ama habraacyo lagu xaqiijinayo in warshadaha sameeya dawooyinka ay soo iibsadaan ganacsatadu ay haystaan shahaado ka socota Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Habka Wanaagsan ee Waxsoosaarka.

Nidaamka maaraynta silsiladda sahayda daawooyinka ee waddanka ayaa ah mid aan shaqaynayn oo badanaa sababta in dawooyin lagamamaarmaan u ah goobaha caafimaadka oo waaweyn si kedis ah looga waayo. La'aanta nidaam isku dhafan oo sahayda farmashiyaha ah, oo ay weheliso maqnaanshaha nidaam xoog leh oo macluumaadka, qiyaasta, iyo soo iibsiga ah, ayaa horseed u ah carqaladahan, sida ku cad isla siyaasadda caafimaadka ee qaranka ee 2022.

Maxay Qaban Kartaa Bulshadu?

Bulshada Somaliland waxaa ka maqan ma aha dawayaqaanno keliya, balse waa nidaam sharci oo dhammaystiran kaas oo kormeera dhammaan qaybaha kala duwan ee dawooyinka. Shaqsiyaadkan soo dejiya dawooyinka tayadoodu hooseyso, iibiya dadkana si toos ah iyo si dadbanba ugu waxyeeleeyaa waa isla dad ka mid ah bulshada. Haddaba arintan waxaa hirgelin kara oo keliya dawladda. Markaa waxaad is weydiinaysaa, marka dawladdu waxqabad wax-ku-ool ah aanay ka qaban arrintan iyadoo haddana ku iftiimisay khataraha mushkiladahan siyaasaddeeda qaran ee caafimaadka ee 2011 iyo 2022, bulshadu maxay samayn karaan?

Waxay samayn karaan dhawrkan arrimood:

  • Waxa loo baahan yahay horta bulshadu inay fahanto baaxadda ballaadhan ee arrimahan iyo raadka sii jiitamaya ee ay ku yeelanayaan bulshada. Dhibaatooyinkan ayaa ah kuwo saamaynaya dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, yar iyo weyn, miyi (in kastoo miyiyada Somaliland ay ka sii daran tahay sidan oo daryeel caafimaadba aanay helin) ilaa magaalo, iyada oo keenta bogsashada cudurrada oo waqti dheer qaadata, kharashka daryeelka caafimaadka oo kordha, iyo guud ahaanba tayada nolosha oo hoos u dhacda.

  • Bulshadu cid walba oo ka mid ahi waa inay ogaataa  masuuliyadda ugu horreysaa in ay tahay ta nafahooda oo waa inay iska ilaaliyaan dawooyinkan ay iska soo iibsanayaan iyagoon dhakhtar dhab ah (kama hadlayo ganacsadayaasha dukaannada farmasiiga ah ku haysta xaafadaha dhexdooda) u tagin oo aan caadi loo shaybaadhin dabadeed ay iska liqayaan.

  • Bulshadu waa inay codkooda maqashiiyaan dawladda iyagoo isticmaalaya baraha bulshada, warbaahinta, telefishannada, iyo habab kale oo silmi ah si kor loogu qaado wacyiga bulshada isla markaana loogu ololeeyo isbeddel wax-ku-ool ah.

  • Sheekhyadu waa inay kaga hadlaan arrintan khudbadahooda, iyagoo adeegsanaya saameyntooda si ay kor ugu qaadaan wacyiga dadka iyagoo u iftiiminaya muhiimadda caafimaadka, xasuusinaya dawladda in masuuliyadda bulshadu ay saaran tahay dushooda gaar ahaan kuwa masuulka ka ah qaybaha caafimaadka, aakhirana la waydiin doono.

  • Maadaama ay soo dhowdahay doorasha madaxweynaha ee dalku bulshadu waa inay ka dhigataa halbeeg ay codka ku bixinayso arrimahan la xidhiidha dawooyinka  iyo weliba arrimo kale oo ay bulshada u baahan tahay si ay ugu codeeyaan musharaxiinta kana feejignaadaan cod bixinta ku salaysan reer, qabyaalad iyo ina adeernimo aan waxba u soo wadin horena aan waxba ugu soo tarin..

  • In lala shaqeeyo lana dhiirrigeliyo ururka dawayaqaannada Somalailand oo maalamahan dambe laga arkayo dhaqdhaaqyo uu ku doonayo isbeddel.