Friday 25 April 2025
Wareysigan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kaga warramay halka uu marayo dagaalka ay dawladdu kula jirto al-shabaab. Sidoo kale waxa uu ka warramay halka uu ka taagan yahay gooni-isu-taagga Soomaalilaan. Dhanka kale madaxweynuhu waxa uu carrabka ku dhuftay guulaha ay ka gaadheen al-shabaab labadii sanno ee ugu horrasay muddo xileedkiisa. Dagaalkii adkaa ee lagu qaada labadii sano ee hore waxaa lagu tilmaami karaa inuu ahaa dagaal xamaasad iyo aragti aan sii ridnayn ku dhisan oo aan waxbadan ka duwanayn dagaalladii hore ee ururka la la gali jiray.
Tan kale doorashadii ka dhacday Soomaalilaan, madaxwaynuhu wuxuu ku tilmaamay inaysan ahayn wax weyn oo aan u dammaanad qaadi karin Soomaalilaan in ay madaxbannaani hesho. Haddii si dhab iyo waaqic ah loo hadlo, doorashadii ka dhacday Soomaalilaan Noofembar 2024, waxa ay ahayd mid soo jiidatay indhaha Beesha Caalamka maadaamaa uu qofkastaba codkiisa ku dhiibtay si xorriyad iyo nabad ku dhisan. Taasina waxa ay tilmaan u ahayd haykalka dawladnimo iyo dimuqraadiyadda ka hanaqaadday Soomaalilaan ee ayna la wadaagin Soomaalida kale iyo dawlado badan oo qaaradda ka mid ah. Tusaale, xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ilaa hadda kuma ay guulaysan in ay qabato doorasho u dhiganta ta Soomaalilaan, run ahaantii na waxayba u tahay higsi iyo himilo.
Kooxda Islaamiga ah al-Shabaab, ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida, islamarkaana ka howlgasha Soomaaliya, waxay weli ka mid tahay kooxaha argagixisada kuwooda ugu khatarta badan ee ugu firfircoon maanta. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah 69 jir, wuxuu xilkan joogaa markiisii labaad. Muddadii uu xilka hayay, waxaa lagu xusuusan doonaa dagaalka lagu la jiro kooxdan argagixisada ah. Sida cad na Maraykanku wuxuu si weyn uga qayb qaadanayay dagaalkan, dhan dhaqaale iyo dhan milatari labadaba.
Lally Weymouth oo ka tirsan wargayska afkadheer ee The Washington Post ayaa wareysi la yeelatay Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu ka qeyb galayay Shirka Sanadlaha ah ee madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) oo ka qabsoomay magaalada Davos, Switzerland. Qaybaha ugu muhiimsan wareysiga ayaan halkan ku soo gudbinayaa:
MDXSM: Waxaan mar walba xiriir wanaagsan la lahayn Maraykanka. Ma naqaan waxa hoggaanka cusub la imaan doono, balse ma filayno wax xun. Qaar ka mid ah dadka ku xeeran Madaxweyne Donald Trump waxay doonayaan in uu aqoonsado Soomaalilaan [oo ah maamul Soomaaliya ka tirsa oo si iskeed isku maamusha tan iyo 1991] inay tahay dal madax-bannaan.
MDXSM: Haa, si adag baan u diidannahay. Soomaaliya waa mid oo waxay noqotay dal madax-bannaan sanadkii 1960. Soomaalilaan waxay ahayd dhul hoos taga Boqortooyada Ingiriiska, halka koonfurta Soomaaliya ay ahayd dhul uu xukumi jiray gumeystihii Talyaanigu. Sanadkii 1960, labada dhinac xorriyaddoodii ayay heleen, waa ay na midoobeen si ay u noqdaan hal Jamhuuriyad. Kadib, dagaalkii sokeeye ee ka qarxay dalka sanadkii 1991, ayey Soomaalilaan goonni uga baxday Soomaaliya oo waxa ay noqotay maamul goonni isu taag ah.
MDXSM: Haddii xuduudaha Afrika la beddelo oo xuduudo cusub la sameeyo, taas waxay noqon doontaa dhibaato aad u culus oo saameyn nagu yeelan doonta. Haa, doorashooyin way ka dhaceen Soomaalilaan, balse aniga aragtidayda, doorashooyinku ma ahan shuruud lagu go'aamin karo gooni-isu-taagga Soomaalilaan.
MDXSM: Waxaan al-Shabab la dagaallamaynay 18-kii sannadood ee la soo dhaafay, si milatari ah. Sidoo kale, waxaan kula dagaallamaynaa dhinaca dhaqaale iyo xayiraadaha maaliyadeed. Dabcan, al-Shabaab weli lama jebin gebi ahaanba, balse si weyn ayaan u wiiqnay oo dib baan u riixnay, taasna waxaa sameeyay ciidamadeenna xoogga dalka. Maanta, waxaan gacanta ku haynnaa boqollaal kiiloomitir oo ay al-Shabab sannado badan maamulayeen oo hadda waa xor.
MDXSM; Haa, waa adag yahay maxaa yeelay awooddeenna waa xaddidan tahay. Kadib laba sano oo dagaal aan kala joogsi lahayn, waxaa jira daal heerkiisa la dareemayo. Si kastaba ha ahaatee, hadda waxaan dib u habayn ku sameyneynnaa ciidamadeenna, waxaana socda olole cusub xilligan aan hadda kula hadlayo.
MDXSM: Haa, waxaan sameynnay. Maraykanka ayaa taas goob jooge u ah. Waxay nagu la joogaan, waa iskaashi-wadaaggeena. Maraykanku wuxuu naga taageerayaa ururinta sirdoonka, taageerada saadka, taageerada cirka, kormeerka iyo mararka qaar xitaa ka hortagga weerarada qaar ee al-Shabab ay ku soo qaadaan ciidamadeenna. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan ciidamo Maraykan ah oo dagaal kaga jira dhulka.
MDXSM: Al-Shabaab waxay xiriir la leedahay Al-Qaacida. Waana urur leh ajanda caalami ah, oo dunida oo dhan ku fidiya.
MDXSM: Sababtu waxay tahay, dagaalka aan kula jirno al-Shabaab wuxuu ka hor istaagay argagixisadan inay shabakadohooda ka howlgaliyaan Yurub iyo Mareykanka. Horey waxay uga fuliyeen qaraxyo ismiidaamin ah London iyo meelo kale oo badan oo Yurub ah. Sidoo kale, Mareykanku wuxuu hor istaagay weerarro ay al-Shabaab ka qorsheynayeen gudaha Mareykanka. Sidaas darteed, al-Shabaab khatar kuma ahan oo keliya Soomaaliya, waana taas sababta Mareykanku noogu garab taagan yahay dagaalkan.
MDXSM: Dhammaan lacagtaasi ma ahayn taageero amni oo keliya; qeybta ugu badan waxay ahayd gargaar bani'aadantinimo.
MDXSM: Haa. Soomaaliya oo xasiloon oo ammaan ah waxay gacan ka geysan doontaa sugidda waddooyinka iyo marinnada ganacsiga caalamiga ah.
MDXSM: Al-Shabaab iyo Xuutiyiintu waxay leeyihiin xiriir aad u wanaagsan. Waxay isdhaafsadaan hub iyo tababarro.
MDXSM: Waxaan ka codsanaynaa Madaxweyne Trump inuu san ka saarin la-taliye-yaasha iyo khubarada Maraykanka ee tababaraya ciidamadeenna gaarka ah. Xaqiiqdii, waxaan dalbaneynaa in Maraykanku kordhiyo tiradooda ciidan si aan u ciribtirno al-Shabaab inta uu Trump xafiiska joogo.
MDXSM: Tani waa wax ka duwan arrinta Yukrayn. Yukrayn, arrinteedu waa dagaal u dhexeeya laba dal. Laakiin la dagaallanka kooxaha argagixisada, kuwaas oo aan lahayn xiriir dowladeed, waa arrin kale. Waxaan u baahanahay taageero ciidan oo aad u badan. Madaxweyne Trump waa nin ficileed; wixii uu sheego waa uu ka dhabbeeyaa. Waxaan rajeynaynaa inuu Soomaaliya qorshihiisa hawleed ku darsado. Taasi waxay noqon lahayd arrin wanaagsan. Waan jeclaan lahaa inaan ka siiyo sawir sax ah oo Soomaaliya xaaladdeeda dhabta ah ka tarjumaya. Maraykanku feker ahaan waxa saameyn ku leh filimada sida Black Hawk Down ama Captain Phillips. Waxay muujinayaan in Soomaaliya tahay meel xun, balse Soomaaliya ma aha meel xun oo sidii hore waa dhaantaa.
MDSXM: Waxaan rabnaa Soomaaliya oo ka xorrowday al-Shabaab, Soomaaliya oo ah dal dimuqraadi ah, iyo Soomaaliya oo noqota saaxiib dhow oo muddo fog la leh xiriir Maraykanka. Taas baan rabaa in la igu soo xasuusto.
Waxaa laga soo turjumay halkan.