Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Talinta Riyomaalmeedka

27 April, 2025
Image
xasan
Share

Muddo hadda laga joogo 14 sannadood, waxa booqasho ku yimid dalka Suudaan nin aanu magaciisu ku filnayn in uu sheego qofka uu yahay. Sida aan gadaal ka ogaaday, waxa loo keenay dalkaas si magaciisa iyo xidhiidhadiisa kor loogu qaado, gaar ahaan dhalinyarta islaamiyiinta ah dhexdooda. Waxa lagu martiqaaday in uu hadal u jeediyo ardayda iyo jaaliyadda Soomaalida ee dalka Suudaan. Waa ay caddayd in, sida caadada ka ah suuq-geynta hoggaamiyeyaasha la gardaadinayo, la rabay in kor loo qaado magaciisa lana dhiso burjigiisa siyaasadeed. Waxa loogu yeedhay ‘Hoggaamiyeha Xisbiga Horumarka iyo Nabadda – PDP’ oo ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Aniga, waxa ay ii ahayd dhacdo gaar ah. Muddadii ka horreysay intaas oo dhan, waxa ay Soomaaliya lahayd, kuna faafay warbaahinta dunida oo dhan, kooxo siyaasadeed oo leh magacyada qabqableyaal dagaal, kooxo mayal-adag – mararna loogu yeedhi jiray ‘kooxaha xagjirka ah’ iyo maleeshiyo beeleedyo u abaabulan mooryaan ka macaashta jidgooyada. Markii ugu horreysay ee aan maqlo magaca ‘xisbi’ waxa ay ahayd markii la sameeyay Xisbul Islaam oo ahaa garab hubeysan oo ay isugu biyo-shubteen midigtii dhexe ee Itixaadku, ka dib markii ay midigta fog aadeen qaybo ka mid ahaa xarakadu oo ay la baxeen al-Shabaab. Xisbul Islaam, in kaste oo uu magac ahaan xisbi ahaa, waxa uu ahaa jabhad islaami ah oo aan ka duwanayn kooxihii dagaallamayay labaatanka sannadood. Xisbiga Nabadda iyo Horumarku waa uu ka duwanaa; waxa uu ahaa xisbi rayid ah oo aan lahayn garab hubeysan, magaca ahaanna waxa uu ku suntanaa ‘nabad’ oo ah waxa ugu muhiimsan ee ay Soomaaliya tabayso, iyo ‘horumar’ oo ah ujeedka labaad ee ay tahay in uu soo raaco xaqiijinta nabadda. Waxa uu u muuqday xisbi laga fikiray ajendihiisa iyo yoolkiisa. Sidaa awgeed, waxa aan go’aansaday in aan soo dhageysto hadal-jeedinta ninkaa ‘horbaxa ah’.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waa uu hadlay, oo ka hadlay ujeedka xisbigiisa iyo yoolkiis, kana hadlay aragtiisa iyo abbaarta uu u arko in laga galo arrinta Soomaaliya. Waxa kale oo uu ka hadlay qaddiyadda midnimada iyo kala-baxa Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Waxa uu ahaa aftahan isku dayaya in uu erayadiisa ku qabsado quluubta dadka madasha yimid ee aanu magaciisu uga soo horreynin. Waxa uu ka hadlay sida nabadda lagu gaadhi karo oo uu ku adkeystay in ay ‘fudud’ tahay, waxa uu sheegay in aanay Soomaalidu is-dilayn ee ay cid kale isku-dilayso, waxa uu ka warramay sida ay dhinacyada ku loollamaya siyaasadda Soomaaliya u yihiin ‘dad isku ujeeddo ka ah xalka Soomaaliya se u maraya wadiiqooyin kala duwan’. Weedhaas dambe waxa ay i horkeentay isla iyada oo ay adeegsadaan islaamiyiinta ‘Ikhwaanu Muslimiinka’ marka ay la hadlayaan dadweyneha, si ay kooxaha kala duwan ee Muslimiinta u huwiyaan hu’ isku ujeeddo ka dhigaya, iyada oo ay dhab ahaan kala ujeeddo yihiin, heer is-gaaleysiin iyo is-bidceysiin ah. Waxa kale oo uu Xasan Sheekh ka sheekeeyay horumarka uu u socdo oo uu u dhigay ‘wax uu meel dhaw ka soo qaadayo’ isaga oo isticmaalaya tusaaleyaal dalal ay hoggaamiyeyaashoodu horumariyeen oo aanu xusin ama uu ka raad-gatay in uu tilmaamo xaqiiqada ah in hoggaamiyeyaashaasi aanay dhaxlin talada ‘dal Soomaaliya oo kale ah’.

Marka laga tago in uu codkar iyo aftahan ahaa, waxa uu hadalkiisu ka madhnaa wax nuxur ah oo si dhab ah u abbaaraya sidii loo furdaamin lahaa dhibaatada ribbatay ee Soomaaliya. Sida uu aniga iigu muuqday, dibna ka caddaatay, waxa uu ahaa nin aan xubinnimo adag ku lahayn kooxihii ka jiray Soomaaliya ee hubeysnaa iyo kuwii lahaa abaabulka aydhiyoolojiyeedba,

laakiin ku soo dhex noolaaday uguna soo dhexdhaqmay hab-fikirka isbadbaadinta ee ku dhisan ‘cidna wax ha u dhimin’. Waxa aad u kala fogaa hadalkiisa niyad-salaaxa ah ama dararinta ah iyo waaqica murugsan ee Soomaaliya. Waxa lagu jiray xilli qalalaasaha Soomaaliya ee ay qabyaaladdu shidaalinaysay uu isu rogay mid ay aragtiyaha diineed ku yeesheen saami weyn. Waqtigaas, waxa jiray dagaallo xooggan oo ka dhacay Muqdisho. Wax yar ka hor, waxa ay Dawladdii Kumeelgaadhka ahayd ku sigatay in ay dhacdo, haddii aanay difaacin Ciidanka AMISOM oo is hortaagay in Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo iska barbar dagaalayaa ay qabsadaan Madaxtooyada Soomaaliya oo uu degganaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Koonfurta oo dhan waxa haystay kooxahan hubeysan oo ay isa sii taraysay tirada ajaanibta jihaad-doonka ah ee u soo dusayay Soomaaliya, iyo xidhiidhka al-Qaacida oo sii rasmiyoobayay. Waxa intaa dheerayd, macaluul daran oo ku dhufatay deegaannada koonfurta oo galaafatay nolosha dad lagu qiyaasay 250 kun oo Soomaali ah. Xilligaas, dunida oo dhani waxa ay la anfariirsanayd warka Soomaaliya ka imanaya oo ku yaallay ‘dhafoor godan, tafeenno wayd ah iyo geeri tarabtarab ahayd’. Isla xilligaas, Mudane Xasan Sheekh waxa uu ka hadlayay, isaga oo aanay wejigiisa seegin rayraynta iyo liibaantu uu kula baxay ‘Qoslaaye’, arrimaha Soomaaliya iyo xalalka siyaasadeed ee ka suuragalka ah oo, sida uu u sheegayay, aan fogeyn iyo horumar meel soke laga laaci karo.

Hadalkiisu waxa laga yaabaa in uu ku fiicnaa kolkii la joogo khudbadaha dhiirrigalinta iyo mirqaaminta nafta ee looga bartay xirfadleyda abuurta hummaagga bilicsamaanta nolosha ee u wacan durbaanka caaddifadeed ee gudaha qofka. Ha se ahaato e, siyaasi u soo hinqaday talada dal ay xaaladdiisu sidaa u murugsan tahay waa in uu fahansan yahay waayaha waaqiciga ah isla markaana uu fahansiin karo dadkiisa sida uu u fahansan yahay iyo sida uu u kala guri karo murugsanaanta xaalka. Mudane Xasan, waxa uu u muuqday nin si daacadnimo leh maalin-weyn u riyoonaya kuna miiggan riyadiisa. Sidii uu ii soo jiitay magaca xisbigiisa rayidka ahi, xilli uu abaabulku ahaa mid hubeysan, si la mid ah waxa i didiyay hadalkiisa. Waxa aan ka qaatay aragti ah in Xasan Sheekh uu yahay labo midkooda; nin cidlo gudaya oo aan siyaasad iyo dawladnimo haabkeeda haynin oo la soo shir yimid doonis jamasho ah oo aan runoobi karin, sida ku dhacda dad badan oo ku riyooda in ay madax noqdeen laakiin aan weligood noqon looga-qaateen siyaasadeed, maaddaama oo aanay tubteeda weligood ku dhicin, iyo in uu yahay dhagar qoslaysa oo uu doonayo in uu laabaha quustay ee Soomaali badan ku igadh-salaaxo erayo macaan oo uu ugu bidhaamiyo janno adduun oo gaaban. In uu shakhsigaa dambe yahay waa aan maleeyay, se uma aan maleyn in uu ku guuleysan karo.

Muddo sannad ka yar ka dib, waxa la qabtay doorashadii ugu horreysay ee lagu qabto taandhada caanka noqotay ee Muqdisho, ka dib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991kii. Si khilaafsan curfigii qabiil iyo xeeladihii hanashada awoodda ee la soo arkayay labaatankii sannadood ee ka horreeyay, waxa uu Xasan Sheekh ku guuleystay xilka Madaxweyneha Soomaaliya, oo markaa ka baxday marxaladdii Kumeelgaadhka. Waxa uu doorasho si furan loogu tartamay kaga guuleystay Madaxweyne Shariif oo ay isku hayb hoose yihiin, waana markii koobaad ee uu nin la hayb ahi wareegga ugu dambeeya la tagay madaxweynihii xilka hayay, kana guuleystay. Kolkii uu Madaxweyneha noqdayba Xasan Sheekh, waxa caddaatay in uu yahay nin ay keentay koox xidhiidho adag lehi. Waa isla kooxdii iibgeynayaysay kolkii uu ahaa ninka aanay dadka badani aqoonin.

Kooxdan oo la ogaaday in ay tahay ‘Damu-Jadiid’ oo ah garab ka jabay koox diineedka Al-Islaax, ka dib 2006, oo iyagu go’aansaday in ay qayb ka noqdaan isbahaysigii la odhan jiray Maxaakiimta Islaamiga ee qabsaday Soomaaliya bilowgii sannadkaas, waxa ay kooxdani

markan bilowday qorshe awood-maroorsi oo ay uga gol leedahay sidii ay kursiga ku sii xejisan lahayd; waxa ay bilaabeen in ay qortaan boqollaan dhalinyar ah oo lagu beerayo aragtida kooxda laguna dhex beerayo hay’adaha maamulka. Ciidanka, amniga/sirdoonka, safaaradaha iyo xilalka kala duwan ayaa lagu gurayay dhalinyar loo xulanayay si gaar ah. Meelaha uu qorshahaa xooggani ka socday waxa ka mid ahaa dalka Suudaan oo dhalinyar badan laga ciidamiyay, waxana ay sidaas salka ugu dhigeen siyaasadda ku dhisan kooxeysiga daneed iyo is-dhaarsiga, waxana ay u muuqatay in Soomaaliya uu ka hirgalayo xukunka Ikhwaanu Muslimiinku.

Xasan Sheekh, sidii ka muuqatay hadaljeedintiisii aan ku bartay, ma lahayn aragti diini ah, siyaasad fikri ah, iyo hab-dhaqanka kooxeed ee laga bartay Ikhwaanka. Waxa uu, keliya, u muuqday nin is tusay oo ay u caddahay fursad hoggaamineed. Sidaa awgeed, kolkii uu xilka qabtay, waxa uu ka shaqeeyay hirgalinta danta kooxda iyo dantiisa shakhsiga ah oo ka madhan wax dawlad-dhis ah, sidii aan filayay. Xasan waxa uu helay fursad aanu helin Madaxweyne ka horreeyay; waxa uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee ku soo beegmay xilligii ay Soomaaliya ka baxaysay Kumeelgaadhka, waxanu helay awood rasmi ah. Waxa uu awoodahaas kaga shaqeeyay oo caanbaxday hanti-boob, kooxeysi qabiileed, iyo in uu wax kaste oo dalka la xidhiidha u maamulo sidii mashruuc uu leeyahay shisheeye oo uu fulintiisa ka macaasho una fuliyo keliya sidii ay ugu badinayso ka-macaashiddu. Siyaasaddaa kooxeysi ee musuqa iyo macaash-doonka ku dhisani waxa ay hurisay colaado qabiil oo dib uga curtay deegaanno in badan degganaa. Soomaalidu, sida ay u badan tahay, waxa ay isku raacday in kooxda uu Xasan Sheekh hoggaaminayaa ay talada u haysato fadhateysi, hurinta colaado qabiil iyo in ay u nugul yihiin danaha shisheeyeha iyo xagjirka ay metalayso Alshabaab. Sababtaa awgeed, waxa ay Soomaali badani u dabbaaldegtay doorashadii 2017 oo xukunka laga tuuray Xasan Sheekh iyo kooxdiisa, si kaste oo ay isugu dayeen in xukunka ku xejistaan musuq iyo awood-maroorsi. Mawjaddii farxadeed ee ka dhalatay dhicitaanka Xasan Sheekh, waxa afduubtay kooxdii uu Madaxweyne Farmaajo hoggaaminayay oo, iyaduna, ku dhawaatay in ay tareenka dawlad-dhiska Soomaaliya ka saaraan dhabbihii u yaallay.

Waa is-diiddooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya e, waxa mar kale dib loo doortay Xasan Sheekh, iyada oo ay ku suuragashay abaabul qabiil oo xooggan oo ay hoggaamintii Maxamed Farmaajo ka abuurtay Muqdisho. Waa ay muuqatay in Xasan iyo kooxda ku xeeran oo ay sarriigashada iyo dhawrsigu ku yar yihiin ay shidaalinayaan kana faa’iideysanayaan abaabulkaa qabiil oo ku dhawaaday in uu dagaal sokeeye dib uga qarxo Muqdisho.

Labo muddo-xileed oo uu Mudane Xasan Sheekh noqday Madaxweyneha Soomaaliya, waxa uu muujiyay in uu yahay nin xaqiijinaya riyo shakhsi ah oo ku dhisan fadhateysi dhaqaale, iyo riyo-maalmeed siyaasadeed oo ku qotonta in shisheeyeha loo rahmo Soomaaliya iyo in danta siyaasadeed ee dalkiisa lagu gaadhi karo hirgalinta danaha shisheeye oo aan xad lahayn. Xasan Sheekh, oo hore uga soo shaqeeyay mashaariicda shisheeyuhu ka fuliyo Soomaaliya, waxa uu dawladnimada u maamulay sidii ay tahay mashruuc dibedda laga soo qaatay oo, keliya, laga fulinayo Soomaaliya. Labadiisii muddo-xileedba waxa uu Soomaaliya galiyay heshiisyo tirobeel ah oo isburinaya, isla markaana wiiqaya madaxbannaanina horeba u wiiqantay ee Soomaaliya; Itoobiya, Masar, Turkiga, Imaaraatka, Maraykanka, Shiinaha iyo xitaa Aderbijaan ayaa uu u saxeexay heshiisyo istiraatiiji ah oo qaarkood ay u beddelayaan Soomaaliya furin dagaal oo halis galinaysa mustaqbalkeeda.

Dhanka kale, waxa uu Xasan Sheekh muujiyay karti-darro tusaale noqon doonta oo ku saabsan maamulka dawladnimada. Waxa ay karti-darradaasi gaadhsiisan tahay heer uu hanan kari waayay kalsoonida deegaanka uu shakhsi ahaan ka soo jeedo oo uu in badan u lumiyay kooxda Alshabaab oo intan dambe isku fidisay dhul aad u ballaadhan oo deegaanka uu ka soo jeedo ah, isla markaana ay khatar ku tahay mashruucii dawladeed ee uu dadaalka badani galay, rubuc qarnigii ugu dambeeyay. Maalmo ka hor, waxa ay Alshabaab qabsatay degmada Aadan Yabaal oo ah xaruntii ugu weynayd ee uu Ciidanka Soomaaliya ku lahaa gobollada dhexe. Waxa ay kooxdu qaban gaadhay ama dili gaadhay Taliyeha Guud ee ciidanka oo halkaas ku sugnaa. Waxa ay ahayd arrin dunida oo dhan ka abuurtay walaac ku saabsan in hay’adaha federaalka Soomaaliya ay u kala daataan tabtii kuwii Afgaanistaan. Xaaladdaas markii lagu jiray, waxa uu Xasan Sheekh isugu yeedhay madaxda maamullada ay wada-shaqeyntu ugu hadhsan tahay xukuumaddiisa. Waxa loo dhegtaagayay in uu kulankaa ka soo saaro xaalad degdeg ah iyo in Alshabaab lagu qaado duullaan ay maamulladani ka wada qaybgalaan. Ha se ahaato e, waxa ka soo baxday arrin looma-fadhiyaan ahayd; waxa uu kala hadlay madaxdaas sidii ay ula sameysan lahaayeen xisbi siyaasi ah oo ay ku galaan doorashada soo socota oo ah ‘qof iyo cod’ uu keligii og yahay halka ay ka dhacayso. Waxa cad in Xasan Sheekh uu yahay nin ay hagto riyomaalmeed oo ku dhex lumay, waxana la lumaya dawlad-dhiskii Soomaaliya ee gaabiska ahaa.