Saturday 8 November 2025
Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, waxana ay ka wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa ka mid ahaa tiro madax ah oo ka qaybgalay furitaankii shalay ee Dhaamka weyn ee Itoobiya oo ay si weyn uga gadoodsan yihiin dalalka Masar iyo Suudaan. Madaxda ka qaybgashay ayaa ka yarayd tiradii la filayay, waxana loo aaneynayaa in dalal badani ay uga baaqdeen iyaga oo xeerinaya mawqifka dalka Masar oo, isla shalayba, warqad diidmo ah u qoray Goleha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Madaxweyneha Soomaaliya, oo xidhiidh dhaw la yeeshay dalka Masar, labadii sannadood ee la soo dhaafay, isla markaana ay Masar is garabtaagtay markii uu xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya xumaaday, ayaa ka qaybgalay xafladda furitaanka, arrintaas oo kicisay falcelinno dhaliilsan oo ka yimid baraha bulshada, gaar ahaan Masaarida. Ha se ahaato, Madaxweyneha Soomaaliya waxa uu aad u quuddarreynayaa taageerada Itoobiya oo saameyn xooggan ku leh gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Gedo oo ay ku hardamayaan isaga iyo kooxo taageersan Kismaayo, waxanu Madaxweyne Xasan u arkaa in taageerada Itoobiya, oo saameyn gaar ah ku leh gobolkaasi, ay kor u qaadi karto fursadihiisa siyaasadeed ee doorashada soo socota ee hannaankeeda lagu muransan yahay.