Skip to main content

Sunday 16 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Xasan Sheekh deegaanka ‘Waqooyi Bari’ waxa uu dhacaa xadkii hore Somaliland iyo Somalia waxanu mar kaste ahaa mid u nugul khilaafaadka

17 September, 2025
Image
Xasan Sheekh deegaanka ‘Waqooyi Bari’ waxa uu dhacaa xadkii hore Somaliland iyo Somalia waxanu mar kaste ahaa mid u nugul khilaafaadka
Share

Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay xukuumaddiisu taageertay ‘Maamulka Waqooyi Bari’ ee dhawaan laga dhisay Laascaanood si maamul maxalli ah oo shaqeynaya looga dhiso deegaankaas oo leh ‘Xasaasiyado gooni ah’.

Madaxweyne Xasan ayaa wareysi uu siiyay muuqbaahiyeha al-Carabiya ku sheegay in deegaankaas oo dhaca xadka xilligii gumeysiga kala qaybin jiray Somaliland iyo Somalia uu weligiiba ahaa meel nugul ama xasaasi ah. Waxa uu tilmaamay in deegaankani ahaan jiray dhulkii ‘Sayid Maxamed Cabdille Xasan’ oo loo yaqaannay ‘Wadaadkii waalnaa’, mar kastena uu ahaa goob uu khilaaf ka taagnaa, oo xitaa lagu khaarajiyay Madaxweynihii ugu dambeeyay ee si dimuqraaddi ah loogu doorto Soomaaliya. Sababahaas taariikhiga ah ayaa uu sheegay Madaxweyne Xasan in uu u taageeray in maamul u gaar ah deegaanka laga dhiso aaggan oo ka ‘tirsanaa Somaliland’.

Dhanka kale, waxa uu Madaxweyneha Soomaaliya ku dooday in uu Madaxweynihii hore ee Somaliland kala hadlay in la maareeyo colaadihi ka dhacay deegaankaas ee u dhexeeyay ciidanka Somaliland maleeshiyo beeleed deegaanka ah, arrintaas oo uu sheegay in aanay guuleysan. Waxa uu, sidoo kale, xusay in maamul la’aanta deegaankani ay mushkilad ku ahayd Somaliland iyo Puntland, labadaba.

Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan si mug leh uga hawlgalay in uu Laascaanood ka dhiso maamul isaga u daacad ah oo muran badan ka abuuray beelaha deegaanka, isla markaana ay ku gacansaydheen Somaliland iyo Puntland labaduba.