Skip to main content

Saturday 13 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Waraysi

Xasan Maki: Suudaan waxa ay u Dhaxaysaa Marxaladihii Sooyaal iyo Isbeddellada Geeska Afrika

29 May, 2026
Image
Xasan Maki: Suudaan waxa ay u Dhaxaysaa Marxaladihii Sooyaal iyo Isbeddellada Geeska Afrika
Share

Diktoor Xasan Maki waa mufakir iyo akaadami Suudaani ah, oo dhiga diraasadaha Afrika. Waxa uu ka qaybqaadasho muuqata ku leeyahay gorfaynta arrimaha Suudaan iyo gobolka. Waxa uu heerka borofaysarnimada ee diraasadaha Afrika haystaa laga soo bilaabo labadii kun, waxaanu leeyahay buugag iyo cilmibaadhisyo uu ku lafaguray dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan, xaaladaha muslimiinta Eretariya iyo siyaasadaha dhaqan ee Soomaaliya, waxaana u dheer gorfayntiisa joogtada ah ee uu ku sameeyo awoodaha siyaasadeed ee Suudaan iyo gobolka Geeska Afrika.

Fikirka Maki waxa uu ku arooraa akhrisyo sooyaal iyo siyaasadeed oo qotodheer, oo aaminsan in Suudaan oo Afrika yar ahi, ay tahay muraayadda laga dheehan karo lakabyo kala duwan oo kala ah beelo iyo dhaqamo, sidoo kalena aaminsan in dhibaatooyinka hadda Suudaan ka taagani aanay ahayn dhibaatooyin hadda uun dhashay, se ay yihiin dhibaatooyin tuulmayey muddo dheer oo ku salaysan dhibaatooyin sooyaal iyo siyaasado dibadeed. Waraysi lala yeeshay, waxa uu Suudaaniyiinta ku tilmaamay in ay hadda ku sugan yihiin marxalad kala guur ah, oo u dhaxaysa soojireenkii iyo mashruuc siyaasadeed cusub oo aan weli hirgelin, kuna dhex jira ajandayaal gudeed iyo kuwo dibadeed oo yoolkoodu yahay in aqoonsiga waddaniyadeed ee dhabta ah la kala qoqobo.

Maki waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsanayaa muhiimadda ay leedahay in la fahmo jaangooyayaasha gobolka ee Geeska Afrika ka jira, oo ah gobol firfircoon oo ay ku hirdamayaan danaha Itoobiya iyo Soomaaliya oo dhinac ah, iyo danaha Suudaan iyo Koonfurta Suudaan oo dhinac kale ah. Waxa uu bedka keenayaa akhris gorfayneed oo lagu naqdiyo hannaanka maaraynta dhibaatooyinka, iyada oo aan keliya la adeegsan hawlgallo millatari amaba faragelin dibadeed oo aan lahayn fahankii qotodadheeraa ee xaaladaha gudeed, sooyaal ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Xasaan Naasir: Diktoor Xasan, waxa aannu ognahay inaad keentay iftiimin cajiib ah oo ku saabsan “seeska dawladnimada”; adigoo hay’adihii uu Ingiriisku dhisay u arka kuwa kaliya ee samatabaxay, halka kuwii kale ay dumeen. Ma waxa aad u jeeddaa in dawladda waddaniga ahi ay ku fashilantay gundhig dhab ah oo ay dawladnimo dejiso toddobaatankaas sanno ee xornimada laga joogo?

Xasan Maki: Marka laga warramayo dhibaatada kala soocda soojireenka iyo waxa cusub, innagu hadda waxaynnu noolnahay toddobaatan guuradii kasoo wareegtay madaxbannaanidii Suudaan. Ka sokow dhismaha badan ee la sameeyey, haddana haayadaha dhabta ah ee Suudaan waa kuwii uu Ingiriisku dhisay; Suudaan haayado kale oo xerodhulan ah ma laha. Sida Jaamacadda Kharduum, madaarka Kharduum, iyo jidadka tareen ee loogu talogalay inay Suudaan isku xidhaan, walow wax badani dumeen.

Xasaan Naasir: Haayadahan aad sheegtay waa ay taagnaayeen muddadaasba, se qofka u fiirsadaa waxa u ogaanayaa in “guulihii la taaban karayey” ay hirgaleen inta badan xilliyadii xukunka millatariga. Sidee ayaad u fasiri kartaa doodda ku saabsan maqnaanshaha dimuqraaddiyadda iyo jiritaanka koboc dhab ah?

Xasan Maki: Muddadan toddobaatanka sanno ah ee laga joogo madaxbannaanidii Suudaan, millitarigu waxa ay talada hayeen muddo ku siman 58 sanno, rayidkuna waxa ay xukunka hayeen 12 sanno. Se waxa aynnu arkaynaa in muddadii millatarigu joogeen la fuliyey waxqabadyo waaweyn; xukunkii millatari ee koowaad (xilligii Cabbuud) waxa la hirgaliyey warshado waaweyn, sida tii sonkorta, jidadka tareennaduna waxa ay gaadheen ilaa Niyaala.

Maalmihii Madaxweyne Numayrina, Suudaan waxa laga sameeyey shabakado waddooyin ah oo Suudaan isku xidha, waxaana la dhisay mashaariic beereed, dib-u-habaynta dhulalka, wejigii cusbaa ee shirkadda duulimaadyada iyo in siyaasadda laga soo raray midawgii hantiwadaagga, oo la qaadsiiyey jidka Islaamiga ah. Soddonkii sanno ee tagayna, ka sokow xayiraadihii dalka saarnaa iyo go’doonkii, haddana waxa jiray waxqabadyo waaweyn oo jidadka, isgaadhsiinta iyo waxbarashada sare ah.

Xasaan Naasir: Kolka laga warramayo haayadda millatariga, ciidanka Suudaan waxa uu u muuqdaa mid jaadgoonni ah kolka la barbar dhigo kuwa deriska, ee dhex dabbaashaay malleeshiyado isir. Waa maxay waxa millatariga Suudaan sooyaal ahaan sooca ka dhigay, ee ka ilaaliyey in isir ahaan ay u rifmaan, sida ka socota Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan?

Xasan Maki: Marka laga hadlayo Suudaan, Masar ka dib, waa dalka keliya ee deriskiisa marka la barbardhigo ilaashaday “ciidan qawmi ah”, xirfadlayaal ah, oo ku dhisan haayadda millatari iyo dhaqamada kala dambaynta, ha noqdaan dhaqamadii laga dhaxlay Ingiriiska ama ha noqdeen kuwii Masar laga dhaxlaye. Dalalka kale ee gobolku waxa ay isu beddeleen malleeshiyaad; Eretariya iyo Itoobiya ayaa ugu sii xaalado kakan. Xilligii Mingistu, waxa hoos loo dhigay ciidamadii Amxaarada, ka dibna ciidanku waxa uu u xuubsiibtay Tigray, imikana waxa uu u xuubsiibtay Oromo.

Macnaha ciidanka Itoobiya waxa uu isaga gudbay saddex marxaladood oo isir ku salaysan, ilaa haddana waxa hadheeyey isirka, si kastoo kulliyado dagaal u jiraan. Koonfurta Suudaanna, dhibaatada ciidamada qaran haysataa waa in uu yahay jabhaddii “Dhaqdhaqaaqa Shacabka ee Xoraynta Suudaan”, ciidankuna waxa uu ku dhismay loollanka ka dhex jira Dinka iyo Nuwayriga, ciidankii horena meesha waa uu ka baxay. Kolka la tago Afrikada Dhexena, ciidan dhab ahiba ma jiro, Faagnarka Ruushka, sirdoonka Faransiiska iyo beelo ayaa jira.

Kolka Jaad la eegana, xaaladdu sidii hore waa ay dhaantaa laga soo bilaabo markii uu xukunka qabtay Idriis Daybi, se awoodda weli waxa leh isirka Saqaawa. Liibiya waxa jira ciidan cusub oo Tiriboli jooga, oo gundhigiisa ay leeyihiin Islaamiyiin, halka ciidanka Banqaasi ay gundhiggiisa yihiin beelo bariga ah iyo hadhaaga ciidankii al-Qaddaafi. Markaa, Suudaan waa ay ilaashatay ciidankeeda, waana ciidan aan loogu kala abtirin isir, walow Nuubiyada, Shaayiqada iyo Jacliyiintu ay doorbidi jireen ka shaqayntiisa sooyaal ahaan, waana ku kala badnaansho caadi ah oo dunida oo dhan lagu arko.

Xasaan Naasir: Haddii ciidanku xirfaddiisa ilaashaday, siyaasaddu waxa ay u muuqataa inay weli jidkeedii raadinayso. Idinku waxa aad ku baaqaysaan mashruuc siyaasadeed oo aan ku tiirsanayn “dimuqraaddiyadda” Galbeedka ee soojireenka ah, se ku dhisan wadatashiga (al-Shuuraa). Sidee ayaa hannaankan looga hirgalin karaa waaqaca dal la daalaadhacaya adaygyo adeeg iyo horumar?

Xasan Maki: Suudaan hadda waxa ay u baahantahay mashruuc siyaasadeed oo cusub; mashruuc aan keliya ku dhisnayn dimuqraaddiyadda Galbeedka ee salkeedu yahay “kala badsiga waraaqaha iyo codadka”. Waxa aannu u baahannahay kala guur siyaasadeed oo wadatashiga gunta kasoo dhisa.

Kala sarrayntaas laga soo bilaabi karo gole sharcidejin oo laalan, waa sida in hawada iniinyo lagu beerayo. Dhinaca horumarintana, waxa waajib ah in lagu dedaalo jidadka, korontada, iyo waxbarashada xirfadaha. Sannadihii dambe, Suudaan waxa ay noqotay mid shaqooyinka fudud ku tiirsan shaqaale dibadda ka yimaadda, sida Filibbiin, Turki iyo Masaari.

Waxa loo baahanyahay dhisidda kabayaal cusub, dhismahaasina waxa uu rabaa shaqaale xirfad leh. Suudaan waxa ay ku dhawdahay konton milyan oo qof, waxaana jira 15 milyan oo dhallinyaro ah oo shaqo iyo guur u baahanaya sannadaha soo socda. Waxa kale oo jira labaatan milyan oo da’da kontonka dhaafay. Dhammaan dhallinyaradaasi uma baahna waxbarasho sare, sida dhakhaatiir iyo injinneerro, se waxa ay u baahan yihiin waxbarasho farsamo-gacmeed, iyo shaqooyinka kalkaalinnimo, oo ah dhinacyada hadda xoogga loogu baahan yahay.

Xasaan Naasir: Mashruucan gudeed waxa lama huraan ah inuu hirdiyo caqabadaha dibadeed; sidee ayaa dastuurka Suudaan ugu suurogalaysaa inuu koobsado caqabadahan isaga oo aan sadqaynin aqoonsigii iyo fedderaalkii?

Xasan Maki: dhibaatooyinka dibadeed ee Suudaan waa kuwo saddex qodob kusoo urura: xidhiidhka lala yeelanayo Israa’iil (oo ka dhalanaya ololihii Suudaan ee hore iyo saddexdii diidmo), mawqifka laga istaagayo qaddiyadaha casriyowga (jandarka, xuquuqda gabadha iyo aqoonsiga) oo ah qaddiyado uu waajibinayo habraaca Maraykan, iyo hannaanka dhaqaale ee caalamiga ah (bangiyada iyo ribada).

Waxa lagama maarmaan ah in khiddaabkaaga siyaasadeed uu fahmayo caqabadahan isla falgashan. Dastuurkii 2005-tii waxa uu ku wanaagsanaa inuu tixgaliyey afafka iyo qoomiyadaha, iyo xaqa ay u leeyihiin inay afafkooda wax ku bartaan. Federaalku waa seeska talada, waxaana waajib ah inuu federaal dhab ah noqdo. Waxa waajib ah inaynu ka fogaanno “isxuddumaynta Masar”; oo Masar waxa ay ku nooshahay Niilka (1300 km), sidaas ayaanay u fududdahay xakamaynta nolosha dadka, biyahooda, iyo korontadoodaba, oo gacan dhexe maamusho.

Hase ahaatee, Suudaan waxa ay Niilka ku leedahay 6000 km, keliya boqolkiiba konton bulshada ayaana hareerihiisa ku nool, halka bulshad inta kelana ku nool yihiin Junayna, Boortsuudaan iyo meelaha kale. Sidaas daraaddeed, waxa lagama maarmaan ah nidaam daadegsan; gobollada niilku maamul dhexe badh ahaan waa ay aqbali karaan, se Kurdufaan waxa ay u baahan tahay federaal heersare, halka Daarfuurna ay u baahan tahay federaal dhammaystiran, siyaasad iyo dhinac kastoo kaleba. Gobol kastaa waa inuu qaataa nooc xukun oo ku habboon sooyaalkiisa iyo baahiyahiisa.

Xasaan Naasir: Waxa aad xustay in dalalka Khaliijku ay yihiin il taageerada dhaqaale ah, se haddana waxaad ku tilmaantay inay siyaasad ahaan “dhuuxa ka maraykiyeysan yihiin”. Cadaadiskan oo jira, ma kula tahay in Geeska Afrika heli karo albaab istiraatiiji ah oo uu u maro waxa aad ku magacawday Koonfadaraali?

Xasan Maki: Dalalka Khaliijku keliya ma aha dalal dibadeed, ee sidoo kale waa xuddunta soo jiidata shaqaalaha Suudaan, iyo isha Suudaan ka hesho lacagaha adag, sidaas darteed, Suudaan waa ay ku tiirsantahay dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba. Se tilmaanta siyaasadeed ee dalalkani waa mi dhuuxa Maraykan ka ah.

Kolka Geeska Afrika la eego, ma jiro beddel lagu doorsan karo midnimada iyo isdhammaystirka dhaqaale iyo siyaasadeed. Haddii kooxo la isu qaybiyo, koox kastaa waxa ay codsanaysaa madaxbannaani, sidanna waxa khayraadkii lagu luminayaa hirgalinta safaarado iyo xukuumado aan marka horeba khayraad lahayn. Xalku waa waxa aan ku magacaabo “Koonfadaraaliga Geeska Afrika”; dalal leh madaxweynayaashooda, se leh hal siyaasad arrimo dibadeed, isdhammaystir dhaqaale, hal lacag ama lacago la isku beddelan karo, iyadoo dhaqaalaha Suudaan, Masar iyo Itoobiya isku tiirsanyihiin, loomana baahna wax badan oo dibadda laga soo dhoofsado.

Xasaan Naasir: Haddii aynnu u wareegno ka hadalka gudaha bulshada, waxa si joogto ah looga hadlaa “bulshada rayidka ah”, se adigu waxa aad tilmaantaa in haayadaha sida dalladaha iyo jaamacaduhu ay dhabtii yihiin “ubadka dawladda”, oo aanay ka soocnayn. Kolka arrinku sidan yahay, waa kuwee haayadaha la iska illaaway, ee aad u aragtid in xoojintoodu lagama maarmaan u tahay ilaalinta aqoonsiga iyo ahaanshaha?

Xasan Maki: inta badan dadku waxa ay ka hadlaan ururrada bulshada rayidka ah, iyo xitaa kaalintaynnu ku leenahay ururradaas; macnaheedu waxa uu yahay in midawyada iyo dalladaha dawladda ka jira, inay dawladda uun ka mid yihiin. Waxbarashada sare ama jaamacaduhu, waxa ay dareemayaan dhibaatooyinka jaamacadahooda ee ka haysta wasaaradda maaliyadda ama dhinacyada kale, se tani ma yaraynayso muhiimadda inay jiraan dallado macallimiinta ah, beeralayda ah ama darawallada ah.

Se waxa aan aaminsanahay in ay jiraan ururro bulsho oo la iska dhegamariyo xoojintooda, waana jirayaasha bulshada Suudaan ku tiirsantahay, sida duruqda suufiyada, sababtoo ah dariiqyadaa suufiyadu waa kuwo beelaha isaga gudba. Mid ka mid ah waxyaabaha Suudaan wiiqay waxa ka mid ah jileeca ku yimi xisbiyada siyaasadda; oo baabba’oodu waxa uu keenay galdaloollo waaweyn, waana waxa albaabka u furay in Suudaan xukun millatari ku jirto.

Waxa lagama maarmaan ah in la xoojiyo ururrada ruuxiga iyo diiniga ah, iyo xoojinta ururrada dhaqan ee beelaha yaryar isaga gudba, sababtoo ah waa ururro baahsan. Waxa kale oo muhiim ah xoojinta dhaqanka Islaamiga iyo Carabiga ah; sababtoo ah, dhaqankan oo lagu midaysan yahay la’aantii arrinku ma toosayo, dunida oo dhamina sidan bay u jirtaa, iyadoo dhaqanka Isbaanishka iyo kuwo kaleba jiraan, dhaqanka Ingiriisigu waa dhaqanka qawmiyadda Maraykan ku tiirsantahay, sidoo kale xilli luuqado kale jiraan, sida Ayrishka, haddana afka BBC iyo afka boqortooyadu waa gundhigga qawmiyadda Ingiriis.

Xasaan Naasir: Qodob muhiim ah ayaa saamaynta Carabigu ku leedahay Suudaanta cusub, siiba sida ay u wajahayso hirdanka luuqadeed ee Afrika. Sideed u aragtaa sida luuqaddani ula falgalayso deriska innagu xeeran, se sidee khibradda Suudaan uga duwantahay deriska Itoobiya iyo Soomaaliya ah?

Xasan Maki: Khaliijka marka la eego, beelo badan baa jira, se isku dhawaanta iyo xididku waa mid ku salaysan dhaqanka Carbeed ee Islaamiga ah. Afrika hadda wax aka socda dhacdooyin waaweyn, sababtoo ah, luuqadaha maxalliga ahi waxa ay isku dayayaan inay hoos galaan dallada Faransiiska iyo Ingiriisida, marka la joogo Nayjeeriya, Yugaandha, Galbeedka iyo Bariga Afrika, axa kale oo soo ifbaxaysa Sawaaxiliga. Innaga dhibaatadani inama haysato; oo afka Carabiga ayaa ah kan lagu wada hadlo, xitaa Koonfurta Suudaan, maxkamaduhu waxa ay dacwadaha ku dhagaystaan Carabiga, mana jirta qaab ay ku wada xidhiidhi karaan Nuwayriga iyo Dinku iyaga oo adeegsada Carabiga mooyee, sababtoo ah waxa jiri karta inaan midna aqoonin Ingiriisiga.

Sidaas darteed, waxa nala gudboon ilaalinta afkan, iyo sidoo kale inaanu xoojinno tiirarka dhaqanka Islaamiga ah. Se, gobolka waxa ka socda isbeddello waaweyn; isbeddello siyaasadeed oo Itoobiya iyo Soomaaliya ka socda, sababtoo ah isbeddelladu waxa ay la socdaan beelaha. Soomaaliya marka la joogo, qabiilka ayaa ah gundhigga koowaad ee siyaasadda, sababtan darteed, dastuurka Soomaaligu waxa uu kasoo dhex baxay qabiilka. Waqooyiga Soomaaliya, Isaaqa ayaa ah awoodda seeska ah, waxaana soo raaca beelo kale sida Ciise. Koonfurtana, waxa jir beelaha Hawiye, Raxanweyn, Daarood iyo beelaha kale ee Baantuuga ah.

Soomaaliya waxa uu afka Soomaaliga u adeegsadaa seeska wadahadalka, se sidoo kale Carabigu waxa uu ku leeyahay saamayn, sababtoo ah waa af ay dunida kula hadlaan, waxaana la mid ah Ingiriisiga. Soomaalidu waxa ay dunida kula hadlaan saddexdan luuqadood. Kolka Itoobiya loo yimaaddana, arrinku sidan waa uu ka kakanyahay, sababtoo ah isbeddello degdeg ah baa dhacay. Xilligii lagu jiray qawmiyaddii Itoobiyaanka ahayd ee hore, talada waxa hayay boqortooyo, waxaana caan ahaa dhaqan Amxaari iyo dhaqanka kiniisadda Otodhogoska ah. Se, waxaas oo dhami waa uu dhacay. Amxaaradu waxa ay noqdeen qoomiyadda labaad ee dalka, haddana, loollanka afeed waxa uu ka dhex jiraa Amxaariga iyo Oromiga, iyada oo ay jiraan siddeetan a foo kale.

Xasaan Naasir: Dumitaanka boqortooyadii Itoobiya waxa uu u muuqdaa mid keenaya inuu gobolka qarax ku riixayo amaba isbeddel diineed. Sideed u akhridaa soo kicidda garabka Islaamiga ah ee Itoobiya iyo raadka uu ku yeelanayo saaxadda siyaasadeed iyo jiquraafiga Badda Cas?

Xasan Maki: Itoobiya hadda waa 130 milyan, waxaanay gaadhi kartaa 200 milyan, kolkaa masii ahaan karto dal badda ka go’doonsan, haddii kale gudaheeda ayaa qarxaya. Kolkaa, waxa lagama maarmaan ah in laba dhib la xalliyo: dhibaatada soo gaadhidda Badda Cas si ay albaab badeed u hesho, iyo xallinta khilaafyada isirrada.

Waxa kale oo isbeddel ku socdaa kaniisaddii Itoobiya, oo waxa soo ifbaxday Borotistaanka, se intaba waxa ka xooggan kacdoon cusub ee Islaamka. Muslimiintu kama yara boqolkiiba konton Itoobiya gudaheeda, waxaanay leeyihiin golahooda iyo dhaqdhaqaaqooda ka tarjumaya kacdoonkooda. Oromada boqolkiiba lixdan ilaa toddobaatan waa Islaam, Guraagada boqolkiiba 80 waa Islaam, Soomaaliduna boqolkiiba boqol waa Islaam. Waxa jira Islaam xooggan oo soo socda, ma aha shardi inuu Islaam siyaasi ah yahay, se waxa soo socda Islaam bulsheed, fikir iyo ruuxi ah oo isa soo bandhigi doona. Waxa ay dib usoo kicinayaan Imaam Axmed-Guray.

Axmed-Guraygaasi shardi maaha inuu noqdo doorkan mid seef ku dagaallamaya sidii kii qarnigii lixaad, ee waa lafalgal siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho. Itoobiya waxa ay noqon doontaa dal Islaami ah sida Maalaysiya, iyada oo ay jiraan kiristaan laga tiro bato, waana wax raadayn doona Badda Cas iyo siyaasadaha caalamiga ah.

Soomaaliyada cusubi uma baahna kaalmo afeed; qofka Soomaaliga ahi waxa uu tagaa Khaliijka iyo Yurub, waana dad daneeya Quraanka. Soomaaliya waa awood xooggan oo Islaami ah, waxaanay leeyihiin dhiirranaan u dhalasho ah iyo xeelado dagaal; Soomaaligu uma baahna in la ciidameeyo si uu u dagaallamo, sababtoo ah waa dagaalyahan dhalad ah, si ka duwan Itoobiyaanka u baahan ciidamayn laga raro noloshii beeralayda oo laga dhigo dagaalyahan.

Xasaan Naasir: Iyada oo ay isbeddelladani jiraan oo ka socda dalalka deriska ah, haldoorka siyaasadeed ee Suudaan waxa ay u muuqdaan kuwo waaqaca ka xidhiidh furmay, mararka qaarna waxaaba jira (sida RSF ka muuqata) xaalado muujinaya fahanka khaldan ee ay ka haystaan “xadgudubka”. Sideed u aragtaa farqigaas anshax iyo siyaasadeed ee haldoorka hadda uu la nool yahay?

Xasan Maki: xilli isbeddelladani socdaan, haldoorka siyaasadeed waxa ku waajib ah inay awoodaan fahanka sooyaanka iyo isbeddellada gobolka iyo Masar, sidoo kalena fahmaan dalkooda iyo isbeddelladiisa. Mararka qaar qofku ma garanayo inuu ku qoslo iyo inuu ka ooyo, kolka uu maqlo Xamiidti oo RSF ku leh: “Walaalayaal, waxaynu weynay la damqashadii dadka iyo taageradoodii, sababtoo ah waa xadgudubka iyo boobka”.

U fiirso caqliyaddan; xadgudubka iyo gumaadku lama aha dambi sidiisa u taagan, ee waa wax bannaan oo ay tahay uun in hadda la joojiyo si aan loo waayin taageerada dadka iyo fursaddii lagu noqon lahaa awood siyaasadeed oo dalka xukuma. Waa kan fahankooda xadgudubku; waa wax bannaan, se ay tahay in la joojiyo, sababtoo ah taageero ayay hor istaagaysaa.

Xasaan Naasir: Sidee ayaa uu loollankan dhaqan uu u saameeyey samaysanka qawmiyadda Suudaaniga ah?

Xasan Maki: Marxaladdii labaad waxa ay noqotay mawjaddii labaad ee gaalaysiinta, waxaanay ahayd mawjad cusub, sababtoo ah waxa ay la socotay afka Ingiriisiga iyo Talyaaniga, dugsiyadii, horumarkii iyo caafimaadkii. Kiristaameeyayaashii Yurubiyaanka ahaa ee soo galayna waxa ugu cadcaddaayeen kuwa ka socday kaniisadda Kaatooliga. Ka dibna marxaladda saddexaad waxa la galay dagaalladii Mahdiga; Sayid Cabdalla al-Tacaayashi baa muddo afar iyo toban sanno ah xukunka hayay, muddadiisuna waxa ay ahayd xilligii ugu xumaa kolka loo eego dadka jiinka Niilka deggan, halka taageerayaashiisa Kurdufaan iyo Niilka Cad ay u arkaan jihaadkii ugu wanaagsanaa.

Dagaallada Mahdigu waxa ay sababeen kala qaybsan weyn oo ku dhacay qawmiyadda Suudaaniga; sababtoo ah dad baa u arkay fidno diineed, oo dal iyo dad ba baabi’isay, halka kuwa kale oo taageersani u arkeen dhaqdhaqaaq gobannimodoon oo qabkii Suudaaniyiinta soo celiyey jabkii 1821 awgii. Waa sababta weli dhaqdhaqaaqii Mahdigu weli u yahay mid dood dhaliya. Weydiinta mudnaanta lihi waxa weeye: ka warran haddii maalinkii koowaadba dhaqdhaqaaqa mahdigu dhici lahaa, oo dawladdu u gacan geli lahayd Subeer Baasha, arrinka Suudaan ma toosmi lahaa?

Xasaan Naasir: ka xidhiidhfuranka Masar sidee ayaa uu u aasaasay waaqac dastuuri iyo millatari ah oo cusub, oo ugu dambayn keenay in Koonfurtu fallaagowdo 1955?

Xasan Maki: Marxaladdii afaraad waxa ay ahayd xukunkii labageesoodka ahaa iyo mashruucii Suudaanta cusub ee la dhashay isbahaysigii Ingiriiska iyo Masar. Ka dib markii dhaqdhaqaaqii Mahdiga la jabiyey, Suudaan waxa ay noqotay mid la gumaysto oo xukuumadda Masar kharashaadka miisaaniyadda bixiso, halka maamulkana ay wadeen haldoor Ingiriis ahi. Wakhtiga wax kala caddaadeen waa xilligii wafdigii 1924 ay yimaaddeen Suudaan, oo ay madax ka yihiin Rolland Wingate iyo Lee Stack; in wafdigan aanay la socon dad Masaari ahi waa mid adkaynayey fikradda ah Suudaan waa dal, Masarna waa mid kale.

Kolkii la dilay Sir Lee Stack, ciidankii Suudaan waxa laga soocay Masar, waxaanu noqday Ciidanka Difaaca Suudaan, waxaanu hoos tagay Ingiriiska. Waxa kala xidhiidh furmay Margini iyo taageerayaashiisii, waxaan isku soo dhawaaday kuwii u ololaynayey midnimada iyo xornimada. Marxaladda shanaadna, waa fallaagowgii koonfurta sannadkii 1955-kii. Jiilkii cusbaa waxa ay ku kulmeen Shirweynihii Jubba, 1947, se markii la suudaaneeyey shaqooyinka, koonfurtu wax yar mooyee wax kale may helin, waqooyiguna waa ay iska illaaween federaalkii.

Baaqii “Sawt al-Carab” iyo Salaax Saalim waxa uu ka qayb qaatay wacyigelinta garaadka Koonfurta oo uu xasuusiyo ka ganacsigii addoomaha, arrinkan oo sababay kala daadasho dastuur oo hor istaagay madaxbannaanidii. Waa arrinka dhaliyey fallaagawgii Turity ee 1955-kii, laga soo bilaabo kolkaasna waxa halkaa ka dhimbiil qaatay dhaqdhaqaaqyadii ka dambeeyey.

Xasaan Naasir: ugu dambayn waxa aynnu soo gaadhaynaa marxaladdii lixaad iyo toddobaad ee la xidhiidha ka labalabaynta xalka dimuqraaddiyadeed iyo faragelintii millatariga ee silmiga ahayd. Sideed u aragtaa dhacdadii “Maxadka Sare ee Macallimiinta” ee ahayd bartii jihada dalka u beddeshay dhinaca dastuur Islaami ah, sidoo kalena kicisay cabsi gobolka ah oo ilaa maanta saamaynaheedu taagan yihiin?

Xasan Maki: marxaladda lixaad iyo toddobaad waa mid la xidhiidha ka labalabayntii xalka dimuqraaddiga ah; Sayid Cabdalle Khaliil ayaa u baaqay ciidanka (afgambi aan dhiig ku daadan), lix sanno ka dibna waxa taladii ka tanaasulay golihii millatariga, bishii Aktoobar 1964, waxaana la dhisay xukuumad dimuqraaddi ah.

Dhacdadii Maxadka Sare ee Macallimiintu waa markii mid ka mid ah ardaydu uu caayay Nebiga NNKH, waana dhacdo dhalisay gadood shacab. Waxa ka faa’idaystay xisbiyadii soojireenka ahaa iyo dhaqdhaqaaqii Islaamigii ahaa oo ku baaqay kala dirista Xisbiga Shuuciga ah iyo eryidda xildhibaannadiisa, walow Xisbiga Shuuciga ahi uu ka madaxbannaanaa tuhunka. Hal-ku-dhigga ugu weyni waxa uu noqday “Dastuur Islaami ah”, arrinkan oo dhaliyey cabsi Masaarida iyo garabyada bidix ka cabsadaan inay Suudaan xuddun u noqoto Islaamka ad’adag, siiba ka dib markii uu soo baxay Diktoor al-Turaabi.

Arrinkani waxa uu sababay afgambi ay bidixdu hoggaaminayso, waxaana hoggaanka afgambiga ahaa garabyo bidix oo kulmiyey Naasiriyiin iyo Bacsiyiin, afgambigana waxa kaalmeeyey ciidanka Masaarida, taageeradan oo u muuqata abaal-ka-dhac taageeradii xukuumaddii al-Azhari ay u gashay ciidanka Masar, sida heshiisiintii Cabdi Naasir iyo Faysal, iyo garabkii xoogganaa ee ay u noqotay heshiiska ka dib, arrinkan oo sababay guushii Masar ka gaadhay dagaalka, iyadoo xitaa ciidanka Suudaan uu dagaalka galay.

Cabdi Naasir waxa uu doonayey hannaan ay kula socdaan Suudaan, Liibiya iyo Soomaaliya, oo ay kula jaanqaadaan dagaalka uu Israa’iil kula jiray. Afgambigani waxa uu keenay kala daadashadii Suudaan iyo samaysanka kutlad mucaarad ah oo ballaadhan, waxaana ku xigay dagaallo, se guusha ugu weyni waxa ay ahayd heshiiskii lagu gaadhay Addis Ababa ee 11 sanno oo nabad ah horseeday.

Xasaan Naasir: muddadii Numayri waa mid muhiim u ah, miyaanad Diktoor ila waafaqsanayn in xukuumaddaasi ka tagtay raad iyo dhaxal ay adagtahay in la dhaafo, dawladda iyo bulshadaba?

Xasan Maki: afgambigii 1969 waxa uu sababay kala daadashadii Suudaan, iyo soo ifbixii iskacaabbin gacan kulul oo ay hoggaaminaysay Jabhaddii Waddaniga ahayd. Halkan waxa ka bilaabantay marxaladdii siddeedaad, waana halgankii hubaysnaa ee Waqooyiga iyo dhacdooyinkii ku xigay.

Xasaan Naasir: Sidee ayaa ay ku dhalatay “Dhaqdhaqaaqa Bulsho” ee uu hoggaaminayey John Garang oo noqotay jabhad ka dhex dhalatay khilaafyadii Koonfurta iyo faragelintii dibadda?

Xasan Maki: Khilaafka Koonfurta ee ka dhashay gacan ku haynta qabiilka Dinka, waxa ay Numayri ku riixday inuu Koonfurta u qaybiyo saddex gobol, arrinkan oo xaaladda uga sii daray, halkanna waxa ka dhalatay Jabhadda Bulshada ee Xoraynta Suudaan, oo uu hoggaaminayey John Garang sannadkii 1983. Kolkan, hubkii dibaddaa si xoog ah usoo galay dalka. Itoobiya oo uu hoggaaminayey Mingistu Xayle Maryam waxa uu taageeray Garang, isagoo u arkayey garab bidix, waxaanu idaacad ka siiyey Addis Ababa, ka dibna shixnaddii ugu ballaadhnayd ee hub ayaa ka timi Qaddaafi (isagoo khilaaf kala dhexeeyey Numayri iyo Saadaat). Sidan ayaa ay Koonfurtu isbahaysi ula yeelatay saddex geesoodkii Liibiya, Koonfurta Yaman iyo Itoobiya, oo ka soo horjeeda Masar iyo Suudaan, si Suudaan dib loogu qaabeeyo.

Xasaan Naasir: Kolkaynu u laabanno ku hirdankii talada Khurduum, waxaynnu aragnay guuldarradii “Afgambigii Haashim Cadaa”, ee sannadkii 1971, iyadoo guuldarrada sababteedu ahayd soo faragelin caalami ah iyo mid gobolka ahba. Sidee guuldarradani gogoldhig ugu noqotay soo ifbixii “dhaqdhaqaaqii Islaamiga ahaa” iyo dhexgalkeedii dawladda?

Xasan Maki: Guuldarrada afgambigii Haashim Cadaa waxa ay ahayd mid u qaadanwaa ah oo sababteeda ay lahaayeen Masar iyo Liibiya, xitaa Ingiriiska ayaa diyaaraddii sidday hoggaankii afgambiga ku amartay inay Liibiya diyaaradda dejiyaan.

Intan ka dib, koox ka mid ah “Isbahaysiga Islaamiga ah” ayaa Numayri ku qanciyey masalada “hoggaanka suubban” oo laga dhigto jid loo maro heshiis qaran, sannadkii 1977. Jawiyadan ayaa ay Xarakada Islaamiga ahi ku kobocday dacwad ahaan, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba, waxaanay bilawday inay ciidanka dhexdiisa ku tartanto inay awood ku yeelato. Ka sokow in Numayri uu dhacay 1987-kii, soo Xisbigii Ummadda ee Saadiq al-Mahdi uu hoggaanka qabtay, haddana “Mudakaradii Ciidanka” ee Febraayar 1987 (oo laga yaabo inay taageero Masarna heshay) ayaa jidka u sallaxday afgambigii millatari ee Islaamiga ahaa ee 1989-kii.

Xasaan Naasir: Waxaad xustay kaalintii Jooraj Buush (Aabbihii) uu ku lahaa daadgurayntii Falaasha, iyo raadka arrinkani ku yeeshay dhicitaankii Numayri. Sidee ayaa ay awoodaha caalamiga ahi berigaas ugu ciyaareen faylashii Suudaan?

Xasan Maki: Maraykanku waxa ay kalsoonidooda Numayri kala noqdeen ka dib markii dilka lagu fuliyey Maxamuud Maxamed Daaha (1985) iyo dabbaqaaddii shareecada. Jooraj Buush waxa uu yimi bishii Maaris ee 1989 si uu u dhamaystiro daadgurayntii Falaasha oo si toos ah looga dhoofiyey madaarka Kharduum. Faylkan iyo dib u qaybintii Koonfurtu waxa ay metalayeen musbaarkii ugu dambeeyey ee lagu dhuftay naxashka Numayri, waxaanu gogoldhig u noqday muddo dimuqraaddiyad ah oo gaaban oo kusoo afjarantay Mudakaradii Ciidanka, waxaana ugu dambayn xigay Afgambigii 1989.

Xasaan Naasir: Ugu dambayn, waxaad aragti la yaab leh kasoo jeedisay duminta dagaalka hadda socdaa u gaystay Kharduum, waxaanad ku tilmaantay qorshe Israa’iil, si looga aargoosto caasimaddii saddexda diidmo. Dagaalkan hadda ma u aragtaa mid lagu soo afjarayo Suudaantii aynnu naqaannay?

Xasan Maki: duminta nidaamsan ee lagu wado madxafyada, faylasha, goobaha koronto iyo xarumaha biyuhu waa dumin ku socota khibradda Israa’iil, si Kharduum meesha looga saaro oo aanay dib u noqon dhufayska Islaamiyiinta. RSF waxa ay rayidka ku waddaa dagaal aan hore Suudaan loogu arag. Loollanka taladu awal hore waxa uu ahaa mid xaga sare ah, se hadda waa dagaal rayidka beegsanaya iyo hanti lagu qiyaasay laba boqol oo bilyan oo doollar. Suudaan hadda waxa ay wajahaysaa marxalad jiritaan: ama jiritaan dhab ah ama gebi ahaan dalka oo meesha ka baxa.