Wednesday 19 November 2025
Qofku waa xorriyad, xorriyadduna waa hantida ugu qaalisan ee bani’aadanku leeyahay. Waa waxa u oggolaanaya qofka in uu si madax-bannaan u fekero, u hadlo, u socdo, u shaqaysto, u barto, isla markaana u doorto nolosha uu doonayo. La’aanteed, noloshu waxay isu rogi kartaa silsilad xabsi iyo cabsi joogto ah. Qiimaha xorriyaddu waxa uu ka muuqdaa sharafta aadanaha. Waayo, qofka xorta ahi waxa uuu u nool yahay si sharaf leh, isagoo aan ku khasbanayn inuu u dhaqmo si ka hor imanaysa damiirkiisa, iyo jacaylkiisa. Xorriyaddu waa tiirka ugu weyn ee ilaalinaya karaamada qofka iyo dareenkiisa bani’aadannimada. Waa lafdhabarta horumarka shaqsiga ah. Jiraalka xorriyaddu waxa uu sahlaa hal-abuur iyo horumar laga gaadhi karo dhinacyada kala duwan ee nolosha; halabuurka iyo horumarkuna ma koraan haddii dadka laga xannibo xorriyadda fikirka ama/iyo hadalka. Caddaaladda iyo sinnaantu waxay ku xidhan yihiin hadba heerka xorriyadda ee shaqsigu la kulmayo. Xorriyaddu waxay dadka u oggolaataa ‘cod’ iyo ‘awood’ ay kaga hortagaan dulmiga iyo xadgudubka. Dad badani waxay aaminsan yihiin in xorriyaddu tahay hadiyadda ugu weyn ee Ilaahay siiyay aadanaha oo karaamada aadamuhuba ay iyada tahay. La’aanteed wax walba qiimahooda waa ay luminayaan, waayo, xorriyaddu waa furaha nolosha, horumarka, iyo sharafta bani’aadamka, qof kastaana waxa uu leeyahay sharaftaas. Haddaba, haddii qofku waayo xorriyaddiisa sidee ayaa ay tahay in loola dhaqmo? Dadku markay geystaan dambi ama lagu eedeeyo inay geysteen dambi (eedaysane) maxaa la gudboon cidda gacanta ku haysa? Sidee ayaa ay tahay in uu u noolaado qofka laga qaaday ismaamulkii xorriyadda ka dhalanayay?
Jawaabaha waydiimahan sare oo ah abbaarta maqaalkeenna haddii aynnu dul istaagno oo taxliilinno qofka maxbuuska ahi waxa uu leeyahay xuquuq badan iyada oo hadba ay ku xidhan tahay heerka danbiggiisa. Tusaale ahaan, kuwo ku kala eedaysan faldambiyeedyo kala duwan sida: dil, dhac, kufsi, khiyaamo, iyo maxbuus dagaal (iwm). Qeexitaankayga shaqsiga ah: maxbuusku waa qof kasta oo laga qaaday xorriyadiisii dhaq-dhaqaaq, hadal, fikir… oo lagu hayo goob sharcigu aqoonsan yahay. Kaas oo loo hayo in la horkeeno maxkamad awood u leh qaadista dacwadiisa. Maxbuusku waxa uu leeyahay xaq. Sida ku cad qoddobada 25aad ilaa 28aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo odhanaya: “Eedaysanuhu waa dembilaawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.” Maaddama dastuurka, oo ah shrciga u gu sarreeya ee dalku, sidan qorayo waa in qofka loola dhaqmaa sidii in aanu dambi lahayn, oo aan sharaftiisa iyo sumcadiisa meel lagaga dhicin lagana hordhicin laamaha kale ee caddaaladda. Xeerarka diimeed, kuwa caalamiga ah iyo kuweenna gaarka ahiba waxa ay ka siman yihiin xuquuqda maxbuuska oo ay ugu horeyso in marka hore ee la xidhayo lagu war galiyo sababta loo xidhaayo iyo eeda ka dhanka ah.
Xorriyaddu waa hantida ugu qaalisan ee qofka iyo sababta karaamadiisa. Qof mabxuus ahna waxa lagu qeexi karaa qof laga qaaday xorriyadii dhaq-dhaqaaq, hadal, fikir laguna hayo goob sharcigu aqoonsan yahay, kaas oo loo hayo in la horkeeno maxkamad awood u leh qaadista dacwadiisa – waana dembilaawe inta aanu dembigu maxkamaddaas horteeda kaga caddaan
Dal ahaan, ciidamadeennu, markay ay soo qabanayaan qof, inta badan uma sheegaan sababta qofka loo xidhaayo. Waxaad arkaysaa dad la xidhay oo aan garanayn sabata loo xidhay! Keliya ku war hela waxa lagu eedaynaayo marka ay tagaan maxkamadda ama xeer-ilaalinta. Waxaa dhacda inay had iyo jeer adeegsadaan (ciidanku) awood ka badan intii loogu talagalay in loo isticmaalo muwaadin eedaysane ah. Tusaale ahaan, waxa ay isku dayaan inay qofka awood u adeegsadaan iyaga oo aan ogeysiin sababta loo qabanaayo tiiyoo ay budh ama ul u adeegsanayaan hub ahaan. Waxa halkaa ka dhashay isku dhac ay keensatay aqoondarrada ciidanka ee la macaamilka muwaadinka. Dhacdooyinka qaar waxa ay gestaan ciidanku nabarro ka faldanbiyeed culus eedii muwaadinka loo jeedinayay markii hore. Waxa dhacda mararka qaar haddii uu qofku cararo in si badheedh ah ay u toogtaan, halkii ay ahayd in la eryado qof aad orod ku soo qaban karto. Waxa ay ciidanku burburiyaan hantida qofku uu leeyahay wax ka midda.
Sidoo kale, wakhtiyada ay jiraan mudaharaadyadu waa wakhtiga ugu badan ee la sameeyo qabasho ama xadhig. Waxa dhacda marka ay jiraan isu soobaxyo ay goobta isugu yimaadaan dad badan oo kala duwan, kuwaas oo isugu jira kuwa mudaharaad wada iyo kuwa la kulma waxa dhacaaya. Ciidammada ka hortagga rabshaduhu waxay bilaabaan inay qabqabtaan dad badan oo marka ay gacanta ku dhigaan ay la dhacaan budad, ulo iyo marmarka qaarkood qoriga ay sitaan, taas oo ay dhaawacyo gaadhaan qaar ka mida dadkii mudaharaadka samaynaayay ama kuwii la kulmay dhacdada. Sababta loo keenay ciidankan goobta mudaharaadku ma aha in ay laayaan dadka e, waa in laga hortago waxii ka dhalanayay khasaare iyo rabshad. Balse haddii khasaare ka weyn kii la rabay in laga hortago ay ciidanku ku kacaan miyaanay ahayn: “kud ka guur oo qanjo u guur” Marka ugu horeysa ee qof la soo xidho, halka ugu horeysa ee la keenayaa waa saldhigyadda booliska, halkaas oo lagu hayo qofka intaan loo gudbin maxkamad. Haddaba, waxaa dhacda in maxbuuska la soo xidhay lagu xareeyo qol ay hore ugu sii jireen maxaabiis kale oo u xidhan kiisas kala duwan, kuwaas oo aan loo kala saareyn culeyska dambiyada ay galeen, balse isku meel kaliya lagu wada hayo. Qololkan ama edegyadan waa kuwo inta badan aan heerka nadaafaddoodu fiicnayn, oo inta badan ay ku jiraan tiro ka badan intii loogu talagalay, arrintan oo keeni karta saameyn caafimaad-darro oo ka dhalata dadka kala duwan ee goobtan laysugu geeyay. Waxaa dhacda in qofka maxbuuska ah lagu hayo goobahan muddo maalmo ah, ama mararka qaarkood ay ciidanka baadhistiisa gacanta ku hayaa maxkamadda ka soo qaataan oggolaansho muddo kordhin ah oo ku saabsan dhanka baadhidda kiiska.
Sida uu sharcigu yahay lidkeeda, waxa ay ciidanka Somaliland, inta badan, xidhaan qofka iyaga oo aan ogeysiin sababta xadhiggiisa waxana ay in badan u adeegsadaan awood ka badan midda ay u baahan yihiin ama lagama-maarmaanka ah. Waxana inta badan qofka lagu xidhaa meel aan caafimaad ahaan iyo xaq ahaanba habboonayn
Maxbuuska marka la keeno maxkamadda sharciga ah ee awoodda u leh qaadista dacwada ka dhanka ah waxa uu yeelanayaa xuquuqo kuwaas oo ay ka mid yihiin: 1) maxkamadda qaadaysa garta labadda dhinac waa inay noqoto mid caadil ah, oo aan u kala eexan labada dhinac ee dacwadu khusayso. 2) Waa in labada dhinac ba helaan fursado isku mid ah oo mid kastaa ku muujiyo dooddiisa. 3) sidoo kale, edaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay inuu qabsado qareen difaaca oo matala inta ay socoto dacwaddu, haddii aanu qabsan karin qareen u doodda, waxa uu xaq u yeelanayaa in loo qabto qareen u dooda eedaysanaha mar haddii aannu awoodin inuu iska bixiyo qarashaadka qareenka.4) Maxbuusku haddii uu yahay mid aan dalka u dhalan (ajaanib ah) oo aan garanayn luuqadda dalka, waxa uu xaq u yeelanayaa in uu helo turjubaan si uu u fahmo hab u socodka dacwadiisa.
Tusaale ahaan, haddii eedaysane maxbuus ahaa ay maxkamaddu ku hesho eedii ka dhanka ahayd, oo ay ku riddo ciqaabta uu mutaysto, maxbuuskaasi waxa uu noqonayaa dambiile, laakiin taas macnaheedu maaha in ay meesha ka baxayaan xuquuqihiisii. Danbiiluhu marka loo gudbiyo xabsiga waxa uu yeelanayaa xuquuqo kale oo ku lammaan nolosha xabsiga dhexdiisa. Maxbuusku inta uu joogo xabsiga waxa ka mid ah xuquuqahiisa sida ku cad Xeerka Xabsiyada iyo Baaqyadda Xuquuqda Aadamaha: 1) In aan loo geysan jidhdil, ciqaab, iyo sharaf dil. 2) Waa in lagu xidho edeg ama qol nadiif ah, waa inuu heli karo hawo iyo iftiin iyo cunto ku filan oo la siiyo. 3) Waa in uu helo fursad uu ku nadiifiyo jidhkiisa iyo dharkiisa. Sidoo kale 4) waa inuu helo fursad waxbarasho oo lagu barayo kolba heerka ay waxbarashadiisii hore ahayd, ama/iyo xirfado uu ku shaqaysan karo hadhow markuu dhammaysto xukunkiisa.
Qofka maxbuuska ah sababta jeelka loo keenay maaha in laga aargoosto ee waa in la dareensiiyo in uu geystay faldambiyeed mudan ciqaab. Laakiin, ciqaabtani aanay jidaynayn in qofkan si xun loola dhaqmo, balse keliya uu qaadanaayo waajib sharci loogu xukumay. Maxbuuska waxa la rabaa in loo sameeyo dhaqancelin, la doonaayo in laga beddelo dhaqankiisii hore ee cunfiga ahaa oo loo tababaro in qofku markuu soo baxo aanuu ka aargoosan bulshada ee noqdo mid la jaanqaadi kara oo si nabad ah ugu dhex noolaan kara, ku shaqaysan kara xirafadihii uu xabsiga kasoo bartay, nololna samaysan kara markuu soobaxo. Haddaba, waxaa loo baahan yahay laga bilaabo saldhigyadda, xeer-ilaalinta, maxkamadda, ilaa xabsiga inta uu maraayo in maxbuuska loo dhowro xuquuqihiisaa oo aan lagu tacadiyin. Waxyaalaha layaabka leh ee aad arkayso waxaa ka mid ah marka aad tagto saldhigyada booliska ama maxkamadda in aad arkayso dad koox koox isugu jeebaysan/silsiladaysan oo aad mooddo xoolo oo waliba bilaa kabo ah. Marka aad aragto maskaxdaada waxaa ku soo dhacaaya dadkani ma dad waalan baa? Oo hadday waalan yihiin maxaaba isku meel loogu xidhay? Meesha la keenay miyaanay ahayn maxkamad leh sharaf iyo milgo? Su’aalahaas iyo qaar kale oo badan ayaa maskaxda qofka arka maxaabiistaa ku soo dhacaya. Askarta wadda maxaabiista waxay aaminsan yihiin haddii dadka kabahooda loo daayo inay baxsanayaan oo aan laga garanayn dadka kale ee yimid maxkamadda!
Qofka maxbuuska ah jeelka looma keenin in laga aargoosto e, waa in la dareensiiyo in uu geystay faldambiyeed mudan ciqaab, oo uu qaato waajibka sharci ee falkiisa. In qofka dambi lagu helaa, markaa, kama dhigna in uu waayayo xuquuqihiisa oo dhan. Sidaa awgeed, xuquuqda maxbuusku waa in ay dhawrsanaanto dhammaan heerarka dacwadda oo dhan, si ka duwan sida hadda ka jirta Somaliland
Haddaba su’aasha isweydiinta leh waxay tahay sida aynu kor ku soo xusnay, qofka bani’aadamka ahi waxa uu leeyahay sharaf uu huwiyay Ilaahay (SWT), qofka marka la keenaayo maxkamaduna waa halka lagu qaadayo gartiisa oo ay laba mid uun noqon karto, 1) in lagu helo dambi iyo 2) in lagu waayo wax danbi ah, marka ay arrintu sidan tahay oo qofka aad waddo aanad ogeyn in lagu heli doono dambi iyo in kale, ma habboon tahay inaad sharaftiisa meel kaga dhacdo oo aad sidii neef xoolo ah oo aad saylad geynayso lagu xidho dhowr qof oo kale isla hal silsilad? In aad qof miyirkiisii qaba kabihii uu xidhnaa ka saarto oo uu maalinta dhan ee la wado dacwadiisa uu bilaa kabo ku socdo maxkamadda dhexdeeda oo ay ku sugan yihiin boqollaal qof oo dacwado kale duwan leh waa wax la yaab leh. Waxaa iyaduna isweyddin leh garsooraha la horgeynayo dadka sidan loo galay ee raalli ka noqonaya in la hor keeno qof bilaa kabo ah oo cagaha boodh ku leh. U malayn maayo inay jirto maxkamad adduunka ku taalla oo dad sidan loo galay la horkeeno, qofka xataa xidhan dhar aan haboonayn iyo kabo liita waxay sida saxda ahi tahay in ay ciidanka keenaya ee gaadhka ah ay maxbuuska soo hagaajiyaan ileyn waxay ay hortagayaan maxkamad Sharaf leh e.
Diinteennu waxa ay maxaabiista dagaalka u ga hadashay si qotadheer. Sida laga soo weriyay dagaalkii Bader waxaa lagu qabtay maxaabiis badan oo dinaca kale ka soo dagaalamaysay. Waxa uu Nebigu amar ku bixiyay in maxaabiista loola dhaqmo si karaamo leh oo aan lagu tacadiyin. Maxaabiista qaarkood waxay qaateen diinta Islaamka, kadibna waxay heleen xorriyaddoodii, qaarkoodna waxay bixiyeen (ama laga bixiyay) madaxfurasho, kuwoodii waxbartay dagaalka ka hor waxay xorriyaddoodii ku beddesheen in ay wax bareen asxaabta Nebiga. Sida laga weriyay mid ka mid ah maxaabiistii la qabtay oo markii la sii daayay ka manno-sheegtay sidii ay u la dhaqmeen asxaabtii Nebigu, muddadii uu gacantooda ku jirey, Waxa uu sheegay inay Muslimiintii ay siin jireen maxaabiista cunto (Roodhi, shaah iwm) inta aanay iyagu wax cunin oo ay mar walba horraysiin jireen maxaabiista quudintooda, taas oo markhaati u ah gobannimadii Nebiga iyo asxaabtiisu ay kula dhaqmeen maxaabiista oo dabcan xeer diiniyana noqotay. Quraanka ayaa, sidoo kale, lagaga hadlay dadka maxaabiista ah sida loola dhaqmayo e loo ilaalinayo waxa uu Illaahay yidhi:
”وَیطُۡعِمُونَ ٱلطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِهۦِ مِسۡكِینا وَیتَِیما وَأسَِیرًا ٨
(Waxa ay Ilaahay dartii u quudinayaan miskiinka, agoonka iyo ka maxbuuska ah” Surat Insaan). Marka aynnu dulucda hoos ugu daadegno, Islaamku waxa uu dhiirigalinayaa in maxaabiista la quudiyo, hu’ iyo hoyna ay siiyaan cidda ay gacantooda ku jiraan hadday tahay dawlad iyo haday tahay shakhsiba.
Waxa jira heshiisyo calami ah oo uu ka mid yahay Heshiishkaa Jeneefa ee la Xidhiidha la Dhaqanka Maxaabiista Dagaal (Geneva Convention Relative to the Treatment Prisoners of War) oo la aasaasay 12-kii August, 1949-kii, lana dhaqangaliyay 21-kii October, 1950-kii. Sida ku cad qodobbada heshiishkan caalamiga ah iyo kuwii ka horreeyay waxaa reeban in maxaabiista dagaal si xun loola dhaqmo, ama wax loo gaysto. Heshiisku waxa uu dhiirigalinayaa in si fiican loola dhaqmo Maxaabiista dagaal iyada oo la siinayo cunto ku filan,hu’ ay xidhaan iyo in lagu hayo goob ka fog aaga dagaalka ama meel wax ka soo gaadhi karaan. Heshiiskaa waxaa lagu xusay inaan la baahin karin macluumaad ku saabsan maxbuuska sawirkiisa ama magaciisa iyo wixii macluumaad khaas ah kuwaas oo khatar ku noqon kara isaga/iyada ama qoyskooda. Heshiiskan iyo kuwa kale ee xuquuqda aadanuhu waxay ka siman yihiin Ilaalinta xuquuqda maxbuuska meel kasta oo uu ku sugan yahay, haddii uu yahay mid dagaal iyo haddii uu yahay mid aan dagaal lagu qaban ee eedo kale loo haysto. Waxa ka mid ah xuquuqda maxbuuska ee aynnu xusi karro: 1) Qofku waxa uu xaq u leeyahay in loo sheego dacwadda ka dhanka ah. 2) Waa in loo ogolaadda inuu la xidhiidho qoyskiisa iyo qareenkiisa. 3) Waa in lagu xidho goob sharcigu waafaqsan yahay, kuna habboon in qof bani’aadam ah lagu xidhi karo. 4) Maxbuuska da’da yar leh ee caruurta ah waa inaan lagula xidhin meel maxaabiista da’da weyn, ee lagu xidho goob caruurta u gaar ah. 5) Goobta lagu xidhaayo qofku waa inay ahaataa meel nadaafad fiican leh oo aan qofkan kasoo gaadhin xanuuno iyo jermisyo waxyeelo u geysan kara naftiisa. 6) Hadii ay dhacdo in qof si khaldan loo xidho oo lagu gafo, waa inuu qofkaasi helaa magdhow muddadii uu xidhnaa ee xorriyadiisa laga qaaday!
Maxbuuska dagaalka ayaa, isaguna, leh xuquuqo aasaasi ah oo ay dammaanad qaadeen diinta Islaamka iyo xeerarka caalamiga ahi, kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu og yahay waxa loo haysto, uu la xidhiidhi karo qoyskiisa iyo qareenkiisa, laguna hayo goob sharci ah oo habboon lana dhawro badqabkiisa iyo caafimaadkiisa
Waa in ciidanka doonaya inay soo qabtaan qof ay marka hore maskaxda ku sii hayaan inuu qofkani noqon karo mid geystay eedda ay doonayaan inay kusoo qabtaan iyo inuu noqon karo mid lagu waayo.
Waa inay ogsoon yihiin inuu qof kasta oo laga qaadayo xoriyadiisu uu leeyahay xuquuqo.
In qofka ay soo qabanayaan la ogeysiiyo bilowga horeba ujeedadda loo xidhaayo, haddii aanu dambi faraha kula jirin.
Waa in wakhtiyadda ay jiraan mudaharaadyadu aan loo adeegsan dadka awood ka badan midda ay kaala horyimaaddeen; tusaale ahaan qof aad ul ku kaxayn karto in aanad u adeegsan xabbad iyo inaad toogato.
In marka maxkamad la keenaayo qof ama dad maxaabiis ah aan laga saarin kabahooda, waayo maaha in aad qofka bahdisho oo aad ula dhaqanto sidii qof waalan oo aan xiskiisu dhammayn, ka dibna aad horkeento bulsho iyo waliba maxkamad. Haddii aad ka baqo qabto inuu qofkani baxsado adkee amniga goobta aad keentay ama u samee ilaalo aanu qofkani ka baxsan karin.
Qofka maxbuuska ahi waa inuu helo maxkamad si caddaalad ah u qaadda dacwadiisa
maxaabiista dagaal waa in aan muuqaaladooda, magacyadooda lagu baahin goobaha baraha bulshada.
Maxaabiista dagaal waxaa loola dhaqmayaa si gaar ah oo ku dhisan heshiisyo dhex mara labada dhinac ee dagaalka isaga hor yimid.
Waxa aan ku soo gabagabeynayaa odhaahda aynnu qoraalkeenna ku bilawnay ee halgamaagii reer Koonfur Afrika, Nelson Mandela, ee ahayd, “In dadka loo diido xuquuqdooda aadamuhu waxay u dhigantaa in laga horyimid bani’aadannimadooda”