Skip to main content

Wednesday 9 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Waraysi
Title

Xamiid Dabbaashi: "Kelitalisnimada Gudeed ayaa ka Roon Duqaynta Israa’iil"

29 June, 2025
Image
Xamiid Dabbaashi: "Kelitalisnimada Gudeed ayaa ka Roon Duqaynta Israa’iil"
Share
Xamiid Dabbaashi, waa aqoonyahan Iiraani ah oo haysta dhalashada Maraykanka, waxaanu Deraasadaha Iiraan iyo Suugaanta ka dhigaa jaamacadda Kolombiya ee Niyuu Yook, waraysi gaar ah oo uu siiyey al-Carabi al-Jadiid, waxa uu kaga warramayaa weerarka Iiraan lagu qaaday, oo uu u arko tallaabo ay Israa’iil ku rabto in ay indhaha kaga jeediso xasuuqa Falasdiin.

Indheergarad badan oo kasoo horjeeda nidaamka Iiraan ayaa si badheedh ah sidoo kale uga soo horjeeda xadgudubka milatari ee Israa’iil ku qaadday Iiraan. Toddobaad kaddib dagaalkii kediska ahaa ee ay Israa’iil ku qaadday Iiraan, koox ka mid ah mucaaridka siyaasadeed iyo indheergaradka Iiraaniyiinta, oo gudaha iyo dibadda dalkaba ku sugani, waxa ay dhaliileen codadka taageersan Israa’iil, waxaanay ku baaqeen dhinac uga soo wada jeedsashada weerarkan Maraykanka iyo Yurub ay taageerayeen.

Dabbaashi waxa uu fogaynayaa suurogalnimada rididda nidaamka Iiraan, walow oo ay Iiraan, sida uu ku tilmaamayo, la jilciyey, lagana saaray miciyihii difaaci lahaa, se haddana dawladdu awood waxa ay haysaba isku difaacayso. Waxa kale oo uu dhaliilayaa warbaahinta Maraykanka iyo Yurub, si gaar ah, wargayska Niyuu Yook Times oo uu ku tilmaamayo agabka aydhiyoolajiyadeed ee ugu halista badan, kuna sheegayo aalad lagu fidiyo aragtida Israa’iil.

Aqoonyahankan qoray buugga “Cid aan Yurubiyaan ahayn Ma Fekeri Kartaa?” waxa uu si weyn u dhaliilayaa mawqifka reer Galbeedka ee siyaasad ahaan taageera Israa’iil, taageeradan, oo sida uu aaminsanyahay, ujeeddadeedu tahay qurxinta sawirka xasuuqa ka socda Falasdiin. La Taliyaha Jarmalka ayaa uu ku tilmaamayaa aqoonlaawe cunsuri ah, isagoo tixraacaya hadalkiisii u dambeeyey ee uu ku sheegay in Israa’iil ay dagaalka iyo xadgudubka ku metesho Galbeedka. Dabbaashi waxa uu taageersanyahay bayaan ay indheergaradka reer Iiraan, gude iyo dibadba, ku baaqeen difaaca midnimada dhuleed ee Iiraan, waxaanu xusayaa in dhaliisha ay u hayaan nidaamku uu yahay khilaaf gudeed. Iiraan oo ku hoos jirta cadaadiska kelitaliska ayaa ka roon in ay ku dunto bambooyinka Israa’iil ayaa uu Dabbaashi ku doodayaa. 

Rabiic Ciid: Sidee ayaad ku ogaatay weerarka Israa’iil ku qaadday Iiraan, sideed se ula socotaa xadgudubkan lagu wado dalkaaga?

Xamiid Dabbaashi: Warka waxa aan ka helay ilaha wararka aan dhaqanka u leeyahay inaan wararka ka helo, oo isugu jira ilo Iiraan, kuwa Carbeed iyo kuwa kale oo Eeshiyaanka kale ahba, oo ku warrama afafka Faarisiga, Carabiga iyo Ingiriisida, sida al-Carabi al-Jadiid, al-Jasiira iyo Middle East Eye. Waxa kale oo aan la socdaa New York Times, BBC iyo ilo kale oo reer Galbeed, si aan ugu kuurgalo siday wararka u duwayaan si ay cudurdaar ugu helaan weerarka xadgudubka ah ee gumaysiga Israa’iil ku waddo dal madaxbannaan.

Hadda waxa aan wararka kala socdaa xidhiidhka tooska ah ee aan la leeyahay saaxiibbada iyo qoyska ku sugan Iiraan amaba dibadda, sidoo kale waxaan waraystaa saaxiibbo ii dhow oo dunida Carabta iyo Islaamka kasoo jeeda. Aad uma xiiseeyo wararka, marka laga reebo in aan sidii antaraboolajiga, oo nus saac wax ka badan kuma bixiyo la socoshada wararka. Waxaan isku dayaa inaan fahmo marinhabaabinta warbaahinta Galbeedka, oo agabka ugu badan ee loo adeegsado marinhabaabinta xaqiiqada si ay ugu adeegaan mashaariicda imbiryaaliga. Sidaas darteed, New York Times ha u akhrin si aad warar uga heshid, se u kuurgal siday xaqiiqada u beddelayaan. Iyaga oo hordhaca isku sheegaya kuwo madaxbannaan, haddana waxa xaqiiqo ah in qolka wararka laga soo tebiyaa yahay aaladda ugu halista badan ee loo adeegsado aydhiyoolajiyadda. Bogagga lagu dhigo aragtiyuhu, sida maqaallada Thomas Friedman iyo Bret Stephens, waa aragtiyo aan qotodheerayn oo aan xitaa gorfayn mudnayn.

RC: Waa maxay ujeeddada ugu weyn ee weerarkani, fekerkaaga? Ma mid la xidhiidha barnaamijka nukliyeerka oo keliya ahbaa mise waa weerar looga dan leeyahay jilcinta nidaamka Iiraan ama dumintiisa?

XD: Ujeedka ugu weyn ee weerarkani waa in indhaha dunida laga jeediyo xasuuqa ka socda Falasdiin labadii sanno ee u dambeeyey. Sahyuuniyadu waxa ay wadaan xasuuq ay ku laynayaan kumannaan Falasdiiniyiin ah, oo badankoodu ku suganyihiin Qasa. Dunidu si adag bay uga gilgilatay gumaysiga dhulka lagu beeray ee falalka arxanka daran wada. Hoggaamiyayaasha gumaysiga dhul boobka wadaa waxa ay ka baxsanayaan qaanuunka caalamiga ah, sidaas darteed, Israa’iil waxa ay weerar ku waddaa dalalka la jaarka ah, sida Suuriya, Lubnaan, Yaman iyo imika oo Iiraan ah, marka laga reebo nidaamyada Carbeed ee faasidka ah. Waxa xusid mudan in indhihii dunida oo ku jeeda weerarka Israa’iil ay ku qaadday Iiraan, xasuuqii Falasdiin waa uu socdaa oo si maalinle ah ayaa dad loo laayaa. Weerarka Iiraan waa marinhabaabin, sababta la sheegayaana waa mid aan sal lahayn, oo Israa’iil oo haysata nooc kasta oo bambooyinka nukliyeer iyo hubka bayaalajiga, ayaa eedaynaysa dawlad kale oo aan hal bamboo oo nukliyeer ah haysan, saxeexdayna heshiiska joojinta faafidda nukliyeerka. Israa’iil waa dawlad milatari oo meesha lagu ilaaliyo, asalna aan lahayn, markaa waxa ay aaminsantahay in dunida kale oo dhammi sidaas tahay, se sidaas maaha.

RC: Sideed ku qiimaynaysaa jawaabta Iiraan ay ka bixisay xadgudubka Israa’iil? Se ilaa hadma ayaa ay Iiraan iska caabbin kartaa weerarkan Maraykanka iyo Galbeed taageerayaan?

XD: Weerarkan waxa ay u diyaargaroobayeen(Iiraaniyiinta) muddo dheer, intay awood leeyihiinna waa ay is difaacayaan. Se haddana way adagtahay in wax la barbardhigo dawlad milatari ahaan is dhistay, oo weliba Maraykan iyo Yurub ilaalinayaan. Waa inaad xasuusnaatid in Israa’iil tahay dawlad la ilaashado, Yahuudduna dal kasta oo ay joogaan ku firfircoonyihiin. Qofka fisha in dhammaan Yahuudda dalalka kale joogtaa ay alaabtooda u xidhxidhaan Israa’iil oo ay halkaas ku noolaadaan, waa colaadinta Saamiyada. Yahuudda Maraykan joogtaa waa Maraykan, kuwa Masar joogaa waa Masaari, kuwa Iiraan joogaana waa Iiraaniyiin.

Israa’iil keliya waa kayd lagu ururiyo hubka oo calan laga taagay, qorshe kale oo aan dilka dadkana aan hayn, iyo sida loo curiyo hub sii halis badan, kaddib na tikniigaas dalalka dunida looga iibiyo. Si kooban, Israa’iil waa warshad hub oo milatari. Bulshooyinka, dawladaha iyo dhaqannada dunida ka jira, oo xitaa Yahuudda dalalkaas ku nooli ku jiraan, waxa ay ku noolyihiin nolol wanaagsan. Nolol caadi ah bay leeyihiin, sidaas darteed, ma jirto meel kale oo keliya dagaal u nool, warshad hubka iyo dagaalka soo saartana ah, sida Israa’iil. Israa’iiliyiin badan oo wanaagsan baa Falasdiin iskaga tagay si ay u doontaan nolol wanaagsan oo ay mudanyihiin. La dagaallanka colaadinta Saamiyada iyo sumcad-dilkeedu waa waa waajib anshaxa ka mid ah, si jaarkeenna Yahuudda ahi nabad ugu noolaadaan.

RC: Iiraan maxaa ka dhex dhici kara haddii weerarkani sababo in nidaamka la rido? Se sidee arrinkaasi u saamayn karaa gobolka?

XD: Aad bay u adagtahay in imika arrinkaa la oddorosaa. Dadku hadda waa ay walwalsanyihiin, waxaanay ka baxsanayaan Dahraan. Hoggaanka siyaasadeed iyo ka milatariba waxa ay ku jiraan xaalad qas ah, mana aaminsani in nidaamku dhici doono. Walow dawladda hadda dad xul ahaa laga laayay, haddana waa uu riyoonayaa qofka aaminsan in uu Iiraan ku tagi doono diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil, oo uu dalka sidaas ku xukumi doono.

Waa run in nidaamku hadda shacbiyad badan ka haysan qayb bulshada ka mid ah, se haddana isla qaybtaas nidaamka kasoo horjeeddaa waa ay diiddantahay waxa uu Maraykanku samaynayo. Dad dhallinyaro ahaa ayaa ku dhintay bambooyinka Israa’iil tuurayso. Waxa jira dhaqdhaqaaqyo goonnigoosad ah oo ka jira Kurdistaan iyo Bolooshistaan oo ay Israa’iil maalgeliso si ay dhib ugu noqdaan nidaamka jira. Dhaqdhaqaaqyadan tabashadoodu asal ahaan waa mid sharci ah, se si sharcidarro ah waxa uga faa’idaysanaysa Israa’iil oo maalgelinaysa, oo hubaynaysa. Gudaha xukuumadda Iiraan waxa kale oo ka jira musuqmaasuq baahsan, dadkii ugu halabuurka wacnaana waa ay ka baxeen dalka. Haddana dadkaasi waa ay kasoo horjeedaan xadgudubka Israa’iil, oo cadhada iyo dhaliisha ay u hayaan nidaamka mid ka badan bay u hayaan.

RC: Waa maxay mustaqbalka Israa’iil sugayaa kaddib weerarkii ay ku qaadday Iiraan, adigoo ka tixraacaya waxa ka socda Bariga Dhexe laga soo bilaabo toddobadii Aktoobbar ee 2023? Ma waxa aynnu galaynaa xilli Israa’iil awooddeedu fidayso?

XD: Marnaba maya. Israa’iil waa dawlad la ilaashado oo cid kastoo kale nacday, marka laga reebo dalalka Galbeedka ee abuuray iyo Maraykanka oo ku ilaashada danahiisa gobolka iyo kuwa caalamiga ahba. Ku dhawaad sagaal milyan oo qof baa u xayiran beenta ah in Falasdiinta ay haystaan uu yahay dalkooda. Yahuuddu weligoodba waa ay ku noolaayeen Falasdiin, weligoodna waddan way ku lahaan Falasdiin iyagoo la jaar ah deriskooda muslinka iyo masiixiyiintaba ah. Arrinkani xidhiidh lama laha aydhiyoolajiyadda xasuuqa ee ay Yurubiyaanku keeneen, iskuna magacawda Sahyuuniyadda, ahna mid taageertay dhaxalkii gumaysiga ee Falasdiin. Waa dalkaas dalalka kale ku ilaashanayaan danahooda, dadka badanina dhibbanaha u yihiin beenta lagu saleeyey. Sidaas darteed, Israa’iil weligeed yeelan mayso awood madaxbannaan oo ay wax ku qabsato.

RC: Waxa aad tahay indheergarad sannaddo badan mucaarid ku ahaa nidaamka Iiraan. Sideed usoo bandhigi kartaa mawqifka mucaaradka Iiraan ee waxa hadda socda iyo waxa ay ku baaqayaan?

XD: Maanta waxaan ku biiray koox indheergaradka Iiraan ee mucaaridka ah, dalka gudihiisa iyo dibaddiisana jooga, kooxdaas oo saxeexaysay baaq ay si cad ugu taageerayeen difaaca madaxbannaanida dhuleed ee Iiraan. Khilaafka noo dhexeeya nidaamka talada hayaa xidhiidh lama laha difaaca dalka iyo kasoo horjeedsashada weerarka gardarrada ah ee ay Sahyuuniyadu wadaan, iyagoo indhaha dunida ka leexinaya xasuuqa ay ka wadaan Falasdiin.

Annagoo keliya ma aha. Maxaabiis baa xabsiyada Iiraan dhexdooda kasoo qoraya farriimo ay ku difaacayaan madaxbannaanida dalkooda, oo ay ku dhaliilayaan Israa’iil. Iiraan waa dalkayaga, waana hantida muwaaddin kasta oo reer Iiraan ah. Nidaamka dalka ka taliya iyo cadawga duullaanka ahi midina xaq sharci ah kuma laha dalkayaga. Loollanka annaga naga dhex jiraa waa khilaaf u dhexeeya dad walaalo ah oo kala aragtiyo duwan. In aan arko Iiraan oo kelitalis ku hoos jirta ayaan ka doorbidayaa inaan arko iyada oo ku burburaysa bambooyinka Israa’iil. Sinaba la iskuma barbari dhigi karo. Hadda waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah dagaalka loo joojiyo, oo dib loo bilaabo wadahadalladii diblumaasiyadeed si xal loogu helo qaddiyadda nukliyeer ee Iiraan. Waxaynnu u baahi qabnaa in hubka nukliyeer laga joojiyo gobolka, oo ay ku jirto Israa’iil oo hubkeeda nukliyeer markastaba ku hanjabta. Iiraanna si la mid ah dalalka kale waxa ay xaq u leedahay inay yeelato barnaamij nukliyeer oo nabdoon.

RC: Waxa meesha ka maqan dhaleecayntii reer Galbeedka ee ay ahayd in ay dhaleeceeyaan weerarka Israa’iil ku qaadday Iiraan, iyagoo weliba cudurdaar uga dhigaya xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo, xilli weliba la taliyaha Jarmalku si qayaxan u sheegay in Israa’iil dagaalkan ku metesho Galbeedka. Sideed usoo bandhigi kartaa mawqifka dalalka Yurub adigoo tixraacaya xasuuqa ka socda Qasa? Miyuu soo afjarmay xilligii qaanuunka caalamiga ah? Se casrigee noolnahay?

XD: Waa run, oo Yurubiyaanku ma dhaliilaan Israa’iil. Sideedaba, Israa’iil waxa ay ka sameeyeen goob gumaysi si ay ugu ilaashadaan danahooda gobolka. Hadalka ugu caddi waa kaas La Taliyaha Jarmalka Fariidrish Meersi ee ah “in Israa’iil dagaalkan ku metesho Galbeedka”. Ninkani waa nin aqoonlaawe ah, oo haddana cunsuri ah, heer aanu garanayn waxa uu sheegayo. Ujeeddada ugu weyn ee taageeradani waa qurxinta wejiga xasuuqa Falasdiin ka socda, oo aanu keliya taageerin siyaasigani, ee xitaa falaasifadii ugu mudnayd taageerayaan. Waxa aan ka qoray maqaal ah: “Qasa ayaa Caddaysay in Falsafadda Yurub Anshaxa ka Madhantahay”. Qaanuunka caalamiga ah marnaba loogama dan lahayn in uu koobsado dhaqanka xadgudubka badan ee gumaysiga Yurub iyo Maraykan ku socdaan.