Sunday 7 June 2026
“Baaritaankeennu waxa uu keeni karaa in laga tago wixii horay loo yaqiin ee lala qabsaday. Sidaa darteed, qofka maqla wax ka duwan wixii uu horay u ogaa waa in uusan dafiraad nagula soo degdegin. Waayo taasi waxay noqon kartaa arrin lagu fududaaday. Badanaa inta jeer ee run la dhibsaday, wax la caadaystay oo wanaag loo haystayna ay been noqdeen. Runtu iskeed bay run u tahay, kumana xirna cidda sheegtay. Had iyo goorna aan xusuusnaano weedha horay loo yiri ee tiraahda: Haddii ay sinmaan fahmada iyo hanku, xirfad walba waxaa wanaagsan middeeda danbe.” Ibnu Nafiis (1210-1288); Sharxi Macaanii al-Qaanuun.
Maqaalkii hore ee cinwaankiisu ahaa “Xabiib Burqiiba iyo Culumada Colaadiya Calmaaniyadda,” waxaan ku sheegay in odayaasha hoggaamiya ururrada islaamka siyaasiga qaarkood ay bilaabeen in ay wejiga beddeshaan, oo ay aqbalaan qaar ka mid ah fikradihii ay horay u la dagaallami jireen sida dimuqoraadiyadda iyo calmaaniyadda iyaga oo ugu qiilbixinaya in ay erayga ‘Islaam’ gadaal uga lifaaqaan. Tusaale ahaan, waxay bilaabeen in ay adeegsadeen eraybixinno ay ka mid yihiin ‘Dimoqoraadiyad Islaam ah’ iyo ‘Calmaaniyad Islaam ah’ iyo ‘Calmaaniyad Iimaan Leh’.
Hase ahaatee, akhristayaasha qaarkood baa waxay u qaateen in eraybixinta ‘calmaaniyad iimaan leh,’ ay tahay mid aan anigu allifay. Runtiina, akhristayaasha badankoodu gar bay u leeyihiin in ay sidaas khaldan arrinka u fahmaan, waayo dadka badankoodu xog-ogaal uma aha taariikhda eraybixinta ‘calmaaniyad iimaan leh’ iyo ulajeeddada ka danbaysa adeegsigeeda.
Hor iyo horraan, waxaa xusid mudan in dunida Islaamka ka hor intii aan la baran adeegsiga erayga ‘calmaaniyad,’ muddo dheer la adeegsan jirey erayga ‘madani’ ama ‘madaniya’ oo u dhigmay erayada ‘laysitee =laicité’ iyo ‘sekulaarism =secularism’ ee afafka reer Yurub ku jira. Tusaale ahaan, weli waxaan maqalnaa iyada oo la leeyahay ‘dowlad madani ah’ ama ‘tacliin madani ah’ ama ‘guur madani ah’ oo laga wado dowlad askar iyo diin ka madax-bannaan (=dowlad rayid ah), waxbarasho aan diini ahayn iyo guur ka dhaca meel ka baxsan xarumaha diinta ama aan wadaad maamulin. Balse goor danbe ayaa eraygii ‘madaniya’ waxaa lagu beddelay erayga ‘calmaaniyad’. Kolka la soo koobana, calmaaniyaddu af ahaan waa waxa khuseeya ama daneeya ‘ummuuraha adduunyada’ ee ‘maqanaha ama aakhiro’ aan shuqul ku lahayn. Eraybixin ahaanna, waa kala duwidda diinta iyo hawlaha dowladda -oo siyaasaddu ay kow ka tahay- iyo in dadku ay xor u ahaadaan damiirkooda iyo waxa ay aamminayaan.
Midda kale, adeegsiga erayga ‘madaniya’ ee jeer danbe lagu beddelay ‘calmaaniyad’, dunida Islaamka wuxuu ka bilaamay wixii ka danbeeyay markii gumeystayaasha reer Yurub ay dunida Islaamka ku soo duuleen, oo ay qabsadeen Indooniisiya 1602, Hindiya 1857 (kaddib labo qarni oo xukun dadban ah), duullaankii Faransiisku uu ku qaaday Masar 1798-1801, iyo dowladdii Cusmaanida oo laga qabsaday dhulal badan oo ay horay uga talin jirtey, siiba wixii ka gadaaleeyay dagaalkii ka dhacay goobta loo yaqaan ‘Senta /Zenta’, oo dowladdii Cusmaanida ku khasbay in ay saxiixdo heshiiskii Kaarloofitis (=the treaty of Karlowitz/معاهدة كارلوفيتز) sannadkii 1699.
Heshiiskii Kaarloofitis iyo kii ka danbeeyey ee Kujuk Kaynaarja oo sannadkii 1774 dhexmaray Ruushka iyo dowladdii Cusmaanida, Muslimiinta oo jeerkaas ka hor aqoon iyo ilbaxnimo isbidi jiray, waxay ku baraarujiyeen in Yurub awood ballaaran la soo baxday, oo xaalku sidii hore uusan ahayn, waxayna bilaabeen in ay isweydiiyaan: War maxaa khaldamay? Halkee baa nalooga yimid? Maxay tahay sababta ay Muslimiintu la dib dhaceen, ummadaha kalena la hormareen? (=What Went Wrong? Why Muslims Lagged Behind and Others Progressed? /أين الخطأ؟ لماذا تأخر المسلمون وتقدم غيرهم؟).
Ku baraarugiddii dhibaatada ee ugu horraysay waxaa laga ogaan karaa ardaydii waxbarashada loogu diray dhulalka reer Galbeedka, iyo in aqoonyahanno iyo khubaro ku kala takhasusay laamaha kala duwan ee aqoonta laga keenay Galbeedka tan iyo horraantii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Dareemidda mushkiladdu waxay sii xoogaysatay markii ardaydaas iyo danjireyaashii ugu horreeyey ay dib ugu soo laabteen dunida Islaamka, ayna ka warbixiyeen wixii ay Yurub ku soo arkeen iyo afkaarta halkaas ka jirta.
Dhigaallada ka warbixiyay dhibaatadana waxaa ka mid ah buugga cinwaankiisu yahay “Buugga Safaaraddii Faransiiska ‘1720-1721’” (= Sefaretname-i Fransa /سفارة نامة فرنسا أو جنة النساء والكافرين), oo uu qoray Maxamed Jalabi Efendi oo ahaa safiirkii ugu horreeyey ee dowladdii Cusmaanidu ay xil danjire u magacowdo, iyo buugga kale ee lagu magacaabo “Waddooyinka Ugu Saxan Ee Lagu Ogaan Karo Xaaladaha Waddamada /أقوم المسالك في معرفة أحوال الممالك” ee uu qoray Kheyrudiin Tuunisi, lana daabacay sannadkii 1869. Aqoonyahannada qaarkoodna waxay sheegeen in is-aragga dunida Islaamka iyo reer Galbeedka cusubi uu watay waxa loo yaqaan ‘naxdinta casriyoobidda’ (=the shock of modernity /صدمة الحداثة).
Muslimiintu iskuma khilaafin in dhibaato ay jirto, balse waxay si weyn isugu qabteen sida loo wajahayo dhibaatada iyo waxa lagula tacaalayo. Haddii si kale loo yiraahdo, Muslimiinta waxaa ka dhex curtay doodo ku saabsan mas’alada casriyoobidda (=modernity /الحداثة) oo ay udubdhexaad u yihiin weydiimaha la xiriira caqliga, cilmiga, calmaaniyadda, iyo in aan nolosha lagu dhisin jahli iyo khuraafaad, oo iyaguna markooda lugaha la galaya diinta, dowladda, sayniska, suuqa (=dhaqaalaha) iyo xuquuqda qofka bani’aadamka ahi uu leeyahay.
Faylasuufkii Marshall Berman (1940-2013) casriyoobidda wuxuu ku cabbiray oraah uu ka ammaahday Kaarla Maarkis oo tiraahda “Wax walba oo adki waxay isu beddelayaan hawo /All That Is Solid Melts into Air.” Casriyoobiddu waxay burburin kartaa qiyamkii iyo dhaqammadii ay dadku horay u haysteen (=wax walba oo adag), kuwaas oo isu rogaya wax fudud oo si sahlan u dhumi kara (=hawada ku milmaya).
Casriyoobiddu waxay fursad inoo siinaysaa in aan isbeddelno, korno, horumar samayno, oo aan sahaminno duni cusub oo hor leh. Laakiin isla goortaas, waxay halis gelisaa in ay burburiso wax walba oo aan naqaanno, wax kasta oo aan haysanno, iyo wax kasta oo aan nahay. Mar qura ayay waxay wadataa fursado iyo haliso wadajira.
Sida xaqiiqada ah, waxaa jira weydiimo waaweyn oo aan weli jawaabo kamadanbays ah loo hayn, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Muxuu yahay xiriirka ka dhaxeeya casriyoobidda iyo calmaaniyaddu? Ma dhab baa in calmaaniyaddu ay horseeddo hoos u dhac ku yimaada diinta? Caqliga iyo waxyiga sidee baa loo kala maaraynayaa? Dowladda calmaaniga ahi maxay diinta u reebaysaa? …, …, iyo qaar kale. Laakiin, waxaa muran ma doonto ah in labadii qarni ee ugu danbeeyay ay dabaysha casriyoobiddu dunida Islaamka heerar iyo qaabab kala duwan u saamaysay.
Ilaa xad, casriyoobidda oo ku duulaysa labada garab ee nidaamka hantigoosiga iyo farsamada casriga ahi waxay kordhisay isu socodka iyo isdhexgalka dadyow kala degmo iyo diin ah. Isdhexgalka dadkuna waxa uu keenaa wax isdhaafsi maaddi iyo macnawi ama badeeco iyo afkaar isugu jira. Dunida Islaamka waxaa soo gaaray fikradaha ku baaqaya in loo baahan yahay in qofka bani’aadamka ahi uu helo nolol, xorriyad, sinnaan, iyo farxad oo ah halkudhegyadii laga dhaxlay kacaankii Faransiiska iyo kii Maraykanka (=Liberté, Égalité, Fraternité iyo Life, Liberty and the pursuit of Happiness).
Taa aawadeed, dunida Islaamka waxaa ka bilaamay dhaqdhaqaaqyo u ololeeya helidda dastuur, baarlamaan, dimoqoraadiyad iyo in dib-u-habayn lagu sameeyo qawaaniinta Muslimiintu ku dhaqmaan iyada oo lagu salaynayo aqoonsiga ummadda (=identity) oo diinta islaamku ay kow ka tahay. Dhaqdhaqaaqyadaas xooggoodu waxay ka abuurmeen magaalooyinkii aqoonyahannada Cusmaanidu ay xoogga ku lahaayeen sida magaalada Istaanbuul iyo carriga Iiraan. Sababta Turkidii Cusmaanida iyo Iiraanidu ay dhaqdhaqaaqyadaas hormuudka uga ahaayeen waa in iyagu ay xiriirrada ugu horreeyey Yurub la yeesheen, maadaama ay ku noolaayeen xarumihii looga talin jirey dowladihii Cusmaanida iyo Qaajaarida, isla markaana deegaan ahaan ay Yurub u dhawaayeen. Dhaqdhaqaaqyadaas waxaa ka dhashay in dowladdii Cusmaanidu ay gashay marxalad loo yaqaan “Casrigii Dib-u-Habaynta/the Tanzimat (1839-1876)”.
Sidoo kale, waxyaabaha isdhexgalka bulshooyinka ka dhasha waxaa ka mid ah guurka. Muslimiintu horay waxay u oggolaayeen in ninka muslimka ahi uu guursan karo haweenay ehlukitaab ah -haysata diinta Kirishtaanka ama Yahuudiyadda. Guud ahaan, shiddo kama jirin guurka ragga muslimiinta ahi ay ku guursanayaan dumar haysta diimo kale ama xitaa aan diin haysan. Maxaa yeelay, fikrad si weyn la isaga dhaadhiciyey baa waxay sheegtaa in ‘dumarku ay qaataan diinta saygooda’.
Hayeeshee, waxaa culays lagala kulmay dumarka Muslimiinta ah ee doonaya in ay guursadaan niman aan Muslimiin ahayn. Waayo fuqahadii hore baa waxay fatwoodeen in haweenka muslimiinta aan loo oggolayn in ay guursadaan nin aan muslim ahayn, maadaama caqligooda iyo diintooduba ay liitaan, shakina uu ku jiro in aakhiro ay jannada galayaan. Si kastaba ha ahaatee, aqoonyahannada qaarkood oo tixgelin siiyey isbeddelka bulshada ku dhacay baa waxay ku doodeen in loo baahan yahay in guurku uu noqdo mid madani ah oo xeerarka bulshadu ay xukumaan.
Aqoonyahannada sidaan ku dooday waxay daliishadeen in shareecada islaamku ay danta dadka ka shaqayso, oo marna aysan diidayn wax danta bulshadu ay ku jirto, axkaamta iyo fatwaduna ay isla beddelaan hadba isbeddelka ku dhaca goobta iyo goorta la joogo (=لا ينكر تغير الأحكام بتغير الزمان والمكان). Waxay kaloo cuskadeen xadiis wadaaddada qaarkood -siiba kuwa Shiicadu- ay nebiga ka wariyaan oo yiraahda: “Ummad kasta oo kala taqaan guurka iyo sinada, guurkooda waxaa loo aqoonsanayaa mid bannaan /كل قوم يعرفون النكاح من السفاح فنكاحهم جائز”.
Xaddiiskaan la sheego in nebigu uu yiri, waayadii hore waxaa loo adeegsan jirey in la qiro sharciyadda guurka dadyowga diimaha kale haysta oo keliya, balse waayadii danbe waxaa la bilaabay in loo daliishado sharciyaynta guurka dhexmara lammaanayaasha diimaha kala duwan haysta. Waxaana xusid mudan, in doodahaan badankoodu ay ka jireen dhulalkii ay ku dhaqnaayeen dadyowga kala diinta iyo madaahibta ahi.
Iyada oo kooban, casriyoobiddu dunida Islaamka waxay ka abuurtay su’aalo si weyn la isugu maandhaafay, kuwaas oo ay ugu mudan tahay weydiin la xiriirta doorka ay diintu ku leedahay dowladda casriga ah iyo nidaamkeeda siyaasadda. Dowladda casriga ah ee calmaaniyadda ku dhisan iyo dowladda diiniga ah ee ay wadaaddadu maanka ku hayaan ma yihiin kuwo isqaadan kara? Sidee baa la isu waafajin karaa dowladnimada casriga ah ee muwaadinnimada ku salaysan iyo doodda wadaaddada diinta ee qabta “kala saraysiinta Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimiinta ahayn, ragga iyo haweenka, sayidka iyo addoonka”? Waayo waxaa kala duwan fikradda ‘Muslim’ ee ay diintu ka hadasho iyo fikradda ‘Muwaadin’ ee dowladaha casriga ahi ay ku dhisan yihiin.
Dowladaha casriga ahi waxay yaqaannaan hal abtirsi oo aasaasi ah, oo wax walba ka sarreeya marka la joogo dastuurka iyo qaanuunka. Waa abtirsiga ‘muwaaddinimada’ ee ay wadaagaan dhammaan dadka dalka u dhashay, si kasta oo ay ugu kala duwanaadaan iimaanka diiniga ah iyo afkaarta ay maanka iyo laabta ku hayaan. Dowladda casriga ahi waxay danaysaa xuquuqda iyo xorriyadda qofka muwaadinka ah, halka wadaaddada caqiidada iyo fiqiga bartay -ee isu arka in ay Alle dhulka wakiil uga yihiin- ay ka xeeriyaan xuquuqda Alle. Haddaba, xaqa Alle iyo xuquuqda muwaadinka kee baa mudnaanta la siinayaa, oo la hormarinayaa?
Weydiintaani waxay ahayd mawduuc dhaliyey muran iyo colaad aan weli xal loo helin, oo dhan ku saabsan calmaaniyadda iyo mowqifkeeda ku aaddan diimaha, iyo dhanka kale mowqifka diimaha ee ku wajahan calmaaniyadda. Haddii si kale loo yiraaho: Ma waxaa jira xiriir ka dhaxeeya calmaaniyadda iyo allekoodnimada (=ilxaadka ama inkiridda jiritaanka Eebbe)?
Sida runta ah, su’aasha ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya diinta iyo dowladdu waa mid ummadaha adduunka oo idil heerar kala duwan u hortimaadda. Waxa keliya ee ummaduhu ay ku kala geddisan yihiin waa goorta weydiintaas laga doodayo iyo qaabka loo dhigayo. Maxaa yeelay, ifka laguma arag bulsho aan diin lahayn, sidoo kalena laguma hayo mid aan adduunyada danayn. Sheekoxariirta isbarbardhigta reer Bariga ruuxaaniga ah iyo reer Galbeedka maaddiga ahi waa mid aan waxba ka jirin. Aalaabana, ummadaha badankoodu marka ay horumar sameeyaan, xawaare kala geddisan waxay u qaadaan jidka kala saaridda diinta iyo dowladda. Su’aasha dhabta ah ee isweydiinta u baahanna ma aha in la kala doorto dowlad diimeed iyo dowlad calmaani ah, balse waa nooca ay tahay dowladda calmaaniga ah ee aan doonayno? Iyo sidee baan calmaaniyadda u fahmaynaa?
Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Yasar Yakis (1938-2024) oo ka mid ahaa xubnihii islaamiyiinta ahaa ee sameeyey ‘Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta (=AKP)’, isla markaana ka mid ahaa xubnihii qoray dastuurka Xisbiga, waxa uu sheegay in ka hor intii aysan qorin dastuurka xisbiga ay baaritaan ku sameeyeen waxyaabah bulshadu ay ka filayso xukuumadda talada haysa. Natiijadii baaritaanka uga soo baxdayna waxay noqotay in muwaadiniintu ay xukuumadda ku qiimeeyaan sida ay wax uga qabato arrimaha ay ka midka yihiin; ammaanka, shaqo la’aanta, kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. Waddanka waxaa ka jirey doodo kulul oo ku saabsan xijaabka. Laakiin dadku kuma aysan darin waxyaabaha ay xukuumadda ka sugayaan in ay wax ka qabato. Sidaa darteed, waxaan go’aansannay in dastuurka xisbigu uu xoogga saaro baahida bulshada, halkii dadaal badan lagu bixin lahaa collaysiga calmaaniyadda.
Intaas wuxuu ku daray: “Haddii Masaaridu ay taageeri lahaayeen dastuur calmaani ah, hadda waxay ku sugnaan lahaayeen xaalad kale oo dhaanta midda ay hadda ku jiraan… Markaan xaaladda Masar eegno, waxaan ogaanaynaa waxtarka calmaaniyadda dastuurka ku qeexani ay Turkiga u leedahay.” Wuxuuna sii raaciyay: “Halka dhibaatadu ay ka unkantay waa in Ikhwaanu Muslimiinka Masar aysan khibrad u lahayn sida dowlad loo maamulo. Waxay fahmi waayeen wixii ay rabeen dadkii bannaanbaxa dhigay ee buuxdhaafiyey Fagaaraha Taxriir.”
Si kastaba ha ahaatee, bilowgii hore, dunida islaamka oo dhan, wadaaddada islaamka siyaasigu si buuxda oo aan kalareeb lahayn bay calmaaniyadda u la dagaallameen, oo ugu tilmaameen in ay tahay gaalnimo iyo diin la dirir. Waxay ku andacoodeen in calmaaniyaddu ay tahay geeri Galbeed ka timid, oo haddii inta goori goor tahay aan laga hortegin ay dad iyo diinba galaafanayso. Hase ahaatee, soddonkii sano ee ugu danbeeyey waxaa soo batay wadaaddada sheegaya in calmaaniyadda iyo islaamku ay isqaadan karaan. Wadaaddadaan badankoodu waxay sheegaan in ay jiraan labo nooc oo calmaaniyad ah. Calmaaniyad dhexdhexaad ama bar ah iyo calmaaniyadda adag oo xagjir ah (=العلمانية المعتدلة أو الجزئية) والعلمانية المتطرفة (الشاملة أو الصلبه))). Wadaaddadaani waxay ku doodaan in calmaaniyadda xaaraanta ah ee aan loo dhawaan karin ay tahay midda xagjirka ah, laakiin midda fudud ee aan diinta la dirirayn ay bannaantahay (=Wadaaddada badankoodu weli erayga calmaaniyad afka kuma ballaariyaan. Taa beddelkeedana waxay isticmaalaan erayga ‘madaniya’ oo nuxur ahaan aan waxba uga duwanayn).
Wadaaddada sidaas ku dooday waxaa ugu caansan Maxamed Mahdi Shamsudiin, Cabdiwahaab al-Masiiri, Cabdullaahi al-Calaayili, Raashid Al-Ganuushi, Abuu Yacrub al-Marsuuqi, iyo qaar kale oo badan. Dhab ahaantii, tan iyo bilowgii sagaashanaadkii qarnigii tagay waxaa isi soo taraya ifafaale muujinaya in madaxda ururrada islaamka siyaasigu ay aayar-aayar u aqbalayaan dowladda-qaran ee casriga ah, ayna ka soo fuqayaan fikradda khilaafada ee ku qotonta dhisidda dowlad kulmisa ummadda islaamka ah oo dhan.
Waa run in calmaaniyadu ay noocyo badan tahay, oo calmaaniyadda Faransiisku waa ka duwan tahay midda Ingiriiska, sidoo kalena calmaaniyaddii Turkiga laga fuliyey xilligii Ataaturki lama mid ah calmaaniyadda Norway, isla markaana la ma mid ah midda hadda Turkiga ka jirta. Kolka isbarbardhig lagu sameeyo calmaaniyadda Faransiiska iyo tan Maraykankana waxaa soo baxaya in Faransiiska dowladda diinta laga ilaaliyo, halka Maraykanka diinta dowladda laga waardiyeeyo.
Siday ahaataba, wadaaddada Muslimiintu waxay ku khaldan yihiin in calmaaniyadda oo dhan danbiil qura lagu rido, oo la diido. Calmaaniyaddu waxay leedahay wejiyo badan iyada oo hadba xaalkeedu uu ku xiran yahay duruufaha dhaqan-dhaqaale ee bulshadu ay marayso. Si guudse waxaa lagu doodi karaa in caadi ahaan calmaaniyadu ay leedahay dabeecad bar ah (=partial secularism), maxaa wacay meesha qura ee ay diinta ka fogaysaa waa hey’adaha dowladda. Faransiiska oo lagu tilmaami jirey in uu yahay kan ay ka jirto calmaaniyadda Yurub ugu adag, waayahaan danbe waxaa muuqata in uu diinta u furfurmay, oo ay ka hanaqaadayso calmaaniyad cusub oo ilaa xad diinta u dabacsan.
Yeelkadeede, oraahda ‘calmaaniyad islaam ah’ ama ‘calmaaniyad iimaan leh,’ waa weer sanooyinkii danbe aad loo adeegsado, dadka ugu caansan ee loogu abtirin karana waxaa ugu horreeya wadaadkii Suuriga ahaa ee Shiikh Mustafa al-Sibaaci (1915-1964), oo ah ninka aasaasay ururka Ikhwaanu Muslimiinka ee dalka Suuriya, saamayn badanna ku lahaa siyaasadda iyo afkaarta diiniga ah ee ka jirta dalkaas. Qof ahaanna, dhallinyaronimadaydii waxaan akhriyey buugtiisa intooda badan, si gaar ahna waxaan marar badan akhriyey buuggiisa yar ee lagu magacaabo ‘Farshaxannimada Sare Ee Ilbaxnimadeenna /من روائع حضارتنا”.
Waxay u badan tahay in Sheekh Mustafe Sibaaci uusan adeegsan erayga ‘calmaaniyad iimaan leh’, uusanna qabin in diinta iyo dowladda la kala sooco. Balse docda kale, wuxuu welwel ka qabay in calmaaniyaddu ay noqoto dugaag diinta ugaarsada ama in diinta qudheedu ay noqoto mid bulshada qaybisa. Waxayna la ahayd in calmaaniyadda aan diinta colaadin ay noqon karto aalad lagu xaqiijiyo xorriyadda iimaanka dadka iyo xuquuqda bulshada.
Qoraaga Suuriga ah ee Maxamed Jamaal Baaruut Sheekh Mustafa Sibaaci wuxuu ku tilmaamay in uu yahay “horseedaha calmaaniyadda iimaanka leh /رائد العلمانية المؤمنة”, wuxuuna ku dooday in Sibaaci uu ahaa ninka ugu mudan raggii ka tirsanaa dhaqdhaqaaqyada Islaamka siyaasiga sannadihii kontameeyadii qarnigii tagay oo si cad u taageeray fikradda ‘calmaaniyadda iimaanka leh’. Maxamed Maxfuud oo ah qoraa Sacuudi ah oo ururrada islaamka ka faallooda, isaguna Mustafa Sibaaci wuxuu ku sifeeyey in uu ahaa kan ugu wacyi sarreeyay, uguna turriimo badnaa raggii madaxda ka noqday ururka Ikhwaanul Muslimiinka Suuriya. Waxa uu ahaa nin danta dadka iyo dalka ka hormariya tan ururka, waayo sida isaga qudhiisu uu sheegay: “Midnimada bulshadu waxay la mid tahay sida geed ay dabayli ku dhufatay, oo dhammaan laamihiisu kuwa sare iyo kuwa hoosaba ay wada ruxmayaan”.
Calmaaniyadda iimaanka lihi waa calmaaniyad ku dadaalaysa in laga dhabeeyo isu miisaamidda ama isu dheelitiridda qiyamka diinta iyo baahiyaha bulshada casriga ah. Waa calmaaniyad aan diinta colaadinayn, balse isla jeerkaas aan aqbali karin in fahanka wadaaddadu ay diinta ka bixiyaan uu muwaadiniinta colaad iyo nacayb kala dhexdhigo. Waa calmaaniyad isku si u danaysa mabaadida diinta iyo qiyamka casriga lagu noolyahay. “Diintu waa diin inta ay xudduuddeeda gudihiisa ku jirto, balse kolka ay seeraheeda dhaafto waxay noqotaa aydaloojiyad,” siduu u dhigay Casmi Bishaara.
Sibaaci waxa uu diiday oraahda tiraahda ‘Diinta dowladdu waa Islaam,’ ee diibaaji ahaanta loogu qoro bilowga dastuurrada dowladaha islaamka badankooda. Wuxuuna ku dooday in maadaama Suuriya iyo waddamada islaamka badankooda ay ku dhaqan yihiin dadyow kala diimo ah, kuwa isku diinta ah laftooduna aysan diinta fahan mida ka haysan, ay khalad tahay in la yiraahdo ‘diinta dowladdu waa Islaam’. Waayo diinta lama wadaago, laakiin dowladda waa la wadaagaa. Sidaa darteed, waddamada muwaadiniinta ku nool ay Muslimiintu ugu badan yihiin waxaa ku filan in dastuurka lagu qoro ‘Islaamka ayaa ah diinta madaxweynaha /الإسلام دين رئيس الدولة’ halkii laga oran lahaa ‘Diinta dowladdu waa Islaam /الإسلام دين الدولة’.
Weedha danbe ee ‘Islaamka ayaa ah diinta dowladda’ waa mid aan Islaamka iyo dowladda midkoodna waxtar iyo meecaad u lahayn. Waayo? Diinta waxaa leh dadka ee ma laha dowladdu. Waxaana jira farqi u dhaxeeya dowladda iyo dadka, dowladdu ma aha dadka balse waa saabaanka ama hey’adda maamulka, qaanuunka iyo siyaasadda ee nidaamisa nolosha bulshada dhexdeeda. Xilka dowladda saarani waa in ay ilaaliso dadka ee ma aha in ay ilaaliso fikradaha iyo waxa la aamminsan yahay.
Akhristow, sheekaba sheekay keentaaye, sannadkii 1923, dalka Masar waxaa la magacaabay guddi loo xilsaaray qoridda dastuurka dalkaas. Xubnaha guddigaasi waxay u badnaayeen Muslimiin, laakiin waxaa ku jirey dhowr xubnood oo ka tirsan masiixida Aqbaadda ah ee dalkaas ku dhaqan. Guddigii kolkii ay bilaabeen qoridda dastuurka waxay ka doodeen in qodobada dastuurka lagu daro qodobka oranaya: “Diinta dowladdu waa Islaam” iyo in la iska daayo? Go’aan ka gaaridda arrinkaasna waxaa si gaar ah loogala tashaday xubnihii guddiga ee Kirishtanka ahaa, maadaama la tuhunsanaa in qodobkaasi uu iyaga si gaar ah saamayn ugu yeelan karo.
Hase ahaatee, xubnihii Aqbaaddu waxay ku jawaabeen in wax shiddo ahi aysan ku jabnayn in qodobkaas dastuurka lagu daro. Dr. Taha Xuseen oo goor dambe qodobkaan ka faalloodayna waxa uu yiri: “[Qodobkaas] dhib oo dhan baan kala kulannay /وقد وجدنا فيها الضرر كل الضرر”. Hadalkaas oo macnihiisu uu yahay in khibradda laga dhaxlay qodobkaasi ay muujinayso in uu dhib badan u soo jiiday dadka dalkaas. Run ahaantiina, qodobkaasi tan iyo maanta wuxuu ka mid yahay qodobbada dadka dalkaasi ay aadka ugu murmaan. Dalka Suuriyana waxaa lagu sheegaa in uu yahay dal tan iyo markii uu madax-bannaanida qaatay aan dastuurradiisa kala danbeeyey marna lagu qorin in islaamku uu yahay diinta dowladda.
Sheekh Sibaaci waxa uu sheegay in shareecada islaamku ay tahay shareeco calmaani ah, isaga oo ka wada in shareecada islaamku ay u taagan tahay xaqiijinta danta dadka. Sheekhu muxaadaro uu dabshidkii 1953 ka jeediyey magaalada Beyruut waxa uu ku yiri: ‘Islaamku xagga shareecadiisa waa madani calmaani ah oo qawaaniinta dadka loo dajinayo ku saleeya wixii maslaxaddooda, karaamadooda iyo liibaantoodu ay ku jirto, isaga oo aan ku kala soocin diimaha, afafka iyo isirkooda.’ Sibaaci ka horna Sheekh Maxamed al-Maraagi (1881-1945) oo laba jeer madax ka noqday Jaamacadda As’har, baa guddi dalka Masar qaanuun u samaynayay waxa uu ku yiri: Qaanuunka “ku dara wixii aad u aragtaan in danta dadku ay ku jirto, shareecadana waxaad ka helaysaan wax taageeraya mowqifkiinna/ضعوا ما ترونه صالحا للناس وستجدون في الشريعة ما يؤيد اتجاهكم”.
Suuridu marar badan waxay isku xiraan hadalka Sibaaci iyo dhacdo la sheego in ay dhexmartay sarkaal ka mid ahaa gumeystayaashii Faransiiska u joogay Suuriya oo la oran jirey Jeneraal Gourard iyo siyaasi Suuri ahaa oo dalkaas xilal badan ka qabtay ilaa uu ka gaaray jagada Ra’iisul Wasaaraha, kana tirsanaa Suurida haysta diinta Kirishtaanka oo lagu magacaabi jirey Faaris al-Khuuri. Iyaga iyo ku allahoode waxay wariyeen in Jeneraal Goro uu Mudane Khuuri ku yiri: “Suuriya waxaan u nimi si aan u ilaalinno dadka haysta diinta Kirishtaanka.”
Faaris al-Khuuri markii uu dooddaas maqlay, waxa uu tagay Masaajidka Weyne Ee Ummawida ee magaalada Dimishiq isaga oo cod dheer ku leh: “Haddii Faransiisku ay ku andacoonayaan in ay Suuriya u yimaadeen si ay Kirishtaanka uga ilaaliyaan Muslimiinta, haddaba aniga oo Kirishtaan ah baa halkaan waxaan ka qirayaa in Eebbe mooyee aan ilaah kale jirin.” Intaa kaddib, Muslimiintii masaajidka ku tukanayey baa soo yaacay oo Khuuri kor u xanbaaray. Waa dhacdo Suuridu ay xasuustaan xaaladaha ay xiisadaha diinta ku salaysani taagan yihiin.
Sida la sheegana, Faaris al-Khuuri oo Kirishtan ahaa mar buu waxa uu noqday wasiirka Awqaafta Muslimiinta. Suurida qaarkoodna waxay ku faanaan in dhaqankaani uu yahay mid ay ka dhaxleen Mucaawiye bin Abii Sufyaan oo aan raciyadiisa ku kala farqin jirin diin iyo mad’hab ay haystaan, aqoonyahanno iyo waxgarad diimo kala duwan ku kala abtirsadana xilal u dhiibi jirey, golihiisana ay dhoobnaan jireen.
Dhanka kale, Sibaaci waxaa lagu xasuustaa in uu ka mid ahaa wadaaddo badan oo Muslimiin ah oo taageeray dulucda mabda’a hantiwadaagga. Sibaaci gugii 1959, waxa uu soo saaray buug uu cinwaan uga dhigay ‘Hantiwadaagga Islaamka /اشتراكية الإسلام’. Waa buug milaygii uu soo baxay dood badan abuuray. Wuxuuna ku soo beegmay goor ay in muddo ah taagnayd dood ba’an oo ku saabsanayd lahaanshaha dhulka, gaar ahaan dhul-beereedka, isla jeerkaasna ay socotay hawshii qaramaynta (=nationalization/التأميم) ee Jamaal Cabdinaasir uu ka fuliyey Masar.
Sibaaci waxa uu sheegay in cinwaanka buugga uu u doortay ‘Hantiwadaagga Islaamka,’ sababta oo ah wuxuu ogyahay in ‘hantiwadaaggu’ uusan ahayn ‘moodo’ muddo gaaban jirta, balse uu ku duugan yahay dabeecadda bani’aadamka, uuna ka muuqdo waxbaridda nebiyada iyo dadaalladii waxgaradkii dunida soo maray tan iyo waa fog… Hantiwadaaggu waa hadaf ay ummaduhu higsadaan si ay uga takhalusaan musiibooyinka caddaalad darrida bulshada iyo sinnaan la’aanta gaamurtay ee sida weyn u dhaawaca sharafta aadanaha. Ulajeeddada hantiwadaaggu waa in la ciribtiro gaajada, saboolnimada, cudurka iyo kutumashada karaamada bani’aadamka. Waa in maalqabeenku aysan ku naaxin ka faa’iideysiga baahida saboolka. Islaamka iyo diimaha kale oo idil hadafkaas waa taageeraan, oo wuxuu ka mid yahay maqaasidda shareecada.
Sibaaci waxa uu xusay in nin ku maagay ku baaqidda hantiwadaagga uu ku yiri: “Adigu ma taqaanid waxa hantiwadaaggu uu yahay, sidoo kalena aqoon uma lihid Islaamka,” uuna isku dayey inuu ninkaas u sharraxo nuxurka Islaamka iyo hantiwadaagga. Xilli xilliyada ka mid ahna, Sibaaci waxa uu sameeyey isbahaysi siyaasadeed oo uu u bixiyey ‘Jabhadda Hantiwadaagga Islaamka /الجبهة الإشتراكية الإسلامية’, oo ay xubno ka ahaayeen dad kala diimo iyo isir ahaa. Waxaana la sheegaa in fikradihii Sibaaci ee ku aaddanaa calmaaniyadda iyo hantiwadaagu ay horseedeen in ururka Ikhawaanu Muslimiinka Suuriya uu qaybsamo, oo xubno badani ay ururka uga baxeen sababo ku saabsan afkaarta Shiikha (wadaadka waxaa lagu eedeeyey in uu la dhacsanaa Madaxweynihii Masar ee Jamaal Cabdinaasir).
Ayaandarro, hantiwadaaggii Sheekh Sibaaci iyo rag kaleba ay u ol’oleeyeen waxaa cagta mariyey nidaamka hantigoosiga oo adeegsanaya awoodda reer Galbeedka iyo doollarkii laga helay batroolka Carabta (=Petrodollar). Dunida islaamkana maanta waxaa haysta hantigoosi dugaagoobay oo marar badan la huwiyo magac islaam, oo loogu yeero ‘Dhaqaale Islaam’ (=Islamic economics/ الإقتصاد الإسلامي”.
Guud ahaan, Mustafa Sibaaci waxa uu ka fekeray sida ummad ku kala duwan dhinacyada diinta, madaahibta iyo dhaqamada oo ku wada nool hal dal loogu samayn karo aqoonsi mideeya. Waxaana u soo baxay in sida arrinkaas looga dhabayn karaa ay tahay in ‘Islaamka Kaniisadda ama Daquusta /الإسلام الكنسي أو الطقوسي’ lagu beddelo ‘Islaamka Ilbaxnimada /الإسلام الحضاري’. Islaamka kaniisaddu waa Islaam dad yar qaada, oo inuu bulshada qaybiyo mooyee aan midayn karin. Waa islaam dadka ku qiimeeya hadba meesha ay ku cibaadaystaan iyo qaabka ay u cibaadaystaan. Halka islaamka ilbaxa ahi uu yahay kan mideeya dhammaan xubnaha ay bulshadu ka kooban tahay si kasta oo ay af, dhaqan, diin, xarun cibaado, iyo isir ay ugu kala geddisnaadaan. Sanooyinkaan dambe, eraybixinta ‘Islaamka Ilbaxaha Ah/ Islam Hadhari,’ waxaa aad looga adeegsadaa waddamada Malaysiya iyo Indooniisiya. Waana eraybixin diirrada saaraysa alkumidda bulsho horumarsan oo la jaanqaadi karta casriga.
Sheekh Raashid Ganuushi waxa uu qalinka ku duugay in haddii la kala doorransiiyo dowladaha reer Galbeedka ee calmaaniyadda iyo dimuqoraadiyadda wadajira ku dhaqma iyo nidaamyada kelitaliska ah ee diinta sharciyadda ka dhigta ee dunida islaamka ka jira, uu dooranayo kuwa reer Galbeedka ee calmaaniga ah. Ganuushi erayadaas wuxuu qoray isaga oo ku nool dhulalka reer Galbeedka. Isaga hortiisna, bulsho-baarihii Ciraaqi ahaa ee Cali Wardi baa waxa uu yiri: “Carabta haddii la kala doorransiin lahaa labo dawladood… Mid calmaani ah iyo mid diin lagu xukumo, waxay u codayn lahaayeen dowladda diiniga ah, waxayse u qaxi lahaayeen dhanka dowladda calmaaniga ah si ay halkaas ugu noolaadaan!!”
Marka dowladnimada iyo siyaasadda la joogo, waxa ugu weyn ee Islaamku uu ku guulaystay waa in beelihii Carabta ee faraha badnaa uu ku mideeyey hal aqoonsi oo keliya. Waa aqoonsiga ‘Islaamka’ oo giddigood ay isku si ugu abtirsan kareen, si walba oo ay ugu kala duwanaadaan qabaa’ilka ay ka dhasheen. Nasiibdarrase, xaaladdu waxay sidaas ahayd muddo aad u gaaban oo ka horraysay markii Islaamka loo qaybiyey firqooyin iyo madaahib tiro beel ah, oo uu ka noqday arrin lagu qaybiyo bulshada, halkii uu bilowgii hore u muuqday mid bulshooyin badan midayn kara. Islaamku hadda ma noqon karo mid ummad ballaaran mideeya, maxaa yeelay fahanka islaamka ee hadda jiraa aad buu uga duwan yahay kii jirey sebankii Nebiga iyo khulafaa’u Raashidiinta.
Marka la baaro taariikhda diimahana, waxaa la ogaanayaa in diimaha oo idil marka lagu daro Islaamku ay aqbali karaan calmaaniyadda. Waxaana xusid mudan, in feylasuufkii Maxamed Iqbaal uu horay ugu dooday in aayadda quraanka ah ee sheegaysa in quraanka la ebyey, nicmada Eebbana la taam yeelay (=اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا) iyo khatimidda nebinimada (=ختم النبوة), farriinta ay gudbinayaan ay tahay in wixii goortaas ka danbeeya ay bilaamayso marxad cusub oo aadamigu uu adeegsanayo maankiisa. Waa marxalad aadamigu uu qaangaaray oo uu garaadkiisa isku maamuli karo. Waa marxalad dadku ay ka baxayaan gacan ku haynta Eebbe ee tooska ah oo ay u gudbayaan in ay iyagu isu taliyaan (=من الحاكمية الإلهية إلى الحاكمية البشرية) - sidii uu ku dooday wadaadkii reer Suudaan ee Maxamed Abuu Qaasim Xaaji Xamad (1941-2004).
Waana in xisaabta lagu darsado, in aqoonta diintu ay ka mid tahay laamaha aqoonta aadamiga, ayna sax iyo khalad labadaba yeelan karto iyada oo mar walba uu arrinku ku xiran yahay hadba halka wacyiga dadku uu marayo. Mana jiro fahan sugan oo si joogto ah ay nusuusta diintu u leedahay, ee semen walba waxa uu wataa fahankiisa iyo xeerarka diinta lagu fasirayo iyada oo laga duulayo isbeddelka ku imaanaya culuumta aadanaha iyo kasmadiisa. Fac kastaa diinta wuxuu kala baxaa fahan isaga u gaar ah, oo xilligiisa iyo duruufihiisa u qalma.
Tusaale ahaan, fiqiga islaamka waxaa saamayn ku leh goorta iyo goobta ay fuqahadu ku kala noolaayeen, oo fiqiga Imaam Shaafici waxaa loo qaybiyaa labo marxaladood oo kala ah: marxaladdii uu Ciraaq ku noolaa iyo markii uu Masar u guuray. Si taa la mid ah, madaahibta iyo firqooyinka caqiidada ee Islaamku waxay ka dhasheen fikrado xilliyo gaar ah deegaanno go’an ka curtay. Sababtaas baana keentay in Islaamku uu yeesho muuqaallo kala duwan, mararka qaarkoodna la isweydiiyo: Ma hal Islaam oo keliya ayaa jira mise islaamyo tiro badan? Waana isla halkaas meesha ay ku rumoobayso fikradda sheegaysa in diinta islaamku ay goor kasta iyo goob walba ku habboon tahay (=صالح لكل زمان ومكان).
Calmaaniyadda iimaanka leh waxaa ka dhalanaya in islaamiyiintu ay ka tanaasulaan mas’alada khilaafada iyo xaakimiyada (=siyaasadda diimaysan), halka calmaaniyiintu ay ka tanaasulayaan calmaaniyadda caqiidada noqotay ee Faransiiska laga dhaxlay iyo diin ku cariiqsiga. Marka sidaas la yeelo, calmaaniyaddu waxay ku soo ururaysaa in ay noqoto hannaan lagu hirgeliyo hawlaha dowlad dimuqoraadi ah, oo u adeegta dhammaan muwaadiniinta xuquuqda iyo waajibaadka u siman oo keliya.
Ugu danbayntana, aasaaska sharciyadda dowladda iyo sharciyad la’aanteeda waxaa lagu gartaa caddaaladda iyo maamul wanaagga ay muwaadiniinteeda ku maamusho, iyada oo aan loo eegin muuqaalkeeda iyo magaca ay sidato toona. Wadaaddadii hore ee Islaamka qaarkoodna waxay sheegeen in dowladda caddaaladda samaysaa ay cimrido xitaa haddii ay tahay mid gaalo leedahay, dowladda dulmiga ku dhisanna ay dunto xitaa haddii ay magac islaam sidato. Dimuqoraadiyadda iyo calmaaniyaddu waa labada tiir ee dowladnimada casriga ahi ay ku taagan tahay, waana laba tiir oo midkoodna uusan si sax ah u shaqayn karin kan kale la’aantiis.