Monday 24 March 2025
Toddobaadkii la soo dhaafay, waxa si lama-filaan ah u burburay Taliskii Suuriya ee uu hoggaaminayay Bashaar al-Asad oo muddo ku dhaw rubuc qarni xukumayay dalkaas, isaga oo ka dhaxlay aabbihii, Xaafid al-Asad, oo isna dalkaas u talinayay soddon sannadood, waxana sidaa ku soo xidhmay xukun qoys oo gacaan kulul ku soo maamulay Suuriya in ka badan nus qarni. Waxa lama-filaanka ahi ma aha in uu dhacay. Kelitalisyo badan oo dunida ka jiray ayaa ay hore u afgambiyeen dadkoodii oo ay gadood gaadhsiiyeen, Bashaar al-Asadna waxa ay birta gadoodku saarnayd saddex iyo toban sannadood oo uu marar sigtay, mararna guuleystay. Waxa lama-filaanka ahi waxa uu ahaa xawaaraha burburka taliskiisa oo muddo toddobaad ah ku kala daatay. Waxa uu dunida xusuusiyay dhacdadii Afgaanistaan, 2021, oo ay dagaalyahanno buuraha ku jiray labaatan sannadood, kula wareegeen dalka muddo toddobaad ah, ka dib markii la waayay ciidan lagu qiyaasayay 300,000 oo askari oo labaatan sannadood la dhisayay tababar iyo qalabeynba. Hal mar ayaa ay goobahoodii ka yaaceen markii ay Ciidanka Maraykanku u kala baxeen iyaga iyo tobaneeyo kun oo Daalibaan ah. Dalalka Ruushka iyo Iiraan, oo kaalin weyn ka qaatay in ay xukunka ku hayaan kelitaliye Bashaar al-Asad, waxa ay ku doodeen in ay doorkan suuragali wayday in ay badbaadiyaan, sababta oo ah Ciidankii Suuriya waxa ay ka yaacayeen fadhiisamahooda kumana jirin niyad ah in ay dagaallamaan. Sidaa awgeed, ciidan aan dagaallamayn lama taageeri karo lamana taakuleyn karo.
Kooxda hoggaaminaysay kacdoonka, Hay’at Taxriiri Shaam oo hore u ahaan jirtay garabka al-qaacida ee Suuriya, waxa lagu qiyaasay in aanay ka badnayn soddon kun oo dagaalyahan. Waxa gashaanbuur la ahaa dhawr kun oo u qaybsan kooxo kale oo isugu jira islaamiyiin kale iyo waddaniyiinba. Waxa la isku raacsan yahay in ay wadartoodu ka yar tahay, tiro iyo agabba, ciidanka hawlgalka ah ee Taliska Suuriya, waa Ciidanka Carbeed ee Suuriya. Sidaa darteed, arrinta ugu weyn ee keentay jabka talisku waa in aanu ciidanku u diyaar ahayn in uu dagaallamo. Kacdoonkii curtay labo iyo toban sannaddood ka hor, Ciidanka Suuriya waxa uu ahaa ciidan xirfadeed oo nidaamsan una jabsan dagaal. Ha se ahaato e, waxa muuqata in toban sannadood oo dagaal ahi ay si xun u fageen; waxa ay noqdeen wax dhintay, dhaawacmay, baxsaday ama mooraal jabay. Talisku muddadaas waxa uu kauu ka shaqeeyay in uu dib u ururiyo maleeshiyaad iyo xoogsato-dagaal oo shisheeye ah, waxanu si tartiib ah ugu beddelay ciidankii Suuriya kooxo hubeysan oo aan lahayn caqiido dagaal iyo daacadnimo. Arrintaasi waa midda ka muuqatay ee ay fadhiisimahooda uga yaaceen dagaal la’aan.
Arrintani ma aha mid ugub ah. Waxa hore sidaa ugu burburay dagaal la’aan, Ciidanka Ciraaq, 2014, oo fadhiisimahoodii kaga cararay kabihii iyo hubkii, ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Dawladda Islaamiga ah oo aad uga tiro iyo saanadba yaraa. Sannadkii tagay, waxa ay dad badan, oo la socda xasaradaha dunidu, hadalhayeen in siinaariyadii Afgaanistaan ama middii ku dhacday ciidanka Ciraaq ee goor habboon laga soo gaadhay, ay ku soo fool leedahay Soomaaliya oo ah dal burburay oo ay soo-kabashadiisa isu xilsaareen shisheeyuhu. Sannadkan sii baxaya ee 2024 waxa dhammaanaya Hawlgalkii Midowga Afrika ee Kala-Guurka (ATMIS) oo hore u beddelay hawlgal hore oo la odhan jiray AMISOM kaas oo ay dawladda Soomaaliya ku tiirsanayd muddo ku dhaw labaatan sannadood. Arrintaasi waxa ay keentay walaac caalami ah iyo mid goboleed oo xudduntiisu tahay in laamaha amniga ee Soomaaliya aanay hanan karin nabadgalyada, isla markaana aanay caabbin karin mucaaradka xagjirka ah ee dawladda Soomaaliya. Khatartaas oo aan loo badheedhin, waxa uu Goleha Nabadgalyada iyo Ammaanka ee Midowga Afrika meelmariyay hawlgal cusub oo hadda ciidankiisii la qaadhaanayo.
Werwerka laga qabo in aanay ciidanka Soomaaliya difaaci karin hay’adaha dawladeed, si kaste oo tababarkooda iyo qalabkoodaba loo adkeeyo, ma aha arrin ku dhisan male-awaalid iyo maragsi tusaale meel kale ah. Waa mid ku dhisan dhacdooyin caddaymo ah oo ay ka mid yihiin dagaallo ay ku keliyeysteen sida midkii Caws-weyne iyo Raaskambooni oo ugu dambeeyay oo ay dhawaan Dawladda Federaalka Soomaaliya isku dayaysay in ay awood dawladeed ku meelmariso ajende siyaasi ah oo ay leedahay. Labada dhacdaba waxa ay muujiyeen in ciidankeedu aanay diyaar u ahayn in ay dagaallamaan. Waxa ay ka yaaceen fadhiisimahoodii, hubkoodii iyo, xitaa, direyskoodii. Ma aha ciidan jabay oo inta uu dagaallamay laga awood roonaaday e waa ciidan ‘ka yaacaya in ay dagaallamaan’ oo ay waajahaan cadowgooda.
Guuldarrada ciidan ee noocan ahi ma aha mid ku xidhan awood hub, tababar iyo tiro ciidan midna. Waxa ay ku qotontaa doonista, hadafka ciidannimo iyo mooraalka. Arrimahani waxa ay qayb ka yihiin wax la yidhaahdo ‘caqiidada dagaal’ ee uu ciidan leeyahay oo saldhig u ah shaqada ciidan. In kaste oo ciidan kaste oo dawladeed uu ka wiiqmi karo dhankan, haddana waxa is weyddiin mudan waxa ay wadaagaan ciidamada loo dhisay Soomaaliya, Afgaanistaan, Ciraaq iyo Suuriya (ka dib dagaalladii ka dhashay kacdoonka shacab)? Dalalkani, dhammaantood, waa kuwo u burburay dagaallo sokeeye iyo faragalin ciidan oo dibedda kaga timid, heer ay dawladdii waddaniga ahayd iskeed u taagnaan kari wayday, ka dibna quwado shisheeye ayaa soo faragaliyay si ay u ilaaliyaan, ama u dhisaanba, dawladdii dalka. Dalalkan, waxa ay dawladahoodii isu beddeleen kuwo cuskan ama ku taagan awood ciidan oo shisheeye waxaana ay isu beddeleen ‘mashruuc dawladeed oo uu shisheeye ilaashado’ sidaana ugu muuqda shacabkoodii, oo ay ku jiraan kuwa galaya ama ka tirsan ciidamadu. Waxa ka maqan inta badan dadka dalalkan u dhashay ‘lahaanshihii’ dawladnimada waxaanay u arkaan mashruuc ajinabi oo ay ka xoogsadaan. Ma aha wax ay u huri karaan wax ku qaali ah sida naftooda. Dalalka Soomaaliya, Afgaanistaan (tii Maraykanka) iyo Ciraaq waa ay muuqataa in dawladnimadoodu ay tahay mid ay dusha kaga keeneen awoodo shisheeye oo suuragaliyay in ay dawladi dhisanto isla markaana ay ilaaliyaan jiritaankeeda. Ha se ahaato e, dalka Suuriya oo lahaa dawlad dhisani waxa uu sannadkii, 2011waajahay kacdoon shacab oo hubeysan. Waxa ka faa’iideystay xoogag shisheeye oo kala duwan waxaanay dawladdii gaadhay heer aanay isa sii haysan karin haddii aanay helin gurmad shisheeye. Dalalka Iiraan, Ruushka iyo maleeshiyaad Shiico ah oo isaga kala yimid Bariga Dhexe iyo Badhtamaha Eeshiya ayaa ku guntaday dawladdii Suuriya. Muddo ka dib, waxa ay dawladdii Suuriya isu beddeshay nidaam laga diidan yahay gudaha oo ay ilaashadaan awoodo shisheeye.
Dawladnimada lumisay, ama aan hanan, lahaanshaha dadkeedu – ownership – waxa ay noqotaa nidaaam ugu yaraan ay dadku u shaqo tagaan laakiin aanay wax xil ah iska saarin. Musuqa aan tudhaaleha lahayn, aragti la’aanta iyo higsi la’aanta astaanta u noqday hoggaanka siyaasadeed ee dawladaha noocan ahi waxa ay ka mid tahay tilmaamaha in aanu jirin dareen lahaansho oo ay qabaan.
Dawladnimada lumisay, ama aan hanan, lahaanshaha dadkeedu – ownership – waxa ay noqotaa nidaaam ugu yaraan ay dadku u shaqo tagaan laakiin aanay wax xil ah iska saarin. Musuqa aan tudhaaleha lahayn, aragti la’aanta iyo higsi la’aanta astaanta u noqday hoggaanka siyaasadeed ee dawladaha noocan ahi waxa ay ka mid tahay tilmaamaha in aanu jirin dareen lahaansho oo ay qabaan. Ha se ahaato e, waxa ay lahaansho la’aantu dibedda wada timaaddaa kolkii loo baahdo in khatar loogu badheedho difaaca dawladnimada. Ma jirto, markaas, cid leh mashruucaa dawladnimo oo difaacanaysaa; naf looma huri karo wax aanad lahayn waana sababta ciidamadii loo dhisay, oo dhab ahaan ah dad keliya u soo xoogsi tagay, ay uga cararaan in ay u dagaallamaan. Waqtiga nabadda waa ciidamo si tookh leh ku suga gunnada billeha ah iyo dallacsiimaha, se waqtiga dagaalka iyo nafhurka waxa uu askari kaste naftiisa ula baxsadaa hadafkii noloshiisa ee uu lahaa oo aanay, dabcan, ku jirin ilaalinta dawladdu. Haddiiba uu meesha ku jira suuragal dhimasho, uma badheedhayo, xitaa haddii uu cadowgiisu yahay mid uu kaga adkaan karo khasaare nafeed oo aan badnayn. Ciidan qabiil, mid aydhiyoolojiyeed iyo ciidan dawlad kale midna ma waajihi karo ciidan aan dareensanayn wax ay leeyihiin oo ay nafta u huri karaan.
Mashruuc kaste, mid dawladeed iyo mid horumarineedba, haddii aanay dadka deegaanku ‘lahaannin’ oo aanay ku qancin in ay leeyihiin, waa ay adag tahay in uu guuleysto.
Mashruuc kaste, mid dawladeed iyo mid horumarineedba, haddii aanay dadka deegaanku ‘lahaannin’ oo aanay ku qancin in ay leeyihiin, waa ay adag tahay in uu guuleysto. Waa mabda’ aasaasi ah oo uu ku baraarugsan yahay sarkaalka ugu hoseeya ee mashruuc yar oo tuulo ku simani, markaa maxaa aad u maleyn mashruuc dhan oo dawladeed oo ummad dhan khuseeya! Waa halkaas meesha ay sirta dawladnimo ee dalalkani ka qudhuntay waxaana hubaal ah in siinnariyadii Afgaanistaan uu hurran u yahay dal kaste oo ay dawladdiisu ku dhisan tahay kuna taagan tahay gacanqabashada shisheeye, isla markaana aan hanan dareenka lahaanshaha ee dadkeedu.