Skip to main content

Tuesday 6 October 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Xal u raadinta xisbiyada xaddidan ee Soomaalilaan

8 September, 2026
Image
Xal u raadinta xisbiyada xaddidan ee Soomaalilaan
Share

Sida uu xusayo dastuurka Soomaalilaan, qodobka 9aad faqraddiisa 1aad iyo 2aad, dalku waxa uu qaatay hannaanka xisbiyada badan oo ku xaddidan seddex xisbi. Taariikh ahaan xaddidaaddaasi waxa ay salka ku haysay waaqic waayahaa taagnaa iyo waaya-aragnimo la soo maray oo ay ka mid ahayd doorashadii guud ee baarlamaanka Soomaaliya ee 1969-kii. Doorashadaas oo ahayd tii u danbaysay ee gayiga si dimuqraadiya uga dhacda, xilligaa waxa si xad dhaafa u soo ifbaxay kala firidhka qabiilka iyo qaybsanaanta gudaha ee bulshada oo waxa la soo weriyaa in tirada xisbiyada ee ku loollamay kal doorashadaasi ay gaadhayeen ilaa 64 xisbi oo kala geddisan, taas oo u suurad eekayd qabiil iyo xisbi. 

Iyada oo shaacsanahaa maanka lagu hayo ayaa xal la mooday xaddidaada xisbiyada kolkii la diyaarinayey qabyo-qoraalka dastuurka Soomaalilaan, kaasi oo hilaaddii 2001 lagu ansixiyey afti dadwayne. Si kale haddii loo dhigana, dalku waxa uu lahaan jiray dhaxal taariikheed oo seddex xisbi ku salaysnaa oo wakhtigii Maxmiyaddii Ingiriiska waxa jiray seddex xisbi siyaasadeed (SNL, NUF iyo SPU), oo waddanka ku xoogganaa oo ku tartamay doorashadii baarlamaanka ee February 1960 ka qabsoontay Maxmiyadii Ingiriiska ee SL, kolkii dambena kuwaas uun baa boodhka dib looga jafay oo lagu dul dhisay dastuurka cusub.

Hase yeeshee, hannaan siyaasadeedka xaddidan ee xisbiyada Soomaalilaan waxa laga dhaxlay dhibaatooyin fara badan oo aan dalka, dawlad-dhiska iyo dadkaba dan weyn ugu jirin. Waxa ka mida caqabadaha soo shaacbaxay; horweyn siyaasadeed oo aan muddo dheer la beddeli karin, fursado xaddidan oo uu la kulmayo jiilka cusub ama dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee cusub, tartan xaddidan iyo hal abuur la'aan baahsan, kootaysi kooxaysan ama qabiilaysan, waxwadaagii iyo wadajirkii bulshada oo daciifay, aqlabiyad metalaad la’aana, muwaadiniintii oo ka uurxun kala xulashada seddex shay oo isku mida iyo qaar kale.

Si guud, xisbiyada Soomaalilaan laba mushkiladoodba way haystaan; mashaakil feker iyo mashaakil qaabdhismeed. Tan hore ee fekerka la xidhiidha waxa laga xusi karaa in aannay wali xisbiyadu qaangaadhin oo aanay yeelan aydhiyoolajiyado siyaasadeed oo ay ku abtirsadaan oo mabaadi’dooda iyo siyaasadahooda kala soocda. Si la mida, wacyiga bulshada ay ka soo dhex baxeen uma diyaarsana oo uma abaabulna heer afkaaro siyaasadeed oo koran uu cod ku bixiyo. Sidaas awgeed, seeska awoodda 'power base' ee xisbiyadu badanka waa qabiil. Ta danbe, iyadu waxa ay la xidhiidhaa qaabdhismeedka xisbiyada qudhooda, haddii ay tahay xaddidaada sharci ee saaran, nidaamka ay ku soo baxaan, qaabka ay maalgalinta u helaan iyo kootaysiga awoodda ee guddahooda ka dhex jirta.

Sida aan hore u xusay, in qaanuun ahaan xisbiyada lagu koobo seddex xisbi waxa ay ahayd xal la mood lagu xakamaynayey dhibaato kolkaas raadkeedu muuqday oo ay ka mid ahayd kala firidhka qabiilka iyo in aannay is leegaan tirada salaadiinta reeraha iyo tirada xisbiyadu. Hase ahaatee, 25 sanno kadib tijaabadaasi waxa ay u baahan tahay dib u eegis oo waxa aad moodaa in iyada qudheedu ay caqabad kale noqotay. Haddaba, waydiinta halkaa ka dhalan karta ee daaran qaabka qaabdhismeedka iyo hannaan siyaasadeedka xisbiyada Soomaalilaan loo toosin karo ayeynu isku dayi doonaa in aynu maqaal aragtiyeedkan kooban ugu jidbixino.

Aan ku bilaabee, siyaabaha loogu jidbixin karo waxa ka mida in ugu horrayn caqabadda sharci la faydo oo dastuurka la furo oo xisbiyada laga qaado xaddidaada tirada go'an ku sargo'an ee lagu soo rogay. Dal dimuqraadiya oo haddana xisbiyadiisii xidhan yihiin waa laba aan is keenayn, sida oo kale muhiimad weyn ma leh in dastuurka lagu xardho tafaasiisha hoose ee uu waaqicu gedgedin karo, oo waxa ka habboon in lagu gaabsado mabda' guud ee tilmaamaya in hannaanka xisbiyada badan loo guuray. Nidaaminta xisbiyada waxa loo mari karaa dariiqyo kale oo kulansan kara in ay xakameeyaan walaacii ku saabsanaa kala firidhka qabiilka ama bulshada iyo in saaxada xisbiyadu furnaato oo ay nukhbo badan oo siyaasadeed fursad heli karaan iyo in xisbiyada qudhooda la tayeeyo oo ay xisbiyo qaran noqdaan. Bilmetel, waxa beddel ahaan loo adeegsan karaa in la hirgaliyo laba tallaabo oo isku sidkan oo qaabdhismeedka hannaanka xisbiyada dib loogu habaynayo:

1. Xisbiyo Deegaaneed Qaran: in la abuuro xisbiyo deegaaneed qaran 'geographic national-parties', xisbiyadani waxa ay ku abuurmayaan oo ay ku soo baxayaan in la dajiyo halbeegyo qaran iyo kuwa deegaaneed oo xisbiyada lagu kala xulo. Tusaale ahaan waxa la dajin karaa halbeeg qaran 'national threshold' oo ku xadidan cabbir gaara oo codeed, dabadeedna ururrada siyaasadeed ee codka guud ee dadweynaha ka soo hooya tiro leeg ama ka badan halbeega qaran ee la dajiyey ayaa loo aqoonsan doonaa xisbi qaran, iyada oo aannay tirada xisbiyadu xaddidnayn oo ay ku xidhan tahay hadba inta urur ee halbeega la dajiyey ka soo gudubta. 

Inta badan halbeegyada doorasho ee ay waddamadu adeegsadaan waxa uu u dhexeeyaa 4% ilaa 5% oo ururkii hela tiro halbeegaas leeg ama ka badan ayaan xisbi loo aqoonsadaa ama baarlamaanka soo gala oo kuraasta metelaad ku yeesha, hadba waa ujeedaddii halbeega loo dajiyo e. Hase ahaatee, dalka ugu halbeega sarreeya oo Turkiga ahi waxa uu qaatay halbeeg dhan 7% oo uu u adeegsado kala soocida xisbiyada baarlamaanka soo galaya ee metelaadda ku yeelanaya iyo xisbiyada aan soo galayn ee metelaad la'aanta noqonaya. 

Inta badan dalalka Nidaamka Baarlamaaniga qaatay waxa ay halbeegyadan u adeegsadan qaybsiga metelaadda baarlamaanka ee xisbiyada. Taas beddelkeeda, Soomaalilaan waxa ay halbeegyadan u adeegsan kartaa in ay ku kala soocdo ururrada siyaasadeed ee u gudbaya xisbinimo iyo kuwa aan marxaladdaas u gudbayn. In kasta oo cabirka la dajinayo ay saamaynayso tirada codbixiyayaasha ee dalku leeyahay oo ay tahay dal iyo waagii, haddana haddii aynnu tusaale ahaan cabirkaa ugu sarreeya ku dabaqno kiiska Soomaalilaan, innaga oo adeegsanayn xogta doorashadii u danbaysay ee ururrada siyaasadda ee sannadkii 2024, xaalku waa sidan hoos ku xusan:

Sida uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku shaaciyey, wadarta guud ee codbixiyayaasha ururrada ee uu codkoodu ansaxay waxa ay ahaayeen 630,812 oo codbixiye. Halka dhanka kale shantii urur ee ugu codka badnaa ay kala heleen;

Isha: KDQ (2024)
# Urur Cod
1 Waddani 216, 284
2 Kaah 131, 507
3 Kulmiye 108, 100
4 Horseed 78, 218
5 Hillaac 59, 569
6 Inta kale 37, 134

Taas macnaheedu waa in haddii xaddiga u sarreeya ee 7% la qaato oo wadarta guud ee codadka lagu dhufto (630,812×7% =44,157) ay soo bixi lahaayeen shan xisbi qaran, maadaama oo ay dhaafeen halbeegii xisbinimada oo noqon lahaa 44,157 oo cod. Sidaas oo ay tahay, qasab ma aha in ay kol kasta shan xisbi soo baxaan balse, way ka sii tiro badan karaan haddii codadka la isku celceliyo oo ururrada codka badan helay ay ururro kale oo firfircooni codka la qaybsadaan oo tusaale ahaan, ugu yaraan seddexda xisbi ee ugu sarreeya waxa ku dhex jira ilaa shan xisbi oo kale. Sida oo kale, halbeega codku waxa uu isla beddelayaa tirada codadka ee kordha ama yaraada kal doorasho kasta.

Dhanka kale, si xisbiyada loo deegaameeyo oo xisbiyo qaran looga dhigo waxa loo baahan yahay in saamiga codkooda lagu baahiyo gobolada dalka oo dhan. Waxa laga yaabaa in halbeega hore ee xisbinimada loo dajiyey ay soo buuxiyaan deegaan qudha ama qabiil qudha oo juqraafi qudha degan maaddama oo ay sahlan tahay, taas oo dhabaha u xaadhaysa in xisbigu uu noqdo xisbi gobolaysan ama qabiilaysan oo goob gaara ka soo baxay. 

Si haddaba taas loo kasaan jabiyo waxa loo baahan yahay halbeeg labaad oo ujeedkiisu yahay in uu codadka xisbiyada ku baahiyo gobolada, bilmetel waxa la dajin karaa halbeeg kii hore ka hooseeya ( tusaale ahaan ≥2% ama ≥3%) oo ururrada siyaasadda ku waajibinaya in ay gobolada oo dhan ka helaan cod tiradiisu halbeegaas leeg yahay. Taasi waxa ay abuuraysaa xisbi deegaaneed qaran oo codbixiyaal iyo taageero ka haysta dhammaan gobolada dalka. Sidaas daraaddeed, xisbiyo deegaaneedka qaran waxa ay ku soo baxayaan halbeeg labaaleya 'dual threshold' oo midba ujeeddo gaara u taagan yahay; ka hore waxa uu qeexayaa heer codeedka xisbi lagu noqon karo kolka loo eego wadarta guud ee codka dadweynaha, halka halbeega labaadna uu qeexayo heer codeedka deegaaneed ee xisbi qaran lagu noqon karo kolka loo eego baahsanaanta codadka ay ururradu ka heleen dhammaan gobolada dalka. 

Halkan, hal dhagax baa laba shimbirood lagu wada dilayaa, in ay xisbiyadu si fudud u soo bixi karaan oo tiradooduna hadba sida codka loo qaybsado ku xidhnaan doonto iyo in xisbiyada la qarameeyo oo lagu qasbo in ay ballaadhiyaan oo gobolada dalka ku baahiyaan seeska cududooda codeed.

2. Musharrax Madaxbannaan: in la sharciyeeyo musharraxa madaxbannaan 'independent candidate', oo ah in uu qofku isaga oo aan xisbi gaara u baahan uu si madaxbannaan isku sharixi karo oo uu u tartami karo. Waxa ay tallaabadan labaad soo kordhinaysaa arrin kale oo muhiima taas oo ah dimuqraadiyadaynta xisbiyada qudhooda, oo haddii ay xisbiyadu noqdaan hanti qof ama kooxi leedahay, waa halka ay ku macne beelayso tirada xaddidaada laga qaaday oo wax badan is ma dhaami doonaan seddex xisbi oo seddex qof leeyihiin iyo shan xisbi oo shan qof leeyihiin, balse oggolaashaha musharraxa madaxa bannaan waxa uu sahlayaa in xisbiyada qofoobay ee shirkadoobay ee reeroobay laga maarmi karo oo ay bulshadu wali haysato doorasho xor ah oo aan loo sii go'aamin. 

Waxa la odhan karaa dalku waa dimuqraadi se xisbiyadu dimuqraadi ma aha ee qofaf iyo kooxo kala waji duwan ayey u xidhan yihiin, jidka lagu dimuqraadiyadayn karo waxa ka mid ah musharraxa madaxa bannaan oo la fasaxo oo kootaysigooda waa laga maarmi lahaa, deedna waxa is heli lahaa dalkii dimuqraadiga ahaa iyo dookh dimuqraadi ah. Shuruudaha iyo qaabka loo maamulayo musharraxa madaxbannaan waa tafaasiil hoose oo laga fekeri karo, balse fikrada aasaasiga ee uu u taagan yahay waa dimuqraadiyadaynta xisbiyada, oo waxa uu taxaddi ku yahay kootaysiga awoodda ee badhaxala oo waxa laga yaabaa kolka ay xisbiyadu xaqiiqsadaan in laga maarmi karo, in qaarkood ay isku dayi doonaan in ay mudnaan mansabyada xisbiyadooda ku bixiyaan, halkii awal hore lagu qasbanaa oo loo afduubnaa si kasta oo ay xaaladu tahay. Si la mida haddii dhammaantoodba la wada saluugo siyaasadahooda waxa miiska saaran oo la heli karaa dookh kale oo looga guuro.

Labadaa qodob haddii ay hirgalaan waxa aan is leeyahay wax bay ka tari lahaayeen kootaysiga xisbiyada iyo awoodda, tartan la'aanta, qadarka la sii qoray ee lagu qasban yahay, tayo-xumada, hal-abuur la'aanta, jiilasha isku dul dhintay iyo wax wadaaga bulshada ee laga sii dayrinayo. Ugu yaraan waa dib u habayn qaabdhismeed oo dhiig joojin noqon karta.