Thursday 15 May 2025
Wil-wille waa ciyaar dhaqameed Soomaaliyeed oo fac weyn, salkana ku haysa dhaqanka cuddud-layliga dagaalyahannada Soomaaliyeed, iyada oo laga soo dheegtay xeeladaha iyo hannaanka dagaalka. Asal ahaanna waxaa la dheeli jiray xilliyada lagu jiro guubaabada dagaalka iyo munaasabadaha lagu xuso guulaha iyo libta laga gaadho cadawga. Ciyaartan, oo ragga gaar u ah, ayaa door muhiim ah ka qaadan jirtay dhiirrigelinta geesinimada iyo xoojinta niyadda dagaalyahannada. Dhaqdhaqaaqyadeeda abaabulan iyo wareegyada xeersan waxay ka tarjumayaan xeelado dagaal oo dhaxalgal ah, taasoo ka dhigaysa ciyaarta Wilwillaha mid aan ahayn oo keliya madadaalo, balse sidoo kale ah astaan muujinaysa sooyaalka halgan ee bulshada Soomaaliyeed.
Inkasta oo ciyaartani ay tahay ciyaar dirireed ragga u gaar ah, haddana kaalinta gabdhahu kuma eko oo kaliya daawashada, se ciyaarta waxa ay kaga qayb qaataan ku luuqaynta heesta “Beeryaraha”, oo ah hees guubaabo iyo dhiirrigelin ah, oo lagu lifaaqo goynta iyo afmeerka ciyaarta.
Dheelida Wil-willuhu kuma koobna xilliyada guubaabada ama ififaale colaadeed ay jiraan oo keliya, ee waxay ka mid tahay ciyaaraha munaasibadaha gaarka ah, kuwaas oo la dheelo xilliyada barwaaqo aaranka ah ee ay xooluhu dhalaan, iyo maalmaha farxadda sida: ciidaha, aroosyada iyo duub-xidhka boqorrada iyo ugaasyada.
Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi (AHUN) oo ciyaarta Wil-willaha u sifaynaya hab farshaxan oo suugaaneysan, ayaa yidhi:
In Wilwile ciyaar tahay
Is warwaari badan tahay
Wiglo iyo hab leedahay
Marna walax dagaal tahay
Warmo iyo hub leedahay
Wejigeedu labo yahay
Waayeelba noo sheeg.
Suugaantan cilmiyeysan waxay daaha ka rogeysaa xaqiiqada ah in Wil-wille ay tahay ciyaar dhaqameed laba weji leh: mid lagu maaweeloobo, iyo mid xambaarsan xeelado dagaal iyo halgan oo dhoola-tus iyo cuddud layli ah.
Ciyaarta wil-willaha waxa lagu tilmaamaa wil-willuhu inay tahay tan ugu faca weyn, uguna qoodhsan guud ahaan ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.
Inkasta oo taariikh ahaan si go’an loo caddayn karayn xilligii ay dhalatay ciyaartani. Haddana waxaa la sheegaa inay si wayn u soo if-baxday qarnigii 14aad. Waxaana la xusaa inuu ahaa Cali Abu bakar [Kalageeye] ninkii curiyey ciyaartan. Wilwilaha waxaa si wayn looga ciyaaraa degaanno badan oo Soomaalidu degto, gaar ahaan, dalka Jabuuti, Soomaalilaan, iyo qaybo ka mid ah degaanka Soomaali Galbeed.
Ciyaarta wil-willuhu waxay leedahay hannaan iyo agab ugaar ah, oo ay ka mid yihiin: ‘Waran, Gaashaan iyo billaawe. Dhanka labiska raggu waxay xidhaan gundhate cad oo jilibka lagu simo, go’ cad oo labada garbood dib looga rido, billaawe iyo kabo saan geel laga tolay oo yeelaha loo giijiyey. Walow oo ciyaartani asal ahaanteedii hore ay ahayd mid la isku guubaabin jiray, laguna dhiirri gelin jiray dhallinta gaashaan qaadka ah marka uu jiro guluf colaadeed, dhanka kalane loogu muujinayo cadawga, cududda ciidan ee beeshu leedahay. Ciyaarta wil-wiluhu waxay ka koobantahay hab-ciyaareed kala jaad ah oo si habaysan loo raseeyay, waxayna ku bilaabantaa tirtirfo ay weheliso jiib iyo jaan ugaar ahi. Ninka hoggaaminaya ciyaarta ayaa hawraarta iyo hees ciyaareedka ku bilaabaya meerisyadan:
Hooy waykaa
Hadana waykaa
Wilwileeyooy hooy
Warmeheennaa
laga waashoo
Hiddo weeyee.
Kaddibna waxaa loo gadbaa qaybta labaad ee ciyaarta oo ah, ku luuqaynta geeraar u dhacaya sidan:
Saxarlaay murtidayda
Soohaneen marinaayo
Sadarka ugu horreeya
Salligii Nebigeeniyo
Salaan baan ku bilaabee
Asalaamu calaykum.
Dabadeed waxaa loo gudbaa qaybta saddexaad ee ciyaarta oo laga tiriyo godka wilwilo. Sida hoos ku cad:
Hariimaadee hanahaaban
Dadaal madaxbaan u leenahayoo
Diintana culimaan u leenahayoo
Dabcina dhaqan baan u leenahoo
Gartana dowbaan u leenahayoo
Duunyana dhaqashaan u leenahayoo
Dalagna beeraan u leenahayoo
Daa’inkeen mahaddii weeyaanoo
Dadnimo Soomaali loo daa
Daawina dhaqankeenna loo daa
Daa'inkeen mahaddii weeyaan
hana haaban ….
Niman helaa ma hanbaynee.
****
I hoobeeyoy I hoobeeyoy
Hariimaadee hanahaaban
Sideedaba abid adduunyada(eey)
Waxaa lagu kala sarreeyaa (yeey)
Sooyaalkiyo dhaqanka weeyaan (eey)
Sommow anna kaygu waa ii summad (doo)
Mid aanan salguurin weeyaan (oo)
Sifaha noloshayda weeyaan (oo)
Sawirka igu yaalla weeyaan (oo)
La’igu soo sooco weeyaan (oo).
****
Dhulkaa saray looga boodaa
Saxarkaa laga ilaashaa.
Dhanka kalena dhallinta ka jiibinaysa ayaa kaga rogaysa weedhan ‘‘Hidde weeyee’’ oo si hab sami ah u dhacaysa. Kaddibna laashinka hoggaaminaya ciyaartu wuxuu u gudbaa qaybta saddexaad ee ciyaarta oo iyana jiib iyo jaan gooniya leh.
Dabadeedna waxaa loo gudbayaa wejiga afraad oo ah soo af meeridda ciyaarta, kaas oo uu hoggaamiyaha ku soo gabogabaynayo ciyaarta. Isaga iyo ragga ka jiibinaya ciyaarta ayaa jiibta iyo jaanta si wadajir ah hal mar iskula helaaya, iyaga oo cod siman oo cuddoon ku celcelinaya “Diiham, Diiham”.
Gabdhaha ayaa iyaguna halkaas si gola-ka-fuul ah uga soo galaya ciyaarta iyaga oo ku luuqaynaya heesta “beeryaraha” oo ay ku tirtirsiinayaan wiilasha liishaanka u haya ciraarta. Taas oo u dhacaysa sida tan:
Baarka baarkiisa
Baaruudda ololka dheerow
Tima caddow
Tima cillaanlow
Col bari ka yimidoow
Hooy beeryaroow hee.
Sidaas ayaana cod toolmoon jiib iyo jaan wada jirta oo ay u dhanyihiin wiilasha iyo gabdhuhu loogu soo afmeeraa ciyaarta wil-willaha.
Asal ahaan, Ciyaarta Wil-willuhu waxay ahayd ciyaar lagu guubaabin jiray, laguna dhiirrigelin jiray dhalinta gaashaan qaadka ah marka uu jiro guluf colaadeed, iyadoo sidoo kale loogu muujinayay cadawga cududda ciidan ee beeshu leedahay. Si kastaba ha ahaatee, ciyaartani waxay noqotay in ka badan guubaabo dagaal; waxay astaan u noqotay geesinimada, midnimada, iyo xoojinta bulshooyinka Soomaaliyeed. Maanta, ciyaartani waxay qayb ka tahay dhaxalka hodanka ah ee dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo ka qayb qaadata qurxinta munaasabadaha farxadda sida: ciidaha iyo aroosyada, waxaana ay sii wadaa inay dhiirrigeliso isku xidhnaanta bulshada iyo ilaalinta hidde dhaqameedka soo jireenka ah.