Skip to main content

Thursday 23 January 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Sheeko

Widhwidh Maahsan

3 December, 2024
Image
Golol
Farshaxanka: Golol Gallery
Share

Sidii ay kolba maro isugu eegaysay waa ay dhammeysay dharkii khaanadda ku jiray oo dhan, muraayadda inta jeer ee ay kusoo noqotay lama tirin karo. Dhinac aanay iska eegin iyo hab aysan u istaagin ma jiro, miskaheeda, dhexdeeda iyo naaskeedaba labiska ugu habboon ee halmar soo saaraya ayey ka dooran kari la’dahay dharkeeda sidii carwo camirran u rasaysan. Meel halkan ah labadii duhurnimo ayuu isagoo isjiidaya hurdo dirqi kaga soo toosay, waxyar oo uga soo hadhay casho xalay lasoo dul dhigay ayuu liqliqay, mana laha itaal uu cunto ku raadsado, isaga oo aad mooddo in aanu indhahaba kala furinna dib ayuu u seexday.

Waa la iska garanayaa inay caawa ballan leedahay oo hafhaftay saaka barqadii billowday iyo farxadda ka muuqata ayaa laga dareemayaa, iskujoog ay yaa ilaahii ku dooratay bay soo diyaarsatay, dhuxul yar bay shoollada saartay, uunsi iyo cuudna waa ay soo qaaday. Intii dabka yari u qarxayey ayay huruud, qasil iyo cusbur halmar wajiga wada marsatay biyo diirran oo ay ku maydhatana baaldi halkan yaalla bay kasoo buuxsatay. Dabqaadkii iyo saabkii bay isu keentay oo ay dharkii ku hagoogtay iyada oo qiiqaa udgooni kasoo carfayo illaa wajhadda guriga, gacan bay isu qaadatay oo wax allaale wixii shaanbo iyo saabuun udgoon ahayd ee u taallay bay isku maydhay, sida caadiga ah qubayskeedu waa ka Barbados marwalba. Makhmariyad iyo miski rummaan bay isku duugtay oo jidhkoo dhan marisay, dhagaha hoostooda, surka iyo illaa qadaadka barta ay timuhu ku dhamaadaan bay saliid cuud ah ku dhabooqday, uddugu waa waxa ugu quruxda badan ee gabadh nolosheeda ku jira maaha dumarka oo kaliya se udgoonku waa sifada ugu sarraysay ee qofi qaato, iyaduna sidaas wuu kala sarreeya oo haddii ay heli lahayd biyo cadar ayuun bay ku maydhan lahayd.

Dananka saacada shantii galabnimo ku buuxda buu ku toosay, waxa xigtay diiqadda, walaaca iyo cadhada wajigiisa saarran, hurdaduu xalay afartii seexday ee aanu weli ka dhargin ayuu ka walaacsan yahay, Instagram-ka ayuu dhawr muuqaal oo ay Bilan u soo dirtay ka daawaday kadibna waxa uu xasuustayba in uu caawa la ballansanaa. Baryahanba, muddo afar bilood ku dhaw waa la is caashaqsanaa oo xiix iyo xaax baa taleefanka laga lahaa. Sheekada, isfahanka iyo qanaacada dhex taalla lama malayn karo waxa la mooddaa dhallaan sheeko barad ah, sidaas oo ay tahayna weli la isuma badheedhin oo ninku warka cad ma bandhigin marwalba ay arrimaha furfur istidhaahdana uma waayo maraato uu kaga dhaco, waayo wuu arkay oo ma xamilayso xidhiidh iska billowday oo bilaa dan iyo ujeedda ah, se waxa ay ku warheshay uun iyadoo ku dhexjirta badda, isagu se waa sidiisa ugu saxsan ee ugu wanaagsan qaabkani.

Balantu waxa ay ahayd shanta iyo badhka makhaaxi buneed oo suuqa hoose ku taalla in la isugu yimaaddo, labiskii baa ay billowday Bilan bahal toob ah oo casaan beer xiga aadna u giijisan oo dhalaalaya ayey isku taagtay, toban cadar wax ku dhaw oo rasiin ah ayay midba gaar toobkii u marisay, kana daba gaysay barfuumaddii kale oo iyana dhawr ah; waa Diyoor, Shaneel, Miski, Bushra Cuud, Yara, iyo dar kale oo aanay magacyadooda aqoon. Waxa ay isweydiisaa ama la yaabtaa marmar; sida qofku hal cadar ugu koobnaan karo ee uu ku doorto, waayo iyadu ma kala dooran karto markay cadarrada joogto mid walba oo udgoon waa keedii. Waa ay isyara naashnaashtay, indhakuul bay dhac isku siisay qalin sunina waa ay isku xariiqday, dhabannada ayey yara casaysatay, libis casna way is marisay, kabo cadcad oo dhaadheerna waa ay xidhatay. Markii u danbaysayna laabta, labada naas dhexdooda, surka iyo illaa dhagaha ayey cadar rasiin ah ugu dhaashisay sidii oo ay jidhka ka dhex dusinayso.

Qacdii koobaadba markii ay aragtay lugaha uu dhulka ku jiidayo iyo timihiisa rasaysmay ee aad mooddo in xanjo la isugu marmaray ee garbaha inay kasoo degaan wax yar u jira, ayey garatay inuu “kooxdii” yahay, iyadoo yara naxsan oo xamaasaddii badnayd welwel kusoo biiray markeedii horana ka cadhaysnayd in ay ka hor timid goobtii balanta, -sida anshaxa iyo quruxdu ku jirto waa in aanay xilliga balanta gabadhu ka hor iman wiilka haddii aanuba isagu ugu iman albaabka gurigooda- ayey hoosta ka tidhi; "ax isna talow ma kuwii baa, ilaahoow ha ka dhigin bal". Isla xanshaashaqeedaa waxa xigtay inuu soo fadhiistay, iyo urta sigaarka ee saaqday wajiga mugdigu saaran yahay ee qayirran iyo maryahan kala daadsan ee uu xidhan yahay, kabaha sandalka ah iyo cagaha boodhka weyn.

Bilan waxa ay baqdin weyn ka qabtaa inay dib ula kulanto ama ay hasaawe ula wadaagto koox yar, ma yara dabcan se si guud waa qayb bulshada kusoo badanaya baryahan waxa ay isu arkaan ogaal ahaan iyo fahan ahaan inay ka sarreeyaan dadka qaybtood. Inaad dhawr buug oo falsafad ah akhridaa kaama ridayso masuuliyaadkii naftaada iyo bulshada kaa saarnayd kaamana dhigayso tuke dhalacad oo dadka ka sarreeya mana aha inay nacayb iyo rejo xumo kugu rido oo ay asaagaa kaa reebto. Aad ayey u kala baratay dabciyadooda, hadaladooda iyo sida ay nolosha ula tacaamulaan. Waa dad maahsan oo mukhadiraad iyo murugo hadhaysay dushooda, waa rag aan la tacaamuli karin wax gudahooda iyo naftooda dhaafsiisan. Hareerahooda waxa ka dhacaya kuma baraarrugsana, qoys yagleeliddiisa inay ka fekeraan iska daaye gurigooda ay dhex joogaan waxa ka dhacaya ma oga. Doodaha iyo meelaha la isugu yimaaddo marka ay joogaan si yaroo dhayalsi ah ayey ula falgalaan dhallinyarada inteeda kale.

Aayar ayuu iska yidhi; "Miyaan kaa soo raagay qaali?" Ayey ku tidhi "haa, xoogaa se dhibi ma jirto." Sheekadii baa yara dhaqaaqi weyday qofkan gabadha hor fadhiyaana waaba uu isla maqan yahay oo lama joogo, mar in xoogay le'eg indhaha laga mirigmirig siiyey iyaduna cidiyaha iyo fargalkeeda isku meermeerisay "horta ma iminka uun baa is arag inoo ah" ayuu la soo booday "haayoo, dee waligeenba taleefankaynu is kala dhurmaynay". Bun yaroo qadhaadh oo madow ayuu dalbaday, waa caddayn kale oo sheegaysa inuu kooxdii yahay. Laakiin weli waxa ay isleedaya u kaadi ha iska xukumine.

"Waligayba kama dhamaado, maxaa umaddan igu soo fasaxay, heedhe ma adigaa birlab ah oo soo jiita dadkan. Maxaa khaldan?" Iyadoo sheekadaa iskula maqan oo isla faqaysa ayuu ku yidhi "Haye warka keen Bilaneey, maxaad leedahay?"

Ixiix ixiix iyo dhuunta ay sifaysatay waad iska garanaysaa inay hadal soo waddo, hadal yara badan sida caadiga ah haasaawaha dumarka ayaa sheeko badan, "horta dee war sidaa u badan ma hayo, se su'aalaa igu yaacsan ee ma soo daayaa dee" intaa yar waxa dheer indhaheeda aad mooddo wax maqan inay baadhayaan iyo faraheeda isku mashquulsan. 
"Haaye, soo daa wixii niyaddaada ku jiraba" ayuu ku yidhi isaga oo kala maqan sidii uusan iyada la hadlaynba. "Dee soo jeedso, ilayn anigu adigaan kula hadlayaaye oo i dhagayso, xidhiidhkan maxaad dan ka leedahay horta?" Ayey ku tidhi iyada oo indhaheeda iyo dareenkeeda oo dhan u soo jeedisay xagiisa. "Dan sideeya? Waan ku jeclahay adiguna si lamid ah, intaasi innaguma filna, waxa aynu arkaynaa marka wakhtigeennu dhammaado ama dareemadeennu dhammaadaan." Si fudud oo bilaa dareen ah ayuu Intan iska yidhi.  

Qudhub qudhubta kabteeda iyo dhukusaadda ay guriga kusoo gashayba waxa qol shishe ka maqashay ina abtideed Adna. Adna iyo Bilan waa ay isla soo koreen inta ay walaalaha yihiinna waxa ka badan inta ay saaxiibada yihiin isku qol ayey seexdaan, way wada xiimaan oo ay rag isu dhawdhaw shukaansadaan. Waxbarashada mar ayey ka wada baxeen, wax akhriska mar ayey wada bilaabeen, mawjado badan oo isbeddello iyo dooddo ah ayey soo wada jibaaxeen, wax kastoo kale waan isaga mid marka laga yimaado dookha nimanka iyo haasaawaha.
 
Adna: Naa ka warran kulankaagii, siduu ahaa wiilku?

Bilan: Sina, miyaan ka sheekayn karaa. Maanta waan soo fatahay oo miskiinka cadho aan noociisa oo miidhan u hayey ayaan kula dhacay.

Adna: Cadho maxaya? Noocee ka hadli?

Bilan: Naa heedhe walaal wiilku waxa uu ahaa horta noocii aad ka heli jirtay ee bilaa arrinka ahaa haddana bukaanka nafsadeedka ahaa.

Adna: Oo haaye adigu Bilaneey, markii horeba miyaadan iska sii qiyaasin?

Bilan: Eeg aniga waad i taqaannaa qofka aragtida uun ayaan kaga go'aan qaataa, horta waxa yaabka leh ee uu sameeyey naadee waa ninka mudalabkii ii shukaamiyey.

Adna: oo qosol cirkaa isla maraysa haddana hadalka Bilan nuxurkiisu aanu u wada dhicin baa tidhi "Sidee buu kuugu shukaamiyaa, miyaadan adigu isaga u soo labisan.

Bilan: Yaan kuusoo sheeko dhaafine waxa dhacday inaan sidaydii su'aalo wiilka weydiiyey xidhiidhkeenna, mustaqbalka, masuuliyadda iyo shakhsiyadiisaba ka warraystay. Waxa aan u sheegay inaan anigu ahay gabadh dhaqan oo Soomaaliyeed in ka badan inta aan ahay naag maan furan, ilbax ah, oo musaqafad. Waxa aan u sheegay in aanan galin xidhiidh bilaa ujeeddo ah oo aanan diyaar u ahayn in aan dareemadayda ku khasaariyo qof isla maahsan oo naftiisa ka dhamaan la'.

Adna: Haye kadibna muxuu ku yidhi, miyaanu iska soo jarin waxaas looma baahna nolosha waa la iska noolaadaa oo daqiiqadda ayaa la noolaadaa ee iska illow mustaqbalka iyo balaa balaa dii dee.

Bilan: Naa bal haaye sug waa ninka aan ku idhi ilayn waan kula fatahay hadalkaan kooxdaa u hayey oo dhane, waxaan ku idhi maxaad u labisan wayday oo aad isu cadrin wayday? Timaha sidan ah maxay yihiin, ma waxaad isu aragtaa Desto iyo qaarkii kale ee murugada intay isku rideen labiska iyo quruxdaba ka cararay ee foolxumada iyo darxumada roomaansiyadda ka dhigay. Intaa markaan sidaydii anoo hadalka boobaya oo israacinaya ku idhi buu iska soo jaray; "waxaasi Bilaneey waa rafaahiyad looma baahna, noloshu sideedaba la iskuma adkeeyo, quruxda aad ka hadlaysana ninka mufakirka ah ee macnaha jiraalka ku maqani uma baahnaba". Naa heedhe qosol waan is hayn kari waayey intaa markuu yidhi.

Adna: kadibna, maxaad ku tidhi?

Bilan: waxaan weydiiyey uun wax fikrad ah oo waxtar leh ama ashqaraar leh oo bulshadu iska daa bulshada e asxaabtaada kugu xeeran aad u soo bandhigtay oo nolosha ku saabsani miyey jirtaa? Wax buug ah oo fikradeed ama sheeko faneed macno xambaarsan oo soconaya oo aad qortay ama aad waddaa miyuu jiraa? Xitaa Samataroow haddii ay kuwaasi jiraan baysan ahayn inaad muuqaalkaaga, nadaafaddaada iyo caafimaadkaagaba inaad u dayacdo. Intaa markaan ku idhi dareenkiisu wuu isbeddelay oo xoogaa maahsanaantii ayaa ka baxday sidii wax soo jeeda oo dood maangal hayana waa uu ii soo eegay.

Adna: Haye, oo dee si falsafadaysan oo isku qasan miyaanu isu difaacin.

Bilan: Naa waxa uu yidhi; "aniga wax weyn ilama aha muuqaalkayga guudi mana aha wax iga mudan u fiirsasho iyo dhaqaale inaan ku bixiyo hadba qaabka iyo quruxda aan u muuqanayo, madaxaygu sida uu u eg yahay waxa igala weyn waxa ka dhex dhacaya iyo gudahayga ku maqnaanshihiisa in ka badan intaan joogi lahaa banaankayga iyo shaadhka aan xidhanahay sida uu u egyahay."

Adna: Naa bal waxaas iga joojiyoo sheekadii mudalabka iigu soo celi iimaad dhamayn markiiye.

Bilan: Naa ninku saw ma aha inuu dhiig lahaado, inuu lahaansho iyo hinaase muujiyo inuu gabadha kor u qaado oo uu hor boodo inuu ka dagaalamo nin kale eegmadiisa oo uu ficil iyo kulayl muujiyo, waxa dhacday inaan casho dalbanay, waa adigii ogaa dee dhalaalka, udgoonka iyo labiska iga soo sokeeyeyna. Naa dee toobkii sidaan ugu soo baxay wax kale ayuu ahaa waa runtaaye, dhex yar oo aan taydiiba ahayn buu ii sameeyey, markaasaa intaan dhiico yar yeeshayna dabadii aad iisoo wada baxday. Muraayadihii makhaayaddaan isku sii eegaa taan agmaraba.

Adna: Baw! naa dee labiskaagu ha danbeeyee warka ii dhamee maxaad nagaga suququlin, hush!

Bilan: Naa dee mudalabkii baa yidhi ‘eesh calaa qiyaasak, naagtu shidanaa war’ intuu waliba garabka illaa dhexda gacanta sidaa iiga mariyey si degdeg ah oo naxdin ah baan u booday, aniga oo sugaya qofkan maahsani inuu xanaaqo oo uu ka dagaalamo taxarushka iyo taabashada aan raaliga ka ahayn ee la igula kacay.

Adna: Hahaha ka dagaalamo aaa, naa saw adiga og inay caadi u yaqaanaan in qofba qofka uu rabo uu taaban karo oo meel walba la isku salaaxi karo, xorriyadda iyo maan furnaanta gabadha aaminsani kooxdaasi waxa ay u yaqaanaan inay tahay kaalay i taabo oo aanay waxba ugu kala duwanayn gacmaha nimanku oo waxa ay meesha ka saaraan inay qof jira oo dookh leh tahay, ax ninka soomaaliyeed mar walba waa isagii uun laakiin kolay anigu waan rag badanahoo waan ka helaa. Waad ogtahay in aanay balan, jacayl, masuuliyad iyo mustaqbal toona kooxdaasi ka fikirin aniganna taasi waxay iga caawisaa in aan dhawr iska wadwato.

Bilan: naa bal aamu haaye aan dhameeyee, sida aan u garanayo kuye ninkaan dagaalka ka sugayey "intaasi ma wax weyn baa, isdeji" ninkiina wuuba lasii qoslay oo ku yidhi "haa waa naag shidan qoftani, jidhkeeda miyaadan arkayn". Anigana yaxyax iyo cadho ayaa isku kay biirsaday.

Adna: Miyaanu maskaxda reer galbeed ka ahayn haaye!

Bilan: Sheekooy ku nacay, waa ninka yidhi ‘aniga gudahaygaan ka dhammaan la'ahay, murugo iyo diiqad aan iga dhammaan oo i illowsiiyey siday dareemada kale u ekaayeen ayaanan ka dhex bixin macdalla waaba qof kale amaan siiye, teeda kale maxaa iskeen sudhay dee naag maan furan oo aan nin wax ka sugin oo madax bannaan noqo, u dhaqan sidii qof soocan."

Adna: Waan daalay bee, maxaad kusoo kala tagteen hadda saaxiibeey?

Bilan: Kulankaasi horta markii mudalabka ayuu soo dhammaaday oo waxa aan ku idhi "ma garanayo sabab adiga oo Samatar lagu dhaho magacaaguna qeexayo Soomaalinimaada aad caqliga uga noqotaa bulsho aad kala nolol, kala siyaasad, kala mawjad iyo kala taariikh tihiin u qaadato fikradahooda xitaa aad isaga dhigto ama isugu ekaysiiyo saaqidiin nolosha ka saahiday oo fikir iyo falsafadi qaadatay, anigu kula mid baan ahay inta aad akhriday ee aad fahantay waan akhriyey waanan fahmay, nolosha waan ku wareeray, macnana waan ka raadiyey, lagana yaabaa dareemadaada kuwo ka badan inaan la tacaalayo sidaas oo ay tahay bulshada kama takoorni kama foolxumi oo udgoonkii iyo quruxdii kama tagin sidaada, mar se haday maahsanaantan kaaga caddahay baabkayga kuma jirtid ee iska naso".

Qoraallada kale ee qoraaga

Sheeko

Maryo Da'aya

Sheeko

Ruux Magooshay

Sheeko

Sareedo