Sunday 8 February 2026
Magaalo yaa dhisa? Waa wayddiin jawaabteedu ku xidhantahay hadba cidda aad su’aashid. Haddii aad injinneerka magaalooyinka qorsheeya su’aashid, waxa uu ku tusayaa khariidado, qorshayaal iyo jidadka halbawlaha ah, amaba waxa uu kaaga sheekaynayaa kaabayaasha iyo horumarinta magaalada. Se haddii aad isla wayddiinta su’aashid qofka waddada magaaladaas socda, qofka sekedaheeda cidhiidhiga ah deggan amaba qofka ku ganacsanaya jidadkeeda, waxa aad ka maqlaysaa sheeko taas hore ka duwan. Magaaladu keliya kuma dhisanto amarrada dadka ka talinaya, se waxa kale oo ay ka samaysantaa dadka deggan, u midaysan, ee baahidooda ku jaangoynaya, mararna inay si fudud uga guuraan ka cararaya.
Addis, waa magaalo sidan oo kale ah. Waa magaalo ay ku yaallaan summadihii talisyo kala duwan; madax ku riyoonayey boqortooyo, gumayste doonayey baabi’in, kacaanno magacyada ka beddelayey fagaarayaasha iyo muwaaddiniin samaysankeeda ku jaangoynayey shuruudahooda u gaarka ah. Waddooyinkeedu, waxay isugu jiraan kuwo waafi ah iyo kuwo cidhiidhi ah. Ma aha magaalo siman buuraha awgood, hawadeeduna waa mid qallalan oo ku dhirbaaxaysa. Waa magaalo aan hal qofi qorshayn, se ay dejiyeen kooxo kala doonis ah; mid raba qabsasho, mid raba qurxin iyo mid raba ku abtirsasho.
Sheekadu waxa ay kasoo bilaabmaysaa muddo laga joogo wax ka badan qarni, oo ahayd markii uu degay boqor Miniliggii Labaad. Markii uu dhammaadkii qarnigii 19aad xaqiijiyey in Addis Ababa caasimad noqoto, keliya niyadda kuma hayn in ay noqoto meel dalka looga taliyo , se waxa kale oo uu ku taamayey in ay xuddun u noqoto boqortooyo kobcaysay. Magaaladii waxa ay kasoo degtay figta sare ee Entoto, waxaanay ku fidday dhulka kale ee siman, waxaana laga beeray dhirta baxarasaafka, qasriyada iyo kiniisaduhuna waxa ay kasoo hireen figta buurta. Dadkii ugu horreeyey ee qaabeeyey magaalada waxa ka mid ah Wole Maxamed, oo ahaa injinneer habka soo jireenka ah yaqaannay, sidoo kalena ahaa muslim ku dheggan diinta. Shaqada waa uu joojin jiray inta uu tukanayo, isagoo marar ku tukada meel u muuqata kiniisadda la dhisayo. Waxa la sheegaa in arrinkani cadho gelin jiray masuuliyiinta sarsare, sida Fitawrari Habtegiorgis oo mar yidhi: “Ma rabo in aan arko Muslin tukanaya”.
Falcelinta Minilig waxa ay ahayd mid siyaasadaysan oo shaqada ku jaango’an. Waxa uu Wole Maxamed siiyey meel dhow oo uu ku tukado, oo aan la arkayn, oo ah meel godan oo aad ugu dhow qasriga. Sidan buu ku dhismay masaajidka yar ee Wole ee ku hoos yaalla kiniisadda weyn ee Jibraa’iil. Injineernimadu markan may ahayn shaqo keliya, se waxa ay la xidhiidhay heerka bulsho, muuqasho iyo nafhur.
Mar dambe oo ay Talyaanigu kusoo duuleen dalka, soddonaadkii qarnigii tagay, waxa ay la yimaaddeen qorshe u gaar ah. Suuqa oo si dabiici ah uga aasaasmay Biyaasa, waxa uu ahaa mid bilaa qorshe ah oo aad isugu dhex qasan, dhaqdhaqaaq ganacsi oo xoogganina ka jiray, una dhow qasriga madaxtooyada. Waxa ay diideen suuqa bilaa qorshaha ah, waxaanay u riixeen dhinaca galbeed, oo Biyaasa waxa ay ka dhigeen aag cusub oo ganacsi oo dhisme qurxoon iyo kala dambayn ka jirto. Suuqii la riixay buu ku dhashay suuqa Markaato, oo maanta lagu tiriyo mid ka mid ah kuwa ugu weyn suuqyada wadhatada ee Afrika. qorshe bulshada u dan ah umay riixin suuqa, ka cusubna umay samayn, se waxa ay rabeen iska fogaynta suuqa wadhatada iyo amar fulin. Suuqii la rabay in la maquuniyo, wakhti wax uu socdaba waxa uu noqday mid iska caabbin ku suntan oo aan u hoggaansamin amarradaas gumaystaha, siina ballaaadhay oo aan halkaas ku bes beelin.
Kaddib waxa yimi Xayle Salaase, oo la yimi dedaal cusub oo uu ku rabo in uu ku cusboonaysiiyo Addis Ababa. Waxa uu dhisay jidad ballaadhan, dugsiyo qurxoon iyo dhismayaal dawladeed oo dhaadheer, si uu dunida u tusiyo in aanay Itoodbiya dib dhacsanayn. Waxa uu rabay in uu muujiyo in ay tahay magaaladii boqorrada ee aanay ahayn magaalo milatari, iyo in ay tahay magaalada Afrika ku faanto, ee aanay ahayn hadhaagii gumaystaha. Si kasta oo ay mashaariicdiisu u ballaadhnaayeen, haddana inta looga dan lahaa soo jeedinta indhaha ajaanibta ayaa ka badnayd inta looga dan lahaa wax u taridda shacabka kadeedan.
Hadda na waxa yimi nidaamkii Dergiga, oo ahaa nidaam Hantiwadaag, oo meesha ka saaray lahaanshihii gaarka ahaa. Waxa uu magacii ka beddelay fagaarihii Meskel, oo uu u bixiyey fagaaraha Kacaanka, waxaanu ka dhigay fagaare lagu soo bandhigo buunbuuninta nidaamka iyo dhoollatuska dawladda. Magaalada gees walba waxa laga dhisay guryo yaryar oo aan kala sarrayn, isuna eeg, si ay u noqdaan qaabdhismeed ka tarjumaya bulsho aan kala lahayn dabaqado. Laakiin haddana, sinnaantii la ballanqaaday waxa ay noqotay mid aan gunteeda la gaadhin, oo marba sii fogaanaysa.
Waxa kale oo yimi EPRDF oo taladii qabatay, fagaarihii Meskelna dhaxlay, se markan summaddii aydhiyoolajiyadeed ka beddelay. Meel aad ugu dhow fagaaraha waxa ay ka dhiseen madxaf xasuus u ah shuhadadii naftooda ku waayay dagaalkii lagu la jiray Dergiga. Waa dhisme dhagax ah oo aan ifayn, murugada ku kaydsanna dushiisa laga akhrisanayo. Madxafka keliya kuma kaydsana xasuusaha dhibbanayaashii Dergigu, se waxa uu si toos ah ugu jeedaa fagaarihii isla dadkaas maalin uun lagu laayay. Waxa aad mooddaa in uu u jawaabayo, toosna ula sheekaysanayo; fagaarihii wax lagu dulmiyey iyo goob u baroordiiqaysa kuwii la dulmay.
Muddadii ay EPRDF ku dedaalaysay hirgalinta higsigeeda horumarineed, waxa ay adeegsanaysay taatikooyin kuwii Dergiga la mid ah. Gacan ku haynta ganacsiga, dhisma socda iyo taallooyin summad ah. Waxa ay dhiseen khadka tareenka ee korontada ku shaqeeya, oo cusboonaysiin looga dan lahaa, lana dhexmariyey xaafado taariikhi ah. Dhismayaasha taariikhiga ah ee seefta tareenku la tagtay waxa ka mid ah gurigii Ras Biru, oo hadda ah Madxafka Addis Ababa, waxaana burburay muuqiisii maalin maalmaha ka mid ah hirayey. Nidaam kastaa wax buu magaalada ku biiriyey, mid cusboonaysiin ku dedaalay iyo mid anshaxa ku dedaalayba, se mid kastaa waxa uu ku dedaalayey samaynta muuqa Addis, ee gudo iyo dibadba laga dheehanayo. Qorshayaashaas maamulladu wadeen ee mid kastaaba ka tarjumayey aydhiyoolajiyaddiisa, haddana waxa garab socday in dadku markasta wadeen dib u qaabaynta magaalada, iyaga oo aamusan, noloshoodana si caadi ah isaga wata.
Sheekadii weli waa ay socotaa, oo Xisbiga Barwaaqo waxa uu markale u qalab qaatay dib u qaabaynta magaaladan isbeddelka joogtada ah ku soo jirtay. Waxa aad dhex wareegtaa mid ka mid ah beeraha cusub ee Sheger, waxa aad arki doontaa sawir magaalada kale ka duwan. Jidad qurxoon oo la dhexmariyey biyaha saydhmaya ee muusigga la jaasaya, waxaanad daawan doontaa qoysaska sawirrada iskaga qaadaya dhirta ubaxa leh hoostooda. Waxa ku yaalla maqaaxiyo, goobo ciyaareed iyo doog indhahaaga soo jiidanaya, waxaanad moodaysaa beer la soo dhoofiyey oo aan ku abtirsan sooyaalka magaaladan, se sawirkani dadkoo dhan ma metelo.
Dadka socotada ah ee miyiga ka yimi, Addis Ababa-na u yimi shaqo iyo in ay helaan nolol toodii hore ka roon, beerahani waa u beero qurxoon, haddana aad uga fog. Qaarkood baa u yimaadda inay ku raaxaystaan, oo ay biyahaas cagahooda ugu qaboojiyaan, kuwo kale waxa ay tubanyihiin albaabbada laga soo galo oo ay ku iibinayaan biyo iyo laws. Beerahan iyaga looma dhisin, se haddana waxa ay heleen hab ay ku dhacsadaan xaqa ay ku leeyihiin, waa mid la mid ah dhabar adaygii Addis ababa ka soo jiray.
Haddaba maxaa ay ka dhigantahay eegmada Addis ababa iyo in sida dhabta ah loo arko?
Waxa jirta eegmo magaalada dusha sare kaga timaadda: injineerada qorshaynaya, kuwa maalgashanaya iyo nidaamyada talinaya. Qorshe ayay dejinayaan, magacyo ayay bixinayaan, ama goobo cusub ayay xadhiga ka jarayaan. Waxa kale oo jirta eegmo xagga hoose magaalada kasoo eegta. Waa dadkaas usoo safray, xoogsatada iyo dhabar raratada. Waa dadka magaalada u adeegsada si ka duwan kuwaas hore. inta badan labadan eegmaa kulma. Sida uu Sartre mar qorayna, eegmadu marnaba ma noqoto dhexdhexaad, se waa go’aan ka gaadhid; soo dhawsasho ama iska fogayn wax.
Addis dhismayaasheedu markasta waxa ay ahaayeen kuwo ka macno ballaadhan dhisme meel laga taagay, waxa ay ahaayeen kuwo la xidhiidha kolba maamulka jooga iyo sida ay rabaan in dadka kale maamulladaas u arkaan. Se heer kaas hore la mid ah, dhismayaashu waxa ay ahaayeen kuwo dhabar adayg ku suntan, sida dadku u noolyihiin iyo la qabsigooda magaalada. Laga soo bilaabo cidhifkii uu Wole Maxamed ku tukanayey, kobocii Markaato, fagaarihii Kacaanka ilaa laga soo gaadho beeraha Sheger, magaaladu waxa ay ahayd meel lagu wada sheekaysto.
Ugu dambayn, Addis Ababa ma aha mashruuc dhammaystirmay. Ma aha keliya waxa aad khariidadda ama dusha magaalada ka aragtid. Waxa ku duugan wadasheekaysiga qaybahaas kala duwan, ee ay ku wada hadlayeen shacabka iyo maamulladu, tagtadii iyo mustqbalku, hiigsiga iyo dhabaradaygu. Waa ay kobcaysaa, oo waxa ay u koraysaa qaab aan qorshe kastaa si dhammaystiran u xakamayn karin.