Skip to main content

Thursday 5 December 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Wayddiinta Isbeddelka iyo Waayaha Soomaalilaan

27 November, 2024
Image
Somaliland
Photo credit: Adnan Abdo
Share
Doorashooyinkii turxaan la’aanta ahaa ee Soomaalilaan ka qabsoomay iyo ballanqaadyadii madaxweynaha dooran waxa ay kor u qaadeen rejada shacabku ka qabaan xukuumadda xilka la wareegi doonta. Siday doonto ha ahaatee, Soomaalilaan, waxay u baahan tahay dib u habayn qotadheer oo aan ahayn sarka xaadis.

Shacabka reer Soomaalilaan 13 Nofembar waxay u dareereen doorashooyin masiiri ah, kuwaas oo lahaa muhiimad taariikhi ah, waxay ahaayeen doorashooyin aan muhiimaddoodu keliya ahayn doorashada madaxweyne iyo ururrada xisbiyada qaran noqon doona. Waxay ahayd doorasho lagu go’aaminayo majaraha uu qaadan doono qarankan la daalaadhacayay qanaaco la’aanta iyo kala qaybsanaantu, iyadoo ay sii kordhayeen baaqyada lagu dalbanayo isbeddel. Kolkii natiijada lagu dhawaaqayna waxay noqotay mid aan madmadow ku jirin, musharraxa xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa ku guuleystay natiijo aqlabiyad ah, isagoo helay codad dhan 63.92%.
Guushani waxay ahayd mid ka guddo balaadhan guusha madaxweynaha doorran ee Cirro, arrintan oo ahayd mid isaga laftiisu ku baraarrugsanaa. Qudbad uu ka baahiyay talafeeshannada ka dib markii natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqay waxa uu ku sheegay: “Doorashadani ma ahayn mid ay musharraxiintu ku kala guuleysanayeen. Waxay ahayd doorashada midnimada iyo wadajirka. Waxay ahayd doorasho hore loogu riixayo qarannimada Soomaalilaan”. Waxay ahayd mid lagaga furfurayo xukunka gacanta adag ee xisbiga Kulmiye oo afar iyo toban sanno xilka hayay. Muddo xileedkii Madaxweyne Muuse Biixi waxay ku astaysnayd buuq iyo jahwareer ka dhashay dib u dhigista doorashooyinka, cadaadis siyaasadeed iyo koboca dhaqaalaha oo joogsaday. Muddadii xilka uu hayay kaliya ma uu takoorin mucaaradka ee qayb ballaadhan oo ka mid ah codbixiyayaasha ayaa sidaa dareemay, gaar ahaan dhallinyarada. Fashilka xukuumada Kulmiye ku fashilantay in ay ka dhabbayso ballanqaadyadeedii ugu waaweynaa waxay astaan u noqotay gaabis guud oo maamulka dawladnimada ah. Iyadoo xasaraddii Laascaanoodna ay uga sii dartay cabudhinta mudaharaaddadii silmiga ahaa, taas oo dibadda soo dhigtay guuldarrada Madaxweyne Biixi ee in uu la dabbaalan karo caqabbadaha guntadheer ee ka taagan dalka iyo in kale.

Dhallinyarada oo badankoodu ku caqliyaystay xukuumadda Kulmiye oo xilka haysa ayaa doorashadan majaraha u hayay. Waxay ku baahinayeen baraha bulshada sida Facebook iyo TikTok niyadjabka iyo cadhada ay ka qabaan ballanqaadyaada aan la fulin iyo sinnaan la’aanta sii kordhaysa. Doorashada ayaa barkulan u noqotay, iyadoo xisbiga Waddanina isu dhigayo kan ka turjumaya rabitaankooda, si kastoo uu xisbigaasi uga arradnaa xalal wax ku ool ah oo cad, haddana dhallinyartaas waxa soo jiitay halkudhigga xisbiga ee dib walaalaynta bulshada la kala geeyay.  

In kastoo baaqa isbeddelka ee mucaaradku uu noqday mid ay ku hanteen taageerayaal badan, haddana, waxa uu ahaa; mid aan lahayn ajandde cad oo aan dhaafsiisneyn in lagu abaabulo shacabka aan ku qanacsanayn sida xukuumaddu wax u waddo. Qanaaco la’aantan oo ay uga sii dareen xasarado caalami ah oo mijaha u rogay degel-siyaasadeedka iyo dhaqaalaha caalamka, taas oo Muuse na ku sii riday xabaasha 2024 oo ay Financial Times ku tilmaantay in uu sannadkani ahaa “xabaasha madaxda xilka joogta”. Dareenkani waxa uu ku weynaa inta iyagoo baaqa qayb ka ah, haddana, indhaha taagayay ee aanay u muuqan dib u habeyn qeexan oo la soo jeedinayo, iyagoo isweyddiinaya ilaa heerka ay mawjadani ahayd uun mid aan raandhiis lahayn oo keliya lagu beddelayo madaxweynaha xilka joogay.
Doorashadan weyddiinta udubdhexaadku ahayd waa: waxa uu “isbeddel” dhab ahaantii ka dhigan yahay? Xilligii doorashada ka hor waxa uu ahaa xilli uu madmadow badan ku daahan yahay. Iyadoo xisbiga Waddani isu dhigayay awood isbeddel, haddana waxa uu ahaa mid baane madhan wada, oo ku raran halkudhigyo, isla markaana aan lahayn qorshe cad oo uu rabo in uu wax ku maamulo. Dadka arrimaha siyaasadda ka faaloodaa waxay farta ku fiiqeen in hinddisaha Waddani yahay mid sida kii Kulmiye ku dhisan ballanqaadyo guud oo aan qeexneyn, kaas oo aan soo gudbineyn siyaasado lagu doorto ee keliya wada fool cusub.

Doorashadani, ma ahayn mid la kala dooranayo musharraxiinta kursiga madaxtooyada u tartamaya, balse, waxay ahayd mid ka gudo ballaadhan oo daarran nidaamka siyaasadeed ee Soomaalilaan ee ay buux dhaafiyeen qoorweynta duqowday ee iyagu uun isbedbeddela oo kolba dhinac u guura, iyagoo goobaya danahooda shaqsiga ah. Tusaale ahaan, waraysi aad loo daawaday oo uu BBC-da siiyay, Muuse Biixi  wuu ku guuldaraystay in uu xuso hal siyaasad oo ay ku kala duwan yihiin isaga iyo Cirro. Nidaamka siyaasadeed ee Soomaalilaan waxa ka jira mafhuum la yidhaa “dalxiiska siyaasadeed” iyadoo siyaasiyiintu muddadiiba xisbi u diga rogtaan iyaga oo aan isku lurin aydhiyoolajiyad iyo wax kale toona, taas oo jahwareer ku ridday codbixiyayaasha. Tobankii urur ee u baratamayey doorashada xisbiyada siyaasiga ah, toddoba ka mid ah waxa hoggaaminayey shaqsiyaad ku xididaysan nidaamka jira, taas oo adkaynaysa isbeddelka laga rejaynayo in ay ka dhalato saaxadda siyaasadda ee Soomaalilaan.

Nidaamka siyaasadeed ee Soomaalilaan waa mid ku koobaya tirada xisbiyada siyaasiga ah ee la aqoonsan yahay saddex qudha, taas oo sii kordhisay muhiimadda doorashooyinkani leeyihiin. Nidaamkan oo loo dejiyay si looga hortago in ay tirada ka bataan xisbiyadu oo reer walbaa keligii xisbi samaysto, tabtii dhacday 1960-nadii, waxa uu ku khasbayaa xisbiyadu in ay tobankii sannaba mar u loollamaan in ay booskooda xejistaan. Haddaba, sannadkan waxaa booskoodii xejistay Waddani iyo Kulmiye, halka ururka Kaah uu booskii ka xoogay xisbiga UCID oo ahaa xisbiga ugu da’da weyn xisbiyada dalka. In kaste oo hanaankani uu baraarujinayo tartanka, haddana waxa uu dhidibbada u sii aasayaa xukunka qoorweynta talada ka ag dhaw, taas oo sii adkaynaysa suuragelnimada dib u habeyn siyaasi ah oo dhaba.Tan oo ku gudbaysa caqabbado waaweyn in ay xubno cusub soo galaan saaxadda siyaasadda.

Ololihii, dadku aad bay u xamaasadaysnaayeen oo looma kala hadhin, iyada oo loo ololaynayo ujeeddooyin kala duwan, maalintii codbixinta se doorashooyinka sida ay masiiriga u ahaayeen iyo sida codbixiyayaashu u koobnaayeen isma ay lahayn, codbixiyayaasha isdiiwaangeliyay waxay ahaayeen 1,227, 048, tirada se codaysay waxa ay noqotay 52.8% oo u dhiganta 647,863, taas oo tilmaamaysa in aan ku dhawaad kala badh dadkii isdiiwaangeliyay cod dhiiban. Sababaha codaynta, sababo kala duwan ayaa loo aanayn karaa, sida diiwaangelinta codbixiyayaasha oo muddo door ah ka horraysay doorashada, dadka qaar oo u arkayay in aanay jirin rejo weyn oo wax isku beddeli karaan, tirabadan oo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ah oo ka rejo dhigay xisbigooda oo aan naawilaad sidaas ahna ka filayn, mucaaradka ayaan iyaguna codkooda dhiiban ama aan codeyn doorashada madaxweynaha. Si kastoo nidaamku goldalloolo u leeyahay waxay u diyaarsanaayeen in codkooda la maqlo.

Kormeerayaashii doorashadu waxay ku warbixiyeen in doorashadu si nidaamsan oo nabad ah u qabsoontay, taas oo caddaynaysa siday Soomaalilaan uga go’an tahay dimuqraadiyaddu. Haseyeeshee, maalintaa codbixinta ka hor nidaamsanaani ma jirin. Xilligii ololaha waxaa soo shaacbaxay dhacdooyin muujiyay nuglaanshiyaha dimuqraadiyadda Soomaalilaan. Shaqsiyaad hubaysan ayaa ka soo muuqday isku soo bax xisbiga Kulmiye magaalada Hargeysa ku qabsaday, iskudhacyo gacanta la isula tagay ayaa ka dhex qarxay taageerayaasha xisbiyada loollamayay, taas oo keentay in la mamnuuco ololaynta iyo isku soo baxa habeenkii, tan oo muujinaysa xaaladda walaaca leh ee ololayaashu ku qabsoomeen.

Qudbadiisii guusha, Cirro waxa uu isku dayay in uu baanto kala qaybsanaantan. Wuxuu u sawiray guushiisu in aanay ahayn mid xisbi gaar ahi helay, balse ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka midnimada iyo horumar u soo kordhay Qaranka. Kelmadihiisu waxay metelayeen shacabka ka daalay kala qaybsanaanta iyo horumar la’aanta qeexday tobankii sanno ee u danbeeyay. Siday doonto ha ahaatee, caqabadda u weyn ee madaxeynaha la doortay hortaallaa waa in uu baanihiisa u beddelo tallaabooyin macno leh.

Caqabbadaha uu cirro dhaxlayaa aad bay u baaxad weynyihiin. Siduu ku tilmaamay Matheuw Gordon waraysi uu Geeska siiyay, markisiyaynta awoodda ee xukuumada Muuse Biixi ku dhaqaaqday, oo lagu daray rasmiyeynta sar ka xaadiska ah ee siyaasadda dawladda, ayaa waxaa ka dhashay xaalad aan dan badan ugu jirin hogaamiyayaashu in ay wax tanaasul ah sameeyaan, “bal e, iyagoo isku haleynaya quwaddo shisheeye iyo cududda dawladda in ay wax ku muquuniyaan, taas oo mararka qaar dhasha gacan ka hadal.”

Tani waxay daciifisay waxa uu ku qeexay dabarkii “kalgacaylka” ahaa ee isku haya bulshada reer Soomaalilaan. Tusaale, waxa arrintan u ah Sool, halkaas oo Hargeysi dhumisay gacan ku hayntii qaybo gobolka ka mid ah, oo aanay awoodin xataa in ay gaadho iyo in ay isticmaasho jidka bari ee deegaamadaa mara. Tabaha milatariyaysan ee xukuumada xilka wareejinaysaa na way uga sii dartay xaaladda, ballanqaadka Cirro ee in uu wadahadal ku dhammaynayo arrintanina waa mid loo wada joogo, oo la eegi doono xariifnimaduu kula galgalan doono siyaasadda beelaha ee kakan.

Saaxadda caalamka Soomaalilaan caqabbada u weyn ee kaga gudbani waa aqoonsi la’aanta. In kastoo hab dhaqanka dimuqraadiga ah ee dalku indhaha caalamka aad u soo jiitay, haddana weli waxa hortaala in ay danaynta caalamka u beddelaan hab ay ku hanan karaan taageero caalami ah oo macno leh. 

Rejada reer Soomaalilaan ma xuma, oo calaamado yididdiilo abuuraya ayaa muuqda, iyadoo xukuumada Trump ee soo socotaa la filayo in ay magacawdo Peter Pham, oo qadiyadda Soomaalilaan u debecsan, waa siduu sheegay Rashiid Cabdiye. Cabdisalaan Yaasiin oo baresare ka ah jaamacadda Hargeysa isna waxa uu tilmaamay haddii Senat-ka ay ku gacan dhigaan xisbiga Jamhuurigu, in ay fursad wanaagsan oo galaangalasho ah heli doonaan xubnaha taageersan gooni-isu-taaga Soomaalilaan, sida James E. Risch. Gavin Williams oo ah xildhibaan qayb ka ah xisbiga muxaafidka ah ee Tory-ga, kaas oo wargeyska Times ku naanaystay “Halyeyga Madaxbanaanida”, isagoo taa ku mutaystay taageeradiisa gooni-isu-taaga Soomaalilaan, ayaa toddobaadkan u sheegay wargeyska the Independent, in uu filayo in xukuumadda Trump aqoonsan doonto madaxbannaanida Soomaalilaan, ka dib shirar uu la galay xubno ka ag dhaw. “Waa in ay aqbalaan, in kastoo kolkuu xilka la wareego ay waqti qaadan doonto.” ayuu sheegay, isagoo ku daray, “kulanno mirodhal ah ayaan la qaatay saraakiisha ka shaqaynaysa dejinta siyaasadihiisa rejaduna way wanaagsan tahay.”
Tani waxay imanaysaa ka dib sannad ay baddu kacsanayd, ka dib markii Madaxweyne Muuse Biixi la galay Itoobbiya isafgarad dhigayay in madaxbannaanida Soomaalilaan ay Itoobbiyi aqoonsato iyadoo dhankeeda helaysa qayb ka mida xeebta Soomaalilaan. In kaste oo calaamadahani yididdiilo leeyihiin, haddana, madaxweynaha dooran waxa la gudboon in uu ka digtoonaado waxyaabihii Muuse Biixi galaaftay, oo ay ka mid tahay shacabka oo uu qancin kari waayey, taas oo faquuqday qaybo ballaadhan oo shacabka reer Soomaalilaan ah, ka dibna ka horgeysay.

Doorashadani keliya kuma saabsanayn hoggaan doorasho, waxay ahayd mid dib loogu qaabaynayo dunta dhaqanka siyaasadeed ee Soomaalilaan. Muddo badan waxa go’aaminayay majaraha jamhuuriyada u hoggaansanaanta qabiilka iyo qoorweyn xididaysatay, kuwaas oo ku gudbanaa hirgalinta dib u habeyn daacad ah. Doorashada Cirro waxaa hubaal ah  Soomaalilaan  in uu isbeddel ka dhacay – balse, waa isbeddel caynkee ah? Ma waxa uu weji cusub u yahay isla siyaasadii niyadjabka ahayd, mise Waddani, waa cusub ayuu dhallin doonaa?

Xukuumadda Soomaalilaan waxay muujisay in ay cago wanaagsan ku taagan tahay, oo ay waarid leedahay. Afrikada Bari, jiritaanka talisyadu 30 sanno ma dhaafaan. Taliskii islaamiga ahaa ee Cumar al-Bashiir waxa uu jiray laga soo bilaabo 1980-nadii ilaa 2018-kii. Siyaad Barre, waxa uu xukunka hayay 1969 ilaa 1991 kolkaas oo taliskiisii burburay, halka Mengistu Haulemariam iyo Meles Senawi ay muddo is le’eg xilka hayeen, tani waxay caddayn u tahay masaafada la soo jaray, balse, Soomaalilaan ma deeqdo in ay isdhigato oo ay ku filnaato amaanta ay helayso, iyo nabadda yar ee ay sii dhawranayso.

Soomaalilaan waxay seeska u dhigtay dimuqraaddiyad la majeerto iyo hannaan isdoorasho, oo muwaadiniinta u saamaxaysa fursad iyo in ay codkooda ku meelmariyaan isbeddel. Waa na arrin aanay haysan dalal badan oo jaarka ahi, taas oo sidoo kalena aan macquul ka ahayn dalalka Carabta, halkaas oo ay xoog ku muquuniyeen talisyo kelistalisa oo kacaandiid ahi. Horumarka sidaa muhiimka u ah waa in la ilaashadaa, iyadoo codbixiye kastaa ku codaynayo qanaacadiisa. Sidoo kalena waa in aynu arrinta barbar wadnaa dooddo wax ku ool ah oo aynu wax isaga weyddiinayaan isbeddelka daacadda ah ee ay Soomaalilaan u baahan tahay. “Isbeddelka” ay horkacayaan dadka shacbiyadda ku leh baraha bulshadu (oo ah dad aanan ku tilmaami karin indheergarad) waa in aanay daahin caqabbadaha halista ku ah jiritaanka Soomaalilaan.

Haddaan talooyin lagu hagaajinayo nidaamka siyaasadeed ee Soomaalilaan aan bixin lahaa, waxaa mar kale tilmaami lahaa qodobbadii aan sheegay doorashadii 2017. Kow, golaha guurtida waa in la kala diraa oo lagu beddelaa gole loo soo doortay sida goleyaasha kale. Jiritaanka golahani waxa uu caqabbad ku yahay in ay Soomaalilaan u xuubsiibato nidaam gabi ahaan ba dimuqraaddi ah. Laba, waa in la furaa saaxadda siyaasadda, oo loo ogolaado shaqsiyaadka aan xisbi qayb ka ahayni in ay iskood isku soo sharraxaan, oo aan lagu xidhin nidaamka xisbiyada. Ugu danbayn, ka diga rogashada xisbiyada waa in la mamnuuco. Xubintii iska casisha xisbigeeda ama isbahaysigii lagu soo doortay, waa in ay si otomaatik ah u lumiyaan martabadii ay bulshada ku metelayeen.

Tijaabada dimuqraaddiga ah ee Soomaalilaan, si kaste oo ay u kala dhantaalan tahay, haddana weli waxay gobolkan kelitalisku xasillooni darrada ku hayo u tahay astaan lagu soo hirto. Siday doonto ha ahaatee, jiritaanka Soomaalilaan waxa uu u baahan yahay wax ka ballaadhan in si nabad ah xilka loola kala wareego. Waxa loo baahan yahay in wax laga qabto arrimaha qotadadheer ee caqabbada ku ah horumarka Soomaalilaan – sida qoorweynta siyaasadeed ee nidaamka ku hor dhagaxawday, ku tiirsanaanta siyaasadda qabiilka iyo nidaamka dhaqaale ee ku fashilmay in kor u soo qaado muwaadiniinta.

Guusha Cirro waa fursad dib loogu qeexi karo waxay Soomaalilaan noqon karto. Iyadoo sidaa ah haddana waa mid haliso badan ku gedaaman tahay.  haddii xukuumadda Waddani ku guuldaraysato in ay ballanqaadyadeeda ka dhabayso, xumaan filashada shacabku way sii siyaadaysaa, rejada isbeddelkuna way sii fogaan doontaa, hir aan la gaadhayn ayay noqon doontaa. Soomaalilaan maanta waxay ku jirtaa marxalad kala guur ah, mustaqbalkeeduna waxa uu ku xidhan yahay ballanqaadyada hoggaankeeda iyo in ay si siman oo go’aan adayg leh wax u xukumi doonaan. Doorashadani in kaste oo ay soo afjartay cahdi, haddana, in ay gundhig u noqon doonto wax cusub waa mid la arki doono.