Skip to main content

Saturday 6 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Waxaan Qarankii u Liqnay, Siduu Annaga Noo Liqay Q. 4aad

20 November, 2025
Image
Waxaan Qarankii u Liqnay, Siduu Annaga Noo Liqay Q. 1aad
Share
Siyaasadda Xasuuqii La Illaaway

Deraasadaha ku saabsan Soomaaliya waxay inta badan isku khaldaan dagaalladii qabiilaysnaa ee 1990-meeyadii iyo xasuuqyadii nidaamkii Siyaad Barre. Waxaa si joogto ah loogu arkaa faallooyinka afka iyo qoraallada cilmiyeed ee casriga ah in dhacdooyinkii xasuuqa ee Hargeysa 1988-kii la mid yihiin dagaalladii qabiil ee Muqdisho 1991-kii, iyadoo la moodayo in labaduba ay ahaayeen dhacdooyin isku miisaan ah oo macne ahaan isku mid ah. Si kastaba ha ahaatee, dagaallada qabiil iyo xasuuqyadii nidaamku fuliyeen waxaa mararka qaar si khaldan loogu wada magacaabaa xasuuq. Laakiin in kastoo dhammaan xasuuqyadu ay ku jiraan falal gumaad ahi, haddana ma aha in dhammaan gumaadyadu ay yihiin xasuuq. Sida deraasadaha xasuuqii Ruwanda muujiyeen, colaadaha qabiil ma gaadhaan heer xasuuq, maaddaama rabshadaha qabiil ay sababi karaan gumaadyo, balse aanay si toos ah u horseedi karin xasuuq nidaamsan oo dhamaystiran. Maxamuud Mamdani wuxuu xusay in “colaadaha qabiil aanay dhalin karin xasuuq; ugu badnaan waxa dhici karta in ay sababi karaan gumaadyo xad dhaaf ah, balse ma sababi karaan xasuuq baahsan.”

Jakwes Semelin, buugiisa Purify and Destroy: The Political Uses of Massacre and Genocide, wuxuu si qoto dheer u kala saaray xasuuqa iyo gumaadka. Isaga oo qeexayana, waxa uu xusay in “Xasuuqu yahay marxaladdii ugu dambaysay ee tirtiridda bulsho gaar ah.” Xaqiiqadu waxay tahay, in aan ficillada noocaas ah lagu arag Muqdisho 1990-meeyadii, balse waxay si toos ah uga dhaceen Hargeysa 1988-kii, halkaas oo shacabka Isaaq si gaar ah loogu bartilmaameedsaday iyada oo loo eegayo haybtooda qabiil, sida ay caddeeyeen warbixinnada xuquuqda aadanaha iyo xogaha sirdoon labadduba. Waxaa la rumeysan yahay in xasuuqaasi sababay dhimashada ilaa 100,000 oo qof, halka in ka badan nus milyuun dad ahi ay ka qaxeen guryahoodii, iyagoo la kulmay burbur nololeed oo ballaadhan. Inkaste oo xasuuqii Hargeysa iyo dagaalladii qabiilka ee 1991 si u kala duwanaayeen, haddana waxaa muuqata in uu jiro xidhiidh cad oo ka dhexeeya labadooda. Xasuuqii Hargeysi wuxuu noqday hordhacii colaaddii qabiilka ee 1991, taas oo muujinaysa in falalkii xukuumaddii Siyaad Barre ay si weyn ugu gogol xaadhayeen burburkii dambe ee dalka ka dhacay.

Jabhadaha hubaysan iyo kooxaha aan dawliga ahayni ma laha awood ay ku fuliyaan xasuuq nidaamsan sida kii ka dhacay Soomaaliya. Xasuuqu waa fal si gaar ah ugu baahan awood dawladeed, waana hawl aanay kooxaha mucaaradka ahi fulin karin. Sidaa darteed, laysma barbar dhigi karo kooxaha mucaaradka ee dagaallamayay iyo awoodda dawladda, taas oo gacanta ku haysa awood ciidan, dhaqaale, iyo awood sharci. Xukuumaddii Siyaad Barre, iyada oo ka falcelinaysa weerarradii mucaaradka, waxay adeegsatay awood ciidan oo aad uga culays badnaa midda ay mucaaradku la iman karayeen, taa sina waxa ay keentay in ay xasuuq ba’an ka fuliso dalka. Dadkii goob-joogayaasha ahaa iyo kuwii xukuumadda u shaqaynayayba waxay bixiyeen xogo cad oo muujinaya heerka uu gaadhsiisnaa xasuuqu. Nuur Cali Qaboobe, oo ka tirsanaa mas’uuliyiintii xukuumaddii Siyaad Barre, wuxuu si cad u xusay in “Siyaad Barre uu Soomaaliya xukumayay xilligii ugu dhiig-baxa iyo nasiib-darrada badnaa ee taariikhda dalka.”

Somaliland, dadka wali waxa hal-ku-dhig u ah odhaahdii Soomaaliyeed ee odhanaysay: “Libaax nin ganay og, nin galladayna og,” taas oo ka dhigan in qof kasta uu ogyahay ciddii xasuuqa u geysatay iyo ciddii diiday. Tusaale ahaan, duuliye Axmed Maxamed Xasan, oo ka mid ahaa ciidamadii cirka Soomaaliya, wuxuu diiday in uu fuliyo amarradii lagu farayay in uu duqeeyo magaalada Hargeysa bishii julaay 1988. Markii uu dhawaan dib ugu laabtay Hargeysa, dadkii deegaanku waxay si xamaasad leh ugu soo dhaweeyeen hudheelkii uu deganaa, iyaga oo safaf ugu jiray inay gacan qaadaan, hadiyado ugu keenaan, kuna ammaanaan geesinimadiisii. Dadkaasi weli waxay xusuustaan xilligii argagaxa iyo cabudhinta dawladdu adeegsan jirtay, waana arrin muujinaysa sida ay weli u taagan tahay xusuusta xasuuqii xukuumaddu geysatay. Saraakiil sar-sare oo ka tirsanaa xukuumaddii Siyaad Barre ayaa qiray in xasuuqii ka dhacay Waqooyiga Soomaaliya uu ahaa mid aan horey loo arag marka la barbar dhigo ololeyaashii kale ee xukuumaddu ku fulisay beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Kornayl Cabdi Xuseen Faahiye “Xoogsade”, oo ka mid ahaa saraakiishii sare ee milatarigu, wuxuu xusay in “wixii ka dhacay Hargeysa, Burco iyo Berbera ay ahaayeen kuwii ugu xumaa.” Ereygan “ugu xumaa” wuxu u muuqdaa in uu sarkaalku ula jeeday in xasuuqii halkaas ka dhacay uu ahaa mid aan hore loo arag, isla markaana aad uga darnaa falalkii kale ee xukuumaddu fulisay. Si kastaba ha ahaatee, saraakiil kale oo ka darajo sarreeyay Xoogsade ayaa si adag u inkiray wax kastoo khalad ah oo xukuumadda lagu eedeeyay. Tusaale ahaan, muuqaal dhawaan lagaga duubay Nayroobi Jeneraal Moorgan isagoo la hadlayay dad taageersan Siyaad Barre, ayaa si cad u diiday in xukuumaddu ay si gaar ah u bartilmaameedsatay dad shacab ah. Inkaste oo uu inkiray, haddana waxaa jiray caddeymo badan oo muujinaya in xasuuqii beesha Isaaq uu sababay in Mareykanku go’aansado joojinta taageeradii milatari ee uu siin jiray xukuumaddii Siyaad Barre.

Jakwes Semelin wuxuu qeexay in xasuuqyadu ay leeyihiin laba ujeeddo oo waaweyn: midda hore waa in cadowga la jebiyo oo la hoos keeno nidaamka, halka midda labaad ay tahay in gebi ahaanba la tirtiro. Isagoo sii faahfaahinaya, wuxuu gumaadka ku qeexay inuu yahay “ficil si wadajir ah loo fuliyo, laguna bartilmaameedsado dad aan dagaal ku jirin si loo burburiyo jiritaankooda.” Fahamkan ayaa si fiican u sharraxaya hab-dhaqankii xukuumaddii Siyaad Barre. Xasuuqii ka dhacay Waqooyiga waxa uu ujeedkiisu ahaa in la burburiyo awoodda beesha Isaaq si aanay u noqon qaar halis ku ah nidaamka. Dhanka kale, ololayaashii milatari ee lagu la kacay beesha Cumar Maxamuud/Majeerteen ma ahayn kuwo si buuxda u tirtiraya jiritaankooda, balse waxaa loogu talagalay in lagu jebiyo si ay ugu hoggaansamaan nidaamka, taasoo markii dambe hirgashay. Arrintan ayaa sidoo kale la jaanqaadaysa dhacdooyinkii ka dhacay Soomaaliya wixii ka dambeeyay 1991. Saraakiishii ka dhaxlay nidaamkii Siyaad Barre waxay qaateen xeelado la mid ah, iyagoo isku dayay in la burburiyo beelaha Digil iyo Mirifle si loogu khasbo inay aqbalaan xukun hoos taga maamul cusub. Muuqaallo la duubay xilligaas ayaa muujinaya sida ololeyaashii rabshadaha lahaa loogu fuliyay bulshadaas.

Min Xasuuqii Hargeysa ilaa Dagaalladii Qabiilaysnaa ee Fowdada ku Dhisnaa

Hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ayaa si cad u muujinaya in bulshadu aanay weligood u dulqaadanin caddaalad-darro iyo xukun kelitalisnimo ku dhisan. Taariikh ahaan, Soomaalidu waxay caan ku yihiin inay si adag uga hortagaan dulmi iyo cabbudhin kasta, taasina waxa ay ka muuqataa maahmaahdooda caan baxday ee odhanaysa: “Rag ciil cadaab buu ka doortay.” Maahmaahdani waxay tilmaamaysaa in marka qofku wajahayo laba xaaladood oo adag, mid dulmi ah iyo mid kale oo qallafsan, ay Soomaalidu dooranayaan tan adag haddii ay kaga nabadgalayaan in la hoos geeyo dulmi iyo liidasho. Sidaas awgeed, markay dad badani ku kaceen nidaamkii Siyaad Barre, ma aha in ay jeclaayeen fowdada, balse waxay u arkayeen in dulmigii xukunkaasi uu ka xun yahay xitaa haddii ay beddelkiisu noqonayso xaalad dawlad la’aan ah. Waxaana taas ka dhashay in dad badani ay doorteen inay iska illoobaan cadaadiskii iyo xanuunkii ay soo mareen, balse ay u adkaystaan xaalad kale oo adag, si aanay mar kale u aqbalin maamul dulmi ku dhisan. Arrintani waxay salka ku haysaa dareen ah in Soomaali badani aanay u arkin dawladnimadii Soomaaliya mid ay u siman yihiin, balse ay aad u muuqatay in ay ahayd dawlad u adeegaysa danaha qabiillo gaar ah. Sidaas darteed, dadka qaar waxay u arkayeen in dawladdu aanay ahayn hay’ad qaran oo dadka wada metesha, balse ay ahayd nidaam awoodda si gaar ah loogu naasnuujiyay beelo gaar ah.

Dhibaatooyinkii uu nidaamkii Siyaad Barre ka tegay waxay noqdeen kuwo weli saameyn weyn ku leh taariikhda Soomaaliya. Xilliyadii xigay burburkii xukuumaddiisa, khilaafaadka siyaasadeed waxay noqdeen kuwo u dhisan su’aalo la isku hayo, sida: “Yaa heli doona awoodda? Yaase xaq u leh maamulka kheyraadka dalka?” Khilaafkan ayaa is-bedbedelayay, wuxuuna aasaas u noqday isqabqabsiga siyaasadeed ee dalka ka taagnaa wixii ka dambeeyay burburkii 1991. Cabdiraxmaan Axmed Cali ‘Tuur’, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland (inkastoo uu markii dambe ka laabtay go’aankii gooni isku taagga), wuxuu si cad u sheegay sababtii go’aanka lagu gaadhay in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale: “Go'aankii ay Somaliland kaga go’day Soomaaliya wuxuu ka dhashay dhibaatadii uu nidaamkii Siyaad Barre nagu hayay iyo xaaladdii cusbayd ee xukuumaddii Cali Mahdi iyo xulafadiisii. Sidee baanu ula shaqeyn karnaa dawlad ay xubnaha badankoodu qayb ka ahaayeen nidaamkii na burburiyay?”.

Tani waxay ahayd Soomaaliya cusub oo loo bixiyay Somaliland, taas oo dedaal xooggan ugu jirtay in ay ka go’do saameyntii iyo raadadkii ay kaga tagtay xukuumaddii Siyaad Barre. Somaliland waxay isku dayaysay in ay iska xorrayso qaab-dhismeedkii kali-taliska ahaa ee uu nidaamkii hore ku maamuli jiray dalka, kaasoo lagu dhisay cabbudhis, awood sheegasho, iyo cadaadis qabiil lagu salaynayo. Dadka reer Somaliland waxay u arkayeen gooni isu taaggu inuu yahay waddada kaliya ee ay kaga baxsan karaan dib u soo noqoshada nidaam siyaasadeed oo la mid ah kii ay horey uga badbaadeen. Halgan dheer kaddib, waxay ku dedaalayeen in ay dhistaan nidaam siyaasadeed oo ay iyagu xor u yihiin, si ay u helaan maamul aan ku dhisnayn cadaadis, iyo gacan-bidixayn bulsho gaar ah. Sidaas darteed, Somaliland waxay noqotay tusaale muujinaya in dadku markay helaan fursad, ay ka go’aan qaadan karaan sidii ay uga bixi lahaayeen taariikh ay u arkayeen mid culays iyo cadaadis ku ah, iyaga oo dib u dhisanaya nidaam cusub oo ay iyagu hoggaan u yihiin.

Sida ololeyaashii xasuuqa ee hore loo fuliyay ay u saameeyeen siyaasadda maanta waa arrin muhiim ah oo lagama maarmaan u ah fahamka xasaradaha taagan. Muranka siyaasadeed ee hadda jira wuxuu salka ku hayaa su’aalo aasaasi ah: Yaa awoodda maamulaya, yaase lagu maquuninayaa? Su’aashani waxay ka dhalatay sannadihii cabbudhiska ahaa ee xukuumaddii Siyaad Barre, taasoo adeegsatay awood dawladeed si ay u beegsato bulshooyin gaar ah. Marka la barbar dhigo wixii ka dhacay dalal kale oo Afrikaan ah, xaaladda Soomaaliya waxay muujinaysaa in dadkii ka badbaaday xasuuqii xukuumaddu fulisay, tusaale ahaan beesha Isaaq oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday ay si weyn uga gows adaygeen in dib loo soo celiyo dawlad Soomaaliyeed oo midaysan. Arrintan waxaa si cad looga dheehan karaa Somaliland, oo dadkeedu ay ka cabsadeen in mar kale ay la kulmaan wixii ay hore u soo mareen. Dadka taageersan jiritaanka Somaliland, halkii ay mar kale fursad siin lahaayeen dhismaha dawlad Soomaaliyeed oo mideysan, waxay aad uga fogaadeen in ay wax la wadaagaan ama wax la yeeshaan kuwii hore u cadaadiyay. Doodaha ka socda goobaha internet-ka ee Soomaalida dhexdeedu waxay muujinayaan in weli uu jiro khilaaf ba’an oo u dhexeeya kuwii hore u taageersanaa SNM iyo dadkii taageersanaa nidaamkii Siyaad Barre. Tani waxay muujinaysaa in xusuusta xasuuqyadii la soo maray ay weli tahay mid aan la illaawi Karin.

Deraasaddii uu qoray Gerard Prunier 1990, xilli uu la socday dhaqdhaqaaqii SNM, wali waa mid la jaanqaadaysa xaaladda maanta. Wuxuu xusay: “Beesha Isaaq waxay aamminsan tahay in dawlad Soomaaliyeed oo la sheegayo in ay ‘dhex-dhexaad’ tahay, sida tii 1960-kii la dhisay, ay si dhab ah mar walba gacanta ugu jiri doonto hal qabiil ama koox qabiillo ah, halka inta kale la dulmin doono. Sidaas darteed, waxay doorbidayaan in la dhiso dawlad aan awood u yeelan karin in ay cabbudhiso cid kale, iyadoon loo eegin yaa xukunka haya.” Tani waxay muujinaysaa sida xasuuqyadii dawladdu fulisay ay u dhaliyeen xusuus aan la illaawi karin, taasoo saameyn weyn ku yeelatay hab-fikirka siyaasadeed ee bulshooyinka ay dhibaatadu gaadhay. Xaqiiqadu waxay tahay in fekerkan ay qabaan dadka reer Somaliland uu jiray xitaa kahor inta aanay burburin xukuumaddii Siyaad Barre, waa mid si cad u sharraxaysa mowqifkooda maanta.

Markii uu nidaamkii Siyaad Barre dhacay 1991, beesha Isaaq waxay noqdeen kooxdii ugu horreysay ee nabadaysa deegaanadoodii waqooyiga, iyaga oo go’aan ku gaadhay in ay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale. Bishii May 18, 1991 oo ahayd qiyaastii shan bilood kaddib markii xukunkii Siyaad Barre la riday, waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland. Go’aankani wuxuu qayb ahaan ka dhashay xusuustii xanuunka lahayd ee cabbudhiskii xukuumaddii Siyaad Barre, taas oo dadku u arkayeen sabab sharciyaynaysa halgankooda gooni isu taagga. Xasuuqyadii baahsanaa ee xukuumaddii Siyaad Barre si ula kac ah ugu geysatay dad rayid ah waxay Somaliland siisay sabab cad oo ay ugu doodo in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’do. Taariikhda burburka iyo xasuuqa oo dhaxal u noqday bulshada reer Somaliland ayaa u gogol xaadhay in ay qaadaan dariiq u gaar ah, iyaga oo qabtay doorashooyin madaxweyne iyo baarlamaan, una sameeyay dastuur si rasmi ah uga soocaya Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee ay la midoobeen 1-dii Julaay 1960. Deegaannadii ay ka dhaceen xasuuqyadii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii, sida Gobolladii Waqooyi, Buntilaan, Galmudug, Jubbada Hoose, Hiiraan, iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa maanta u muuqda kuwo ka xasilloon meelihii ay dagaallada qabiilku saameeyeen intii u dhaxaysay 1990-meeyadii iyo 2000.

Xaqiiqadu waxay tahay in goobihii ay xukuumaddii Siyaad Barre ku haysay xukunka kali-taliska ah ee cabsida ku dhisnaa, markay xukuumaddii burburtay kaddib, ay noqdeen meelaha horumarka samaynaya iyo kuwo si xasilooni leh u kobcaya. Sababtaas awgeed, dawlad xoog badan oo cabbudhis ku dhisan waxaa loo arkay wax aan loo baahnayn.

Waxaa jira laba sababood oo muhiim ah oo sharraxaya sida ololeyaashii xasuuqa ee xukuumaddii Siyaad Barre ay dareen ugu abuureen bulshooyinka go'aansaday in ay dhistaan maamul u gaar ah, halkii ay dib ugu noqon lahaayeen midnimadii Soomaaliya. Ugu horreyn, xasuuqyadii baahsanaa waxay sababeen in beelaha iyo bulshooyinka la bartilmaameedsaday ay dareemaan in jiritaankooda halis la geliyay, taasoo keentay in kaddib markii nidaamkii Siyaad Barre burburay ay doortaan inay la heshiiyaan oo nabad ka dhex dhaliyaan kooxahooda. Sababta labaad waa in gobollada qaarkood ay si dhakhso ah u xasileen kaddib burburkii xukuumaddii Siyaad Barre, halka kuwa kale ay la tacaalayaan dagaallo iyo xasillooni darro joogto ah. Taas macnaheedu wuxuu yahay in meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya ay weli ku jiraan xasarado siyaasadeed iyo colaado, halka deegaanadii hore ugu soo jiray gumaadka iyo cadaadiska nidaamkii kalitaliska ahaa ay doorteen inay dhistaan maamul u gaar ah, iyaga oo ka fogaaday nidaam xoog badan oo mar kale dib u soo noqon kara.

Raadka Cabsigelintii Dawladda iyo Kala Daadashadii Qabiilka

Haddii dawladuhu ay dagaallo abuuraan, sida uu sheegay Charles Tilly, dagaalkuna wuxuu dhisaa dawlad ama dawlado-dhawr ah. Xaaladda Soomaaliya, dagaalkii dhacay wuxuu sababay in ay soo baxaan maamulo kala duwan, sida Somaliland iyo dawladaha yaryar ee Koonfurta Soomaaliya, inkastoo qaar ka mid ah ay helaan aqoonsi ka badan kuwa kale. Tan iyo 1991-kii, beelaha kala duwani waxay soo saareen hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo mid walba u ololeynaya dhismaha dawlad u gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, inta badan hoggaamiyeyaashaasi ma aqoonsana Somaliland inay tahay dawlad madax-bannaan. Dhanka kale, siyaasiyiintii reer Somaliland ee halganka waday mar uun waxay aaminsanaayeen fikir ah in nidaam dimuqraadi ah dib loogu soo celiyo Soomaaliya, balse ficilkoodu wuxuu noqday mid ka duwan kaas, iyaga oo si rasmi ah ugu dhawaaqay maamul gooni ah.

Codadka ka soo baxaya bulshada Somaliland, kuwaas oo ay si weyn u saameeyeen xasuuqyadii hore loogu geystay, waxay si maldahan u muujinayaan diidmo ay ka qabaan dib ugu laabashada Soomaaliya. Sida uu mid kamid ah shacabka reer Hargeysi sheegay: “Dadka reer Somaliland mar dambe Soomaaliya dib ugu noqon maayaan, wixii ay ka soo mareen nidaamkii Siyaad Barre darteed.” Mowqifkan siyaasadeed wuxuu sidoo kale si cad uga muuqdaa suugaanta Somaliland ka soo baxday wixii ka dambeeyay burburkii xukuumaddii Siyaad Barre. Heestan soo socota waxay muujinaysaa dareenkii siyaasadeed ee ay Somaliland ka qabtay mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Soomaalilaan oo xorowday,
Dalkoo xeer iyo dastuur leh,
Dadkuna xamdi Eebbe joogo,
Xamar laygu dari maayo.

Xusuustii nagama guurin,
Xanuunkii maan illaawin,
Ninkii xiisaynayow,
Xasuuq dambe yeeli mayno.

Annagu Xamar dooni mayno,
Xumaana u geysan mayno,
Sidii laba dawladood,
Xuduud baa naga dhexeeya.

Maansadani waxay si qoto dheer u muujinaysaa aragtida Somaliland ee ku saabsan goonni isu taagga. Waxay gudbinaysaa laba mowqif oo is barbar socda: midda hore waa in goonni isu taagga Somaliland aanu ahayn mashruuc laga noqon karo, midda labaadna waa in Somaliland ay si xushmad leh ula macaamilayso Soomaaliya oo ay horey ula midowday.

Taallada ku taalla bartamaha caasimadda Somaliland, oo astaan u ah xasuuqii Hargeysa, waxay si joogto ah xusuus ugu tahay shacabku wixii ay la kulmeen sannadihii la soo dhaafay. Siyaasiyiinta Isaaq iyo shacabkooda labaduba waxay ku adkaysanayaan in dawladnimadii ay horey uga mid noqdeen ay ugu dambayntii waxyeello weyn u geysatay, halkii ay ka ilaalin lahayd. Dhalinyarada Isaaq ee aan kula kulmay Addis Ababa iyo Diridhaba waxay u muuqdaan kuwo aad uga go’aan adag arrinta gooni isu taagga marka loo barbardhigo siyaasiyiintooda. Gabadh dhalinyaro ah oo aan hadal is weydaarsanay waxay si cad iigu sheegtay: “Xitaa haddii siyaasiyiintu go’aan ku gaadhaan in dib loogu laabto dawlad Soomaaliyeed, shacabka Somaliland marnaba ma aqbali doonaan.” Dadkii la kulmay xasuuqii iyo cadaadiskii xukuumaddii Siyaad Barre ee 1980-meeyadii waxay si aad uga duwan uga falceliyeen taariikhdaas marka loo eego kuwa ka faa’iiday nidaamkii xilligaas jiray. Xusuusta dawlad awood u adeegsatay cadaadis iyo xasuuq waxay abuurtaa xasaasiyad weyn oo ka hor istaagta in dadkii la dulmay ay dib u aqbalaan midnimadii hore.

Gooni isu taagga Somaliland wuxuu ka dhashay falcelin toos ah oo ka timid xasuuqii iyo cabbudhiskii lagu sameeyay beesha Isaaq, halkii uu ka noqon lahaa kaliya midnimo diid. Si kastaba ha ahaatee, dad badan waxay u arkeen in gooni isu taagga Somaliland uu ka mid yahay ficilladii siyaasadeed ee la xidhiidhay saami qaybsiga dawladnimadii la dhisay 1-dii Julaay 1960. Hase yeeshee, ololayaashii cabbudhiska iyo xasuuqii uu Siyaad Barre la beegsaday beesha Isaaq intii lagu jiray 1980-meeyadii waxay si cad u dhigeen aasaaska Somaliland, taasoo dad badan u arkayeen in wixii dhacay ay sharciyeynayaan go’aanka ay Somaliland ku gaadhay inay ka baxdo Soomaaliya inteeda kale.Bottom of Form

Gunaanad

Marka laga reebo warbixinaha ay diyaariyeen hay’adaha xuquuqda aadanuhu, si yar ayaa loo lafaguray ololeyaashii xasuuqa ee ka dhacay Somaliland, xitaa marka la falanqeynayo arrimaha waaweyn ee cakirnaanta siyaasadeed iyo dadaallada nabadeed ee Soomaaliya. Cilmi-baadhayaasha wax ka qora rabshadaha siyaasadeed, gaar ahaan kuwa daraaseeya saameynta bulsho iyo siyaasadeed ee xasuuqa dawladuhu u geystaan shacabkooda, waxay muujinayaan muhiimadda ay leedahay in la xasuusto dhibanayaashii la kulmay tacaddiyadaas. S. Elizabeth Bird iyo Fraser Ottanelli, iyagoo adeegsanaya xusuus-qoro dadweyne, waxay dhowaan dib u raadraaceen raadkii gumaadka ee ka dhacay magaalo yar oo ku taalla Nayjeeriya. Dhinaca kale, marka laga reebo Cabdiqaasim Salaad Xasan, oo ahaan jiray Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xukuumaddii Siyaad Barre, ilaa hadda ma jiro masuul kale oo Soomaaliyeed oo si rasmi ah u qirtay xasuuqii ka dhacay Hargeysa iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya. Dadkii ka badbaaday xasuuqa, oo ay diwaangaliyeen Africa Watch 1990-kii, iyo markhaatiyaal goob-joogayaal ahi waxay xuseen in tirada dadka lagu laayay Xasuuqii Hargeysa ay u dhaxaysay ugu yaraan 50,000 ilaa in ka badan 100,000 oo qof. Xilligaas iyo wixii ka dambeeyay, tirada rasmiga ah ee la dilay waa la yareeyay, maadaama xukuumaddii Siyaad Barre ay si adag u xakameysay warbaahinta, iyadoo diiday in suxufiyiintu tagaan meelihii ay ka dhacayeen ololeyaashii cabbudhiska ee ay dawladdu wadday. Xitaa hay’adda xuquuqda aadanaha ee Afrika looma oggolaan inay gudaha u gasho si ay u baadho xadgudubyadii dhacay. Taa badalkeed, xukuumaddu waxay adeegsatay waax xidhiidhka dadweynaha ah iyo olole ka dhan ah warbixin kasta oo ka hadlaysa dilalka ballaadhan ee la fuliyay, taasoo isku dayaysay in ay xasuuqyadii dhacay qariso, iyadoo lagu xoojinayo dacaayado been abuur ah oo la doonayay in lagu dafiro xaqiiqada jirta.

Xusuusta xasuuqii la geystay waxay saamayn weyn ku yeelatay bulshada Somaliland. Wixii ay soo mareen waxay noqdeen tixraac joogto ah oo ay uga jawaabaan mararka qaarkood hadallada ka soo yeedha siyaasiyiinta Muqdisho ee sheegaya in Somaliland ay weli ka mid tahay Soomaaliya. Ilaa maanta, colaadaha ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ma hayaan cid u guulaysatay si cad, taasoo sii adkaysay muranka siyaasadeed ee halkaas ka jira. Dhanka Waqooyiga, xasuusta xasuuqa iyo cadaadiskii siyaasadeed ee hore loogu geystay beesha Isaaq waxay abuureen midnimo adag oo loo arko inay saldhig u tahay gooni isu taagga Somaliland.

Marka la eego wixii ka dhacay Waqooyiga, oo ahaa halka ay xukuumaddii Siyaad Barre ka fulisay ololeyaashii ugu naxariista darnaa ee lagu xasuuqay laguna barakiciyay beel dhan, iyo sida xasuuqyadii la fuliyay ay u saameeyeen guud ahaan Soomaaliya, waxaa laga fahmi karaa sida dawladnimadii hore u dhisnayd ay u kala duntay iyo sababaha dagaalladu u sii socdaan illaa maanta. Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo reer Somaliland ahi waxay qabaan in haddii hogaamiyayaal faham iyo dulqaad leh ay ka soo bixi lahaayeen Koonfurta, ay jiri lahayd fursad ay labada dhinac ku gaadhaan heshiis ama ugu yaraan ay ka wada hadlaan arrimaha la isku hayo. Sida uu Donald Rothchild xusay: “Wadahadal kasta oo mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo wuxuu si taxaddar leh uga falcelin doonaa xusuusta siyaasadeed ee beesha Isaaq iyo tabashadooda, haddii kale riyada dib-u-mideynta Soomaaliya iyo shacabkeedu waxay noqon doontaa mid aan suurtogal ahayn mustaqbalka dhow.”

Dhammaad

 

Qoraallada kale ee qoraaga