Tuesday 9 December 2025
Markii xukuumaddii Siyaad Barre ay la kulantay iska caabbin hubaysan oo kaga timid dhanka Waqooyigii Soomaaliya, waxay bilowday olole xasuuq ah oo ay si gaar ah ugu beegsanaysay bulshada beesha Isaaq, iyadoo isku dayday in ay dhammaan tirtirto jiritaankooda. Ololahan xasuuqa ah oo si gaar ah Waqooyiga loogu adeegsaday ayaa sidoo kale lagu fidiyay beelo kale oo ay dawladdu u aragtay inay caqabad ku yihiin xukunkeeda. Tusaale ahaan, beesha Cumar Maxamuud/Majeerteen/Daarood waxay la kulantay olole cabudhin ah intii u dhaxaysay 1979–1985, halka beesha Saleebaan/Habar Gidir/Hawiye ay cadaadisyo culus la kulantay intii u dhaxaysay 1983–1990. Intaa waxaa dheer, beesha Sacad/Habar Gidir/Hawiye ayaa iyaduna si gaar ah loo bartilmaameedsaday intii lagu guda jiray 1989–1990.
Xeeldheerayaal badan oo deraasadeeyay tacaddiyadii xukuumaddii Siyaad Barre waxay xuseen in uu adeegsaday xeelado cabbudhis ah oo aan hore looga aqoon Soomaaliya, kuwaas oo si ula kac ah loogu qorsheeyay in lagu ciqaabo beelo gaar ah. Miinooyin dhulka lagu aasay ayaa si baahsan loogu adeegsaday Waqooyiga, iyadoo la doonayay in lagu dhibaateeyo dad rayid ah, lagana hor istaago nolol maalmeedkooda. Dhanka kale, ceelal biyood oo ku yaallay Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe ayaa si ula kac ah loo sumeeyay, si looga hor istaago beelaha mucaaradka ah helitaanka biyo nadiif ah, taas oo si toos ah u khatar gelisay nolosha kumannaan qof. Gobolka Hiiraan waxaa laga mamnuucay in la aaso dadkii ay xukuumaddu dishay, taas oo ahayd xeelad kale oo argagax gelin ah, si loo cabsi geliyo qoysaska ay ka dhasheen. Dad badan oo aan wax dembi ah lagu caddeyn ayaa si badheedh ah loo laayay, iyada oo loo tuhunsanaa in ay taageerayaan jabhadaha hubaysan ee ka horjeeday xukuumadda.
Waqooyiga Soomaaliya, oo noqday goobtii ugu xumeyd ee xasuuqaas, waxaa ka socday olole car juuq dheh ah oo aad loo sii xoojiyay. Maxamed Siciid Xirsi Morgan, oo uu soddog u ahaa Siyaad Barre, isla markaana loo yaqaanay “Dhiigya-cabkii Hargeysa”, wuxuu la wareegay hoggaanka howlgallada milatari ee Waqooyiga, wuxuuna isku dayay in uu muujiyo xukun aad uga sii arxan daran kii ka horreeyay ee uu hoggaaminayay Jeneraal Maxamed Xaashi Gaani. Si uu u adkeeyo cabudhinta shacabka, Morgan wuxuu soo rogay amar cusub oo xadgudubkii hore sii xoojiyay, wuxuu na amray in qof kasta oo dhinta aan la aasi karin illaa oggolaansho looga helo ciidamada milatariga.
Tacaddiyada iyo xasuuqyadii uu nidaamku fuliyay waxay gaadheen heer dadka si aan kala sooc lahayn loo dilo, ka dibna meydadkooda lagu dayaco waddooyinka u dhexeeya Muqdisho iyo Gaalkacyo. Xilligaas, magaalada Hargeysi waxay noqotay goob ay booliisku si toos ah ugu tooganayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo sababsaday keliya in looga shakiyey in ay xidhiidh la leeyihiin jabhadaha mucaaradka. Tani waxay muujisay heerka uu xukunkii Siyaad Barre ka gaadhay adeegsiga cabbudhis milatari iyo xasuuq baahsan oo lagu beegsanayo dad shacab ah. Xukuumaddu waxay isku dayday in ay xasuuqyadan u samayso marmarsiiyo siyaasadeed, iyadoo ku andacooneysay in ay difaacayso qarannimada Soomaaliya. Laakiin xaqiiqadu waxay ahayd in dilalka, xasuuqa, iyo cabbudhiska uu nidaamku fulinayay ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo awoodda Siyaad Barre iyo xulafadiisa qoyska ah, halka lagu burburinayey cid kasta oo laga yaabo inay halis ku tahay sii jiritaanka nidaamkiisa.
Ololayaashii xasuuqa ee xukuumaddii Siyaad Barre abaabushay waxay noqdeen kuwo aad uga sii daray ka dib markii jabhaddii SNM ay si rasmi ah ugu dhawaaqday jiritaankeeda magaalada Landhan sannadkii 1981-kii. Maaddaama xukuumaddii Siyaad Barre ay ku guuldarraysatay inay burburiso SNM, taas oo saldhigyo ka samaysatay Itoobiya si ay xukunka ugala dagaallanto, ciidamadii dawladda waxay u weecdeen bartilmaameedsiga dadkii shacab ahaa ee Isaaq. Intii ay sii kordhayeen weerarradii hubaysnaa ee SNM ku qaadday xukuumadda, xadgudubyadii ay dawladdu u geysanaysay shacabka ayaa noqday kuwo Libinlaaban. Xukuumaddu waxay ku macneysay in cidhibtirka jabhadaha mucaaradka ahi uu la macno yahay in sidoo kale la laayo dadkii ay hayb-wadaagta ahaayeen. Sidaas darteed, ciidamada dawladdu waxay si aan loo aabbo yeelin u beegsanayeen dadka shacabka ah, iyagoo adeegsanayay xasuuq iyo cagojugleyn si ay u jebiyaan jabhadda.
Xeeldheerayaal badan oo deraasadeeyay tacaddiyadii xukuumaddii Siyaad Barre waxay xuseen in uu adeegsaday xeelado halis ah oo aan hore looga aqoon Soomaaliya, kuwaas oo si ula kac ah loogu qorsheeyay in lagu ciqaabo beelo gaar ah. Xeeladahaas waxaa ka mid ahaa Miinooyin dhulka lagu aasay gaar ahaan Waqooyi. Waxa kale oo ka mid ahaa ceelal biyood oo ku yaallay Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe oo si ula kac ah loo sumeeyay, si looga hor istaago beelaha mucaaradka ah helitaanka biyo nadiif ah, taas oo si toos ah u khatar gelisay nolosha kumannaan qof.
Dhanka kale, shacabka deegaanka qaarkood waxay isku dayeen inay iska caabbiyaan xadgudubyadii lagula kacayay, balse awooddoodu uma dhigmeyn awooddii milatariga ee xukuumadda, oo si nidaamsan u fulinaysay hawlgallo xasuuq ah oo si xeel dheer loo qorsheeyay. Inkaste oo dagaalyahannadii SNM ay la dirirayeen ciidankii xukuumadda, islamarkaana ay dhici kartay in ay fuliyeen falal aargoosi ah, haddana ma jirto wax lala barbardhigi karo xasuuqii baahsanaa ee xukuumaddu fulisay. Daniel Compagnon, oo markii hore u shaqaynayay safaaradda Faransiiska ee Muqdisho balse kolkii dambe noqday khabiir lagu ixtiraamo deraasaadka Soomaaliya, wuxuu tilmaamay in ay tahay “wax aan caddaalad ahayn in la isku miisaamo falalkii xadgudubka ahaa ee dhinacyada mucaaradka iyo xasuuqii qorshaysnaa ee ay dawladdu si nidaamsan u fulisay, taas oo gaadhay heerkeedii ugu sarreeyay bishii Maaj 1988”.
Markii uu xukunkii Siyaad Barre galay marxaladdii burburka, gaar ahaan dhammaadkii 1980-kii, saraakiisha milatarigu waxay bilaabeen inay ka faa'iidaystaan xaaladda dagaalka si ay u abuuraan cadaadis siyaasadeed oo gudaha madaxtooyada ah. Waxay arrintu gaadhay heer saraakiisha ciidanku ay si toos ah uga faa’iidaystaan colaadda jabhadaha si ay u helaan khayraad dheeraad ah, iyaga oo xukuumadda u muujinaya in dagaalku yahay mid khatar ah oo u baahan gargaar ciidan. Jeneraal Maxamed Xaashi Gaani, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha milatariga, ayaa si toos ah ugu sheegay Siyaad Barre khadka telefoonka: “SNM aniga igama soo horjeedaan, ee adiga ayay kaa soo horjeedaan, haddaba na siiya hub iyo shidaal ama noo ogolaada inaan dariiqa u bannayno.” Hadalkan wuxuu muujinayay heerka ay gaadhay jahawareerka siyaasadeed ee ka dhex jiray xukuumadda, iyo sida saraakiisha ciidanku ay mararka qaar si dadban ugu cadaadinayeen Siyaad Barre si ay u helaan sahay iyo awood dheeraad ah. Iyadoo xaaladdaasi taagantahay, xukunkii Siyaad Barre wuxuu kalsoonida siiyay wiilashii uu soddoga u ahaa iyo rag kale oo aad ugu dhowaa oo tolkiisa ahaa, gaar ahaan Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, oo loo xilsaaray maamulidda Waqooyiga Soomaaliya. Moorgan wuxuu xukunkiisa ka dhigay mid lagu xusuusto xasuuqii ugu xumaa ee ay beesha Isaaq la kulanto, wuxuuna noqday xasuuq ka xag-jirsan kuwii hore ee saraakiisha Muqdisho laga soo diray ay fuliyeen.
Dhammaan dedaalladii iska caabbinta ahaa ee shacabka iyo SNM fulinayeen waxay keentay in xukuumaddu ay bilowdo ciqaabo xad-dhaaf ah oo kan dhan ah shacabka. Ciidamada dawladdu waxay dadkii shacabka ahaa la kulansiyeen xadgudubyo aad u xun oo aan hore loogu arag taariikhda Soomaaliya. Sida ay warbixinnada caalamiga ahi xuseen, “Iyadoo xukuumaddu tuhmayso in qof kasta oo Isaaq ahi uu taageerayo SNM, waxay Waqooyiga Soomaaliya ka hirgelisay nidaam argagax iyo sharci la’aan ah.” Dadkii la bartilmaameedsaday waxay u arkayeen in aanay wax kale dooran karin, marka laga reebo in ay si buuxda u taageeraan SNM, taas oo fursad siisay jabhadda inay si degdeg ah u hesho rag dagaalyahanno ah, sahay iyo gabaad intaba. Markasta oo ay SNM sii xoojiso dagaalka oo ay guulaha qaar gaadhaba, xukuumaddu waxay marba marka ka dambaysa sii xoojinaysay xasuuqii shacabka, iyada oo aargoosi ka dhiganaysa.
Ololayaashii xasuuqa ee xukuumaddii Siyaad Barre abaabushay waxay noqdeen kuwo aad uga sii daray ka dib markii Landhan laga ga dhawaaqay SNM sannadkii 1981-kii. Maaddaama xukuumaddii Siyaad Barre ay ku guuldarraysatay inay burburiso SNM, oo saldhigyo ka samaysatay Itoobiya, waxa ay toos u bartilmaameedsatay dadkii shacabka ahaa ee ay u tirinaysay Jabhadda.
Kolkii ay xukuumaddu garowsatay in fursadaha ay ku burburin karto kacdoonka SNM ay aad u yaraadeen, waxay dejisay istaraatiijiyad cusub oo ciidan, taas oo ahayd in lagu qasbo shacabka Isaaq inay la shaqeeyaan dawladda, haddii kale la tirtirayo. Ujeeddadu waxay ahayd in bulshada la geliyo xaalad laba daran mid dooro ah, oo micnaheedu yahay in lagu khasbo inay xukuumadda taageeraan ama la burburinayo. Si kastaba ha ahaatee, dedaalkii xukuumadda ee ahaa in shacabka Isaaq lagu qasbo inay la jaanqaadaan nidaamku wuu fashilmay. Dadka la bartilmaameedsaday waxay si cad ugu biireen SNM, iyagoo siiyay ciidan, sahay, iyo gabaad, taasoo sii xoojisay awoodda jabhadda. Xasuuqyadii ay xukuumadda fulisay waxay si cad u sharciyaysay in SNM ay dagaal xoog leh ugu jawaabto, waxayna noqotay dariiq ay u aragtay habka kaliya ee la iskaga yurueyn karo xasuuqa iyo rabshadaha ay xukuumaddu la timid.
Dhanka kale, xukuumaddii Siyaad Barre waxay si xeel dheer uga faa’iidaysatay rabshadaha sii kordhaya, iyadoo isku dayday inay xaaladda colaadeed u adeegsato sidii ay xukunka ugu sii nagaan lahayd. Warbixinaha ururada xuquuqda aadanaha ayaa si qoto dheer u diiwaangeliyay xasuuqyadii dhacay, taasina waxa ay caddeyn u noqotay heerka ay xukuumaddii Barre ka gaadhay burburinta iyo beegsiga bulshooyin gaar ah: “Jabhaddii SNM waxay xukuumaddii Siyaad Barre siisay marmarsiiyo ay ku fuliyaan dagaallo iyo olole cabbudhis oo ka dhan ah dad shacab ah. Madaxweyne Siyaad Barre iyo saraakiishiisii milatari ee Waqooyigu waxay u adeegsadeen halgankii SNM sidii sabab ay ku xoojin lahaayeen gacan-bidixaynta iyo cabsi gelinta bulshada, iyagoo bartilmaameedsanayay cid kasta oo looga shakiyo in aanay si buuxda u taageersanayn xukuumadda. Sanado badan oo ay xukuumaddu si joogto ah ugu dhaqmaysay cadaadis, rabshad, iyo xasuuq ballaadhan waxay gobollada Waqooyi gelisay xaalad kacsanaan siyaasadeed oo baahsan, taas oo xasilloonidii bulshada wiiqday, kuna sii hurisay cadho iyo iska caabbin sii xoogaysanaysay marba marka ka danbeysa.”
Sida dalal badan oo Afrika ka mid ah, mucaaradnimadu waxay ahayd mawduuc la mamnuucay xilligii xukunka Siyaad Barre. Laga bilaabo Muqdisho illaa Monrovia, Mauritius illaa Mozambique, kooxaha mucaaradka, gaar ahaan kuwa hubaysan waxay inta badan is-arkaan ama loo arkaa cadowga dawladda, halkii laga aqoonsan lahaa inay yihiin kuwo nidaamka sixi kara. Tusaale cad oo muujinaya sidii Afrika looga arkayay mucaaradka ayaa dhacay 1991-kii, markii Neil Kinnock, hoggaamiyihii xisbiga mucaaradka ee Shaqaalaha Ingiriiska, oo ku sii jeeda Koonfur Afrika. Cimilada xun awgeed, diyaaraddiisu ay si lama filaan ah ugu dagtay garoon yar oo ku yaalla Zimbabwe, meel u dhow xuduudda Koonfur Afrika. Isla markii uu ka dagay, wuxuu si kalsooni leh ugu dhawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Ingiriiska, balse si degdeg ah ayaa loo xidhay, maadaama saraakiisha Zimbabwe ay u arkayeen inuu yahay shaqsi khatar ku ah Ingiriiska.
Soomaaliya xilligii Siyaad Barre, qof kasta oo mucaarad lagu tuhmo, hadday hubaysanyihiin ama aanay hubaysnaynba waxaa loola dhaqmi jiray sidii cadow aan la aqbali karin. Mucaaradka waxaa lagu cabbudhin jiray hadal iyo ficilba, waxaana loo bartilmaameedsan jiray si aan kala sooc lahayn. Jeneraal Axmed Jilicow Caddow, oo ka mid ahaa saraakiishii ugu sarreysay booliska ee xilligaas, wuxuu ku xusay buugiisa xusuus-qorka in xabsiyada Soomaaliya ay si aad ah u buuxsameen intii lagu jiray 1980-kii, taas oo keentay in xukuumaddu heli waydo meel ay dhigto maxaabiista cusub, maaddaama xabsiyadu ay ahaayeen kuwo ay buux dhaafiyeen maxaabiistii siyaasadeed.
Marka xukunku uu noqdo mid ku dhisan cabbudhis iyo awood sheegasho, iska caabbinta ka dhalataa badanaa waxay qaadataa waddooyin rabshado wata. Xukuumaddii Siyaad Barre waxay si sharci-darro ah ugu adkaysatay inay xukunka sii haysato, iyada oo ka falcelinaysay cadaadiskii kaga imanayay dadkii hore uga tirsanaa xukuumadihii rayidka ahaa, diidmada bulshada ee kali-talisnimadiisa, iyo burburka nidaamkii dimuqraadiga ahaa. Arrimahan iyo kuwo kale oo is biirsaday ayaa sababay in xukuumaddu ay u gacan gasho xasuuqyo si gaar ah loogu beegsaday dad loo arkayay inay kasoo horjeedaan nidaamka. Shacabka caadiga ah ee nolol maalmeedkooda iska wataa waxay la tacaalayeen ha’yado kala duwan oo xukuumaddu u adeegsanaysay xakamaynta bulshada, sida Hay’addii Sirdoonka Qaranka (NSS) iyo Maxkamaddii Amniga Qaranka (NSC), kuwaas oo iska kaashanayay sugidda awoodda xukunka. Nidaamka xukun ee la adeegsaday ma ahayn mid kaliya loogu talogalay in lagu cabbudhiyo bulshada, balse wuxuu sidoo kale u adeegay hab wax is-daba marin ah iyo musuq lagu xoojinayo kali-talisnimada.
Misheel Fuukuu wuxuu awoodda ku qeexay inay tahay “ficil saameyn ku leh ficil kale” ama “hab qof ama koox loogu maamulo, iyagoo laftoodu yihiin kuwo awood u leh inay falcelin sameeyaan inta karaankoodu saamaxayo”. Xukuumaddii Siyaad Barre waxay awooddan si toos ah ugu adeegsatay in lagu cabbudhiyo bulshada, iyadoo adeegsanaysa ha’yado sharciyaysan oo lagu xakameynayo xorriyadda muwaadiniinta. Qaab-dhismeedka kali-taliska ee lagu xukumayay shacabka, oo ay maamuleen ha’yado ay dadku si weyn uga cabsadaani, wuxuu si buuxda ugu habboonaa qeexidda Rummel ee “democide”, taasoo loola jeedo dawlad dhibaato iyo dhimasho u keenta dadkii ay ahayd inay difaacdo, waa dawlad dagaal kula jirta shacabkeeda halkii ay ka ilaalin lahayd iyagga.