Tuesday 9 December 2025
Kadib sagaal sano oo ay Soomaaliya hoos joogtay nidaam dimuqraadi ah oo rayid hoggaaminayay (1960–1969), waddanku wuxuu galay dariiqii kali-taliska ahaa ee ay dalal badan oo Afrika ka mid ahi mareen xilligii gumeysiga ka dambeeyay. Habeenkii 21-kii Oktoobar 1969, Taliyihii Ciidanka, Major Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, wuxuu si guul leh u afgambiyay xukuumaddii rayidka ahayd ee la doortay, taas oo ku guuldarraysatay inay heshiis ka gaadho cidda beddeli lahayd madaxweynihii la dilay. Muddo gaaban gudaheed, Siyaad Barre iyo kooxdiisii waxay qaabeeyeen dawladnimada, iyaga oo ka saaray habka dimuqraadiga ahaa, una rogay nidaam milatari oo kali-talis ah. Dastuurkii xilligii gumeysiga ka dambeeyay waa la laalay, xisbiyadii siyaasadda waa la mamnuucay, xorriyaddii hadalka waa la joojiyay, dadkana looma oggolayn inay abaabul sameeyaan iyaga oo aanay ogaysiin ha’yadaha sirdoonka.
Taageeradii Midowgii Soofiyeeti awgeed, ciidamada Soomaaliya si weyn ayay u ballaadheen, waxayna noqdeen mid ka mid ah ciidamada ugu qalab iyo tababar roon qaaradda Afrika. Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay la timid kharash siyaasadeed oo aad u weyn. Siyaad Barre wuxuu si xeel dheer uga adkaaday saraakiishii kale ee afgambiga la sameeyay, kuwaas oo inkasta oo ay khibrad yari ka muuqatay, haddana door muhiim ah ka qaatay in xukunkii rayidka la rido. Ciidanka milatariga, oo ahaa ha’yaddii ugu awoodda badnayd dhammaan ha’yadihii dawliga ahaa, wuxuu noqday aalad uu Barre u adeegsaday damaciisa siyaasadeed si uu awoodda u sugto.
Sida ay Ruwanda ku hoos martay xukunkii Juvénal Habyarimana iyo Burundi xilligii Pierre Buyoya, halkaas oo sidoo kale xasuuqyo laga gaystay, Soomaaliya intii uu xukunka hayay Siyaad Barre waxay isu beddeshay dal ay ciidamadu haystaan, halkii ay ka ahaan lahayd dawlad leh ciidan u adeegaya. Marka la eego xeeladihii uu nidaamku adeegsaday, ololayaashii xasuuqa ee lagu beegsanayay kooxaha mucaaradka hubaysan ahi waxay noqdeen kuwa ugu waaweyn uguna waqti dheeraa ee beelaha iyo bulshooyinka Soomaaliyeed abid la kulmaan, iyada oo argagax iyo cabsi la geliyay qaybo badan oo ka mid ah bulshada si ay uga hor istaagaan in ay ka horyimaaddaan xukunka.
Guud ahaan Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya, ma jiro wax xanuun iyo raad reeba oo ka culus waxa Jenny Edkins ugu yeedhay “xadgudub siyaasadeed” taas oo loola jeedo marka dawladdu si xad dhaaf ah ugu takri fasho awoodda rabshadda sharciyaysan ee ay heysato. Tani waxay si dhab ah ula jaanqaadaysaa hadal siyaasadeed oo Siyaad Barre jeediyay horaantii 1970-kii, kolkaas oo uu si cad u sheegay in uu xukunku ku yimid awood ciidan, isla markaana kaliya xoog ciidan uu ka qaadi karo awoodda uu haysto. Marka xaaladdaasi timaaddo, dawladdu ma noqoto meel nabad ah, sida qoys dhaqameed ku dhisan xukun kali ah oo aan caddaalad ku shaqayn.
Ololayaasha xasuuqa ee dawladuhu abaabulaan waxay inta badan dhaafaan heer ay bulshadu si fudud u fahmi karto ama ay si buuxda uga hadli karto. Sida Edkins xustay, xaaladaha sidan oo kale ah waxaa dhacda in xasuuqa dawladdu gaysato aanu heli karin luuqad lagu cabbiro, maaddaama luuqaddu ay salka ku hayso beelaha iyo bulshada, halka xasuuqu uu yahay arrin dawladdu si ula kac ah ugu fulisay dad gaar ah.
Xukunkii Siyaad Barre wuxuu si gaar ah ugu dhaqaaqay ololayaal xasuuq oo si gaar ah beelaha qaar loola beegsaday, taasoo ka dhigtay in dhibaatooyinka lagala kulmay ay aad ugu kala duwanaayeen beeluhu. Dadkii (Beesha Isaaq) ka badbaaday xasuuqyadii ka dhacay Waqooyiga Soomaaliya waxay xusuusanayaan taariikho xanuun badan oo la xidhiidha cadaadiska siyaasadeed iyo xasuuq ee si gaar ah loogu beegsaday beeshooda. Mid ka mid ah tusaalayaasha ugu daran ee arrintan lagu muujin karo waxay tahay sida dad rayid ah oo barakacayaal ahaa loogu laayay si wadajir ah, iyada oo kaliya aqoonsigooda beeleed loo adeegsanayo, arrintanina waxa ay noqotay wax cusub oo aan hore uga dhicin Soomaaliya.
Sida uu Jan Haakonsen xusay, “Sidii ay dhacdooyinkan oo kale uga jiraan dhammaan dagaallada rabshadaha wata, runta ayaa noqonaysa dhibbanihii ugu horreeyay”. Mid ka mid ah haweenkii ka badbaaday xasuuqii loo geystay beesha Isaaq, iyadoo muujinaysa dareen nacayb ah iyo xanuun badan, waxay xusuusatay hadal uu Siyaad Barre ka jeediyay goob dad Isaaq ahi joogeen, halkaas oo uu si cad ugu hanjabay inuu hoos u dhigi doono darajadooda bulsho, una beddeli doono dad sabool ah oo qaxooti noqda.
Warbixin rasmi ah oo loo gudbiyay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka xilligii uu xukunkaasi socday waxay si faahfaahsan u sharraxday sida ay ololayaashii xasuuqa ee dawladdu abaabushay ay u saameeyeen beesha Isaaq iyo noloshooda guud ahaan.
“Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay u muuqdaan inay fuliyeen weerarro si baahsan loo qorsheeyay, aadna u xag-jira, loogana gol lahaa bartilmaameedsiga dad shacab ah oo aan hubaysnayn, gaar ahaan beesha Isaaq ee ku noolayd waqooyiga Soomaaliya. Weerarradani waxay ka dhaceen goobo iyo waqtiyo aanay jirin wax iska caabbin ah oo lagala hortagay ciidamada, mana jirin wax khatar ah oo kaga imanayay ciidamada shacabkaas. Ciidamadu waxay si nidaamsan u beegsadeen tuulooyinkii ay degganaayeen Isaaqu, ceelal biyoodka, iyo dhulka daaqsinka ah ee nolosha dadka muhiimka u ahaa.
Dagaalladan abaabulan waxay keeneen in dad badan la xasuuqo, halka kuwii ka badbaadayna ay ku khasbanaadeen inay u cararaan meelo fogfog oo dalka gudihiisa ah ama ay dibadda u baxsadaanba si ay naftooda u badbaadiyaan. Berbera, oo aan wax dagaal ah laga qaadin, kana fogayd goobaha ay SNM dagaalka kagala jirtay dawladda, ayaa sidoo kale noqotay meel ay ka dhaceen falal xasuuq ah oo si nidaamsan loo fuliyay. Intii lagu guda jiray afartii bilood ee xigtay markii colaaddu sii xoogaysatay, ugu yaraan 500 oo nin oo beesha Isaaq ah—ama xitaa tiro intaas ka badan—ayaa si qorshaysan loo ururiyay, ka dibna si arxan-darro ah loo dilay, kuwaas oo intooda badan qoorta laga jaray, ka dibna lagu aasay xabaalo-wadareedyo.
Dadkan la beegsaday waxay u muuqdaan in sababta kaliya ee loo dilay ay ahayd aqoonsigooda qabiil. Sidoo kale, Dhanka kale, dad badan oo ka mid ahaa kuwii ka badbaaday weerarradan, iyo sidoo kale dad rayid ah oo ka qaxay dagaalladii waaweynaa ee Hargeysa iyo Burco, markii ay isku dayeen inay Itoobiya u baxsadaan si ay uga nabad galaan xasuuqa, waxaa duqeeyay ciidamada cirka iyo dhulka ee dawladda Soomaaliya. Weerarradan oo loo fuliyay si aan kala sooc lahayni waxay sababeen dhimashada boqolaal qof oo ka mid ahaa dadkii qaxootiga ahaa ee magan galyo raadiska ahaa. Arrintani waxay muujinaysaa in xasuuqii dhacay aanu ahayn mid ka dhashay dagaal caadi ah, balse uu ahaa olole si gaar ah loogu bartilmaameedsaday bulsho dhan, taasoo xukuumaddii markaas jirtay u aragtay in la beegsado lagana tirtiro bulshada dhexdeeda.”
Sanadkii 1988-kii wuxuu noqday marxalad beddeshay jihada xasuuqyadii lagu fulinayay Waqooyiga Soomaaliya. Xukuumaddii Siyaad Barre waxay si toos ah ugu lug yeelatay ciidamada cirka ee Soomaaliya, kuwaas oo loo adeegsaday duqaymo ballaadhan oo si gaar ah loogu beegsaday magaalada Hargeysa, oo ahayd xarunta dhaqanka iyo ganacsiga beesha Isaaq. Duqaymahan waxaa si gaar ah u fuliyay duuliyayaal ajnabi ah oo calooshood u shaqaystayaal ah, kuwaas oo laga keenay Koonfur Afrika iyo Zimbabwe.
Xukuumadda Siyaad Barre waxay si xad dhaaf ah uga falcelisay kacdoonkii ay wadeen jabhaddii SNM, taasoo ahayd dhaqdhaqaaq mucaarad hubaysan oo ay hoggaaminayeen dadka Isaaq. Jabhaddan oo markii hore ka duulaysay weerarro ku dhisan ku dhufoo ka dhaqaaq, ayaa ugu dambayn isku beddeshay dagaal toos ah oo lagu doonayay in si buuxda loola dagaallamo xukuumaddii markaas jirtay. Si uu uga takhaluso iska-caabbinta SNM, Siyaad Barre wuxuu amar ku bixiyay in ciidamada cirka loo adeegsado sidii loo baabi’in lahaa cid kasta oo lagu tuhmo inay taageerayso jabhadda, xitaa haddii ay yihiin dad rayid ah. Marka la eego isbeddellada dhacay, ciidamadii dawladda ee Waqooyiga la keenay waxay u badnaayeen askar laga keenay Koonfurta Soomaaliya, taas oo sii xoojisay dareenka dadka deegaanka ee ahaa in la tirtirayo awooddooda siyaasadeed iyo bulsho. Tani waxay keentay in dadka Isaaq ay dareemaan in la hoos keenay maamul aad uga gacan adag kii gumeysigii Ingiriiska, iyagoo arkayay in nidaamku si toos ah uga shaqeynayo in awooddooda la daciifiyo.
Saraakiishii milatariga ee uu Siyaad Barre xukunkaas u xilsaaray waxay adeegsadeen xeelado u eg hab-dhaqankii gumeysiga, iyaga oo isku xidhay dagaalka milatari iyo yoolal siyaasadeed oo la doonayay in lagu burburiyo iska caabbinta SNM. Mid ka mid ah xeeladihii ugu cuslaa ee la adeegsaday, sida ay caddeynaha muuqaalka ahi muujinayaan, waxay ahayd in qaxootigii Ogaadeeniya ee ka soo cararay dagaalkii 1977-kii dhex maray Siyaad Barre iyo Mengistu Haile Mariam ee Itoobiya, loo adeegsado ololeyaasha xasuuqa ee lagula kacayay beesha Isaaq. Dadkan qaxootiga ah ayaa si xeel dheer loogu dhex milay qorshayaashii lagu fulinayay ololeyaasha xasuuqa ah ee lagu hayay shacabka Waqooyiga.
In si guud loo beegsado beel dhan, laguna beddelo beel kale oo iyaduba cadaadis ka soo martay dibedda, waxay dadka deegaanku u arkayeen qorshe lagu tirtirayo jiritaankooda. Xidhiidhka ka dhexeeyay xukuumaddii Siyaad Barre iyo qaxoontigii Ogaadeeniya wuxuu ahaa mid iskaashi laba dhinac ah leh. Halka xukuumaddu ay si adag ugu dhegganayd in la cidhibtiro cadowgeeda, qaxootiga Ogaadeeniya iyaguna waxay dantooda ku arkayeen xasuuqyadii ay dawladdu ka wadday Waqooyiga Soomaaliya, maaddaama ay helayeen dhulkii iyo hantidii dadkii la beegsanayay. Qaxootigii Ogaadeeniya ma ahayn oo keliya dad si toos ah looga faa'iidaystay, balse waxay u noqdeen xukuumaddii Siyaad Barre il cusub oo dagaalka lagu xoojiyo.
Qaar badan oo ka mid ahaa dadkan hore ayay ugu lug lahaayeen dagaalladii Itoobiya, iyaga oo la dagaallamayey ama ka soo horjeeday ciidamadii Mengistu Haile Mariam, taas oo siisay khibrad dagaal oo ay dawladdu si gaar ah uga faa’iidaysatay. Intaa waxaa dheer, qaxootigan waxaa si xeel dheer loogu adeegsaday dagaalka, iyaga oo loo isticmaalay sidii qalab dhaqaale oo lagu maalgelinayo dagaalka, iyo sidii ciidamo lagu xoojinayo qorshaha dagaalka. Saraakiishii milatariga ee xukuumadda Siyaad Barre waxay si gaar ah u maamulayeen gargaar caalami ah oo loogu talagalay qaxootiga, iyaga oo u adeegsanayay sidii kheyraad qiimo badan loogu heli lahaa dagaalka ay wadeen. Gargaarkaas oo asal ahaan loogu talagalay in lagu caawiyo qaxootiga, ayaa noqday il dhaqaale oo xukuumaddu u adeegsato maalgelinta ololayaasheeda milatari. Markii uu hubaynayay qaxootiga Ogaadeeniya, Siyaad Barre wuxuu dhigay aasaaska burburkii Soomaaliya ee 1991, isaga oo abuuray xasarado beeleed oo sababay colaado soo taxnaa intii ka dambaysay xukunkiisii.
Nidaamkii milatari ee Siyaad Barre wuxuu ku guuleystay inuu taageerayaal ka helo gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan dhinacyadii danaha siyaasadeed uga dhex arkay taageeridda cabudhiska dawladeed. Xaalad la mid ah xukunka kalitaliska ah ee Soomaaliya, inkasta oo aanay si ba’an u rabshadaysnayn, ayaa laga hirgeliyay Kiiiniya 1989-kii, taasoo waxtar u lahayd siyaasiyiin gaar ah. Deraasaddii Emma Lochery ee ku saabsanayd nidaamkii Daniel arap Moi ee Kiiniya ayaa sidoo kale si dhab ah u khusaysay Soomaaliya xilligii Siyaad Barre, maaddaama qof kasta oo ka tirsan qabiil lala xidhiidhinaayay mucaaradka hubaysan loo arkayay cadow qaran.
Xukuumaddii Moi ee Kiiniya waxay si dadban ama si toos ah ugu lug lahayd khilaafaadyo qabiil oo u dhexeeyay hoggaamiyeyaasha Ogaadeeniya iyo beelaha Dagoodi, Garre, Murille, iyo ganacsatada Hawiye ee ku sugnaa Kiiniya. Ganacsatada Hawiye, oo dareemay cadaadis dawladdu saartay, si gaar ahna loo bartilmaameedsaday iyaga oo lagu beegsaday olole lagu ugaadhsaday dadkii ganacsigooda u dhistay si madax-bannaan, waxay la kulmeen xadhig, iyo in dalka laga musaafuriyo. Tani waxay ku khasabtay in ganacsatada Hawiye ee ka yimid Soomaaliya ay u qaxaan dalalka deriska ah sida Yugaandha iyo Tansaaniya.
Ololihii lagu magacaabay “screening” wuxuu ahaa mashruuc ay siyaasiyiin Ogaadeen ah oo ka tirsanaa dawladda Kiiniya u adeegsadeen sidii ay uga takhalusi lahaayeen mucaaradkooda siyaasadeed iyo tartamayaashooda ganacsi. Waxay si gaar ah uga faa'iidaysanayeen xidhiidhkooda gaarka ah ee ay la lahaayeen xukuumaddii Moi, iyagoo adeegsanayay boosaskooda siyaasadeed ee muhiimka ahaa. Tani waxay suurtogal noqotay ka dib markii jeneraal ka soo jeeday Ogaadeeniya uu fashiliyey isku day afgambi oo la doonayay in xukunka looga tuuro taliskii Moi oo ay hoggaaminayeen Kalenjin 1982-kii. Si uu u taageero xulafadiisa, Moi wuxuu si toos ah u bilaabay in uu cadaadis saaro dadkii loo arkayay cadowga xulafadiisa.
Siyaasad ahaan, mashruuca “screening” wuxuu noqday tartan ganacsi iyo loollan awoodeed oo u dhexeeyay ganacsatada Hawiye iyo siyaasiyiinta Daarood ee la hayb ahaa xukuumaddii Moi. Sida Moi, Siyaad Barre wuxuu si joogto ah ugu hanjabay mucaaradkiisa hubaysan, isagoo si cad u sheegay cawaaqibka ka dhalan kara cid kasta oo ka soo horjeedsata nidaamkiisa. Wuxuu ku celceliyay in uu xukunka ku qabsaday xoog ciidan, isla markaana kaliya awood ciidan ay xukunka ka tuuri karto. Sababtaas awgeed, dad badan oo ka tirsan beelihii iyo bulshooyinkii la bartilmaameedsaday waxay u qaxeen Itoobiya, halkaas oo ay ka aasaaseen dhaqdhaqaaqyadii hubaysnaa ee la dagaallamayey xukunkiisa.
Qormadan waxaa laga soo turjumey halkan, waxaana soo turjumey Cabdishakuur Ismaaciil Cabdiqaadir. Halkanna ka akhri qaybihii 1aad , 3aad iyo 4aad.