Skip to main content

Wednesday 17 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Waxaan Qarankii u Liqnay, Siduu Annaga Noo Liqay Q. 1aad

12 November, 2025
Image
Waxaan Qarankii u Liqnay, Siduu Annaga Noo Liqay Q. 1aad
Share

Maqaalkani wuxuu si kooban u dul istaagayaa sababihii horseeday ololihii xasuuqa ahaa ee xukuumaddii Siyaad Barre u geysatay beesha Isaaq, isagoo muujinaya sida ay awoodda milatarigu u noqotay aalad lagu cabbudhiyo mucaaradka hubeysan iyo shacabka rayidka ah. Wuxuu falanqeynayaa sida xasuuqaasi u burburiyay kalsoonidii shacabka ee dawladnimada, taas oo ugu dambayn horseedday go'aankii Somaliland ee gooni-isu-taagga. Maqaalku wuxuu ku salaysan yahay xog ururin dhab ah oo ka kooban warbixino sirdoon, wareysiyo, iyo caddeymo muuqda, wuxuuna tusaale u yahay sida xukun kalitalisnimo ku dhisan uu ugu dambayn u horseedi karo burbur qaran. Ujeeddadiisu waa in si cilmiyeed loo fahmo sababaha keena kala-tagga dawladaha iyo xalka ay bulshooyinku u doortaan si ay uga baxaan cadaadiskii ay la soo kulmeen.

Hordhac

Khilaafaadkii badnaa ee Afrika ka dhacay xilligii gumeysiga ka dib waxay inta badan ku salaysnaayeen loollankii loogu jiray hanashada awoodda, maaddaama hay’adaha dawliga ah, jagooyinka siyaasadeed, iyo hantida guud lagu maamulay hab ku dhisan eexasho iyo qaraabanimo. Halkii laga hirgelin lahaa nidaam caddaalad ku salaysan oo fursadaha loo siman yahay. Awoodda waxaa lagu qaybiyay hab qabyaaladeed, taas oo gogol xaadh u noqotay dagaallo sokeeye iyo xasillooni darro. Nidaamyaddii Milatariga ee Afrika, gumeysigii ka dib waxay si xeel dheer uga faa’iidaysteen awooddooda, iyaga oo adeegsaday xeelado lagu takoorayo dad gaar ah, laguna xoojinayo kooxaha xukunka haya. Qaar ka mid ah bulshada ayaa si ula kac ah looga reebay nidaamka siyaasadeed iyo khayraadka dalka, halka kuwo kalena si gaar ah loo gacan qabtay. Xeeladahani waxay ahaayeen kuwo ku dhisan boob hantiyeed iyo maamul ku salaysan wax-is-daba-marin qoys iyo qabiil.

Buugga The State in Africa: The Politics of the Belly ee uu qoray Jiin Fakhanse Bayaat wuxuu iftiiminayaa in siyaasaddan dulmiga iyo takooridda ku dhisani aanay ahayn keliya mid xukun lagu ilaashado, balse ay tahay arrin toos u saamaysa jiritaanka dadka, noloshooda iyo dhimashadooda. Wuxuu xusay in nidaamkan siyaasadeed uu sababo xaalado halis ah, maaddaama awoodda lagu maamulo cadaadis iyo cabsi, taas oo dadka ka dhigaysa kuwo wajahaya nolol adag ama xitaa dhimasho haddii ay isku dayaan inay ka hortagaan dulmiga lagula kacayo.

Noloshu waxay gashaa marxalad adag marka awoodda siyaasadeed ee dhexe ay si ula kac ah ugu xadgudubto xuquuqaha iyo fursadaha ay dadka qaar xaqa u leeyihiin, iyada oo aan loo eegayn baahidooda, doorkooda bulsheed ama waxqabadkooda. Halkii ay lahaan lahaayeen cod muuqda oo ay kaga qaybgalaan siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, waxaa si ula kac ah looga fogeeyaa go’aan-qaadashada, iyadoo laga xidhayo albaabadii horumarka iyo ka qaybgalka. Geeridu markaas ma noqonayso oo keliya dhimasho jidheed, balse sidoo kale waxa ay noqonaysaa in qofku dareemo in noloshiisu aanay qiimo lahayn, haddii aanu heli karin xaqa uu leeyahay. Waxaa la abuurayaa xaalad adag oo ah in qofku u baahan yahay inuu wax ku helo keliya marka uu khatar weyn wajahayo, xitaa haddii ay ka dhigan tahay inuu u dhinto xaqaasi. Sidaa darteed, dad badan ayaa u arka in halganka iyo iska caabbintu ay yihiin waddada kaliya ee lagu heli karo sinnaanta iyo caddaaladda ay xaqa u leeyihiin.

Loollanka is-dabajoogga ah ee noocan ahi wuxuu sababay in xukunkii Milatariga ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu burburo, maaddaama hab-dhaqankiisu ahaa mid xoojinaya hal dhinac, halka dhinacyada kale ay ku qasbanaayeen inay ka dhiidhiyaan dulmiga lagu hayo. Dagaalkii lagaga soo horjeeday xukunkiisu wuxuu ka dhashay dareen ah in xuquuqdii bulshada la boobay, taas oo dhalisay kacdoonno hubaysan. Arrintani waxay ugu dambeyn keentay in xukunkiisii uu burburo, Soomaaliya-na ay gasho xaalad dawlad la’aan ah, oo horseedday burbur dhamaystiran oo hay’adihii dawladnimo ah iyo kala dambeyntii dalka.

Burburka nidaamkii xukun ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii wuxuu ahaa mid ka dhashay khaldaad siyaasadeed oo culus oo ay sameeyeen hoggaankii sare ee dawladdu. Madaxdii sare ee xilligaasi waxay ku guuldarraysteen inay xalliyaan khilaafaadkii ka dhex jiray bulshada iyo in ay abuuraan hannaan ku salaysan caddaalad iyo awood wadaag taasi na waxa ay sababtay in xukunku si lama filaan ah u burburo. Katriin Besteman ayaa si xooggan u caddaysay in burburkii dawladda Soomaaliyeed uu ka dhashay rabshado aan xakamayn lahayn. Xukunkii Siyaad Barre wuxuu lahaa taariikh dheer oo ah in la adeegsado xeelado xasuuq ah si loo beegsado beelaha uu ku suntay “beelaha cadowga ah” kuwaas oo ahaa kuwii ka soo horjeeday xukunkiisa. Maxamed Siyaad Barre, markii uu Afgembi ku qabsaday dawladda Soomaaliya 1969-kii, wuxuu hirgeliyay siyaasad u ekayd mid gumeysi oo ku salaysnayd ciqaab wadareed si uu u cabudhiyo beelaha mucaaradka ah, kuna qasbo inay “is dhiibaan ama gaajo u dhintaan”, inta ay diiddan yihiin inay soo dhiibaan xubnaha qoyskooda ee ka soo horjeeday xukunkiisa. Siyaad Barre wuxuu ahaa, ugu dambayntii, askari ka tirsanaa gumeysiga oo u shaqeeyay Ingiriiska intii u dhaxaysay 1941 illaa 1950 iyo maamulladii Talyaaniga, markii hore intii u dhaxaysay 1936–1941, markii danbena intii u dhaxaysay 1950–1960.

Bartamihii 1970 illaa 1990, xukunkii Siyaad Barre wuxuu adeegsaday xeelado xasuuq si uu u go'aamiyo cidda heli karta awood, xilli kasta, meel kasta, iyo sababta ay u helayaan. Qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed waxaa la siiyay waxa Emmanuel Terray ugu yeedhay “le climatiseur et la veranda” (qaboojiye iyo barxadda nasashada), halka beelaha kale lagu riday xaalad adag oo la mid ah cadaab. Si kale haddii loo dhigo, beelo gaar ah waxaa loo qoondeeyay xilal sare iyo awood siyaasadeed, waxaana si gaar ah loola beegsaday in loo xoojiyo helitaanka khayraadka qaranka, halka beelo kale na si tartiib tartiib ah loo cabudhinayay oo laga xayiray fursaddahaas.

Xukuumaddii Siyaad Barre waxay si ula kac ah uga qaadday dad badan oo Soomaaliyeed nabadgelyadii jidheed iyo dhaqaale, taasi waxa ay sababtay in bulshooyin badan la galiyo xaalad nololeed oo aan lahayn wax damaannad ah. Markii dad badan laga saaray nidaamka dhaqaale iyo siyaasadeed, waxay dareemeen takoorid iyo go’doomin ku salaysan nacayb dawladdu u qabtay beelahaas. Arrintani waxay abuurtay jawi cabsiya oo argagax ku dhisan, waana waxa Achille Mbembe ku sifeeyay “dhaqanka cabsida ku dhisan” waa xaalad ay dawladdu si ula kac ah u abuurtay si ay u adkayso xukunkeeda, iyada oo cabsi gelinaysa kuwa ay u aragtay in ay caqabad ku yihiin jiritaankeeda. Taliska oo adeegsaday xeelado ciqaab wadareed ahi, wuxuu sababay in bulshooyin dhami dareemaan in loo bartilmaameedsaday si arxan-darro ah, taasina waxa ay u horseedday in ay raadiyaan xalal kale oo ay kaga badbaadaan cadaadiskaas.

Xukunkii kelitaliska ahaa ee uu hoggaaminayey Siyaad Barre wuxuu lahaa taariikh dheer oo uu ku beegsado kuna xasuuqo qayb ka mid ah bulshada oo ula baxay “beelaha cadowga ah” kuwaas oo ahaa kuwii ka soo horjeeday xukunkiisa kelitaliska ah.

Dadka ay taabatay cadaadiskii iyo ciqaabtii xukunkii Siyaad Barre ma ay helin meel ay si xor ah ugu cabbiraan dareenkooda iyo dhibaatooyinkooda, mana jirin waddo ay si nabad ah ugu muujiyaan xaqiiqada ay la kulmayaan. Xaaladdoodu waxay noqotay mid aan lahayn wax fursad ah oo ay kaga dhiidhin karaan dulmiga lagu hayay, marka laga reebo in qaar badan ay door bideen in ay dibadda u baxsadaan, gaar ahaan dalalka deriska ah, si ay ugu biiraan jabhadihii hubaysnaa ee xilligaas saldhigyadda ku lahaa Itoobiya. Inkaste oo beel waliba ay lahayd saameyn siyaasadeed oo kala duwan, xilli ay qaar ka awood badnaayeen kuwa kale, haddana marka la eego xilligii Siyaad Barre talada la wareegay, awooddu waxay si buuxda gacanta ugu gashay beeshii uu ka dhashay. Natiijadii ka dhalatay waxay noqotay in fikraddii dawladnimada loo adeegsaday si ay kooxo gaar ahi ugu naaxaan, halka kuwo kalena si ula kac ah looga reebay ka qaybgalka awoodda iyo kheyraadka dalka. Arrintani waxay horseeday in nidaamka dawladdu noqdo mid sii daciifaya, ilaa uu ugu dambeyn burburay. Sida uu David Keen ku falanqeeyay xaaladdii Sierra Leone, marka dawladdu si qorshaysan u hirgeliso olole cabudhis iyo argagax galin ah, waxay keenaysaa gumaadyo is-dabajoog ah iyo falal aargoosi oo sii hurinaya colaad iyo burbur xukuumadeed.

Soomaaliya waxay tusaale u noqotay arrintan, maaddaama nidaamkii Siyaad Barre uu si xad dhaaf ah u adeegsan jiray awoodda dawladeed si loo ciqaabo kooxo gaar ah, taas oo ugu dambayn sababtay iska horimaadyo hubaysan iyo burbur guud oo dawladnimo. Sababaha dhabta ah ee keenay jahawareerka siyaasadeed iyo burburkii ugu dambayntii ku yimid dawladnimada Soomaaliya si khaldan ayaa loogu eedeeyaa “xukun dhexe oo xooggan”. Haddii si dhab ah loo falanqeeyo nidaamkii Siyaad Barre, waxaa muuqanaysa in halkii uu dawlad dhexe ka dhigi lahaa mid caddaalad ku salaysan, uu adeegsaday hannaan hoosaadyo kala qaybin ah si uu u cadaadiyo cid kasta oo ka hor timaadda xukunkiisa. Taasi waxay si cad u muujinaysaa in xukunkiisu aanu kaliya ku dhisnayn xoogga dawlad dhexe, balse uu adeegsaday xeelado kala qaybin ah si uu u xaqiijiyo in awooddiisa aan su’aal laga keenin, waana sababta ugu weyn ee dagaalkii sokeeye iyo burburkii qaranka horseeday.

In kaste oo ay jiraan deraasado badan oo laga qoray khilaafaadka Soomaaliya, haddana ololayaashii xasuuqa ahaa ee uu xukunkii Siyaad Barre abaabulay si weyn looguma xusin cilmi-baadhisyada, badidoodna waxay ku ekaadeen raad yar oo muuqda balse aan loo falanqayn si cilmiyeed. Awooddii dawladnimada Soomaaliyeed ee xilligaas, gaar ahaan xukunkii Siyaad Barre, oo ahayd mid lagu cabudhiyo dadka, xabsiyo lagu guro, haybtooda siyaasadeedna lagu sumcad dilo, waxa inta badan lagu daboolay doodo qabiil ku salaysan oo difaacaya nidaamkaas.

Xukunkii Milatariga ee Siyaad Barre wuxuu meesha ka saaray dhaqankii siyaasadeed ee dulqaadka iyo wada hadalka ku dhisnaa ee xukuumadihii rayidka ahaa ee xilligii gumeysiga ka dambeeyay, wuxuuna u beddelay nidaam aan hore loogu aqoon taariikhda casriga ah ee Soomaaliya, nidaam awood milatari ku dhisan oo xasiloonida lagu cabbudhiyo. Si kale haddii loo dhigo, Siyaad Barre wuxuu meesha ka saaray dhaqankii siyaasadeed ee aan rabshadaha ku salaysnayn ee Soomaaliya ka jiray xilligii xornimada ka dib, wuxuuna u beddelay nidaam cusub oo ku dhisan cabsi iyo awood-ciidan si uu xukunka ugu sii nagaado. Tani dhab ahaantii waxay ahayd sababta Soomaaliya ay uga duwanaatay dalalkii kale ee Afrika ee xilligii gumeysiga ka dambeeyay, kad db afgambigii 1969. Si uu u ballaadhiyo awooddiisa, Siyaad Barre wuxuu adeegsaday xeelado kala duwan, habab iyo istaraatiijiyado uu kaga faa’iidaysanayo cadaadis u eg kii gumeysiga. Ka dib dagaalkii 1977 ee uu la galay Itoobiya, wuxuu xukunkiisa u adeegsaday rabshado siyaasadeed si uu awoodda ugu sii nagaado. Intii lagu guda jiray sanadihii 1980-meeyadii, ololayaal xasuuq oo dawladdu abaabushay ayaa si baahsan looga fuliyay Soomaaliya, waxaana fuliyay ciidamadii Milatariga ee daacadda u ahaa xukunkiisa.

Haddaan la eegno qoraallada cilmiyeed ee hadda jira, waxay si gaar ah diiradda u saaraan isku dhacyadii beelaha ee dhacay 1991, halkii ay xoogga saari lahaayeen xasuuqyadii laga fuliyay Soomaaliya sanadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii. Fikradaha la aqbalay ee caanka ah ee ku saabsan deraasadaha Soomaaliya waxay noqdeen, sida uu David Anderson u dhigay, “sawir si xad dhaaf ah loo fududeeyay oo muujinaya xaqiiq siyaasadeed iyo bulsho oo aad u adag oo macne qoto dheerna leh”. Ololihii xasuuqa ahaa ee ka dhacay Waqooyi Galbeed Soomaaliya (oo hadda loo yaqaanno Somaliland), gaar ahaan dhulka ay deggan yihiin qabiilka Isaaq ee ku noolaa dhulkii uu hore u gumeysan jiray Ingiriisku loona yaqaanay British Somaliland, wuxuu noqday mid si weyn looga hadal hayo dadweynaha dhexdiisa, waxaana lagu naanaysaa “Halaaggii Hargeysa.” Xasuuqani wuxuu si buuxda u waafaqayaa waxa Rene Lemarchand uu ku tilmaamay “xasuuq la illoobay”. Dhaxalka ay reebeen ololayaashii xasuuqa ahaa waxay muujinayaan cawaaqib la kala dhaxlay oo labadii jiho ee bulsho iyo dawladba saameeyay, kuwaas oo ugu dambeyn horseeday go’aanka gooni-isu-taagga Somaliland. Haddii beesha Isaaq aan la dulmin, laguna beegsan xasuuq, taageerada ay gooni-isu-taagga Somaliland ka heshay shacabkeeda ma noqon lahayn mid baahsan oo ay dadku si weyn ugu midoobaan.

Haddii aan eegno xaaladdii Kongo, Gerard Prunier wuxuu caddeeyay in dagaalladii 1990-meeyadii ay bilowdeen iyaga oo ah ololayaal xasuuq ah oo ay dawladdu fulisay, kuwaas oo markii dambe isu beddelay dhibaato baahsan oo saameeyay qaaradda oo dhan. Soomaaliya gudaheeda, xasuuqii ay dawladdu abaabushay wuxuu sababay isku dhacyo beeleed, balse awooddii lagu fulin lahaa xasuuq baahsan way burburtay markii ay dawladdu dhacday sannadkii 1991. Markii xukunkii milatariga ee Siyaad Barre burburay, awooddii dawladnimada waxaa la wareegay kooxo hubaysan oo hoggaan u ahaa maleeshiyaad beeleedyo kala duwan, kuwaas oo si joogto ah ugu dagaallamayey awoodda iyo khayraadka. Maleeshiyaadkani waxay awood u lahaayeen inay iska hor-qaadaan dhinacyada kale, balse ma jirto beel ama koox si buuxda uga guuleysatay midda kale, mana suurtagelin in midkood qabsato xukunka oo ay dib u dhisto dawladnimo rasmi ah.

Si loo fahmo sababta ay dawladnimada casriga ahi ay Soomaaliya uga dhigtay cabsi gelin, halkii ay ka noqon lahayd nidaam lagu kalsoonaan karo, waxaa muhiim ah in la eego waxa Bayaat uu ku magacaabay “awoodda waalidnimo ee dawladdu isku muujiso”. Taas oo macnaheedu yahay in xukuumaddu ay isku dayday inay si hagar la’aan ah u maamusho muwaadiniinteeda, iyada oo adeegsanaysa cabsi iyo xakameyn xad-dhaaf ah. Taas oo lala barbar dhigi karo fikradda James Scott ee “hubka kuwa daciifka ah”. Tan macnaheedu waa sida ay dawladaha kali-taliska ahi u qaabeeyaan dhacdooyinka siyaasadeed, iyaga oo si toos ah ama dadban u kicinaya dadka maxalliga ah si ay ugu falceliyaan rabshado la mid ah kuwa xukunka kalitalisnimada ku salaysan.

Maqaalkani wuxuu adeegsanayaa fikradda “falcelinta dhaawaca maskaxeed” (traumatic response) si uu u falanqeeyo sababaha iyo cawaaqibka ay reebeen ololayaashii xasuuqa ahaa ee xukunkii Siyaad Barre sameeyay. Gunaanadkiisa, maqaalku wuxuu ku doodayaa in xukunkii milatarigu uu reebay raad aan la illoobi karin oo weli saameyn xooggan ku leh bulshadii la kulantay cabudhiskaas tooska ah, taas oo sii hurisay xusuus aanay ka bogsan karin dadkii dhibaatooyinkaas la kulmay. Marka laga tago in deraasaddani wax ku biirinayso fahamka xasuuqyadii ka dhacay Afrika xilligii gumeysiga ka dib, ujeeddada ugu weyn waa in la furo dood cilmiyeed iyo falanqayn ku saabsan sababaha dhabta ah ee horseeday burburkii dawladnimada Soomaaliya, si xal loogu helo dhibaatooyinka taagan ee weli saameynaya bulshada. Si wax looga qabto ama xataa si qoto dheer loo fahmo nidaam burburay, waa lagama maarmaan in la garto asalka iyo xididdada ay dhibaatadu ka soo unkantay. Haddii Soomaaliya laga doodo goorta, sababta, iyo habkii ay u dhacday cabudhinta dawladdu, waxaa la heli karaa “faham qoto dheer oo muujinaya raadadkii iyo riiqdii ay rabshadaha iyo cadaadiska siyaasadeed reebeen”. Tani waxay sidoo kale sharraxaysaa sababta khilaafaadka Soomaaliyeed ay u noqdeen kuwo sii daba dheeraaday oo aan weli xal waara loo helin.

Falanqaynta Aragtida

Si loo baadho hab-dhaqanka adag ee nidaamkii Milatariga ee Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in la eego doorkiisa guud ee cilmi-baadhista la xidhiidha deraasaadka Afrika iyo waaxyaha kale ee barashada siyaasadda iyo taariikhda. Soomaaliya aad bay ugu yar tahay deraasadaha la xidhiidha sababaha iyo qaababka loo fuliyay rabshadihii ugu xumaa ee dhacay xilligii gumeysiga ka dambeeyay ee Afrika. Jeffrey Sluka, oo ah tifaftiraha buugga Death Squad: The Anthropology of State Terror, wuxuu xusay in Rudolph Rummel uu Soomaaliya ku daray dalalka ay ka dhaceen ololeyaal xasuuq ah oo dawladdu abaabushay xilligii Milatariga. Si kastaba ha ahaatee, weli lama helin cilmi-baadhis dhamaystiran oo faahfaahsan oo si qoto dheer u falanqaysa arrintan.

In kaste oo ay jiraan deraasado badan oo laga qoray khilaafaadka Soomaaliya, haddana ololayaashii xasuuqa ahaa ee uu xukunkii Siyaad Barre abaabulay si weyn looguma xusin cilmi-baadhisyada, badidoodna waxay ku ekaadeen raad yar oo muuqda balse aan loo falanqayn si cilmiyeed. Awooddii dawladnimada Soomaaliyeed ee xilligaas, gaar ahaan xukunkii Siyaad Barre, oo ahayd mid lagu cabudhiyo dadka, xabsiyo lagu guro, haybtooda siyaasadeedna lagu sumcad dilo, waxa inta badan lagu daboolay doodo qabiil ku salaysan oo difaacaya nidaamkaas. Taas macnaheedu waa in xasuuqyadii dhacay marar badan la isku dayay in lagu beeniyo ama looga leexdo doodaha qabiil ee difaaca xukunka. Dhab ahaantii, weli lama helin jawaab cad oo ka timaadda dhinaca cilmi-baadhayaasha oo ka falcelisa talo-bixintii Michael Taussig ee ahayd in aqoonyahannadu ay si toos ah uga qoraan cabudhiska dawladdu adeegsatay. Waxaa muhiim ah in la barto sababta dhibbanayaashii xasuuqii dawladdu “ay u dhinteen” si ay u noqoto xusuus sharaf leh oo loo sameeyo kuwii la laayay. Si kastaba ha ahaatee, R. Brian Ferguson wuxuu tilmaamay in cilmi-baadhayaashu aanay si qoto dheer u fahmi karin waxa ay la micno tahay nolol lagu hoos noolaado xukun cabudhin iyo awood sheegasho ku dhisan, ilaa ay si toos ah ula kulmaan ama ay helaan waayo-aragnimo dhab ah oo muujinaysa saamaynta uu leeyahay nidaam dawladeed oo dadka dulmi iyo cadaadis ba'an kula dhaqma. Wuxuu xusay in si dhab ah loo fahmo dhibaatooyinka ka dhasha xukun noocaas ahi, ay lagama maarmaan tahay in cilmi-baadhayaashu yeeshaan xog iyo faham toos ah oo ku salaysan khibradaas nololeed, halkii ay ka dhisi lahaayeen aragtiyo aan sal adag lahayn.

Walow oo aanay jirin hal qeexitaan oo si caalami ah loogu heshiiyay oo tilmaamaysa waxa xasuuq lagu magacaabi karo, Leo Kuper wuxuu xusayaa in xasuuqu inta badan yahay dambi dawladdu leedahay, kaas oo ay dawladuhu si toos ah u fuliyaan ama oggolaadaan in lagula kaco dad gaar ah. Sida uu Kuper u sharraxayo, xasuuqu waa ficil ula kac ah oo lagu burburinayo bulsho qaran, qowmiyad, koox jinsi ama diin gaar ah, iyadoo lagu laynayo xubnaheeda ama loo abuurayo duruufo nololeed oo si toos ah halis u gelinaysa jiritaankooda.

Haddaba, marka la eego ficilladii dawladdu ka geysatay Waqooyi (hadda Somaliland) intii lagu jiray xukunkii Siyaad Barre, ololayaashii cabudhis ee uu maamulkiisu abaabulay si buuxda ayay u waafaqayaan qeexidda xasuuqa ee Kuper. Nidaamkaasi wuxuu si qorshaysan u beegsaday koox gaar ah, wuxuuna adeegsaday hannaan sababay dhimasho baahsan iyo burbur nololeed oo aan ka baxsanayn tilmaamaha xasuuqa ee cilmiyeysan. Si loo joojiyo xasuuqa iyo cabudhinta dawladaha kalitaliska ah, Rummel wuxuu soo jeedinayaa in habka ugu waxtarka badan uu yahay in la xaddido awoodda dawladaha, taasoo macnaheedu yahay in xorriyadda dimuqraadiyadeed la xoojiyo, lagana hortago in xukunku hal dhinac u gacan galo.

Marka dib loo milicsado dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee dhacay 1972 iyo 1975, oo ay kamid ahaayeen dilalkii xukunkii Siyaad Barre kula kacay culimadii caanka ka ahayd dalka iyo saraakiil sare oo si qorshaysan loo toogtay, waxaa muuqata in xilligaas wixii ka dambeeyay ay dawladdu xoojisay ololayaal argagax gelin ah oo dadka lagu cabudhinayo. Tallaabooyinkaasi waxay sii xoogeysteen sannadihii xigay, iyagoo u adeegay sidii hab ah in cid kasta oo ka hor timaadda nidaamka la bartilmaameedsado. Dadka ka badbaaday xasuuqyadii nidaamkii Siyaad Barre waxay u muuqdaan kuwo dalbanaya in maxkamad la hor keeno xubnaha weli nool ee ka tirsanaa xukuumaddiisii, iyada oo aan loo eegayn qabiilka ay ka dhasheen. Dalabkoodu wuxuu salka ku hayaa in la buriyo fikradda ah in bulsho kala duwani ay si dabiici ah u noqoto goob ay ka dhacaan rabshado gudaha ah oo ay huriso dawlad xasuuq fulinaysaa.

Haddii aan la helin hannaan sharci ah oo qeexaya qaababka lagu hor istaagi karo xadgudubyada dawladaha awood sheegta, loona oggolaan waayo in nidaam siyaasadeed lagu loollami karo si nabad ah, waxay taasi sii fogeynaysaa rejada nabad waarta. Soomaaliya kama dhalan karto xasillooni iyo nolol sharciyad ku dhisani haddii aanay jirin xeerar cad oo lagu maamulo isbeddelka xukunka iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed. Haddii aan la dhisin nidaam xaddidaya awoodaha dawladaha mustaqbalka, oo aan la helin sharciyo lagu sugo caddaaladda, Soomaaliya waxay noqonaysaa dal aan lahayn nidaam sharciyeed oo wax ka qabta xadgudubyadii la soo maray, taasoo sii kordhin karta kalsooni darro iyo dib u soo noqoshada cabudhis siyaasadeed.

Marka la eego ficilladii dawladdu ka geysatay Waqooyi (hadda Somaliland) intii lagu jiray xukunkii Siyaad Barre, ololayaashii cabudhis ee uu maamulkiisu abaabulay si buuxda ayay u waafaqayaan qeexitaannada xasuuqa. Nidaamkaasi wuxuu si qorshaysan u beegsaday koox gaar ah, wuxuuna adeegsaday hannaan sababay dhimasho baahsan iyo burbur nololeed oo aan ka baxsanayn tilmaamaha xasuuqa ee cilmiyeysan. Bottom of Form

Dawladnimada casriga ah waxaa lagu gartaa saddex astaamood oo waaweyn: “xuduudo si rasmi ah loo cayimay, dad si gaar ah u degan dhulkaas, iyo xukuumad aan cid kale kula loollami karin oo si sharciyaysan u maamusha adeegsiga rabshaddaha iyo awoodda”. Sida uu Max Weber xusay, dawlad kasta oo rasmi ah waa inay noqotaa hay’adda kaliya ee awood u leh isticmaalka rabshadda jidheed si ay u xakameyso bulshada, iyada oo aanay jirin cid kale oo si sharci ah ula loollami kartaa.

Aragtida Weber ee dawladnimadu waxay qeexaysaa sababta ay dawladdu sharciyad ugu baahan tahay si ay ugu noqoto hay’adda kaliya ee awood sharciyaysan u leh adeegsiga xoog iyo xakameynta muwaadiniinta. Xeerka sharci ee nidaamka dawladnimadu wuxuu si gaar ah u xoojinayaa jiritaanka hay’ad dawladnimo oo leh awood gaar ah oo dadka ku khasbi karta inay raacaan xeerarkeeda iyo awaamiirteeda. Taas macnaheedu waxa weeye in dawladdu aanay ahayn oo keliya hay’ad nidaamisa maamulka dalka, balse ay tahay awood sare oo sharciyaysan oo ku khasbi karta bulshada inay raacaan amarradeeda, si kasta oo ay tahay. Haddii sharciyadda dawladnimo lagu qiimeeyo marka la eego adeegyada bulsho ee ay dawladdu siiso muwaadiniinteeda iyo sida ay u sugaan nabadgelyada, waxaa cad in kalsoonida shacabka ee dawladnimadu ay ku xidhantahay waxa ay ka helaan nidaamkaas.

James Scott, oo buuggiisa Seeing Like a State si qoto dheer ugu falanqeeyay qaab-dhismeedyada dawladuhu, wuxuu sheegay in dawladdu ay bulshada ku maamusho laba arrimood oo waaweyn: sharciyad iyo awood la aqbalay. Taas macnaheedu waa in haddii dawladdu yeelato sharciyad adag oo ay dadku aqbalaan, ay si sahlan u xukumi karto bulshada. Aragtidani waxay si cad u muujinaysaa sababta ay falsafadaha qaar ee la xidhiidha heshiiska bulshada ay bulshada uga dhigaan kuwo ku hoos jira awoodda dawladnimo, si la mid ah addoomaha oo kale. John Locke wuxuu ku dooday in shaqadu ay tahay waxa uu aadanuhu ku gaadho horumar, taasoo horseedda in uu barto naftiisa, sidoo kalena noqdo sayid maamula dunida. Sida uu Locke u fasiray, bulshada lafteedu waxay ka dhalataa shaqo-wadaag iyo is-aaminaad dhex marta dadka. Dawladdu, halkii ay ka noqon lahayd hay’ad dadka matasha oo wax la qaybsata, waxay noqotay awood xoog leh oo si toos ah u maamusha wax kasta, iyadoo aan lagala tashan bulshada. Taasi waxay keentay in dadweynuhu noqdaan kuwo la hagayo, halkii ay ka ahaan lahaayeen dad taladooda iyo aayahooda ka qayb qaata.

Qoraallada kale ee qoraaga