Tuesday 15 September 2026
Hambalyo dhammaanteen.
Saddex xidhiidh oo aan guulaysan kaddib, tobannaan muuqaal oo “Reels” ah iyo qiimayn shakhsiyadeed bilaash ah oo internetka ah, ugu dambayn waxaan gaadhnay ogaalkii kama dambaysta ahaa: gacalkii hore: “narsisist.” Saaxiibaddaa: “sun.” Maamulaha: “wuxuu kugu sameeyaa khiyaano iyo marin-habaabin nafsadeed.”
Se adiguna: “qof kas-ogaal leh baad tahay.” Qofka naftiisa horumariya, garanaya halka uu dhaawaciisu ka soo jeedo, se dadka khaldan soo jiita sababtoo ah “wax badan ayuu bixiyaa.”
Runtii waa wax lala yaabo sida qof kasta oo ku jira sheekadeennan uu ugu baahan yahay fadhi daaweyn nafsi ah, marka laga reebo qofka sheekada ka warramaya laftiisa.
Waxaa laga yaabaa inaysan cidina si gaar ah u xasuusanin goortii ay arrintani bilaabatay. Laakiin mar uun bay ahayd, kolkii cilmi-nafsigu ka soo baxay qolalkii daaweeyayaasha iyo dhakhaatiirta nafsadeed, oo uu si jabaq la’ u degay taleefannadeenna. Erayo markii hore ku koobnaa buugaagta takhasuska ah iyo fadhiyada daaweynta, sida “narsiisamka”, “khiyaanada nafsadeed” iyo “cilladda ku-xidhnaanshaha”, waxay noqdeen qayb ka mid ah hadal-tiradeenna maalinlaha ah, ilaa heer aynu dadka nagu xeeran si degdeg ah u fasirno xaaladdooda nafsadeed, mararka qaarkoodna ka dheereyno xawaaraha aynu ku fahmi lahayn.
Ii sheeg sida xidhiidhkaagii ku dhammaaday, aniguna isla markiiba waxaan ku siin doonaa nooca ku-xidhnaanshaha aad la lahayd lammaanahaagii hore. Ii soo dir farriintiisii ugu dambaysay, waxaanan kuu lafaguri doonaa sida uu mar walba kuu marin-habaabinayay. Bal wakaase dheh inuu bilo badan kaddib “Ghosting”-kii ka soo laabtay, dhammaanteenna waxaan faallooyinka qoraalkaaga ku qori doonnaa: “fatahaad caadifadeed.”
Dhibaatada dhabta ahi ma aha inaan wax ka barannay luqadda kasmo-nafeedda. Taas lidkeeda, waxay ahayd lagama maarmaan inaynu baranno. Inaan ogaanno in jacaylku aanu cudurdaar u noqon karin bahdil ama cunfi, iyo in xidhiidhada qaarkood, si kasta oo ay u dheeraadaan, ay tahay inay si fudud ku dhammaadaan. Dhibtu waxay tahay inaynu u adeegsanno si aynu xukun uga soo saarno dadka, iyadoo asal ahaan loogu talogalay in lagu fahmo. Oo judhiiba, qof kasta oo aan innala mid ahayn ama aan ina cajab galin, wuxuu noqonayaa xaalad u baahan in la ogaado waxa ka si ah.
Ka warran haddii qofkii aad jeclayd aanu haba yaraatee ahayn “narsisist”, balse uu ahaa qof danayste ah, fulay ah, ama si fudud uusan weli gaadhin heerka bisayl ee u saamaxaysa inuu kuu jeclaado sida aad rabto ama sida aad u qalantid? Ama laga yaabee, tanina waa suurtagalnimada ugu xanuunka badan e, inuusan gebigaba ku jeclaynba.
Waynu fahansannahay in fekraddani si gaar ah u xanuun badan tahay, sababtoo ah nama siinayso “shar” si cad loo aqoonsan karo oo aynu ku cadho baxno. Erayga “narsisist” se wuxuu ina siinayaa sheeko dhammaystiran, dhibbane cad iyo dhammaad raaxo leh oo aan u baahnayn su’aalo kale. Sidaas darteed, qaarkeen in ay cid xaalad ku nabaan ayey ka sahashaadaan runta, sababtoo ah wuxuu sheekada soo afjaraa si ka dhakhsiyo badan inta xanuunku iskii u soo afjari lahaa.
Laakiin aynu dheesha dhinac kan ka yara duwan ka eegno. Matalan, haddii aad qof u jawaabto adigoo la habsaamay jawaabta, wuxuu kuu arki karaa inaadan danaynayn. Bal haddii aad si aan innaba caadi ahayn ula dhakhsato jawaabtana? Wuxuu odhana karaa si aan innaba caadi ahayn buu iigu maran yahay. Haddii aad ka codsatid in uu ku siiyo wakhti aad naftaada la qaadatid? Shaki ma galinayo markuu ku andacoonayo inaad tahay qof dareen ahaan ka fogaada. Haddii aad hinaasto, wuxuu kuu arkayaa qof maamul badan; haddii aadan hinaasinna, wuxuu kuu arkayaa qof dareen ahaan qabow. Laakiin dhab ahaan sidaas ma tahay? Waagan kasmo-nafeedku shaacsanaha noqday, su’aashu mar dambe ma sii aha: Ma tahay “calaamad cas – Red Flag”? Balse waxay noqotay: “Redh Falaag maxaad ka sii tahay?”
Waxaan qofka ula dhaqannaa sidii inuu yahay liis calaamado ah oo la baadhi karo: waxaan eegnaa muddada ay qaadato jawaabtiisu, qaabka uu raalli-gelinta u bixiyo, tirada farriimaha, dabadeedna internetka ayeynu ku hoobannaa innagoo raadinayna fasiraadda wax wal oo la jaad ah. Se ka warran haddii qofku jawaabta la daahay sababtoo ah, si fudud, haleel ma hayn? Oo uu iska go’aansaday inuu aamuso sababtoo ah muu garanayn waxa uu yidhaahdo? Bal ka warran haddii ay bani’aadamku aad uga adag yihiin “carousel” ama “Reels”-ka Inistagaraamka?
Sheekadu halkaas kuma eka. Waxaa xiga weedha sixirka ah ee wax walba hal mar cudurdaar uga dhigta: “Waxaan ilaalinayaa tamartayda.” Markaas ayaa si kadis ah la inoo waayaa, xidhiidhada u jarnaa, diidnaa wada-hadal kasta oo khalkhal gelin kara raaxadeenna, dabeeto ugu yeedhnaa xasillooni nafsadeed.
Laakiin dib u gurasho kastaa bisayl astaan uma aha, aamusnaan kastana xikmad ma aha. Mararka qaarkood dhab ahaan ma ilaalinayno xasilloonideenna nafsadeed, balse waxaan ka ilaalinaynaa sawirka aan nafteena ka haysanno iska-horimaad kasta oo naga dhigi kara inaan u ekaanno kuwo aan sidaas u eed-la’ayn. Waxaa jira farqi aasaasi ah oo u dhexeeya inaan dhisanno xuduudo caafimaad qaba iyo inaan dhisanno gidaar dheer. Xuduuduhu waxay leeyihiin: “Mar dambe ha i aflagaadeynin.” Gidaarkuna wuxuu leeyahay wax gebi ahaanba ka duwan: “Wax kasta oo dhaca, ha i hor iman.” Maanta waynu ogsoonnahay sababta baqashadeenna, sababta aynu ugu dhegno dadka, iyo sababta aan u baxsanno. Laakiin su’aasha xigta waa: maxaa xiga?
Haddii dhaqankaaga carruurnimada ahi fasir u yahay cabsida qotada dheer ee aad ka qabto in lagaa tago, taasi kuuma oggolaanayso inaad si qarsoodi ah ula socoto taleefanka lammaanahaaga. Haddii khiyaano hore aad ka dhaxashay shaki, taasi xaq kuuma siinayso inaad qof kasta oo cusub oo noloshaada soo gala u maxkamadayso sidii qof eedaysan. Dhaawacyadaadu waxay mudan yihiin in caadifad loo muujiyo, laakiin ma aha biil ay dadka kale bixinayaan.
Wacyiga aan beddelin hab-dhaqankeenna wuxuu isu beddeli karaa oo keliya hab xarrago badan oo aan ugu cudurdaaranno dhibaatada aynu dadka kale u geysanno. Waxaa laga yaabaa inaynu nafsad ahaan ka wacyi badan nahay sidii hore, laakiin ma noqonnay kuwo naxariis badan? Goormay ahayd markii ugu dambaysay ee aynu nidhaahno: “Si danaysi ah ayaad u dhaqantay,” bedelka: “Waxaad tahay narsisist aan waxba la hadhin”? Goormaa inoogu dambaysay in aynu dhahno: “Waad igu dhaawacday falkaa aad samaysay,” halka aynu xukun diyaarsan ridno: “Waxaad tahay qof sun ah”? Goormay ahayd markii aynu doorbidnay inaan nidhaahno: “Ii sharrax waxa dhacay,” bedelka gunaanad degdegga ah: “Hadda si buuxda ayaan u fahmay qaab-dhaqankaaga”?
Waxa laga yaabaa inaan dhab ahaan barannay sida loo aqoonsado calaamadda cas ee “Red Flag”. Laakiin ma barannay, dhinaca kale, sida loo kala saaro calaamad cas oo dhab ah iyo khalad bini’aadamnimo oo gudbaya, oo laga yaabo inuu mudan yahay fursad kale? In samaha la soo ceshaa waxay u baahan tahay wada-hadal, raalli-gelin iyo diyaar u ahaanshaha in la maqlo sheeko laga yaabo inaadan adigu dhibbanaha ka ahayn, xitaa aadan ahayn fariidka. Laakiin ogaanshaha cudurka, hal eray ayaa ku filan: narsisist, sun, marin-habaabiye. Bes.
Dhibaatadu ma aha inaan barannay luqadda kasmo-nafeedka. Dhibaatadu waxay tahay inaan u adeegsanay fahanka dadka nagu xeeran si ka badan inta aan ku fahannay nafaheenna. Waxaan akhrinnaa wax ku saabsan narsiisamka, isla markiibana maskaxdeenna waxaa ku soo dhaca wejigii qofkii mar na dhaawacay. Waxaan akhrinnaa wax ku saabsan khiyaanada nafsadeed, waxaan xasuusannaa xidhiidhkii aynu ka soo baxnay annagoo daallan. Waxaan akhrinnaa wax ku saabsan xidhiidhada sunta ah, dabadeed, nasiib wanaag, waxaan helnaa qof kale oo dhammaan tilmaamahaasi si eray-eray ah ugu habboon yihiin.
Sheekadu mar walba waxay leedahay dhibbane, waxa mar walbana jirta aaminaad mug leh oo ah in dhibbanahaasi innaga yahay. Laakiin xidhiidhada, dhab ahaantii, weligood hal dhinac lagama sheekeeyo. Sheeko kastaa waxay leedahay laba nuqul, mid kasta oo ka mid ahna wuxuu leeyahay dhib-wade iyo dhibbane.
Maantana, waxaa laga yaabaa in su’aasha aynu mar walba ka meeraysanno, isla markaana ah tan ugu adag, ay tahay: Ka warran haddii isla sheekada, marka dhinaca kale laga dhegaysto, ay gebi ahaanba si kale u muuqato? Ka warran haddii uu jiro qof adiga kaa sheekaynaya isla sheekadaas, oo isla daacadnimadaas ku aaminsan inuu isagu yahay qofkii la dhaawacay? Waxaa laga yaabaa in sheekadiisa, adigu aad tahay “narsisist”, isaguna uu yahay “dhibbanaha.”
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.