Wednesday 19 November 2025
Jaak Dereyda buuggiisa “Ku Keligaysiga Af Ajnabi” waxa uu ku leeyahay: “Luuqad keliya ayaan aqaan, haddana afkaasi ma aha afkaygii”, isaga oo sheegaya in uu luuqad-keliyaale yahayna waxa uu leeyahay: “Afka keliya ee aan aqaannaa waa mid hore usoo ahaa, mustaqbalkana ii ah, hoygayga, sidaas baan filayaa, sidaas baanan u dhex degganahay isna uu ii dhex degganyahay, sidaas baanu ahaan doonaa”. Waxa kale oo uu ku darayaa: “Ku koobnaantayda afkani waa sida unugga go’aamiya noloshayda”. Faylasuufkan reer Faransiis, al-Jeeriya se ku dhashay, waxa uu meel kale ku shaacinayaa in xidhiidhka uu la yeeshay Faransiisku uu mararka qaar yeesho qaabab xididdaysan, oo wixii afkan ka baxsanna uu qalo ku dareemo, afafka kale ee uu mararka qaar ku hadlaana ay yihiin afaf aanu ku degi karin. Sidan ayaa uu faylasuufka gorfayntu u arkaa af Faransiiska oo, walow ay tahay luuqadda keliya ee uu ku hadli karo, haddana ma aha afkiisa hooyo, oo afkiisa hooyo Cibri ama Carabi ayuu noqon lahaa, haddana ma baran, siduu sheegayana iskumaba deyin. Arrinkani waxa uu innagu hoggaaminayaa su’aasha udubdhexaadka u ah buuggiisa: suurogal ma tahay in afka sees looga dhigo aqoonsiga, ka dibna uu sees u noqdo muwaaddinnimada? Se afka oo keliyi ma awoodaa in uu aqoonsiga iyo muwaaddinnimada abuuro?
Qoraaga buugga “Qoraalka iyo Kala-duwanaantu” waxa uu aaminsanyahay in aynaan helayn baro iswaafaqid oo u dhexeeya ka hadalkeenna afka aynnu sida badan ugu naqaanno ‘afka hooyo’ iyo ka hadalkeenna dhalashada. Xidhiidhka dhalashada iyo dhulka ama dhulka iyo dhiiggu waa mid, gebi ahaan, ka duwan ku dhalashada luuqad, dhaqan, jinsiyad ama muwaaddinnimo. Walow uu isagu diidayo in xaaladdiisu soo hoos galayso saddexdan qaybood, haddana waa doodda aasaasiga ah ee uu haysto.
Doodda ku saabsan afka dhalasho iyo afka adeegsi waa mid ay ku kala tagsan yihiin mufakiriinta iyo qoraayadu. Dadka dooddan furfuray, isaga oo kala qaadaya afka dhalasho iyo midka adeegsiga, waxa u mudan Jaak Dereyda: Af keliya ayaan aqaan, haddana afkaasi ma aha afkaygii – afka adeegsiga.
Dereyda inta uu ku gudo jiro isdiiddadiisa ku gadaaman samaysankiisa luuqadeed, waxa uu soo qaadanayaa saddex aragtiyood oo ka mid ah mufakiriintii Yuhuudda, oo ku kala aragti duwan afka, siiba ‘afka hooyo’, aqoonsiga, muwaaddinnimada, iyo qofka iyo lidkiisa. Qodobbadani, inta badan, waa fahannada hore oo illaa hadda dooddoodu ka taagantahay marka la joogo hal-abuurka qoraayo iyo mufakiriin badan oo qurbejoog ah. Levinas waa mid ka mid ah saddexda uu Dereyda soo qaadanayo mawqifkooda afka. Faylasuufkan asal ahaan kasoo jeeda Lithuania, walow uu yaqaannay afafka Litwaaniga, Cibriga iyo Ruushkaba, haddana waxa uu wax ku qoray, wax ku bartay, noloshiisa oo dhanna ku qaatay afka Faransiiska. Isaga oo afafkan kale oo dhan garanaya, haddana dhif bay ahayd—siduu Dereyda soo gudbinayo— in uu ka hadlo ama wax ka baadho qodobka ku saabsan asalka amaba afka hooyo. Arrin agtiisa mudnaan ka leh ma ahayn. Sida uu Levinas sheegayaba, isagoo jiraalkiisa feker iyo nafsiba uu ku dhex qaatay afka Faransiiska, haddana dhib uma arko u furfurnida afafka kale, oo salka afkuba waa saaxiibtinnimo iyo martigelin, sida uu caddaynayo. Waxa uu xusayaa in afka Faransiiska iyo dhulka Faransiis martigaliyey, isaguna aanu weligii ka daalin bogaadintiisa iyo qiridda mudnaantiisa. Waa uu korsaday, oo martigaliyey, isaga oo aan abtirsigiisa xidhiidh la lahayn, asalkiisana aan ahayn.
Si ka duwan Levinas, Dereyda waxa uu soo qaadanayaa aragtida faylasuuf Yuhuudi ah, waa Franz Rosenzweig oo Jarmalka ku dhashay, se xoogga saaray iskudaygiisa soo ifbixinta dhaxalkii Yuhuudeed ee hore iyo saldhig uga raadinta garaadka dhaqan ee Jarmalka; isagoo aaminsanaa in qofka Yuhuudiga ahi uu afka martigaliyaha u adeegsaday dheefsi badhaxtiran awgeed, se dhinaca kale uu markasta dareensan yahay in aanay luuqaddiisii asalka ahayd ahayn, sooyaalkiisa muqaddaska ahna uu ka dhex urin karo Cibriga asalka ah, isagoo Cibriga u tixgalinaya afka keliya ee awooda in uu xammilo culayska hilow iyo sooyaal ee dhex ceegaaga sooyaalka bulshada Yuhuudda, “martigaliyuhu waxa uu ku koobnaanayaa qof aad marti u tahay, afkiisuna waa af aad isaga kula dhaqantid uun” ayuu Rosenzweig ku doodayaa.
Mawqifka saddexaad ee uu Dereyda soo qaadanayaa waa aragtida Hannah Arendt, oo uu mawqifkeeda ku tilmaamayo nooc xagjirnimo ah oo ka dhalatay xidhiidhkii ay la lahayd weyneynta asalka iyo xididka uu qofku ku arooro. Walow gabadhani ay yaraan ku tagtay Maraykanka, waxsoosaarkeeda badan ee fekerna ay inta badan halkaas iyo Ingiriisiga ku qortay, haddana weligeed kamay xidhiidh furan xididkeeda Jarmalnimo iyo afkeeda, weliba marar ayay si qadhaadh u cabbirtay in aanay awoodin u dulqaadashada qurbaha iyo hilowga kulul ee u haya jawiyadii Jarmalka.
Aragtiyaha qaar waxa ay qabaan in afka adeegsigu uu yahay martigaliye ay tahay in aan laga dareemin qalo ama shisheeyenimo, haddana loo furfurnaan karo afafka kale. Sidaas lidkeeda, waxa ay dood kale cuskan tahay in afka dhalashada/hiddaha aanu u dhigman af kale marka ay noqoto xambaaridda dareennada iyo sooyaalka
Iyada oo ay jirto dooddan ku saabsan qoraalka iyo asalnimada luuqadeed, qoraayo badan ayaa maanta waxsoosaarkooda qoraal ku qora afaf shisheeye u ah, badanaana waxa la wayddiiyaa wax xidhiidh la leh: “Maxaad af shisheeye wax ugu qortay?” Jawaabta qofkaasi mar waxay noqotaa in uu wax ku darsanayo suugaanta caalamiga ah, mar kale waxa uu ku sababeeyaa ku barbaariddiisa afkaas, kol kalena si dhiirran ayuu ugu doodaa in afkaasi yahay ka keliya ee uu si wanaagsan wax ugu cabbiri karo, se haddana jawaab kasta oo uu bixiyaba waxa uu la kulmaa tuhun khiyaano iyo in uu ka fogaaday afkiisa hooyo.
Xilligan wax ku qoridda af shisheeye, mararka qaar, waxa uu yahay in qoraagu aqoonsi ka raadinayo dunida xuddunta ah, sidan darteed qoraayo aan tiro yarayn oo kasoo jeeda dalalka saddexaad ayaa wax ku qora afaf caalami ah, sitana sawirro badan oo u gumeysigii dhigay. Qoraayadaasi, marka ay ugu sahlanyihiin, waa kuwo isku dayaya raalligelinta dhadhanka akhris ee akhristaha kale, iyagoo aan dan ka gelin cidda ay wax ka qorayaan. Qoraalladani macaash badan ayay sameeyaan iyo caannimo. Dhinaca kale, qoraaga wax ku qora luuqad maxalli ahi waa qof aan cod lahayn, ama la odhan karo dhawaaq la’aan ayuu hadlayaa. Qoraagii iyo mufakirkii reer Marooko, Cabdifataax Kaliito, cutub ka mid ah cutubbada buuggiisa “Af oo Dhan Waan Ku Hadlaa se Carabigaa ii Gaar ah”, waxa uu kaga hadlayaa waxa loo yaqaanno Suugaanta Gumeysiga, isagoo ku doodayaa in horumarka milatari iyo dhaqaale ee Galbeedku ku xidhanyahay asaas ahaan awooddooda hadal, oo duullaanku hub keliya kuma hirgelin, ee suugaantuna qayb bay ka qaadatay. Isagoo ka faalloonaya suugaanta la gumeystuhu soo saarana waxa uu qoray: “Waa suugaan ku wajahan akhristayaasha Galbeedka, mawduuciisana ajinabigu jaangooyo, oo aan dan laga lahayn aragtida uu qofkiisa ka gudbinayo; sababtoo ah qofka lagula hadlayaa maaha adiga, ee waa shisheeyahaas, iskaba daa in uu jiri karo jid qofkani ku garan karo buuggan isaga ku saabsan, lagaba yaabaa in aanu ogayn jiritaankiisa”.
Adeegsiga qoraal ee af shisheeye waa arrin dhaliilo badan u keento qoraayo badan; shisheeye u warran, daneyn la’aan sokeeye iyo gudbin suugaan gumeyste ayaa ka mid ah dhaliilaha loo dhiteeyo. Haddana, akhristeyaashu waa jaangooyeyaal oo qoraagii af maxalli ah wax ku qoraa waxa uu in badan noqdaa qof dhawaaq la’aan hadlaya.
Xaaladdan mid aan ka fogayn, waxaynnu helaynaa qoraayo Soomaali ah oo afaf shisheeye wax ku qora, halkan waxaan u jeedaa Nuuraddiin Faarax, oo siduu sheegay, Soomaaliga ka sokow, si wacan u yaqaanna Ingiriisiga, Talyaaniga, Carabiga iyo Amxaariga, se Ingiriisiga u doortay qoraalka. Ka sokow deeddifayntiisa aragtiyaha Galbeedka ee dalkiisa ku saabsan, haddana kama dhuuman in sababta uu afkan ugu doortay qoraalkiisu tahay in afkani yahay mid “wax laga macaasho”. Jawaabtiisu waa mid ka gundheer arrinka ka qaybqaadashada suugaanta caalamiga ah iyo hadaltirada soo noqnoqota ee ah in qofku rabo in uu dunida baro Soomaalida, waxaanu si toos ah u abbaarayaa in uu raadinayo af caannimo dhaxalsiiya, ama haddii si kale loo dhigo, af u suurogeliya in uu aqoonsi ka helo akhristayaasha ugu badan.
Marka ay noqoto qoraayada Soomaalida ee afaf shisheeye wax ku qora, waxa kugu soo dhacaya Nuuradiin Faarax oo mar la weyddiiyay ka hadlay qodob abbaar leh; sheegasho kaste oo kale meel ayuu iska dhigay waxanu ku dooday in uu Ingiriisida u doortay in ay tahay luuqa wax ‘laga macaasho’ – caannimo iyo aqoonsi
Cabdifataax Kaliito muu buunbuunin hadalka uu yidhi ee ah: “in [qoraalka] la turjumaa waa in dadkoo dhammi ku aqoonsadaan”, waxaanaynnu ku dari karnaa hadalkaas, in aad af caalami ah wax ku qortaa waa in aad aqoonsi ka heshid dunida. Miyuu khaldanyahay Nuuraddiin, kolka uu ka jawaabayo haddii la i doorransiin lahaa afkaan wax ku qorayo, kama labalabeeyeen wax ku qoridda Ingiriisiga? Sida Levinas cabbirayo haddaynu qaadanno, soo ma aha afka martigaliyey? Aynnu is wayddiinno: yaa aqoonsan kara, oo Soomaalida ka baxsan, magacyo ay ka mid yihiin Maxamed Afrax, Cabdilaahi Cawad iyo Ibraahin-Hawd, si kasta oo waxsoosaarkoodu hal-abuur u leeyahay? Haddana waa magacyada hormuudka u ah sheekofaneedda Soomaalida. Waa hal-abuur ku dhex xabbisan afkiisa, waana waxsoosaar daabacan se badh- daabacan, sida uu Ernest Renan leeyahay: “waxsoosaarka aan turjunnayn, lama daabacin badh ahaan mooyee”, kolkaa laga yaabaa in turjumaaddu tahay jidka ugu habboon ee lagu soo ceshan karo codka darafyada ee xanniban.
Qormadan waxa laga soo turjumey halkan.