Tuesday 19 May 2026
Markaynnu si guud u eegno hannaanka uu raacay [Samuel Huntington], oo ah ninka u ololeeyey “Loollanka Xaddaaradaha”, laga soo bilaabo hordhaca uu kusoo bandhigayo awaal-cilmiyeedkiisa ilaa gunaanadka maqaalkiisa, waxaynnu arkaynaa maqaal yaab leh, qaab ahaan iyo istiraatiijiyad ahaanba: shaacinta awaal-cilmiyeedkiisa, oo keliya mala’awaal ah, oo nuxurkiisu yahay in loollannada dunida ka jiraa, kuwa caalamiga ah iyo kuwa heerka gobol ahiba, ay mustaqbalka isku beddeli doonaan “loollan xaddaaradeed” ee aanay sii ahaan doonin “loollan aydhiyoolajiyadeed”, isagoo gunaanadka maqaalkana ku nuuxnuuxsanaya lagama-maarmaannimada in reer Galbeedku qaadaan tallaabo kasta oo ay ku ilaashanayaan danahooda iyo kaalintooda xuddunnimada, wakhtiga dhow iyo ka fogba.
Waxa la filayey, haddiiba uu qoraagani (waa Huntington e) danaynayo qaddiyadaha maanta ka taagan dunida, inuu fahmo oo uu u raadiyo xal aadamaha oo dhan dan u ah. Xitaa haddii laga soo qaado inuu ku qanacsanyahay in “Loollanka Xaddaaraduhu” khatar ku yahay nabadgalyada caalamka ee mustaqbalka, haddana waxa la filayey in qoraagu kusoo gebogabeeyo natiijo dhammaan dhinacyada; dawladaha iyo bulshooyinkaba, ugu baaqaysa inay iska ilaaliyaan khatartaas, kuna codsanayo inay dhammaantood qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagaga hortagi karo. Balse qoraagu wuxuu raacay hannaan kale oo kaas kasoo horjeeda, oo bilawgiiba, mala’awaalkiisa uma adeegsan awaal-cilmiyeed uu waxa uu oddorasayaa dhici karo ama aanu dhici karin, ee wuxuu ka soo qaaday xaqiiqo biyo-kama-dhibcaan ah oo tagtadii iyo timaaddadaba wax ka sheegaysa. Sababtaas ayuu dib ugu noqday taariikhdii oo uu sees uga dhigay “loollan xaddaaradeed”, isagoo tusaalayaal badan isku dayaya inuu ku kabo xaqiiqadaas uu sheegtay, badankana ah tusaalayaal la marinhabaabiyey oo waddadoodii laga duway.
Arrimahaas oo dhan wuxuu uga dan leeyahay jahawareerin iyo cabsi galin, iyo in uu akhristaha u diyaariyo inuu aqbalo natiijada kamadambaysta ah ee uu kusoo gebgabaynayo. Gunaanadka maqaalku waa lagama-maarmaannimada in reer Galbeedku sii joogteeyaan horumarinta awooddooda ciidan iyo in ay hanti badan ku bixiyaan.
Waa gunaanad cad oo qayaxan. Hogatusaalayntiisa iyo ujeeddadiisa rasmiga ahi waa mid si fudud loo aqoonsan karo: qoraayo badan oo Maraykanka laftiisa kasoo jeeda ayaa isku xidhay maqaalka Huntington iyo qodobka uu mid ka mid ah qoraayadaasi ku magacaabay “u jidbixinta miisaaniyadda difaaca Maraykanka iyo qoondada kaalmada dibadda ee ay tahay in laga ansaxiyo Koongares Jamhuuri u badan oo ku baaqayay in faraha lagala baxo dunida, si weynna uga cadhaysan dheelliga ku jira is-waydaarsiga ganacsi ee Maraykanku la leeyahay dunida”.
Balse halista maqaalka ku jirtaa maaha gunaanadka, oo in reer Galbeedka loogu baaqo ilaashiga xuddunnimadooda iyo gacansarrayntooda caalamiga ah, dedaal kastana ay ku bixiyaan danahoodu, waa qodob la fahmi karo oo maangal ah. Ku dhiirrigalinta Koongareska inuu u codeeyo miisaaniyadda difaacuna waa qodob kale oo la fahmi karo, gaar ahaan waddan sida Maraykan oo kale ah, oo siyaasadaha iyo go’aannada la qaadanayo ay saamayn ku leeyihiin kooxaha cadaadiska iyo warbaahintu.
Halista maqaalku waxay ku jirtaa inta u dhaxaysa hordhaca iyo gunaanadka, oo uu dhawr sadar midkiiba kusoo qaadanayo. Udubdhexaadka maqaalku beegsanayaa waa Islaamka oo kaalinta koowaad ku jira iyo Shiinaha oo kaalin ka sahlan ku jira, sababtoo ah ninka maqaalka lehi waxa uu Islaamka diiradda saarayaa marka uu sooyaalka falanqaynayo iyo marka uu wakhti xaadirka ka hadlayaba, balse Shiinaha wuxuu soo qaadanayaa uun marka uu ka hadlayo horumarka Koonfur-Bari Eeshiya ee wakhti xaadirkan.
Sannadihii u dambeeyey iyo ilaa haddaba, Islaamku waa waxa u weyn ee ay reer Galbeedku falanqeeyaan. Qodobka ay u danaynayaanna maaha diin ahaan iyo xukuumado magaciisa wax ku xukuma, oo wax yar ka horba, Islaamku wuxuu reer Galbeedka u ahaa garabka iyo hiilka ay u haystaan Shuuciyada, iyadoo reer Galbeedku ka qaadanayeen hal-ku-dhigyo iyo aydhiyoolajiyado ay kula diriraan hantiwadaagga, sidoo kalena, waxa ay kaalmo siinayeen xukuumado magac Islaam wax ku xukuma oo ay ilaaliyaan. Waxa kale oo reer Galbeedku hub iyo hantiba ku taageereen dhaqdhaqaaqyo kacdoon waday oo sitay calanka Islaamka, sidii ka dhacday Afgaanistaan, maalmihii xukunka Shuuciga, waxa la mid ah inay reer Galbeedku taageereen “Kacdoonkii Iiraan” oo uu hoggaamiye u ahaa Khumayni, kacdoonkana ka waday magaalada Baariis, iyadoo Ingiriiska iyo Maraykankuba arkayeen dhaqdhaqaaqiisa oo aanay ka hortagin, balse ay bannaan kaga dhaqaaqeen saaxiibkood – Innaga oo aan odhanayn dabadhilifkoodii – Boqor Shaah, xaalad uu ciidankiisii ku le’anayey kacdoonkii ay wadeen Islaamiyiin kor u sida hal-ku-dhigga “ALLAAHU AKBAR”.
Waa beri dhaweyd uun, balse maanta, marka la eego aragtida reer Galbeedka ee uu Hungtington u hadlayo, Islaamku waa u cadawga koowaad. Haddii aanu maanta ahaynna, berri ayuu noqon doonaa, heer ay ka dhigeen cadawga keliya ee ay lahaayeen taariikhadooda oo dhan. Maxaa is beddelay? Waa maxay cabsidan cusub ee Islaamka laga qabaa, amaba kusoo cusboonaatay Islaamka?
Mawqifka reer Galbeedku ka taaganyihiin Islaamku waa mid u eg mawqifkii ay shalay ka taagnaayeen “Qoomiyadda Carbeed”. Ingiriiska oo hoggaanka Galbeedka ahaa, qarnigii 20aad, umuu arkayn dhib, isla bilowgii qarnigaas, in Carabtu midowdo iyo dhaqdhaqaaqii Shariif Xuseen, in kasta oo uu jiray cadaadis kaga imanayay Yuhuudda iyo Ballanqaadkii Balfour, haddana siyaasiyiinta Ingiriisku may dhibsanayn mashruuca midaynta Carabta, heer ay bogaadiyeen in la unkay Jaamacadda Carabta. Balse markii uu Jamaal Cabdinaasir qarameeyey Kanaalka Suways, isagoo kor u qaadaya hal-ku-dhiggii “Qoomiyadda Carabta”, ayay reer Galbeedku u arkeen midowga Carabta khatarta ugu weyn ee ka jirta Bariga Dhexe oo aanay u dhigmayn khatar kale, marka laga reebo khatarta Shuuciga ee Yurub ka jirtay. Si la mid ah sidii reer Galbeedku Islaamka uga dhigteen garab ay kula dagaallamaan Hantiwadaagga, ayay markanna hiil uga dayeen oo dooneen inay Islaamka ku burburiyaan fikradda “Qoomiyadda Carbeed”, taas oo dhalisay in waddamada Iiraan, Baakistaan, Turkiga iyo Ciraaqba ay sameeyaan “Gaashaanbuurtii Baqdaad”, Ingiriiskuna hoggaaminayo.
Haddaba, sidee ayaynu u fasirnaa mawqifkan isdiiddooyinka badan ku suntan ee reer Galbeedku ka qaateen Islaamka iyo Carabta?
Markaynnu si qotodheer ugu dhaadhacno faallaynta, waxaynnu ogaanaynaa in mawqifka reer Galbeedku leeyahay hal qodob oo sugan oo ma-doorsoome ah, waxa kale ee soo hadhayna ay is bedbeddeli karaan. Mawqifka reer Galbeedku ka yeelanayaan Carabta, Islaamka, Shiinaha, Jabaan amaba dawlad kasta oo kale oo dunida ka jirta, waa mawqif is bedbeddala oo aan fadhiyin, mararna liddi ku noqon kara siduu markii hore ahaa. Balse, reer Galbeedka waxa kaliya ee aan is doorin marnaba waa “danaha”, oo marka uu wax danahooda saamaynaya amaba khatar galinayaa yimaaddo, mawqifkooduna wuu is beddelayaa.
Sidaas darteed, sababta ay reer Galbeedku ula dagaallameen aragtida “Midnimada Carbeed” wixii ka dambeeyey 1956-kii waa qaramayntii uu Jamaal Cabdinaasir ku sameeyey Suwayska, isagoo u adeegsaday calankii “Qoomiyadda Carbeed”. Sababta Maraykanka iyo reer Galbeedku u collaysteen Islaamka, oo ay markii hore soo dhawaysan jireenna, waa imaatinkii talisyo magac Islaam sita oo uu ugu horreeyo Sacuudiga xilligii uu talinayay Boqor Faysal binu Cabdicasiis, xilligaas oo Sacuudigu shidaalka ka gooyey reer Galbeedka, isagoo ka falcelinaya in reer Galbeedku la dhinac noqdeen Israa’iil, dagaalkii 1973-kii, iyo in Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan uu soo ceshaday xaqa uu u leeyahay inuu maamulo batroolkiisa, waana isla xaqii uu hore isugu dayay Diktoor Musaddiq inuu soo ceshado bilawgii kontonaadkii, se ay reer Galbeedku xilka ka tureen, iyagoo u dhexmaray Boqor Shaah, sidoo kalena garab la ah hoggaamiyihii Garabka Islaamiga ah [Iiraan] ee xilligaas, Aayatullaahi al-Qaashaani.
Haddaba, sababta reer Galbeedku Islaamka iyo Shiinaha uga cabsadaan, waa in wax danahooda galaaftaa uga yimaaddaan. Markii midowga Carabtu aanu khatar ku ahayn reer Galbeedka, amaba uu dan u ahaa reer Galbeedka xilligii Dagaalkii Koowaad ee Dunida, si ay ugu jabiyaan Turkiga iyo xulafadiisa, reer Galbeedku way taageersanaayeen, dagaalkaas ka dibna, lamay dagaallamin fikraddaas midowga, ilaa la isku ladhay aragtida “Midowga Qoomiyadda Carbeed” iyo qaramayntii Kanaalka Suways, oo keensanayay lasoo noqoshada Falasdiin. Reer Galbeedku kamay cabsanayn Islaamka, taas beddelkeeda waabay soo dhawaysanayeen oo taageerayeen madaxda Islaamka, iyagoo rabay inay ku baabi’iyaan Shuuciyada iyo Qoomiyadda Carbeed, hase ahaatee, wuxuu mawqifkiisii beddelay markii dawlado Islaam ahi caddeeyeen xaqa ay u leeyihiin inay hantaan oo u madaxbannaanaadaan shidaalkooda iyo siyaasaddooda.
Shiinaha iyo Midowga Soofiyatiba waxay ahaayeen cadawga koowaad ee reer Galbeedka, intii Shiinuhu la aragti ahaa Midowga Soofiyati, balse markii ay kala xidhiidh furteen Shiinaha iyo Midowga Soofiyati, mawqifkii reer Galbeedku wuu is beddelay, Maraykankuna wuu aqoonsaday Shiinaha, waxaana meesha laga saaray magicii “Dawladda Shiinaha ee Waddaniga ah”, iyadoo beddelay “Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha”, waxaana laga dhigay xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka. Haddana, markii Midowgii Soofiyad dumay, Shiinihii ayaa ku laabtay cadawga ugu khatarsan ee reer Galbeedka, sababtoo ah wuxuu haystaa hubka nukliyeerka, waxaanu wataa siyaasad madaxbannaan, dhaqaale ahaanna wuxuu gaadhay heer uu noqdo tartamaha dhabta ah ee reer Galbeedka, kuna tartama danihii reer Galbeedka ee Bariga Eeshiya.
Galbeedku waa dano, mana jiraan wax aan dano ahayn. Wadahadal kasta oo lala samaynayo ama qaabfikir kasta oo asaagga Galbeedku wado, oo aan waafaqsanayn isle’egta ah: Galbeedka = dano, Waa qaabfikir ku siibanaya oo ku dhacaya dabinka hadalka iyo olalaha marinhabaabinta ah ee Galbeedku wado, loogana dan leeyahay in indhaha lagaga jeediyo “danaha”, oo lagu jeediyo ku mashquulidda wax danahaas daah qariya u noqda, oo kaalin ku yeesha inuu ra’yicaamka ka duwo ka fikiridda danahaas Galbeedka, sida “ilbaxnimo”, “dhaqan”, “diin” iyo “xagjirnimo”.
Maqaalkani waa qayb laga soo dheegtay lagana tarjumay buugga “Arrimo ka Mid ah Fikirka Casriga ah” ee Maxamed Caabid al-Jaabiri, bogagga 125 ilaa 128. Dheegasho & Turjumaad: Maxamuud Bulxan.