Skip to main content

Sunday 16 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Wasiirrada Difaaca ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay iskaashigooda milatari

20 September, 2025
Image
Wasiirrada Difaaca ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay iskaashigooda milatari
Share

Wasiirrada Difaaca ee Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa yeeshay kulan labo geesood ah oo ah midkii difaac ee ugu sarreeyay, muddo ku dhaw afartan sannadood. Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axamed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Shiinaha, Admiral Dong Jun, waxa ay ka wada hadleen, sida lagu baahiyay warbaahinta Soomaaliya iyo Shiinaha, iskaashiga labada dal ee dhinacyada ammaanka iyo xasiloonnida. Qodobbada ay ku heshiiyeen ayaa waxa ka mid ah in Shiinuhu uu taageero siiyo dhisidda iyo xoojinta ciidanka Soomaaliya iyo in uu qayb ka qaato maalgalinta hawlgalka Midowga Afrika ee la yidhaahdo AUSSOM.

Toddobaad ka hor ayaa uu Wasiirka Difaaca Soomaaliya la kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho, Wang Yu, waxana ay markaas ku warrantay wakaaladda wararka Soomaaliya (SONNA) in ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal iyo horumarinta ciidanka Soomaaliya. Kulanka ayaa u muuqday in uu gogolxaadh u ahaa kulanka hadda ee heerka Wasiir ah.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sii xoogeysanayay muddooyinkii dambe, iyada oo ay labada dal werwer ka qabaan siyaasadaha Maraykanka ee ku aaddan Soomaalilaan iyo Taywaan oo gooni u istaagay, se ay labada dalba sheegtaan, waxana ay Shiinaha iyo Soomaaliya lahaayeen labadii sannadood ee la soo dhaafay muwaaqif isku jaango’an oo ku saabsan ‘midnimada dhuleed’ iyo wadajirkooda.

Soomaaliya oo ah dal burburay oo dadaal badan la galiyay soo kabashadiisa ayaa waxa uu aad ugu tiirsan yahay Reer Galbeed oo kab laxaad leh siiya hay’adaha federaalka, sidoo kale maalgalinta ugu badan ku bixiyay hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afirka ee dalkaas ka hawlgalayay ku dhawaad labaatankii sannadood ee la soo dhaafay, waxana uu xidhiidhka hadda soo xoogeysanaya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la yeelanayso Shiinuhu uu ka dhigayaa Soomaaliya waddan fuushan labo faras.