Tuesday 10 March 2026
Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ayaa maalinimadii Arbacada xaqiijiyey warar hore ugu jiray warbaahinta oo sheegayey in uu Turkigu Soomaaliya ku soo daabulay diyaaradaha F-16, tallaabadaas oo salka ku haysa is ballaadhinta Milatari ee Turkiga ee ku wajahan Geeska Afrika.
Wargaysyada Midle East Eye iyo Bloomberg ayaa wariyey bishii u danbaysay in Turkigu keenay saddex ka mid ah diyaaradihiisa dagaalka ee F-16 madaarka Muqdisho ee Aadan Cadde. Sida ay warisay warbixintu, madaarka ayaa laga dhisay hangarro loogu talagay in ay hoos u noqdaan diyaaradahan cusub, waxaana jiritaanka warbixintan sii caddeeyey sawirro dayax gacmeed oo la qaaday.
Xogta dhaqdhaqaaqyada duulimaadyada oo ay dib u dhugatay Middle East Eye ayaa muujisay in tiraba dhawr diyaaradood oo xaamul milatari ah Turkigana laga leeyahay ay caga dhigteen madaarka Aadan Cadde toddobaadyadii u danbeeyey bishii Jeenawari. Diyaaradahan ayaa la rumaysanyahay in ay ku rarnaayeen qalab iyo agab dayactir oo loogu talagay hawlgallada diyaaradahan dagaal. Ilo wargaleen ah oo ay warbaahintu soo xigatay ayaa xaqiijiyey in qorshahani la xidhiidho Istaraatiijiyad ballaadhan oo Turkigu ka leeyahay Soomaaliya taas oo taxan ilaa sahaminta shidaalka, oo ay dheeryihiin qorsheyaal kale oo Istaraatiijiyadeed.
Saacadiihii la soo dhaafay waxa baraha bulshada dhex wareegayey muqaallo si weyn u faafay oo muujinaya dayaarado dagaal oo ka haadaya Madaarka Muqdisho. Dhanka kale, waxa isbeddel lagu sameeyey hoggaanka Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyada oo xilka loo dhiibay taliye cusub. Munaasibadda ay xilka kula kal wareegayeen Taliyihii hore Yuusuf Odowaa iyo taliyaha cusub Gaashaanle sare Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa waxa ka hadlay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi isaga oo sheegay “In Turkigu siiyey Ciidanka Xoogga Soomaaliya uu siiyey diyaarado dagaal” Walow aanu wasiirku wax faah faahin ah ka bixin tirada diyaardaha iyo shuruudaha lagu bixiyey. Hadalka wasiirka ayaa noqonaya qirashadii ugu horraysay ee la xidhiidha diyaardahan ee uu bixiyo masuul sare oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Diyaaradahan dagaal ee Turkigu ku soo daabulay Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli xiisadda siyaasadeed ee gobolku tahay mid kacsan, isla markaas na ay taasi sababtay sii xoogaysiga xidhiidhka u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho. Waxa iyana Xusid mudan in Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya uu tababbaro ku soo qaatay Turkiga. Heshiis difaac oo ay Ankara iyo Muqdisho kala saxeexdeen sannadkii 2024 waxa uu sababay in uu Turkigu siiyo Soomaaliya diyaaradaha qumaatiga u kaca oo hubaysan, iyo in uu ka caawiyo dhanka tababbarada ciidamda, waxa intaas dheer in uu ballan qaaday dhismaha ciidan badeed oo la sheegay in lagu sugayo amniga badda Soomaaliya.
Marka laga yimaaddo dhanka difaaca, Turkigu waxa uu maalgelin ku sameeyey Dekadda Muqdisho, dhismaha Madaarka Aadan cadde oo ay gacanta ku hayaan Shirkado uu leeyahay. Arrimahan oo la isku daray waxa ay Turkiga ka dhigayaan dalka saameynta iyo galaangalka ugu badan ku leh Muqdisho.