Skip to main content

Thursday 22 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil oo Hargeysa Ka Degay

6 January, 2026
Image
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil oo Hargeysa Ka Degay
Share

Toddobaad ka dib aqoonsigii ay is-dhaafsadeen Somaliland iyo Israa’iil, waxa mar kale tallaabo weyn qaadday Israa’iil oo Wasiirkeeda Dibedda u dirtay Hargeysa, arrintaas oo u muuqata in ay farriin carin ah u dirayso Soomaaliya iyo dalalkii la saftay. Gadcoon Saacir, Wasiirka Dibedda ee Israa’iil, iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeysa waxana ay kulamo la leeyihiin Madaxweyneha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi – Cirro.

Xogaha ayaa sheegaya in weftigani u socdaan sidii dhidibbada loogu taagi lahaa xidhiidhka diblumaasi ee labada dal ee dhawaan is aqoonsaday iyo in la furo hannaankii iskaashi ee ay hore ugu heshiiyeen labada dhinac. Waxa, sidoo kale, la filayaa in Madaxweyneha Somaliland iyo Wasiirka Dibedda Israa’iil u warramaaan warbaahinta iyo in heshiisyo la kala saxeexdo.

Intii ay socotay soo dhaweynta weftiga Israa’iil waxa qaybo ka mid ah hawada Somaliland lagu arkayay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil, arrintaas oo muujinaysa diyaargarow amni oo ay labada dhinac ka sii yeesheen faragalin kaste oo suuragal ah oo ay dalal shisheeye isku dayaan in ay ku sameeyaan hawada Somaliland.

Booqashadan weftiga Israa’iil ayaa mar kale hore u dhaqaajisay qaddiyadda Somaliland iyo xidhiidhkeeda dibedda, iyada oo toddobaad ka hor ay Somaliland xaqiijisay guushii siyaasadeed ee u weynayd dhanka arrimaha dibedda, tan iyo markii ay dib uga baxday midnimada Soomaaliya, sannadkii 1991kii, taas oo ah aqoonsiga rasmiga ah ee ay ka heshay Dawladda Israa’iil.