Saturday 6 December 2025
Warsan Shire, oo ku suntan qoraa iyo maansoyahan ku maansoota afka Ingiriisiga, waxay ku dhalatay Nayroobi, Kiiniya, 1-dii Ogosto, 1988-kii. Muddo ka dib, waxay qoyskeedu u guureen Ingiriiska waxaanay dageen Landhan. Waayaheedii korriinsho iyo tacliineed waxay ku qaadatay carriga Ingiriiska, kuna baratay hab qoraalka toolmoon (Creative writing). Indhawaale wuu muuqday doorkeeda maanso, oo mucda iyo dareen-abbaarka maansooyinkeeda ayay dhadhansadeen daneeyeyaasha suugaaneed. Waxaa maansooyinkeeda sees u ah oo ay meerisyada kaga dhabwarrantaa hoobadkii qarankeeda, qaxii, silica dibadyaalnimo, haweenayda xaggan iyo xaggaaba ku dulman, iyo labka Soomaaliga ah ee arligiisa qab weynida ku gubay misana dibadyaalnimada iyo cidladu isu raaceen.
Doogta ay la nool yihiin iyada iyo bulshada la ayaanka ah ayay ka maansootaa. Isku-daygeeda tix curintu waxa uu soo maray maraaxil kala jaad ah, dabadeedna waxa ay soo saartay buugaag urursan tixeed ah. Buuggeedan ‘Dhallaankii Hooyadii Dhalmada Baray – Teaching My Mother How to Give Birth’ waxa uu hormuud u yahay shaqooyinka suugaaneed ee Warsan Shire. Daabacaad ahaan waxa soo saartay flipped eye publishing, oo ah madbacad uu asaase ka yahay maansoyahanka reer Gaana ee Nii Ayikwei Parkes—oo ah qoraa, gabyaa iyo curiye aad ugu dhuundaloola tixaha casriga ah ee metelaadda bulsho laga dhadhansado. Yoolka madbacaddu waxa uu ahaa: in fursad daabacaad la siiyo qorayaasha cusub iyo kuwa laga tirada badan yahay. In la taageero codadka Afrikaanka, Karriibiyaanka, iyo qaxootiga, kolka dambena la dhiirrigeliyo suugaanta casriga ah ee Ingiriisiga. Dhab ahaantii intaasina waa laga dhex arkaa maansooyinka Warsan, oo sidaasi isu dhammaystireen yoolasha madbacadda iyo waxsoosaarkeedu.
Warsan waxa ay maansooyinkeeda ku iftiimisaa nuxurro miisaanka culus ah, iyada oo isku dhafta doogta arligii ay kala timid, silicii ay soo mudatay intii ay u soo jiitamaysay qurbaha iyo mugdiga mustaqbal ee ka jira arligeeda; Soomaaliya. Urursan tixeedkan—'Dhallaankii Hooyadii Dhalmada Baray'—waxaa ku urursan tixo ay ku iftiiminayso nuxurradan ka la ah;
Kala-haadkii Hoyga: Marka hore waxaa isdultaagid iyo ku dul feker mudan tixda 'Conversations About Home' oo ay Warsan kaga maansoonayso kala-haadkii hoygeeda ka aloosmay iyo kadeedka la maro kolka hoygu noqdo mid uu silic iyo saxariir ka dhex aloosan yahay. Tuducan “Qofna hoygiisa kama dhaqaajiyo illaa uu hoygu noqdo af libaaxbadeed" waxay Warsan ku muujinaysaa sida ay ugu qasbanaatay, iyada iyo bulsho badani, in ay ka alaabgurtaan hoygooda, iyo sida hoygu u noqday mid bahalgaleen ah oo ay dad badani u maciinbideen in ay xasuusahooda, arligooda, caasimadahooda iyo soohdintooda ka dhaqaajiyaan, oo ay nolol dhaanta tan hoygooda u raadsadeen.
Marka xigta, Warsan waxa ay isla tixdan kaga warramaysaa silica tahriibta iyo qaxootinimada, iyada oo ka warramaysa sida loogu qasbay berrigii ay ku noolayd in ay ka alaabgurtaan iyada iyo bulsho badan oo ay isu dhiibaan mowjadaha badweynta iyo miciyaha libaax badeedka. Waxay ku sii xejinaysaa sida qofka Soomaaliga ahi uu badweynta ugu geeriyoodo, oo uu ugu sii silco saxaraha Liibiya, oo uu haddana ugu cataabo cod dheer si uu u helo jaakadda bedbaadada marka ay doontu Galbeed tagto. Kolkaas bay leedahay; 'Waxay i la tahay in xeebtu ka bedbaado roon tahay berrigii' (I thought the sea was safer than the land).
Iswaaga iyo israadinta qaxootiga: Warsan, kol kale, waxa ay isdultaagaysaa oo ay ka maansoonaysaa iswaaga qofka Soomaaliga ah ku dhaca kolka uu galbeedka tago, iyada oo leh: 'Ma garanayo dhabbahaan hayo, halkaan ka imidna way sii libdhaysaa. Xaggan [Qurbaha] la iguma soo dhowayn, oo xaggani quruxdayda qurux looma arko. Jidhkaygu waxa uu ka gubanayaa ceebta ah in aanu qurbaha waxba ku lahayn. Qofka Soomaaliga ahi marka u dhextago arli uusan waxba ku lahayn, afka lagaga hadlana aanu waxba ka aqoon, sharafkii iyo dhaqankii uu ka yimidna uu ka soo libdho, yaxyaxa iyo ceebta uu la dubaaxiyo jidhkiisu ayay Warsan ka dareen-warramaysaa.
Markale, iswaagu waxa uu kaga yimaadaa qofka Soomaaliga ah kala duwnaanta ilbaxnimooyinka, dhaqamada, afafka, diimaha iyo bulshooyinka. Taasi waxa ay qofka ku riixdaa in uu labo hayb yeesho inta uu joogo carriga uu soogalootiga ku yahay. Labo af buu ku kala warramayaa; af uu ugu warramo qoyskiisii iyo xigtadiisii weli ku sii nool arligii bahalgaleenka noqday ee uu qofku ka soo alaabgurtay iyo af uu ku akhristo wargaysyada arliga uu magangalyada ka helay. Labo dhaqan buu yeelanayaa; sowracii lagu soo ababiyay iyo dhaqan uu kula tacaamulo bulshada Galbeedka ee uu ku dhex nool yahay. Wad uun adigu..... Haybwareerkaasi waxa uu qofka ku sallidaa in uu la noolaado xanuunno nafsadeed iyo ku kaliyaysiga xasuusaha arligiisii.
Kadeedka haweenayda Soomaaliyeed: Si guud ayay Warsan uga maansootaa, marar badan, tacaddiga ay la nool yihiin dumarka Soomaalida. Markan se, waxay si gaar ah isu dultaagaysaa kadeedka qurbaha ay kula nool yihiin dumarku, iyo sida ay xaggan iyo xaggaaba u yihiin 'dhib-u-joogayaal' oo waa ta tuduc dhan ku leh; 'Haweenka qoyskayagu waa haraadigii dagaalka'. Mar kale waxay ka warramaysaa doogta ay la nool yihiin haweenku iyo kalinimadooda iyada oo si gaar ah uga sheekaynaysa hooyadeed ama ayeeyadeed, ka dibna dhowr maanso ku sawiraysa: Carmal carruur looga tagay. Gabadh aabbaheed firaaqeeyay. Gabadh kale oo guur qarsoodi ah lala yeeshay oo, ka dibna, ka qaybgalaysa aaska seygeeda, nasiibdarro se aan reerka seygeedu aqoonin, iyada oo ku metaalaysa 'timir-xabaal-taal'. Iyo haween kale oo kufsi iyo xadgudub loogu soo gaystay arligii bahalgaleenka noqday ee ay lahaayeen. Si qotodheer oo sii ridan ayay kaga warramaysaa in haweenku yihiin barbaariyayaal, il nololeed iyo hooyooyin xambaarsan qulub iyo haybwareerka qurbaha, iyaga oo ay u sii dheer tahay dibadyaalnimadu.
Aan soo ururiyo e, waxa uu urursan tixeedkani nagu qasbayaa in aannu indho kale ku eegno oo aan u cudurdaarno dadyowga bulshada ka tirsan ee ka alaabguranaya arligeenna iskuna dhiibaya hirarka badda, iyaga oo isku cidhiidhsanaya doon itaal yar, misana sii maraya saxaraha iyo siliciisa si ay nolol dhaanta ta arligooda u raadiyaan.
Mar kale, waxa ay tix walba u jidbixinaysaa sababta dadyowgaasi marka ay qurbaha tagaan ay waqtiga ugu badan ugu bixiyaan in ay dib innoo la soo xidhiidhaan iyaga oo doonaya in ay dib u soo jalleecaan dadkoodii misana ka dhex goobaya xusuusihii qoyska iyo arligii ay ka soo hayaameen. U garaabidda dadyowga qurbajoogta ah ka dib, waxa uu buuggu nagu riixayaa in aan dib boorka uga jafno habfekerkeenna ku aaddan arligeenna, iyada oo ay biyokamadhibcaan tahay in aan ka fekerno sidii aan arligeenna uga dhigi lahayn mid xasiloon, aan laga qaxin, ee ay tahay in aan ka dhigno mid ay dib ugu soo noqdaan kuwa ka suudalay uguna sii noolaadaan kuwa ku dhex nool weli. Dhinaca kale, waxa tixaha haweenka ay kaga warramayso Warsan nagu riixayaan in aan dib boorka uga jafno, sida oo kale, sida aan haweenkayaga ula tacaamulno. Isla kol kale dhaqanka qaybtiisa duugowday ee dabra haweenayda in aan dib-u-qeexid iyo hab-arag cosab ah u samaynno ayay nagu riixayaan tixahaasi, si aanay haweenkayagu u noqon dhib-mutayaal uu laboodku dulmi kula kaco, loona helo wadanoolaansho horseeda bulsho dib-isu-qeexday oo berrigoodu ay nolol ka aloosantay.