Thursday 15 May 2025
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, warqad uu bishii Maaris u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, waxa uu ugu soo bandhigay in uu saldhigyo istiraatiiji ah u gacangeliyo Maraykanka, goobahan oo ah laba saldhig oo ciidamada cirku adeegsadaan, Berbera iyo Ballidoogle iyo labada dekadood ee Berbera iyo Boosaaso. Tallaabadani waxa ay u muuqataa mid Xasan Sheekh Maxamuud kaga jawaabayo kor u kaca beryahan dambe ku yimi suuragalnimada in uu Maraykanku Soomaalilaan aqoonsado, dhinaca kalena waa tallaabo u muuqata in Xasan xoojinayo kaalintiisa siyaasadeed ee gudaha, xilli ay kor u keceen caqabadaha halista ku ah maamulkiisa Muqdisho.
Si loo abla’ableeyo tallaabadan waxa loo baahanayaa in si ballaadhan loo eego xaaladda siyaasadeed iyo bed-siyaasadeed. Waxa kor u kacay dhaqdhaqaaqyada tilmaamaya in maamulka Trump u janjeedho dhinaca aqoonsiga Soomaalilaan waana suuragalnimo ay xoojinayaan dedaallo gobolka iyo caalamkaba ka jira, gaar ahaan muhiimadda uu yeeshay Gacanka Cadan, xilli Xuutiyiinta iyo Iiraan dhaqdhaqaaqyo ka wadaan. Waa xilli ku beegan duullaanka gardarrada ah ee Israa’iil ka waddo Qasa. Arrimahani waxa ay kordhinayaan muhiimadda in Maraykanku saldhigto marinka Badda Cas. Intaas ka sokow, waxa iyana jirta isballaadhinta degdegagga ah ee Shiinuhu ka wado Geeska Afrika, waana dal ay Istiraatiiji ahaan tartan ka dhexeeyo Maraykanka loollankii Badda Shiinaha ee Koonfureedna gebogebo ayuu ku dhowyahay.
Soomaalilaan, oo ah mid ka mid ah laba dal oo Afrikaan ah, oo xidhiidh rasmi ah la leh Taywaan, waxa ay Maraykanka, oo ka hortagaya isballaadhinta Shiinaha, u noqonaysaa saaxiib jaadgoonni ah oo uu u adeegsado ka hortagga isballaadhintaas, qodobkanina waa waxa muhiimadda gaarka ah siinaya Soomaalilaan. Haddaba Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya muhiimaddan istiraatiijayadeed ee uu Maraykanku doorbidayo, waxa uu Maraykanka usoo bandhigay ballanqaad ah in uu u suurogaliyo saldhigashada goob istiraatiiji ah oo u saamaxaysa ka hortaggiisa Shiinaha.
Sida ku xusan warqadda uu diray Xasan, xarumaha uu ballanqaaday “waxa ay xoojinayaan in uu Maraykanku gobolka kaalin weyn ku yeesho, waana xarumo u suurogalinaya isgaadhsiinta milatari iyo saad. Dhinac kalena waa xarumo ka hor istaagaya awoodaha kale ee tartanka kula jira Maraykanka in ay saldhigtaan marinkan istiraatiijiga ah”. Tallaabadan Xasan Sheekh waxa ay kusoo beegmaysaa xilli Maraykanku hanjabaado u dirayo Iraan , isaga oo mar dhexe ugu hanjabay “duqayn aan hore loo arag” haddii aanay Iiraan aqbalin heshiis ay la gasho.
Mar labaadkan uu Trump xilka qabtay waxa batay soo jeedinaha ku saabsan aqoonsiga Soomaalilaan ee ka imanaya xubnaha Jamhuuriga, iyaga oo raba hirgalinta talooyinkii lagu soo jeediyey “Mashruuca 2025” oo ku baaqayey in Maraykanku dib ugu laabto kaalintiisa istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika, beddelna u noqon kara hoos u dhaca kaalinta Maraykan ee Jabuuti. Taladan dhabaynteeda waxa metelay xeer uu xildhibaan Iskot Beeri (Scott Berry), soo jeediyey bishii Diisambar ee 2024, kuna baaqayay in Soomaalilaan la aqoonsado.
Isbeddelkan la filayo in uu ku dhaco siyaasadda Maraykanka waxa keenaya sababo dhawr ah, waxaana ka mid ah: awoodaysiga Jamhuuriga iyo aragtida Trump ee ah in laga maarmi karo dhawridda siyaasadda “Midnimada Soomaaliya”. Waxa kale oo ka mid ah sababaha muhiimadda jiyoo-siyaasadeed ee Somaliland marka ay noqoto ka hortagidda Shiinaha iyo wakiillada Iiraan. Muhiimaddan ka sokow, Somaliland waxa ay ku guulaysatay in ay gudaheeda dimuqraaddiyad ka hirgeliso, gaar ahaan doorashooyinkii u dambeeyey oo loo arkayey kuwo jaangoynayay masiirka siyaasadeed ee Somaliland. Sababahan oo jira, haddana weli aqoonsiga Somaliland ma aha mid la hubo.
Koongarayska Maraykanku waxa uu sannadkii 2023 oggolaaday xeer dhigaya xoojinta iskaashi lala sameeyo Soomaalilaan, iyada oo aan aqoonsi buuxa la siin. Xeerkan uu dedaalkiisa lahaa xildhibaanka Jamhuuriga ahaa ee James Rich, waxa loo arkayey in uu isku dheellitirayo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya iyo la shaqaynta Soomaalilaan oo ah meel xasiloon oo dimuqraaddi ah. Tifaftirkii xeerka qabyoqoraalka ahaa in laga saaray “iskaashiga nabadgalyo ee Soomaalilaan” waxa uu u hiiliyey siyaasadda midnimada Soomaaliya, dhinaca kalena, Soomaalilaan waxa ay xeerkan u arkaysay guul diblomaasiyadeed iyo tallaabo hore loogu qaaday dhanka aqoonsiga.
Si ka duwan maamulkii Biden ee aaminsanaa dhawridda siyaasadda midnimada Soomaaliya, haayado sida Pentagon-ku, waxa ay danayn u muujinayaan in ay goobjooge ka noqdaan Berbera, oo waxa hore u booqday masuuliyiin ka socda AFRICOM. Arrinkani waxa uu ka tarjumayaa kala duwanaan gudeed oo ka dhex jirta mawaaqifta Maraykanka ee ku saabsan qaddiyad isugu jirta nabadgalyo, istiraatiijiyad iyo jiquraafi.
Guusha Trump kaddib safaaradda Soomaaliya ee Washinton waxa ay gashay tabaabushe, iyada oo kiraysatay shirkado xidhiidhada guud qaabbilsan oo Maraykan ah. Safaaraddu waxa ay heshiis ku fadhiya lix boqol oo kun oo dollar sannadkii kula gashay shirkad ka shaqaysa cadaadinta aqoonsiga Soomaalilaan (waxaana maad leh in Soomaaliya kaalmo ka hesho Maraykanka si ay mushaharka xukuumadda isaga bixiso). Dardargelinta shaqooyinkaas safaaraddu rabtay waxa fulinayey dad, sida Laystar Monson iyo Scott Owens, si ay u hor istaagaan sharciyada taageersan aqoonsiga Soomaalilaan ee laga dhex wado Koongarayska Maraykanka. Sidoo kale, safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanku, Daahir Cabdi, waxa uu qaaday olole dardar leh oo ka dhan ah aqoonsiga Soomaalilaan ee Jamhuuriyiinta iyo Koongaraysku wadaan. Soomaaliya waxa ay dhaqdhaqaaqyada cusub ee aqoonsiga raadinta ah u aragtay halis soo foodsaartay sheekada aan duugoobin ee “Soomaali midaysan”.
Dhinaca kale, diblumaasiyadda Soomaalilaan waxa ay u muuqataa mid suursan, walow aanay gebi ahaanba masraxa ka maqnayn. Inkasta oo miisaaniyad badan loo qoondeeyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda, haddana Bashiir Good, oo ah qofka Soomaalilaan ku metela Maraykanku, waxa uu tebinayaa in mid ka mid ah xubnaha Koongaraysku u sheegay in sababta dunidu isaga indhotirto Soomaalilaan ay tahay “in aanay wax dhib ahi ka jirin”.
Arrinka ku cusub farriinta Xasan Sheekh ee u dambaysay waa in beesha caalamku quus ka joogto dawlad dhiska Soomaaliya, iyada oo kooxaha Islaamiyiinta ahi sii awoodaysanayaan, dalkuna dastuur la’aan yahay. Waxa kale oo jira qodob Maraykanku ku qanacsanyahay, ugu yaraan kooxda Trump, oo ah in aanay midhodhal yeelanayn dawlad dhiska Soomaaliya (ilaa hadda Trump ma magacaabin kooxdiisa arrimaha Afrika, waxaana suurogal ah in kooxdaas lagu soo daro dad taageersan qaddiyadda Soomaalilaan, sida Peter Faam). Rejodhigga Maraykanka waxa caddayn u ah in kaalmadii Maraykanka ee USAID lasoo marin jiray la gooyey. Waxa iyaguna fidaya kooxda al-Shabaab, oo isku dayday in ay qarax la beegsato madaxweyne Xasan Sheekh, toddobaad ka hor, waana dhacdo amni oo ay dalka ugu dambaysay xilligii Cabdilaahi Yuusuf.
Qodobbadaas hore waxa kala qaybsanaanta siyaasadeed ee uu dalku la daalaadhacayo. Waa khilaafyo ku qotoma beddelidda dastuurka oo uu Xasan u ololaynayo, keenaysana in mar labaad la doorto, isaga oo ku tartamaya xisbi cusub. Waa isku day siyaasadeed oo ay kasoo horjeedaan dadkii siyaasadda kula jiray, sida siyaasiyiinta maamul-goboleedyada iyo madaxda kale ee siyaasadda. Waxa ay u badantahay in isku daygiisani kusoo afjarmi doono muddo korodhsi ugu yaraan laba sanno ah, si la mid ah madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Farmaajo.
Sida la filayey, Soomaalilaan jawaab ayey ka bixisay codsiga ay Soomaaliya Maraykanka usoo jeedisay, xukuumadda Muqdishana waxa ay ku tilmaantay xukuumad aan awood u lahayn in ay bixiso dhul iyo xarun ku taalla meel ka baxsan dhulka ay maamusho, ilaa 1991-kiina aan hoos tegin Soomaaliya. Soomaalilaan codsigaas waxa ay ku tilmaantay mid tabcaan ah oo ah awooddii u dambaysay ee ay Soomaaliya isku dayayso in ay ku hor istaagto suurogalnimada in Maraykanku aqoonsado Soomaalilaan. Sida Wasiirka Arrimaha Dibadda xusay, Soomaalilaan waxa kale oo ay ku doodday in Maraykanku “yaqaan cidda uu la macaamilayo”.
Dhacdadan mid u eg ayaa sannad ka hor dhacday, kolkaas oo Soomaalilaan heshiis kula gashay Itoobbiya in ay saldhig ciidan ka samaysato Lughaya, heshiiskanina waxa uu dalalka gobolka ku dhaliyey cadho, ilaa ugu dambayn Turkigu soo farageliyey arrinka oo sidaas lagu joojiyey, Abii Axmedna dhawaan booqday Muqdisho, inkasta oo Xasan Sheekh hore ugu tilmaamay Itoobbiya“cadaw soo jireen ah oo ay tahay in la waajaho”.
Dhibaatada Soomaaliya haysataa waa in aanay wax talo ah ku lahayn dhulka Soomaalilaan. Booqashadii ugu dambaysay ee masuul Soomaaliya ka socdaa ku tago Dekedda iyo saldhiga ciidamada cirka ee Berbera waa xilligii millitarigu dalka haysteen. Berberba ka sokow, xitaa dekedda Boosaaso ayaan gacan ugu jirin xukuumadda Soomaaliya, maamulka Buntilaanna waxa uu xidhiidhka u jaray Muqdisho bishii Maaris ee la soo dhaafay, ismaandhaafka ka taagan wax ka beddelka dastuurka awgii, se xukuumadda Muqdisho weli waxa ay u aragtaa dhulalkaas oo dhan, deegaanno hoos yimaadda.
Ergaygii hore ee Gaarka ahaa ee Trump u magacaabay Afrika, Peter Faam waxa uu bartiisa “X” ku qoray in: “Muqdisho Maraykanka ku hayso culays maaliyadeed oo sannadkii dhan hal bilyan oo doollar oo kaalmo ah, oo ah dhididka cashuurbixiyayaasha Maraykan, se madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu Maraykanka u haysto doqomo, heer uu marayo in uu usoo bandhigo dekedaha Soomaalilaan iyo Buntilaan, oo aanay midna gacan ku hayn”.
Dadka hawlaha sida dhow ula socda, sida Kamaroon Hudson, oo aad uga muuqda barnaamijka Afrika ee Xarunta Deraasadaha Istiraatiijiyadaha Caalamiga ah, waxa ay aaminsanyihiin in in sababta xukuumadda Soomaaliya codsigan usoo gudbinaysaa yahay in ay Maraykanka ku riixdo in uu aqoonsado sharcinnimada in ay gobolladaas maamusho oo ay hoos tagaan. Haddii aaminaaddan sax loo qaato, waxa uu tilmaan xooggan u noqon karaa mashruuca Soomaaliya waddo ee midnimada ah. Se sida ay u badantahay fekerkayga, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dooddan u galayaa si uu demiyo dhibaatooyin gudeed oo xukuumaddiisu sababtay, maxaa yeelay intii xukuumaddiisu joogtay Soomaaliya dib u dhac baa ku yimi, sidaas darteed arrinku ma dhaafsiisna in uu dadka ku jeediyo qaddiyadda Soomaalilaan, oo u ah kaadh uu ku qarsado fashilka ku yimi dawlad dhiskii Koonfurta ee soo taxnaa ilaa 2004.
Dhinaca kale, maanta waxa si cad markhaati looga yahay fashilka dedaalladii beesha caalamku muddo ka wadday Soomaaliya. Hore waxa dunidu xalka uga raadisay faragelin ciidan oo Soomaaliya lagu sameeyo, in aqoonsi buuxa la siiyo maamulka Muqdisho sannadkii 2013, oo xukuumaddii markaas jirtay loo arko cidda dhaxashay dawladdii dhexe ee duntay. Mashruucan waxa uu u gacangalay koox aan ka duwanayn saamillay kooban oo shirkadeed, oo u dhexeeya Muqdisho iyo Nayroobi, iyaga oo ku dhuunta magaca xukuumad federaal ah, garabna siiyaan ciidamada Afrika ka socda.
Xukuumaddaas la dhoobdhoobay keliya waxa ay ahayd uun is waafajin danihii dagaal-ogaayashii hore, hoggamiyayaashii ururrada jihaad-doonka ah iyo siyaasiyiinta beelaha. Kad dib markii habkan dawlad dhiska loo maray uu dumay, sababo gudeed iyo kuwo dibadeedba awgood, beesha caalamu waxa ay qirtay in aanay si dhab ah u jirin jamhuuriyad Soomaaliyeed, se waxa ka hadhsani keliya yihiin: kooxo kaalmada caalamiga ah hela, ciidamada nabad ilaalinta iyo gaargaarka Turkiga oo dano dhaqaale iyo istiraatiijayadeed riixayaan.
Aragtida cusub ee maamulka Trump waxa ay ku qotontaa in aan xukuumadda Soomaaliya loo arag dawlad wax ka go’aan oo dalka oo dhan maamusha, se loo arko uun goob istiraatiiji ah oo laga helo saldhigyo ciidan oo lagala dagaallamo argagixisada.
Soomaalilaan dhinaca kale waa hannaan kale oo isku dayaya in uu kaalintiisa siyaasadeed hab u gaar ah u buuxiyo. Soddon sanno kaddib madaxbannaanidii ay la soo noqotay, weli may helin wax aqoonsi caalami ah, ha ahaado mid muddo jiitama oo wadahadal ku yimaadda ama mid si dhakhso ah heshiis la gaadhay shardi looga dhigo, sida Is Afgaradkii Itoobbiya ee ku soo af go’ay farogelintii Turkiga.
Waxa aan yididiillo ama aaminaad ka qabay in arrinka Soomaaliya iyo Soomaalilaan dhexyaallaa dhinac uu dhici doono, isbeddelka awoodaha saamaynta ku leh ku yimaadda awgii; ama labada dhinac mid ahaan isbeddel ha ku yimaaddo ama awoodaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah isbeddel ha ku yimaaddee. Sidaas awgeed xaaladahan soo cusboonaaday marka la eego, waxa soo bidhaamaya in wakhtigii wax uun dhinac u dhici lahaayeen soo dhawaaday.