Friday 17 April 2026
Warbixin uu daabacay wargeyska Le Monde ee Faransiiska ayaa daaha ka rogtay in dhisme milatari uu si xawli ah uga socdo garoonka diyaaradaha Berbera ee Somaliland. Warbixintu waxay sheegtay in lixdii bilood ee u dambeeyay ay hareeraha runway-ga garoonka ka bilowdeen dhismayaal dhowr ah. Isbeddellada la arkay waxaa ka mid ah godad la qoday iyo meelo dhulka laga sarraysiiyay, kuwaas oo khubaro wargeysku la hadlay ay ku fasireen calaamado muujinaya in halkaas laga hirgelinayo kaabayaal difaac.
Sida lagu sheegay warbixinta, dhismayaashan waxaa loo nisbeeyay dowladda Imaaraadka Carabta, oo heshiisyo dhinaca difaaca ah la lahayd Somaliland tan iyo sannadkii 2017. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xilligaas sheegtay in Imaaraadku uu garoonka Berbera ka bilaabay saldhig milatari, iyadoo la filayay in joogitaankiisu socdo ku dhowaad 30 sano. Hase yeeshee, dowladda Somaliland ayaa sannadkii 2019 ku dhawaaqday in mashruuca saldhigga milatari ee Berbera loo beddelayo mid rayid ah.
Wararkan ayaa soo baxaya iyadoo bogga rasmiga ah ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland uu weli garoonka diyaaradaha Berbera ku tilmaamayo mid leh adeegyo milatari iyo rayidba isugu jira, taas oo sii xoojinaysa walaaca laga qabo nooca dhabta ah ee uu yahay garoonku.
Dabayaaqadii sannadkii hore, Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, tallaabadaas oo yeelatay miisaan siyaasadeed oo weyn. Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa wareysi uu siiyay Reuters ku sheegay inuu rajo weyn ka qabo in Somaliland iyo Israa’iil yeeshaan iskaashi dhaqaale. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in aanay labada dhinac wali ka wada hadal suurtagalnimada in Israa’iil saldhig milatari ka hirgeliso Somaliland, balse aanu gebi ahaanba meesha ka saarin suuragalnimada iskaashi dhinaca milatariga ah.
Midowga Afrika iyo dowlado kale ayaa si adag uga horyimid aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil, arrintaas oo xaaladda ka dhigaysa mid aad u xasaasi ah. Sidaas darteed, dhaqdhaqaaq kasta oo milatari oo ka dhaca Berbera wuxuu sababi karaa khilaaf la xidhiidha madaxbannaanida Somaliland iyo weliba xiisado heer gobol ah, maadaama Berbera ay ku taallo Gacanka Cadmeed, una dhowdahay albaabka koonfureed ee Badda Cas.
Warbixintu, waxay sidoo kale xustay in runway-ga garoonka Berbera uu ka badan yahay afar kiiloomitir, dhererkaas oo tan iyo markii la dhisay garoonka sannadkii 1970 siiyay faa’iidooyin hawlgal oo naadir ah. Waxa kale oo ay sheegtay in Taliyaha ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, Janaraal David Anderson, uu booqday magaalada Berbera, halkaas oo uu ku yeeshay wada-hadallo amni oo ballaadhan. Tani waxay sii xoojinaysaa aragtida ah in Berbera ay isha ku hayaan quwadaha waaweyn ee dunidu.
Warbixintu waxay sidoo kale adkaysay muhiimadda isku xidhnaanta garoonka diyaaradaha iyo dekedda Berbera, oo ay maamusho shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka, taas oo ku maalgelisay qiyaastii 400 milyan oo doollar. Isku xidhnaantan ayaa Berbera ka dhigaysa meel ay ku kulmaan ganacsiga, loojistikada iyo arrimaha amniga.
Waxa kale oo warbixintu xustay in waxa muranka sii kiciyay ay ka mid tahay markii dowladda federaalka Soomaaliya, horaantii sannadkan, ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay la lahayd dowladda Imaaraadka, kuwaas oo ay ku jireen heshiisyo la xidhiidhay dekedaha Berbera iyo Boosaaso. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Imaaraadka ku eedaysay inuu wiiqayo madaxbannaanideeda.
Dhanka kale, warbixintu waxay sheegtay in Berbera aanay ahayn oo keliya xarun gaadiid, balse ay tahay goob ay ku kulmaan danaha aqoonsiga siyaasadeed, sugidda amniga marin-biyoodka, iyo tartanka quwadaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka.
Weli ma jirto caddayn rasmi ah oo muujinaysa in Berbera ay tahay saldhig wadajir ah oo ay si toos ah u wada leeyihiin Imaaraadka, Maraykanka iyo Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, xogaha isa soo taraya waxay tilmaamayaan inay jiraan dadaallo lagu doonayo in lagu ballaadhiyo joogitaanka milatari ee magaaladaas, taas oo leh muhiimad istiraatijiyadeed oo sare.
Arrintani waxay kusoo beegmaysaa xilli gobolka uu wajahayo marxalad aad u adag oo xasaasi ah, kadib xiisadaha sii xoogaystay ee la xidhiidha iska horimaadyada u dhexeeya Iiraan, Maraykanka iyo Israa’iil, iyo sidoo kale qalalaasaha isa soo taraya ee ka taagan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab al-Mandab. Sidaas awgeed, Berbera waxay si isa soo taraysa ugu muuqanaysaa goob ay ku loollamayaan danaha amni, milatari iyo juqraafi-siyaasadeed ee quwadaha gobolka iyo kuwa caalamkaba.