Skip to main content

Sunday 18 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Warcelinta Wayddiintii: “Waa Maxay Iftiimintu?”

14 December, 2025
Image
Warcelinta Wayddiintii: “Waa Maxay Iftiimintu?”
Share
Hordhac

Qormadani waa tii caanka ahayd ee uu Kaanti soo bandhigay, isaga oo ku qeexaya Iftiimintii oo xilligaa carcarteeda lahayd, falsafaddiisii naqdiga ahayd ayuu faaqidaad bisil oo hiraal ah ka soo dhiraandhiriyay. Qormadani waxay ka soo muuqatay "mareegtii Baarliin ee billaha ahayd" tirsigii bisha Diiseembar, sanadkii 1784. Waxay faallacelin u ahayd fiiro meel hoose kaga soo aroortay qormo uu faafiyay baaderi Burustataani reer Baarliin ah oo la odhan jirey Firidriij Toslaanar, isaga oo gaashaanka u daruuraya diidmadii guurka diiniga ah oo bulsha badan ka gadoodday, — halkudhigga IFTIIMINTA ayay wateen — waxayna ku baaqayeen in lagu ekaado guurka madaniga ah oo barakada Kaniisadda laga maarmo. Qormadii baaderigu si adag ayay ganafka ugu dhufatay baaqyadii iftiiminta iyo xertii hor kacaysayba. Tirsiga bishii Diiseembar ee sanadkaa ayaa mareegtaas aan sheegnay lagu faafiyay. Sidoo kale, waxa xiisa lahayd qaabkii uu baaderigu u faalleeyay walaaca iyo wareerka uu ka qabo waxa ay iftiimintu ka duulayso, isaga oo tilmaamay in uu quus ka ka joogo warcelin dhab ah oo ka shaafisa wayddiinta uu qabo ee ah; waa maxay IFTIIMINTU?

Faylasuufkii Yuhuudiga ah ee Muuse Mandalsoon (1729 — 1786) ayaa toos u abbaaray oo wayddiintii kaga soo jawaabay qormo uu mareegta lafteedii ku faafiyay, isla tirsigii bishaas, sanadkii 1783dii, cinwaanna waxa uu uga dhigay, "Warcelinta Wayddiintii: Waa Maxay Iftiimintu?" Inta aynaan qormadan dambe ka hadal, waxa habboon in aan akhristaha ku wargelinno in uu Kaant xilli sii horraysay diyaariyay qormo arrintaas ku saabsan, kol dambe ayuu se saaxiibkii Mandalsoon la wadaagay. Isu ekaanshaha ciwaanka labadooda qormana ma aha wax kedis u dhacay. Hayeeshee, waxa saamayn ku lahaa masaladan oo berigaa dadka maskaxdooda ka guuxaysay, taas oo ah in salka loo dhigo qeexitaanka iftiiminta iyo nuxurkiisa, dabadeed loo qalab qaato difaaca qaddiyadaha lamahuraanka u ahaa waagaa Iftiiminta. Taas oo ay ku baaqayeen, aqoon yahannada, suugaan yahanka, iyo samatarradii xilligaasiba in uu aadmigu fekerkiisa u madaxbannaan yahay oo laga rawo dabar kasta oo maankiisa lagu gulaalo, ama garashadiisa lagu wiiqo.

Fufkaa waxa soo kiciyay warcelintii laga bixiyay wayddiintii iftiiminta keentay, waxayna ahayd arrin si shil ah u dhalatay oo meel aan laga filayn ka soo dhex baxday. Waxa se mudan in aan xusno oo u mahadnaqno baaderigii qamaamuurta ahaa ee ka yaabay halkudheggii xilligaa la wada hadal hayay, dabadeed wax iska weydiiyay, waxa uu yahay nuxurka iftiimintu? Runtii waxaba bogaadin ugu filan in ay taasi faaqidaad cusub ku abuurtay laba faylasuuf oo ahaa kuwii qarnigii siddeed iyo tobnaad ugu cadcaddaa, dedaalna ku bixiyeen in ay warcelin habboon ka soo celiyaan wayddiintii uu isaga goortaa soo bandhigay. Waxa qaayaha leh ma aha jawaabta iyo wayddiinta toonna, waa go’aankii ay arrintaas ku guddoonsadeen Kaant iyo Mandalsoon iyo raggii la midka ahaa, iyaga oo gorfeeyay habboonaanta ay leedahay in uu aadmiga hore u ambaqaado dhabbada baraarugga iyo iftiinka, aqoonta iyo xornimada, isla markaana garwaaqsado in la huriyo kacdoon gibisha lagu tuurayo, oo lagu ridayo qooqaayada jahliga iyo mugdiga, kuwaas oo dan u arka in xaqiiqada la awdo, si aan gumayntooda looga bixin.

Hayeeshee waxa ayaandarro ah in ay weli qooqaayadaasi cudurkii faafinayaan, iftiinkana la dirirayaan, iyada oo dhawr qarni laga joogo waagii ay iftiimintu ugubka ahayd. Sidaas darteed, waxa aan goor walba la hurayn in oogta iftiiminta jabad kasta laga shido, si uu mugdigu u suulo, gabbaarraydu u bakhtido, aqoontu u bullaasho, gobannimaduna u tisqaaddo.

***

Iftiimintu waa in uu qofku ka baxo qaangaadhnima la'aanta uu naftiisa baday. Qaangaadhnima la'aantu waa in uu ruuxu garaadkiisa adeegsan waayo iyada oo aan cid kale gacanta hayn, isaga ayaana eedda qaangaadhnima la'aanta dusha ku qaadanaya haddii aysan sababtu ahayn in uu garashadeedii la'yahay, balse uu u baahan yahay go'aan iyo dhiirranaan ku guubaabisa in aanu maankiisa saluugin, cid kalana aysan wax u yeedhin. Adigu lahaw go'aanka iyo dhiirranaantii aad caqligaaga ku adeegsan lahayd¹, waa kaas halkudhegga Iftiimintu.

Wahsiga iyo fulaynimadu waa eel ay raalli ku yihiin oo dad badan noloshooda hagaaska ku ragaadiyay, waxana taas u horseedday hanaqaad la'aanta² ay muddada dheer dabiicaddu dardaaran kasta oo yaab leh ku guudfurtay, sidoo kale waxay la il daran yihiin okobnaanta dadka kale oo ay mood ugu yihiin in jeer hore xilkasnimadii laga qaaday. Waxay u muuqataa in uu naftiisa ku odhanayo: Aniga in la ii xilqabo ayaaba ii wacan, haddaanba helayo buuggii ii fekeri lahaa, gaadhka ruuxiga ah ee dubaaqiisu kayga ka dhaqan yahay, iyo dhakhtarka ii sheegaya jaadka ay tahay oonta fayaw ee aan urquunto, maxaaba aniga i luray? Maba jirto wax aanan uga maarmayn inaan fekero, mar haddaanba qarashka iska bixin karo, dar kale oo aan aniga ahayn ayaaba hawshaa culayskeeda iga furanaysa. Dadku intooda badan, (jinsiga dhedig badankii) naftooda waa uga tudhaan in ay tallaabo qudha u qaadaan dhabbada hanuunka, waxayna u arkaan arrin halis ah oo aysan kadeedkeeda u babac dhigi karin. Taas waxa isu xilqaamay qolyaha gacanta ku haya oo isku maamusay in ay u guddoonshaan oo faafreebaan. Markii ay naafeeyeen xoolahooda dabjoogta ah waxa ay si kasta ugu dedaaleen in aysan mar qudha Daadaheeyaha³ ka bixin oo cagahagooda ku dhaqaaqin. Waxa ay ka dhaadhiciyeen in ay belo ku dhici doonto oo aan waxba ka hadhayn haddii ay isku dayaan in ay iskood u tallaabsadaan. In kasta oo aysan waxba u weynayn sida ay wax u buunbuuniyeen, maxaa yeelay ugu danbaynta kolka ay dhawr jeer turanturroodaan waxa ay baran doonaan inay addimadooda ku ciidamiyaan, waxa se dadka argagax ugu filan marka tusaale loogu soo qaato mid dhabbada ku hantaaqay, taas oo ka sii baajisa ambaqaad iyo isku day walba oo ay samayn lahaayeen.

Hayeeshee qof kasta waa ay ka adag tahay in uu keli ahaantii ka gudbo qaangaadhnima la’aanta uu ku sugan yahay ee ku dhawba in ay noqoto abuur dhalan ah oo ku lammaan. Run ahaantii waxa uu arrinku gaadhay heer qaangaadhnima la’aantii la gacloodo, waa marka uu ruuxu si dhab ah uga noogo in uu garaadkiisa adeegsado, sababtoo ah weligiiba lama siin kansho uu isku daygaas ugu dhaqaaqo. Xeerarka iyo qodobadaasina — waa farsamadii loogu laqimay sida uu wixii caqligal ah uu ugu adeegsan lahaa hibooyinkiisa dhaladka ah— waxay noqdeen dabbarradii hagaaska ku daaduunshay, mid kasta oo dabbarradaas ka baxayna ma uusan karin in uu godka ugu gaaban si bedqabta uga boodo, maxaa yeelay weli bootintaas xorta ah hore uma uusan arag, sidaa darteed qolo aan badnayn oo maankooda aan saluugin ayay u suurawday in ay iska xoorto dardaarankii nafteeda lagu rogay oo xasillooni u tallaabsato.

Sidaas oo ay tahay, bulsha weyntu⁴ in ay iyadu wax isu iftiimiso waa arrimaha ugu mudan ee misna u badan tahay in ay hirgasho. Haddii ba — la siiyo xorriyaddii ay taas ku ambaqaadi lahaayeen — waa mid aan la hurayn. Kol oo ay arrintani suurta galin karto — xitaa ku dar qolyaha maxasta loo xil saaray — tira badan oo is ahaantooda u fekera, waxna la sii wadaaga, dabadeed marka gibisha dardaaranka ee duudka ka saaran iska tuuraan. Garashada suubban ee aadmi kasta waxa lagu beegaa xilka ka saaran in uu qofku is ahaantii u fekeri karo. Xaaladdan se waxa fiira mudan bulshaweyntii horraantii harqoodka la saaray in iyaga laftoodii lagu muquuniyo in ay ku sii hoos jiraan, kolka ay middaas kiciso qaar ka mida ilaalayashooda aan kartida Iftiiminta lahayn. Sidaas ayaysan u habboonayn in la abuuro xeerar eex ah, maxaa yeelay ugu danbaynta xitaa waxa ay ka adeejin doonaan kuwii iyagu beeray ama isirkooda. Sidaas darteed waxan suurtagal ahayn in ay bulshadu iftiiminta ku gaadho hannaan kale oo aan ititiibin ahayn. Waxa laga yabaa in uu guulaystay kacdoonkii lagu riday kalitalis awood is biday oo hunguri iyo talamaroorsi waday, balse waa ay adag tahay in ay middaasi keento saamayn togan oo si dhab ah habfeker qumman u abuurta. Hayeeshee waxa xeer eex ku dhisan ee jira oo idil waxa loo adeegsadaa — sida dhaqamadii hore ee duugga ahaa— in dadka intooda maxasta ah lagu habaabiyo oo hoggaanka loogu qabto. Iftiimintu se uma ololaynaso wax aan xorriyad ahayn, sida dhabta ah waxa ay doonaysaa jaad kasta oo xorriyaddu leedahay iyada oo dhib aysan jirin. Dhab ahaantii taasina waa xorriyadda tooska ah ee arrin walba garaadka loo bandhigo.

In kasta oo aan maqlayo dhawaaqyada faraha badan ee dhan walba ka soo dhacaya iyaga oo leh: Ha fekerina⁵. Dhammaha ayaa odhanaya: Tababarta oo waxba ha fekerina. Hantidhawrka ayaa isaguna odhanaya: Bixiya oo waxba ha ka fekerina. Wadaadkii ayaa odhanaya: Idinka oo aan ka fekerin rumeeya, (Mudane qudha⁶ ayaa adduunka middaas ka duwan oo yidhaahda: Sidaa aan doontaan u fekera iyo waxaad doontaanba, aniga se i adeeca!) Waxaas oo dhami waa xorriyadda oo la dabrayo. Se Intaas oo dabar kee ayaa iftiiminta carqalad ku ah? Kee ayaan se gulaalayn oo taageeraya? Wayddiintaa ayaan odhaahdayda kaga jawaabayaa: Waxa habboon adeegsiga garaadka ee toosan⁷ in uu goor iyo ayaanba madax bannaan yahay, isaga oo keli ah ayaa awooda in uu dadka Iftiiminta ku dhex faafiyo, garaadka oo gooni loo adeegsado waa ay bannaan tahay in si adag loo dabro, inta aysan dhicin in ay middaasi waxyeello ba'an u geysan horusocodka iftiiminta, waxan se u gol leeyahay adeegsiga uu qofku caqligiisa ku dhaqma, waa midka uu aqoon yahan ku wax ku qabto in aysan gaadhin bulsha weynta akhristayaashiisa ah, balse garaadka oo si gooni ah loo adeegsado, taas waxa uga jeedaa aqoon yahankaa oo guddoonsada in uu garaadkiisa gaar ugu adeegsada jago uu hayo ama shaqa dad weyn oo loo igmaday.

Dhab ahaan waxa jira hannaan hawlaha dawladda loo qabto oo dad weynaha loogu shaqeeyo, taas oo maamulku ugu hoggaamiyo midnima qumman oo hawlaha arlada lagu qabto, ama se ka hor tagta in waxqabadkaas ay daanno gaadho, goortaana ma ay qummana in ay wax dood ah ka soo noqoto, waa in loo hoggaansamo. Hayeeshee waxa xilligaas hannaankaa maamulka uga dhex muuqda, isaga oo misna bulshada inuu ka mid yahay isku tiranaya, ama se ba dunida si guud u wax u faaqida, isaga oo Baadhe ahaan qoraalladiisa ugu jalbeebaya dadweynaha oo si madax bannaan u fekeraya, waa ay u bannaan tahay in uu dooddiisa abbaaro, misna aan waxyeello u geysan hawlaha arlada ee loo igmaday. Haddii uu midkood saraakiisha—hawlgalka ku jira uu muran ka keeno oo ka doodo dheefta ugu jirta amarka ay madaxdiisu siisay, dhib weyn baa ka dhalanaysa, maxaa yeelay waxa la faray in uu u darbanaado ayay u baahan tahay, sidaas oo ay tahay ma qummana — haddii uu yahay waxgaradka shaqada ku fooggan — in uu gabo kaalinta iyo fiirada uu shaqada ku leeyahay ee uu ku qeexayo dheelliga ku jira hawlaha ciidanka, isla markaana uu gefafkaa sheego inta aan hawsha loo guda galin. Muwaadinku gar uma laha in uu diido cashuurta ku qoran, waaba la ganaaxaya haddii uu dhaliisha jaadkaas ah la badhedho iyada oo laga digayo in ay arrintaasi qalalaase guud kiciso. Isla markaana muwaadinkaas lagama xayuubinayo garta uu u leeyahay in uu qof ahaantiisa u dhaliilo cashuurta oo noqota wax aan la aqbali karin ama garsoorka baalmarsan. Caynkaas oo kale, wadaadka waxa faran in uu ardayda iyo xertiisa wax u baro qaab raacsan Kaniisadda⁸ uu ka tirsan yahay, maxaa wacay shardigaas ayaa uu shaqada ku aqbalay.

Hayeeshee is ahaantiisa waa u madaxbannaan yahay, weliba waxa huran in uu aragtidiisa faafiyo — ta uu baadhid dheer kadib gaadhay, niyadsami iyo toosnaana u raacdo — waxna ka faaqido gefafka uu arko in Mad'habku leeyahay, sidoo kale dadweynaha u soo jeediyo arrimaha ay tahay in wax laga hagaajiyo ee caqiidada iyo kaniisadda ku saabsan. Inahaas oo dhan ma aha in ay wax culays ah ku noqdaan, sababtoo ah waxa uu qabanayaa isaga oo gudanaya kaalintii ay kaniisaddu u igmatay, ma aha wax uu isago door ku leeyahay oo sida ay la noqoto u dhigayo, hawlaha se waxa ku fulinayaa tabtii loogu diray iyo magaca ciddii ujeedkaas u xil saartay. Waxa uu odhan doonaa: Kaniisaddeenu waxa ay jidanaysaa sidan iyo sideer, tanina waa maragfurka iyo xujooyinka ay xiganayso.

Dabadeedna xertiisa ayuu uga lafagurayaa waxqabadyada dheefta leh ee ku jira, taas oo laga yaabo in uusan si weyn ugu qanacsanayn, misna dedaal ayuu galinayaa si uu u gudbiyo, in kasta oo ay adag tahay in ay xaqiiqa bidhakamadhibcaan ah ku duugan yihiin, sidoo kalana ay u badan tahay in laga helo wax diintaba duraya. Haddii uuse mala weyn ka galo in uu hannaankaasi yeesho qodobbo uu arko in ay diinta ka soo horjeedaan, waxa habboon in uu xilkaas iska wareejiyo oo banneeyo. Haddaba bare shaqadaas loo igmaday in uu caqligiisa adeegsado isaga oo aan xertiisa ka talagelin waa adeegsi gaar ah, maxaa yeelay xertiisu jees kooban ayay noqon doontaa si kasta oo at tiradooda u korodho. Sidaas darteed wadaadku ma ahaan karo mid u madaxbannaan falkiisa, mana qumana in uu taas ku kaco inta uu ka fulinayo axdi iyo ballan uu cid kale la galay ama xil u dhiibatay. Balse is ahaantiisa isaga oo caallin ah oo dadweynaha dhabta ah wax ku gaadhsiinaya qoraalladiisa, haa dunida oo idil, sifadiisa wadaad ahaan ayuu caqligiisa si toos ah u kaashanayaa, xornima buuxda oo aan dabarna ka celin doonin in uu caqligiisa gaar u adeegsado oo qof ahaantiisa wax u faaqido. Qolyaha ilaalada ka haya dadka (arrimahooda diinta) in aysan iyaga laftooda qaangaadh ahayn, waxay abuuraysaa ayaandarro taxane noqon doonta.

Hase ahaatee, guurtida Kiniisadda ama xerta foolaadka (sida ay Holondiisku ku magacaabaan⁹) in ay dhexdooda ku dhaqmaan mad'hab dhidban oo xubin kasta taabanaya, dabadeed bulshada wada saameeya, hadhawna uu noqdo guddoon sare oo dhaabad ah oo ay waaqood u hoggaansamaan? Wayddiintaa ayaan ka warcelinayaa, waxana leeyahay: Arrinkaasi waa mid aan sinaba u suuroobi karin. Heshiiska jaadkaas oo kale ah oo yoolkiisu yahay in uu abbaaro isku day walba oo basharka lagu iftiimin lahaa waa in uu yahay mid gebi ahaanba baadil ah, weligiiba talisku ha taageero oo golayaasha shacabku ha yeelaan ama guddida nabadgalyadu ha buunbuuniso. Waa waayaha ka mid ah ma bannaana in la iska raaco sidii loo dhagri lahaa waaga danbe ee iman doona, inta la geliyo xaalad go'doon ah oo uusan aqoon kororsan karin (weliba kuwooda loogu baahi badan yahay), lagana curyaamiyo kartidii u gefafka isaga dhawri lahaa, waddada iftiinkana horey ugu sii qaadi lahaa. Haddii ay taasi dhacdo, waa faldanbiyeed weyn oo baxaalliga aadmiga laga galay, iyada oo horusocodnimadu tahay dabci dhalan ah oo uu dadku leeyahay, waxana faran faca xiga ee iman doona in uu dhaleeceeyo go'aannadaas ay iska goostaan qolo aan geyin, isla markaana si ba'an ugu gaboodfalay. Xeer kasta oo bulsho lagu dhaqo, waxa gundhig ah wayddiintan: Suurtagal miyay tahay in ay bulshadu xeerkan iyadu dejisatay?

Waxa laga yaabaa in ay suurtagal tahay, muddo kooban ayaana lagu sii sugayaa iyada oo hannaan kumeelgaadh ah la dhisayo inta mid dhaama laga hirgalinayo, muwaadin walba, si gaar ah wadaadadda, sifaha xubnaha aqoon yahanka in ay ka mid yihiin, waxa ay helayaan xorriyad ay ku gorfeeyaan goldoloolooyinka hannaankii hore, kan kumeelgaadhka ahina waa uu sii jirayaa, inta qodob la isla qaadanayo oo wax la wada guddoonsanayo, dadka codadkoodana waa lagu midaynayaa (haddii xitaa aan la isku wada raacin), soojeedinta ciddii guddoonka loo dhiibayo, waxana uu noqon doonaa qodob aan u roonayn kuwii iyagu qabay in tabtii hore lagu sii jiro. Hayeeshee fahan diimeed oo sugan oo la isku raacay cidna looma ogola in ay si qayaxan u dhaleecayso, haddii uu xitaa qof cimrigii ka gaaban yahay, in la gebagebayeeyo marxalad ka mid kuwa uu aadmiga maro oo dhinaca horusocodka u qaadayo, in sidaas lagu gabo oo misna u daran faca soo koraya, waa mid aan sinaba loo yeeli karin. Waxaba laga yaabaa in uu qof iftiiminta naftiisa beryo dib u dhigto, isaga oo tixgalinaya arrin uu doonayo in uu fahmo, balse in uu gebi ahaanteedaba faraha ka qaado, isaga oo naftiisa iyo faca iman doona aayahooda u lexjecloon, taasi waxay noqonaysaa gaboodfal uu milgaha dadnimada ka galayo, ama uu ku tumanayaba.

Waxa aysan bannaanayn in ay bulshadu is ahaanteeda isku xukunto, ayaan sidoo kale bannaanayn in uu boqor shacabkiisa ku qaado, maxaa yeelay awoodda fulintiisu waxa ay ku salaysan tahay in ay doonista bulshadu ku midaysan tahay guddoonkiisa, haddii uu ka soo baxo in waxqabad kasta hagaag u maareeyo, ama uu noqdo mid hannaanka la jaanqaadaya, kolkaa waxa la qaatay in uu shacabkiisa faraha uga qaadayo waxa ay falanqaynayaan ee ay ruuxdaada ku baxnaaniyaaan, taasi waa hawl aan isaga u oollin, waxa se loo igmaday in uu muwaadinna mid kale awood ku muquunin oo ka hor is taagin in uu naftiisa baxnaaniyo intii uu karo. Waxyeello ayay boqorka haybaddiisa ku noqonaysaa in uu arrimahaas dhex galo, sida in uu shacabka faallada iyo aragtidooda isku dayo in uu faafreebo, isaga ayaa taas dhaleecayn ku mudan doona, tabta ay murtidii lahayd “Qaysarku waxba ma dheera Naxwoolayda.”

Arrintu waxay ugu daran tahay in ay taliskiisa gudaha u sii gasho oo taageero u samayso koox yar oo qawlasato diimeed ah, kuwaas oo bulshada inteeda kale awoodda dawladda u adeegsata.Haddii lagu wayddiiyo: Maanta miyaynu nool nahay waa iftiimaya? Warcelintu waxay ahaan lahayd, maya, waagii IFTIIMINTA ayaynu joognaa. Haddii se aan xaaladaha jira si guud u qiimaynno, waxan odhan lahayn weli dadku uma dhawa in ay garaadkooda madaxbannaani ugu adeegsadaan arrimaha diinta—adeegsi togan oo sugan oo aan cid kale gacanta ku hayn. Hayeeshee weli middaas diyaar uma wada aha, ma na geyaan in ay arrintaas u qumaan. Sidaas oo ay tahay, waa la odhan karaa tibaax ayaa jirta ah in loo furay dhabbo ay horay ugy sii socdaan si ay yoolkaa is ahaantood ugu gaadhaan. Sidoo kale caqabadihii iftiiminta ku xeernaa iyo duruufihii ku geedanna tabihii ay kaga samata bixi lahaayeen qaangadhnima la'aantii ay iyagu is badeen ayaa beryahan sidii hore ka soo roonaanaya. Kolkii dhinacaa laga fiiriyana gar ayay noqonaysaa ibaan nidhaahno, xilligani waa kii IFTIIMINTA, ama waagii Fereedhrig. ¹¹

Waxa jira Wabar isagu had iyo goor sheega in uu qabo in dadka aan diintooda looga arrimin, balse loo madaxbanneeyo oo sidii la habboon ay falaan, si uu uga ufuudo in islaweyni iyo aabi lagu maago, debecsanaan se lagu majeerto. Wabarkaas baraarugsan oo kale ayaa u qalma in uu helo abaalmarinta xilligiisa iyo ka ku soo xigaba. Sababta oo ah waa kii u horreeyay ee aadmiga hagaaska ka furdaamiyay, ugu yaraan dhinaca dawladda, isaga oo qof kasta u daayay in uu garaadkiisa u adeegsado wixii damiirka ku saabsan. Wadaaddada waaweyn ee xurmada leh waxa uu u yeelay iyaga oo aan cid u dhawaan in ay dadweynaha si qayaxan — waxyaqaan ahaantooda — ugu sheegaan xukunka ay masaladaa ka qabaan, ama u soo meeriyaan nusuusta caqiidada ay rumaynteeda isku raacsan yihiin, ujeedku waa si ay dadweynuha is ahaantooda u faaqidaan oo wax isaga hufaan, hayeeshee taasi waxa u seetadheeranaysaa wadaadka oo aan wax dabar ahi xanibayn. Burjiga xorriyaddaasi waa in ay debedda u baxdo oo ay xitaa ku faafto deegaannada la liita in ay ka kacaan caqabadaha ay ku u sababtay dawlad aan aqoon waxa ay ku aaddan tahay¹².

Dawladda caynkaas ah waa in ay wax ka barato tusaalahaas hore, in aysan nabadgelyada guud iyo midnimada bulshada u cabsan inta ay xorriyaddu xooggan tahay, dadkaasina iyaga ayaa iskooda u doonaya in ay foolxumadaa ka baxaan, waa haddii uusan jirin qorshe loogu degay in xaaladdaas lagu sii hayo. Waxa aan isku taxallujiyay in dejiyo qodobbada bilawga u ah Iftiiminta — waa in ay dadku ka baxaan qaangaadhnima la'aanta ay iyagu is badeen — si gaar ah diinta ugu saabsan, maxaa yeelay hoggaamiyayaasheennu wax dan ah kama ay laha in ay gutaan doorkooda gacankuhaynta ee hawlaha fanka iyo sayniska. Arrimaha diinta oo gacanta loogu hayo waa ta ugu daran, waana jaadka ilaalinta ama gacankuhaynta ee dadnimada quudhsiga ku ah. Sidaas darteed madaxweynaha bogaadinaya iftiiminta arrimaha diinta, hawlahana sii wada, isaga oo ku qanacsan in aysan xeerdejintiisa halis ahayn haddii uu bulshadiisa u ogolaado in ay garaadkooda u adeegsadaan wixii wanaagsan ee guud, dadkuna ay soo bandhigaan soojeedintooda ku aaddan xeerdejin wanaagsan oo ay ku lammaan tahay faaqidaad aan xanaf lahayn. Boqorkeennii uu wiilkiisu waxqabadaas mudan oo dhan fuliyay ayaa tusaale inoogu filan, welina lama hayo cid u dhaw oo la mid ah.

Hayeeshee xitaa boqorkan (ama wabarkan) orgobadda ka cabsada, isaga oo haysta ciidan fara badan oo nabadgalyada guud u dabran, waxa ku suurtawda in uu si badheedh u yidhaahdo wax aysan odhan karin dawlado madaxbannaan: Waxad doontaan ka fekeraa iyo sidaan doontaanna u fekera, aniga se i adeeca. Haddaba bartaas ayuu ka soo baxayaa dhaqan yaab iyo amankaag leh oo aan dabciga aadmiga laga filayn, si uun ayuuna u faafayaa oo loogu arki doonaa goobo kale. Haddii se aan si guud u wada dhuganno waxa ay u muuqanayaan kuwa aad u kala geddisanayn. Suurtagalnima xorriyadda bulshada oo kobocda waxa ay u fiican tahay xorriyada fekerka toolmoonka ee bulshada, sidaas oo ay tahay in xoogaa la jaangooyo. Kol walba oo xorriyadda (rayidku) koobnaato, waxa ay arrintaasu u yeeshaa firfircooni iyo baaxad ay si midha dhal ah ugu faafto. Haddii ay dabiicaddu galkaas adag ka soo bixisay iniin ay dhaqaale iyo daryeel xooggan ugu roonaatay, iniintaas oo ah baxaalliga fikir xor ah oo loo dabranaado. Iniintaasi inta ay gadaal u soo fufto ayay dubaaqa shacabka si hor leh u saamayn doontaa, (isaga oo leh karti dhaqan oo xornimo), sidoo kale waxa ay taabanaysa aragtiyaha ay dawladdu ku dhisan tahay, taas oo garwaaqsan doonta in ay aadmiga — aan walaxda ahayn¹³ — si gobanima leh ula dhaqanto.

Ereyfur:

1. Sapere Aude: Eraygani asal ahaan waa laatiini, waana weedh laga soo xigtay dhamballada gabyaagii Hooraas, cutubka labaad iyo ilaa ka afartanaad. Tarjumiddeedu waxay bogaadinaysaa aqoonta iyo in barashadeeda lagu fara adaygo. Weedhan waxa adeegsaday oo baahiyay xubnaha ururka Jaallayaashii Xaqiiqada, waa urur la asaasay 1736-kii si ay u faafiyaan falsafaddii Leebnis—Woolf. Taas waxa ay wax meelmariyeen shilin ay labada dacal midkood ku xardheen Ilaahii murtida ee giriigga, fooddana waxay kaga sii xardheen madaxii Leebnis—Woolf, isaga ay hareerta kaaga taallo weedh aqoonta iyo barashadeeda bogaadinaysa, taas oo kol danbe noqotay hawraar u taagan ruuxda iftiiminta.

2. Kaant waxa uu halkan laba bilood ku kala xareeyay labadan erey ee Laatiinka ah, waa Naturaliter Maiorennes, taas oo aan ku tarjumay kuwa dhalan ahaan qaangaadhka ah ama HANAQAADKA ah, halka uu kan kale yahay, MINORENNES, kuwa feker iyo garaad ahaanba hagaaska ah ama QAANGAADHKA ahayn.

3. “Gangel Wagen” waa agabka carruurta lagu daadaheeyo, sal ma leh, qalab biro ah ayaa se dhinacyada kaga dheggan, si uu cunuggu ugu tallaabsado. Sidaas darteed Gaadhicarruur lama odhan karo, waxa se aan u doortay "Daadaheeya", sidoo kalana xool ma aha.

4. Ereyga Dadweyne waxa uu tilmaamayaa waxa aan maanta aragtida guud ama ta DADWEYNAHA u naqaan, ama dad higil ah oo isku xidhan oo wax guud ku midaysan, ama meel gaar ah ku kooban oo jiha keli ah wax ka meersada.

5. Falka asalka u ah dhawaqa falka fulinta ah ee ereyga ŔASONIERT, afka Faransiiska ayaa laga dheegtay, waxana looga jeedaa habfekerka toolmoon iyo xigashadiisa xeesha ee Mandiqa. Halkan se waxa si guud loogu adeegsaday fekerka XORTA ah.

6. Mudanaha keli ah ee boqor ama wabarka ah, waa Firiidrijkii Labaad, boqorkii Ruushka (1740 — 1786)

7. Weedhahani waa ay soo noqnoqdeen, waa "adeegsiga tooska ah" ama "adeegsiga guud ee GARAADKA", tabtoodii ayaan u daayay, Kaant waxa uu uga gol lahaa in ay dadku garaadka wax faaqidi ee madaxabannaan u adeegsadaha hawlaha guud, weliba faaqidaad xor ah, sida in uu qofku isaga oo qoraa ah oo fekeraya waxa uu soo saaray dadweynaha u soo bandhigo, waa isaga oo qofnimada iyo aqoontiisaba urursanaan gaar ah leeyahay, balse adeegsiga goonida ah waxa uu ku salaysan yahay arrimaha shaqada, taas oo qofka loo igmaday, waxana taas soo galaya wadaaddada, taliyayaasha ciidanka, iyo shaqaalaha dawladda. Iqk.

8. Ereyga Mad'hab iyo weedhaha kale ee soo raacaba uma dhigmaan ereyga asalka ah ee Symbol oo summad ah, iyada oo bartan ugu jirta ereybixin Laahoot-Masiixi ah oo kiniisadaha oo dhan isku raacsan yihiin, waxa ayna muujinaysaa wax ay wada rumaysan yihiin. Waddaada mad'habka burustutaanka ah waxa ay isku dhaarin jireen inta aysan xilka qaban in ay u hoggaansan kutubta mad'habkooda ku qeexan.

9. Waa erey Laatiin ah oo tilmaamaya guddida iyo xeerbeegtiga Kiniisadda.

10. Waa maahmaah Laatiini ah oo sidan u dhigan, CAESAR NON EST SUPRA.

11. Waxa ay tilmaamaysaa in uu Iftiimintu si wanaagsan u kobocday xilligii uu talada hayay Firiidriishkii Labaad, boqorkii Ruushka xilligaa.

12. Waa dawladda doonaysa in ay maarayso arrima aysan xog ogaal u ahayn.

13. Waa buug caan baxay oo 1738 Landhan ka soo baxay, waxana qoray faylasuufkii Faransiiska ahaa ee Juuliyaan Ofrey Laamtari (1709 — 1751) buugguna waa "Aadmiga Walaxdaa".

  • Qormadan waxa soo turjumey Mooge Umal.

Tags
Falsafad